haybaarsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarsad
m.l la-mid: haybaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarsad
m.l la-mid: abaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaarsad
-ka: (magac, lab, keli) deegaan abaari heshay noqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarsad
-ka: (magac, lab, keli) barraaqsadka iyo fadhi aan habaysnayn oo kala baahsan fadhiisi; hawaarsi u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarsi
m.l la-mid: haybaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarso
f.mg3 (-saday, -satay) Baadi xogteeda cid weyddiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaysad
m.l la-mid: haybadeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarsad
m.l la-mid: khabaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarsad
-ka: (magac, lab, keli) warar iyo xog ka raadin. Dh: waraysad, akhbaarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xambaarsad
m.l la-mid: xambaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaarsad
-ka: (magac, lab, keli) dusha saarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarsasho
m.f.dh eeg haybaarso. la-mid: haybaarsad, haybaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybadeysad
m.l la-mid: haybadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybadeysad
-ka: (magac, lab, keli) haybad ka qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybara
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar u dhaxaysa ragga iyo haweenka oo leh luuq la isku ammaano oo guubaabo iyo cay, waano iyo mid lagu dheelo. Ninka laashinka ah wuxuu ku dhex wareegaa goobta, isagoo wata seef, kuna tartamaya gabadh raacda ninka tabta dagaalka seefta ku badiya, waxaana goobtaasi looga dareeraa ninka looga raayo isaga oo dhulka jiifa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haybsad
(Haybsad-ka)
Haybsasho; haybsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybsad
m.l la-mid: haybsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybsad
-ka: (magac, lab, keli) cid aad raadinayso haybtiisa weydiin, doondoonid. Dh: haybraadin, haybsasho, haybsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaarad
m.dh la-mid: dayuurad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayaarad
-da: (n) airplane (eer-paleeynn); aeroplane (eero-paleeyn); aircraft (eer-karaaft); airliner (eer-laayner) ~ dayuurad, diyaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaarad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadiidka cirka duula kan ugu caansan. Dayaaradda xiimiyeey xaawaay; xaggaa bari ma isku raacnaa. Dh: dayuurad, diyaarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaarad
-da: (magac, dhedig, keli) kaabadda agalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaaran
La habaaray; habaar ku dhacay; habaar qaba; inkaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaaran
habaaran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax habaar ku dhacay ahaansho.
habaaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax habaar ku dhacay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaaran
habaaran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Wax habaar ku dhacay ahaansho. m.f.dh, habaarmid.
habaaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax habaar ku dhacay noqosho. m.f.dh, habaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaaran
der. [adjective] cursed, accursed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaaran
(adj) being under a curse: cursed (keersidh); doomed (dhuumidh); accursed (a-keersidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaaran
(tilmaame) qof habaar ku dhacay: qof habaar qaba; qof inkaaran. Li: ducaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaaran
de: cursed, accursed
lx: habaaran
pd: (habaarnaa)
ps: adj-der
key: habaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarid
m.f.dh eeg habaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax xun iyo dhib Alle uga baryid. Habaaridda laguma degdego. Li: ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanad
-da: (magac, dhedig, keli) dirir afka ah oo canaan iyo guulguulid ah. Dh: dirir, hanjabaad, guhaad, cagajuglayn.
hayaanad -da: (magac, dhedig, keli) cid kuu baahatay, si xun ula dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaayad
(Hayaayad-da)
Hado (ama hadaayad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaayad
m.dh la-mid: hadaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayaayad
f. n. cover, lid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaayad
-da: (magac, dhedig, keli) hadaayad; hado; hanuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayaayad
de: cover, lid
lx: hayaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: hadaayad
key: hayaayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaari
f.mg3 (-iyay, -isay) Baadi xogteed cid weyddiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaaro
m.dh Baafinta la baafiyo wax lumay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarsan
(tilmaame) mid cayaartiisu wanaagsan tahay; mid si fiican dheela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarsad
m.l la-mid: dambarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarsad
-ka: (magac, lab, keli) neef ishin ah oo dhalay danbar ka maalid. Dh: danbarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarsad
-ka: (magac, lab, keli) neef hadda uun dhalay, dambar maalid. Dh: dambarsad. danbarsad -ka: (magac, lab, keli) meherad aad in badan ka shaqaysay natiijo fiican ka gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabsad
m.l la-mid: gabaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabsad
-ka: (magac, lab, keli) wax badnaa oo yaraada ama is dhima.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarmid
m.f.dh eeg habaaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof habaar ku dhacay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarran
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) (dii.) In Eebbe cid waxyeello gaarsiiyo baryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarran
(fal) Ilaahay dhib iyo kadeed cid kale u weydii. Li: ducee.
