haybraadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybraadin
-ta: (magac, dhedig, keli) haybweydiin; haybin; haybis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadin
(Harraadin-ta)
Harraad badid; biyo la cabbo u diidid; oomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadin
m.f.dh eeg harraadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, harraad ku ridid; noole inuu harraado sabab u noqosho. Dh: oomin, harraadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarin
m.f.dh eeg haybaari. la-mid: hay-baaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybsad
-ka: (magac, lab, keli) cid aad raadinayso haybtiisa weydiin, doondoonid. Dh: haybraadin, haybsasho, haybsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadin
m.f.dh eeg abaadi. la-mid: abaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) goofinta wax jiray iyo baabi'intiisa. Abaadinta beerta, anaa kugu dhaafay. Dh: goofin, baabi'in.
abaadin -ta: (magac, dhedig, keli) waarinta wax jira iyo raajintiisa. Abaadinta uunka, Allaa iska diiday.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haraadi
-ga: (n) one that falls behind among moving herd; straggler (straaglar) ~ dabaadi-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraadi
(fal) cid oonsii oo biyo u baahsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabaadin
(Cabaadin-ta) (ka cabaadin)
Cabaad ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadin
m.f.dh eeg cabaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» cabaad ka keenid. Dh: cabaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraadin
(Caraadin-ta)
Boorrin; tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraadin
m.f.dh eeg caraadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraadin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale tirtirsiin. Dh: boorrin, tirtirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraadin
-ka: (magac, lab, keli) nin lafaha jaba kaba kuwa burburana gura oo aqoon dheer u leh lafaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabin
(Habaabin-ta)
Qof, kd., dhul uusan kala aqoon ku dhex lumin; anbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabin
m.f.dh eeg habaabi. la-mid: habaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) anbinta qof jidkii qummanaa laga anbiyo ama laga leexiyo. Dh: Jumin, anbin, hallayn. Li: toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaasin
(Habaasin-ta)
(xoolo: lo', kd.) neef rimman, kolka candhadiisa caano ku soo gurmaan oo soo weynaanteeda la gurto; jimic noqosho; gorin; xoomis; caris.
2. Siigo kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaasin
m.f.dh eeg habaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) habaas ama siigo kicin; awaaro kicin. Dh: siigayn, awaarayn.
habaasin -ta: (magac, dhedig, keli) candhada weynaan oo dhalmada oo dhaw darteen u soo buurnaansho. Dh: dhaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraacin
m.dh la-mid: hiraacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraacin
vl. n. wrinkle; rippling (of water ~ grass)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraacin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, meel kasta buuxin oo in yar dhaqdhaqaaqid. Dh: haraacis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraacin
de: wrinkle; rippling (of water ~ grass)
lx: haraacin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: haraacin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraatin
m.dh la-mid: haraatiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraatin
-ta: (magac, dhedig, keli) haraati ku dhufasho. Dh: harraatin, laadid, haraatiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley harraad badid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harraadi
v. make someone thirsty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadi
(fal) cid kale inay harraaddo adigu sabab u noqo. Dh: oomi, asqay.
harraadi -da: (magac, dhedig, keli) cagta oo xoog la isugu dhufto nabarkeeda. Dh: harraati, laad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harraadi
de: make s.o. thirsty
lx: harraadi
pd: (harraadiyey)
ps: v2a=tr
key: harraadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamin
(Hayaamin-ta)
Meel fog oo abaari ka sokayso xoolo u kaxayn; kaynaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamin
m.f.dh eeg hayaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha meel fog oo doog iyo naq leh u rarid. Dh: kaynaanin, hayaamis, qayaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaari
f.mg3 (-iyay, -isay) Baadi xogteed cid weyddiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horaadin
m.f.dh eeg horaadi. la-mid: horaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyaadin
m.f.dh eeg hoyaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadin
m.f.dh eeg saraadi. la-mid: saraadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badbaadin
(Badbaadin-ta)
Badbaado siin; nabadgelin; samatabbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbaadin
m.f.dh eeg badbaadi. la-mid: badbaadayn, badbaadis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
badbaadin
to save
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badbaadin
vl. n. safeguarding, act of caring for
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badbaadin
-ta: (n) salvation (saal veey shan) ~ badbaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo col la filayay ka ilaalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badbaadin
de: safeguarding, act of caring for
lx: badbaadin
pd: (-ta)
ps: vn-f
xe: An infant needs caring for.
xv: Dhallaanku badbaadin buu u baahanyahay.
