haydaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydaar
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo rafaad. Haydaarta iyo waad ogayd hilinkii dheeraaye. Gudoodiguu la soo jiidhayaa go' iyo haydaare Dh: haydaaro. Li: raaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaaro
m.dh 1. Dhib, luggooyo iyo wixi lamida oo cid loo geysto. 2. Weyddiin badan oo cid aan wax hayn la weyddiiyo. la-mid: haydaarto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydaaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg haydaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaar
(fal) badar ama wax kale oo meel lagu kaydinayay, qabaw ha ku gaadho oo caaryayso.
haddaar -ka: (magac, lab, keli) kolka hadhuudhka iyo wixii la mid ah, ay biyo, ugu galaan halkii uu yiilley oo dhadhankiisa iyo dhalankiisaba wax iska beddelaan. Li: amad.
haddaar -ka: (magac, lab, keli) diidanaanta uu qofku wax diido. Dh: nacbaansho, diidmo.
haddaar -ka: (magac, lab, keli) mirqaan halkii la doonayay gaadhin oo caajis isku bedela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waydaar
m.l (-rro, m.dh) Waddo yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heydaarto
(Heydaarta-da)
Haydaarto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaarayn
m.f.dh eeg haydaaree. la-mid: haydaarays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaarays
m.l la-mid: haydaarayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafo
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan, dhib iyo haydaaro aad u ballaadhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balanbalay
erey yaab iyo naxdin isku jirta lagu cabbiro oo tilmaamaya in qofka leh uu rafaad iyo hoog u dhammaaday. Dh: ba'yaalay, ba'ay. balanbali: (fal) qof dhib iyo kadeed noloshiisa oo dhan saameeya u keen. Bakhayl marwo bilicsan uu guursaduu balanbaliyaayey. Dh: saxariiri, silci. balanbalin -ta: (magac, dhedig, keli) daranyo iyo haydaarto u gaysasho. Dh: hoojin, silcin, saxariirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaaree
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid haydaaro u gaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haydaarto
(Haydaarta-da)
1. Eed korka layska saaro; haaraan.
2. Dhibaato rafaad: (ama haydaaro, heydaarto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaarto
m.dh la-mid: haydaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haydaarto
f. n. blame, unjust accusation; grudge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydaarto
-da: (magac, dhedig, keli) eed dusha la iska saaro. Dh: haaraan, eed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haydaarto
a: haydaaro ~ heydaaro
de: blame, unjust accusation; grudge
lx: haydaarto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: haydaarto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baydacar
m.l Bey midab dacar ah ku dhafanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaari
f.mg3 (-iyay, -isay) Baadi xogteed cid weyddiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaaro
m.dh Baafinta la baafiyo wax lumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydalan
haydalan¹: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Neef ido ah wax caatoobey noqosho.
haydalan²: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Neef ido ah wax caato ah ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydalas
-ka: (magac, lab, keli) coon, doqon, nacas. Haydalas hawl looma dirto. Dh: caran. Li: fariid. Wa: haydalasyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heydaaro
(Heydaara-da)
Heydaarto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heydaaro
f. n. accusation; grudge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heydaaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg haydaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heydaaro
a: haydaarto ~ heydaarto
de: accusation; grudge
lx: heydaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: heydaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaybaar
m.l (-rro, m.dh) Meel qalabaysan oo tijaabooyinka cilmiga lagu sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaybaar
m.l (-rro, m.dh) Meel qalabaysan oo tijaabooyinka cilmiga lagu sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaybaar
m. n., [compound] laboratory
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaybaar
-ka: (n) laboratory (laa-ba-ratoori); lab (laab); medical lab oratory ~ labaratori
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaybaar
Laboratorio
Laboratory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaybaar
-ka: (magac, lab, keli) meelaha lagu baadho xanuunnada ee gaarka loo leeyahay. Dh: shaybaadh.