habaarran -ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo dhib Alle, cid kale uga baryid. Habaarranka qof dhibban baa loo banneeyay. Li: ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaartan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Is habaarramid (laba qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaartan
v. curse each other, hurl curses at one another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaartan
(fal) eeg habaarran.
habaartan-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wax xun, Alle uga bari. Dh: habaarran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaartan
de: curse each other, hurl curses at one another
lx: habaartan
pd: (habaartamay)
ps: v1=recip
key: habaartan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakaabsad
m.l la-mid: hakaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamaansad
(Hamaansad-ka)
Hamaansasho; hamaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaansad
m.l la-mid: Hamaansasho; hamaa-nid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaansad
-ka: (magac, lab, keli) afka kala waaxis iska timaadda oo neef badan afka laga keeno, kolka la iska dareemo daal ama hurdo ama wax la mid ah. Dh: hamaansi, hamaansasho, hamaahsad, hamaahsi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hamaansad
تُؤَبَاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaasid
m.f.dh eeg hambaas². la-mid: hambaas¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax barraaq u fadhiya ahaansho. la-mid: hawaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarsan
(itlmaame) sumad hawaar ah loo sameeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaansan
(tilmaame) cid kaynaansan ama hayaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarin
m.f.dh eeg haybaari. la-mid: hay-baaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaaris
m.l la-mid: haybaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabbaarad
-da: (magac, dhedig, keli) qof haweeney ah oo hoggaamiye ama xaakin ah oo dulmi iyo xadgudub ku dhaqanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabarsad
m.l la-mid: khabarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabarsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, khabaar ka raadin. Dh: waraysad, akhbaarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaarsad
m.l la-mid: maqaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xambaarad
m.l la-mid: xambaarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xambaarad
vl. n. upholding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaarad
-ka: (magac, lab, keli) dhabarka wax ku qaadasho; dusha u ridasho oo qaadid. Dh: xanbaarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xambaarad
de: upholding
initial: x
lx: xambaarad
pd: (-da)
ps: vn-f
see: xambaaro
key: xambaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaarad
(Xanbaarad-da)
Xanbaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaarad
-ka: (magac, lab, keli) dhabarka wax ku qaadad; dusha wax saarad. Dh: xambaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaarsad
m.l la-mid: ballaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaarsad
-ka: (magac, lab, keli) fidsasho oo gogol iyo wixii lamid ah ballaadhsasho. Ballaarsadka saanta cidi kuuma diidin. Dh: ballaadhsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaarcad
m.dh (-dyo, m.dh) Qawad. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; qawad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambaarcad
m.dh (-dyo, m.dh) Qawad. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; qawad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambaarcad
f. n. disease of the skin characterized by bright spots on the skin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaarcad
-da: (magac, dhedig, keli) cadcaddaan dubka ah oo aan nabarro lahayn oo qoorta iyo dhabarka ku baaha oo dadka ku dhacda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambaarcad
cf: qawad (less serious)
de: disease of the skin characterized by bright spots on the skin
lx: cambaarcad
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: cambaarcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarsad
m.l la-mid: dharaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarsad
m.l la-mid: gargaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarsad
-ka: (magac, lab, keli) taageersad, cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garraarsad
(Garraarsad-ka)
Garraarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraarsad
m.l la-mid: garraarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraarsad
-ka: (magac, lab, keli) garraar xidhasho. Dh: garraarsi, garraarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaabsad
-ka: (magac, lab, keli) gacanta wax kaa durugsan ku soo qaadasho. Dh: gacantogaalayn, hankaabsasho, hankaabsi, laacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaarsan
(tilmaame) qof jaahwareersan, qof dhirifsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawraarsan
(Waa hadal wanaagsan!) hallayeelo; waa tahay; haye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawraarsan
inter. all right!, hear hear! quite so! yes sir! will do!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawraarsan
(interjection) used to express approval or agreement; yes (yees)-, Ex: waa hawraarsan; that is OK
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawraarsan
(tilmaame) erey lagaga jawaabo hadal wuxuu farayo la oggolaaday. Dh: haye, waatahay. waayahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawraarsan
de: all right!, hear hear! quite so! yes sir! will do!
lx: hawraarsan
ps: intj
key: hawraarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemaarsad
m.l la-mid: heemaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemaarsad
-ka: (magac, lab, keli) burcad iyo geedo intaad isku darto, heemaar ka samaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabbaansad
(Qabbaansad-ka)
Qabbaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbaansad
m.l la-mid: qabaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbaansad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qabbaanasho.
qabbaansad -ka: (magac, lab, keli) meel qariib lagu yahay, cid dhawaale ah ka raadsasho. Magaalada ma garanayne qabbaansad ayaan kuu imid. Dh: qaraabaysi.