key: badbaadin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaasin
m.f.dh eeg hambaasi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadan
Harraadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax harraad hayo ahaansho. 2. U h.: Wax, wax aad u jecel ahaansho. la-mid: harraadsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harraadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax harraad hayo ahaansho. 2. U h.: Wax, wax aad u jecel ahaansho. m.f.dh, harraadnaan. la-mid: harraadsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harraadan
der. [adjective] thirsty, 'dry'; desirous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
harraadan
-aa: (adj) desiring to drink; thirsty (theresti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadan
(tilmaame) qof ama cid kale oo oomman; cid biyo u baahan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harraadan
a: harraadsan
de: thirsty, 'dry'; [ext.] desirous
lx: harraadan
pd: (harraadnaa)
ps: adj-der
key: harraadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadid
(Harraadid-da)
Biyo la cabbo u baahasho; oomid; asqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadid
m.f.dh eeg harraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadid
-da: (magac, dhedig, keli) mid oomman oo harraaday ahaan. Dh: harraadis, asqoobid, oomis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg harraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraatin
m.dh la-mid: haraatiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaaris
m.l la-mid: haybaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaadin
(Nabdaadin-ta)
Nabdaaddiyid; nabdaysasho; salaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) gacanqaadid salaamid, Nabdaadintu waa dembidhaaf.
nabdaadin -ta: (magac, dhedig, keli) bariido iyo salaan ula tegid. Nabdaadinta ha naga la goosan. Dh: salaamid, bariidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayraamin
m.f.dh eeg qayraami. la-mid: qayraamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadin
m.f.dh eeg dhambacaadi. la-mid: dhambacaadis¹.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaqo raadin
In cerca di lavoro
Work seeking
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahardaadin
m.f.dh eeg bahardaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahardaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xun u fadhiisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halladaadin
(Halladaadin-ta)
Baylihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halladaadin
m.f.dh eeg halladaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halladaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) si u la kas ah xoolo u baylihin. Dh: baylihin, halladaadis. Li: baylahtirid, ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabin
m.dh la-mid: ababin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ama ilmo yar, sida wax loo cuno, barid. Dh: ababin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaadid
(Abaadid-da)
(ku abaadid) ku daa'imid, ku waarid, ku ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadid
m.f.dh eeg abaad². la-mid: abaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadid
-da: (magac, dhedig, keli) duugowga iyo dabargo'a tilmaamaya baabi'idda wax jiray. Dh: goofid, gaboobid, raagid, duugoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg abaadid. abaaditaan -ka: (magac, lab, keli) waaritaan ama raagid. Dh: abaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaahin
m.f.dh eeg abaahi². la-mid: abaahiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaahin
-ta: (magac, dhedig, keli) saarashada awrku hasha ku dhoodo. Abaahinta awrta waa loo milay dayaa. Dh: dhoodis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) deegaan, xaaluf iyo oomane ka yeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaydin
(Abaydin-ta)
1. Carruur, caanaha ay hooyada ka nuugaan, ka gooyn.
2. Caano aan kuwa hooyo ahayn (oo xoolaad) carruur siin oo ku korin.
3. Carruurta lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaydin
m.l/dh.kh A. ah: ilmo yar oo naaska hooyo aan nuugin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaydin
m.l/dh.kh A. ah: ilmo yar oo naaska hooyo aan nuugin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaydin
m. n. child abandoned by his mother; baby that has been weaned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaydin
-ka: (n) a young mammal that has been abandoned by it's mother; weaned (wiinid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaydin
-ka: (magac, lab, keli) ilmo caananuug ah; carruurta cunista hadda uun baranaysa.
abaydin -ka: (magac, lab, keli) ilma caananuug ah naaska ka gudhin; naas ka deyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaydin
de: child abandoned by his mother; baby that has been weaned
lx: abaydin
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m; n1-f
key: abaydin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka shaqayn colaad dhexdhexaadinteed.
araarin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo sii daajin inta aanay ceelka tegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradin
m.f.dh eeg arradi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka c.: neef geel ah xanuujin si uu cabaad u sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabaadi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka c.: neef geel ah xanuujin si uu cabaad u sameeyo. m.f.dh, cabaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabaadi
v. cause to scream; violate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadi
(fal) «ka ~» ka qaylisii; ka dhawaaji; wax cabaadaya ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabaadi
de: cause to scream; violate
lx: cabaadi
pd: (cabaadiyey)
ps: v2a=
key: cabaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof dagaal ku guubaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caraadi
v. encourage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraadi
(fal) cid kale, wax ku boorri. Dh: tirtirsii, guubaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caraadi
de: encourage
lx: caraadi
pd: (caraadiyey)
ps: v2a=
key: caraadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaadi
(Dabaadi-ga)
(xoolo) weligood aad u danbeeya kolka la soconayo; dib u hara; aan caarad ahayn; haraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaadi
m.l 1. Xilli, intiisa ugu dambeysa. Tusaale: “Gu'ga dabaadigiisa baa geelu dhalay”. 2. D. ah: neef had iyo jeer xoolaha gadaashooda socda; haraa.