shaybaar -ka: (magac, lab, keli) qalab waxyaabo badan ka samaysan oo koronto ama caadi u shaqeeya oo waxyaalaha ilma-aragtada ah lagu ogaado iyo cudurada; shaybaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaybaar
de: laboratory
initial: s
lx: shaybaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: laborotori, rugta baarista
key: shaybaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shaydaan
-ka: (magac, lab, keli) makhluuq Ilaahay abuuray ka ugu sharka badan, ugu dhega adag, ugu gaalsan, cadawga ugu weyn ee qof leeyahay, aan waligi khayr ka talin, duufsada dadka, wanaagga kala dagaallama, xumaanta ku qalqaaliya, aan wad lahayn, aanay ishu arkaynin, diiday inuu Nebi Aadan u sujuudo, kibir badan, Aaden iyo Xaawo jannada kasoo saaray, Raxmaanka caasiyey, ku waari doona cadaabta. Shaydaan sharkii Allaw naga bedbaadi. Dh: Iblays, indhaxammil, cirfiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waydaari
(fal) isdhaafi oo laba shay isku beddel. Dh: weydaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adaar
-ka: (magac, lab, keli) geed carriseed xoolaha iyo ugaadhu ba daaqaan oo udgoon. Waxa uu u kala baxaa, adaarriyaad iyo adaarbiciid. Adaar badan baa ballayga ka dul baxay. Dh: adaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adaar
de: thornless medicinal plant with fruit resembling coffee beans
lx: adaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: adaar
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hadaa
maintenant, alors.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadar
f.mg1 (-dray, -dartay; -dri) 1. Qof jirran ama waalan hadal aan micno lahayn ku hadlid. 2. Wax runta ka fog ku faanid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadar
f.mg1 (-dray, -dartay; -dri) 1. Qof jirran ama waalan hadal aan micno lahayn ku hadlid. 2. Wax runta ka fog ku faanid. m.f.dh, hadrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadar
-ka: (magac, lab, keli) hadalka qofka gama'sani ku hadaaqo kolka uu hurdo. Goobaha colaadeed hadarku waa halis. Dh: qaraw.
hadar-ka: (magac, lab, keli) hadalbadni iyo afmiishaarnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaar
(Cayaar-ta)
1. Wax kastoo la qabto oo loola jeedo in laga helo farax, reyrreyn iyo qosol, jeel; madaddaalo, kd. (shax, turub, tartan, legdan, laal, ...): dheel.
2. Aan dhab ahayn; kaftan; (ama ciyaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaar
cayaar¹: m.dh (-ro, m.dh) 1. Madaddaalo tab iyo xeel loo dheelo leh oo ay dadku waqtiga isku dhaafiyaan. 2. Fal, jaan iyo jiib leh oo ay dhallinyaradu habeenkii waqtiga iskudhaafiyaan. 3. Tartan kubbad, orod iyo wixi lamida. 4. Kaftan aan run ahayn. la-mid: ciyaar¹.
cayaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Madaddaali tab iyo xeel leh waqti isku dhaafin. 2. Fal, jaan iyo jiib leh habeen waqti isku dhaafin. 3. Tartan kubbad, orod iyo wixi lamida ka qaybqaadasho. 4. Kaftan dhihid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayaar
cayaar¹: m.dh (-ro, m.dh) 1. Madaddaalo tab iyo xeel loo dheelo leh oo ay dadku waqtiga isku dhaafiyaan. 2. Fal, jaan iyo jiib leh oo ay dhallinyaradu habeenkii waqtiga iskudhaafiyaan. 3. Tartan kubbad, orod iyo wixi lamida. 4. Kaftan aan run ahayn. la-mid: ciyaar.
cayaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Madaddaali tab iyo xeel leh waqti isku dhaafin. 2. Fal, jaan iyo jiib leh habeen waqti isku dhaafin. 3. Tartan kubbad, orod iyo wixi lamida, ka qaybqaadasho. 4. Kaftan dhihid. m.f.dh, cayaarid. la-mid: ciyaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaar
f. n. game, match, sport; dance; play, recreation; joking
cayaar v. play; dance; drill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayaar
-ta: (n) play (paleey); game (geeym); dance (dhaansi) ~ ciyaar
cayaar -ay / tay: (v) play (paleey)-, play a game
cayaar -ta: (n) a playful trick; joke (jook); prank (praank)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cayaar
Giuoco
Play
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaar
(fal) is madadaali oo dheel qoobkaciyaar iyo wax la mid ah. Dh: dheel, ciyaar.
cayaar: (fal) jimicsi samay; kubad iyo wax la mid ah dheel. Dh: dheel, ciyaar.
cayaar -ta: (magac, dhedig, keli) wax kaste oo jiib iyo jaan leh ama maskaxda iyo maanka lagu maamulo oo ay naftu u riyaaqdo; wax kaste oo la qabto oo loola jeedo in laga helo farxad, rayrayn iyo qosol, madadaalo iyo wixii la mid ah, sida: shax, tartan, legdan, laal, iyo wixii la mid ah. Dh: dheel, ciyaar.
cayaar-ta: (magac, dhedig, keli) wax kaste oo an dhab ahayn ama lagu dheeldheelo. Cayaar bay iga ahayde, ma aanan guursan!
cayaar -ta: (magac, dhedig, keli) garangar yar oo inta xadhig laga dhex dusiyo, waxyaabaha culus lagu shubashubeeyo. Dh: cayaari, khafiyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eydaar
-ta: (magac, dhedig, keli) hal sidkeegii soo dhoweysay. Dh: fooladka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaar
(Habaar-ka)
Qof, kd., loo baryo in wax xumi gaaraan; inkaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaar
habaar¹: m.l Dhibaato cid Eebbe looga baryo.
habaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid belaayo haleesha Ilaah uga baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaar
habaar¹: m.l Dhibaato cid Eebbe looga baryo.
habaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid belaayo haleesha Ilaah uga baryid. m.f.dh, habaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaar
m. n. curse
habaar v. curse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaar
-ay / tay: (v) prayer for evil or misfortune to happen someone or something; curse (keers)-, damn (dhaam), —habaar -ka: (n) curse (keers)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaar
(fal) Eebbe qof ama wax kale, xumaan uga bari. Li: ducee.
habaar -ka: (magac, lab, keli) baryada Ilaahay xumaan iyo kadeed cid kale looga baryo. Habaar hoostii ma dhaafo. Li: duco.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
habaar
لَعْنَهُ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaaf
(Hadaaf-ka)
Socod gaabis ah; hudeec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaaf
hadaaf¹: m.l 1. Socod tartiib loo socdo. 2. la-mid: hadaafid.
hadaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Socod tartiib ah socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadaaf
f.mg1 (-fay, -ftay) Socod tartiib ah socosho. m.f.dh, hadaafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadaaf
m. n. slow pace
hadaaf v. walk slowly, drag along
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaaf
(fal) qaab kala daadsani iyo caajis ka muuqdaan oo kala lulasho ah u soco; si wax indhala' u soco. Wiyil gees leh gaatama biciid gorey hadaafaaya. Dh: hudeec.
hadaaf -ka: (magac, lab, keli) socod gaabis ah oo kala daadsanaan iyo daal ku jiraan; socodka qofka indhaha la' ama ilmaha yar ee aan meel uu u socdo garanayn; socod uu weheliyo degenaansho iyo culays. Dh: hudeec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaaq
(Hadaaq-a)
Carruurta hadal-baradka ah hadalkooda; hadal-carruureed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaaq
hadaaq¹: m.l 1. Hadal aan la garanayn oo carruurta aan hadalbaran ku dhawaaqdo marka ay ciyaarayaan. 2. Hadal aan micno lahayn. 3. la-mid: hadaaqid.
hadaaq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Carruur hadal barad ah hadal aan la garanayn ku dhawaaqid. 2. Hadal aan micno lahayn dhihid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadaaq
m. n. baby-talk, prattle, babble
hadaaq v. talk baby-talk, babble, prattle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadaaq
-a: (n) baby's babble; baby talk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaaq
(fal) sida carruurta u had-hadal.
hadaaq-a: (magac, lab, keli) ereyada iyo weedhaha ka soo baxa carruurta hadal baradka ah; hadalcaruureed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haddaa
Hadahaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaa
conj., [expression] so, therefore, then
haddaa: question word, time: now?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddaa
(adv) at this time; yet (yat). Ex: haddaa diyaar ma aha; isn't ready yet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaa
(xidhiidhiye) miyaanay ahayn! haddanad heesay, haddaa maxaad fanka ugu biirtay?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaar
(Hawaar-ta)
1. (summad) jiitin; xarriq jiifta.
2. Fadhi ballaaran; barraaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaar
hawaar¹: m.l 1. Si bahardaad ah oo geelu u fariisto. 2. la-mid: hawaarid.
hawaar²: m.dh (-ro, m.l) Jiitin weyn oo geela dheegga looga sunto.
hawaar³: f.mg1 (-ray, -rtay) Si barraaq ah u fariisasho (neef geel ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawaar
v. sit untidily, sprawl (out)
hawaar [feminine] n. special cattle-brand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaar
(fal) si kala daadsan u fadhiiso. Dh: barraahso, barraaqso.
hawaar -ka: (magac, lab, keli) summad jiitin ah oo xoolaha lagu sameeyo.
hawaar -ka: (magac, lab, keli) fadhi bahardaad ah oon macna lahayn. Dh: bahardaad, barraaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaan
(Hayaan-ka)
Geeddi dheer oo dhib badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaan
hayaan¹: m.l 1. Dhawr geeddi, aan kala go' lahayn, oo meel fog loogu guuro. 2. H. ah: dad iyo xoolo guuraya oo meel fog u socda.
hayaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dhawr geeddi oo aan kala go' lahayn meel fog ugu guurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hayaan
hayaan¹: m.l 1. Dhawr geeddi, aan kala go' lahayn, oo meel fog loogu guuro. 2. H. ah: dad iyo xoolo guuraya oo meel fog u socda.
hayaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dhawr geeddi oo aan kala go' lahayn meel fog ugu guurid. m.f.dh, hayaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayaan
m. n. long journey, hard trek, migration
hayaan v. make a long journey ~ hard trek, migrate to a better place
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hayaan
name-m long journey, hard trek, migration. Lit: he who was born during a long journey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hayaan
-ka: (n) a long journey in search of rain and pasture for the livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hayaan
magac loo baxsho wiil dhashay xilli uu reerku geeddi dheer ku jiray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaan
(fal) meel fog oo dhul abaar ihi ka sokeeyo, u guur. Dh: kaynaan.
hayaan -ka: (magac, lab, keli) geeddi dheer oo maalmo qaata. Reerahan hayaanka u baxee meder ku huugaamay. Dh: qayaad, dalandool, kaynaan, callad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaay
m.dh 1. H. baaqid; h. u yeerid. 2. (e.d) Waryaa! naayaa!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayaay
inter. help!
hayaay [feminine] n. call ~ screaming for help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaay
-da: (magac, dhedig, keli) erey gurmaddoon ah oo lagu qayliyo marka dhiillo jirto ee ciidan iyo cududba la codsanyo. Dh: waawarey, gurmadaay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydal
haydal¹: m.l h. ah: neef ido ah oo caato ah.
haydal²: f.mg1 (-lay, -ashay) Neef ido ah caatoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodaar
-ka: (magac, lab, keli) ruux jabbaarad iyo burji yeesha; qof jinni iyo jalaal Eebbe ku mannaysto. Dh: jabbaar, hoggaan, libaax, hodaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaar
(Madaar-ka)
1. Hadal daboolan oo cid loola dan lee yahay; duurxul; araarasho.
2. Talal; taah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madaar
madaar¹: m.l 1. Gadgaddoonka iyo taaha uu qof buka sameeyo xanuun awgiis. 2. Cida ay sameeyaan xoolo ilmohooda u soo insaarixinaya.
madaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Qof buka, xanuun awgiis taah iyo gadgaddoon samayn. 2. Xoolo ilmohooda u soo insaarixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaar
v. conceal one's meaning, talk with hidden meaning; use sign language
madaar m. n. airport
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaar
-ka: (n) airport (eer-poort) ~ eeraboor, gagada dayuuradaha
madaar -ka: (n) 1. groaning (gur-uuning)-, mournful cry, usually of pain; moan (moown) ~ jibaad, taah. 2. figurative speech; metaphor (meta-foor) ~ duurxul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaar
(fal) taah iyo guux samee adoo hurda. Sidii nin buka u madaar ha lagu daayee. Dh: taah.
madaar: (fal) ci' qayla dheer leh ci'. Sida dameeraha u madaar. Dh: ci'.
madaar: (fal) hadal sarbeeb ah ku hadal. U madaar marka hore hadday fahmi waayaanna u caddee. Dh: sarbeeb.
madaar -ka: (magac, lab, keli) dhawaaq ci kulul sameeya siiba fardaha. Dh: danan, ci'.
madaar -ka: (magac, lab, keli) garoonka diyaaraduhu ku degaan kana duulaan. Dh: gego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaydar
m.l Geed weyn oo qodax leh oo quraca la bah ah oo leh mayrax fiican iyo xabag la cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaydar
-ka: (magac, lab, keli) geed ay isa sawaa- biyaan cadaadda oo balliyada agtooda ka baxa oo hadh wanaagsan iyo qodxo godgodan leh. Geed qaydar ah ayaan hadh gallay Dh: bilcin.
qaydar -ka: (magac, lab, keli) balli biyo leh. Qaydar ayay xooluhu ka cabbeen shalay. Dh: ceel. Wa: qaydarro.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xaydar
nickname; name-m fine; soft haired. Syn: Yalax, Yalaxow, Yoolax
Carabi: name-m lion, strength
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydaal
-ka: (magac, lab, keli) baaskiilka intiisa labada lugood wareejiyaan ee silsiladdu ku duuban tahay, shaagagga sii wareejisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baydaan
m.l Geed weyn oo aan qodax lahayn oo caleemo balballaaran iyo miro kuuskuusan oo la cuno leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baydaan
m.l Geed weyn oo aan qodax lahayn oo caleemo balballaaran iyo miro kuuskuusan oo la cuno leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardaar
(fal) cid kale, dabadaa waxa uu samayn lahaa u sheeg oo tilmaan.
dardaar -ka: (magac, lab, keli) xiddig cad oo soo baxda habeenkii. Dadaar iyo dirirkiiba soo baxe innoo dareersha ciyaarta.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
FARDAAR
(Fardar) May Aspilia mossambicensis (Oliv)Willd. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fardaar
(fal) ka khalad wax uu qofku wado. Dh: qalindaar.