hayaanaday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanaday
(fal) hanjabaad iyo guulguul tus; qof kale u cagajuglay.
hayaanaday: (fal) wax aad leedahay, qofka u soo baahda, si xun ula dhaqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid la diririd oo u hanjabid afka uun ah. Dh: hanjabid, diririd, guhaadin.
hayaanadayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof u soo baahday wax aad leedahay, si xun ula dhaqmid. Dh: hayaanadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hayaanadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanad
-da: (magac, dhedig, keli) dirir afka ah oo canaan iyo guulguulid ah. Dh: dirir, hanjabaad, guhaad, cagajuglayn.
hayaanad -da: (magac, dhedig, keli) cid kuu baahatay, si xun ula dhaqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanadee
(fal) cid u hanjab oo afka kala dirir. Dh: guhaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanaday
(fal) yaryaree si la isugu fillaysiiyo. Innoo bannaanadee biilka. Dh: tashiil, farsamee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabyaaladay
(fal) dad meel wada jooga kala qolaqolee oo qabiil qabiil u qaybi. Dh: qabyaaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataaraday
(fal) shataarad wax kaga qaad; adeegso xirfad iyo waxaad wax ku heli kartaba. Dh: shidaaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaanad
-da: (magac, dhedig, keli) mabaadii' iyo diin cidi aaminsan tahay. Nin dayaanad lihi xaajadaa kama dulboodsheene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaayad
(Hayaayad-da)
Hado (ama hadaayad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaayad
m.dh la-mid: hadaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayaayad
f. n. cover, lid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaayad
-da: (magac, dhedig, keli) hadaayad; hado; hanuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayaayad
de: cover, lid
lx: hayaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: hadaayad
key: hayaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaansan
(tilmaame) cid kaynaansan ama hayaan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaanday
(fal) shalwi oo meel sare hoos uga soo qululi. Hoos u soo walaanday hadaad saari kari weydo.
walaanday: (fal) wada qaada oo isla qabta. Walaanday raashinka. Dh: waldaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamaday
(fal) summadee; tusmee; calaamadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaayaday
(fal) cid kale, si taban wax uga sheegsheeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraasaday
(fal) cilmi ahaan u baadh oo raadintaan. ku samee. Dh: diraasadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakaday
(fal) hadal dacaayad ah oo kaftan ah ku dheh. Xanaakaday bal inuu cadhoodo. Dh: xanaakadee, dacaayadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yaryarayn si la isugu fillaysiiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta reer guuraya; kaynaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabyaaladayn
m.f.dh eeg qabyaaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shataarad wax kaga qaadid. Dh: shataaradays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataaradays
-ka: (magac, lab, keli) shataaradayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadayn
m.dh la-mid: calaamadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) summad u yeelid. Dh: astayn; calaamadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaamadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaayadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax ka sheegid. Dacaayadaynta dadka waaweyn ka daaya. Dh: dicaayadeyn. Li: ammaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraasadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta baadhis cilmiyaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawaanahan
(adv) recently (rii- santli); lately (leeytli); not long ago ~ waqtiyadaan dambe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaamacays
-ka: (magac, lab, keli) hilibka dabka la duldhigdhigo ee lagu dubo. Dh: solay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanalow
m.l (-wyo, m.dh) Qof dhagar badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khayaanalow
m.l (-wyo, m.dh) Qof dhagar badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayaanalow
m. n. (adj.): sneaky person, cheater, deceiver; tricky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanalow
-ga: (magac, lab, keli) qof khiyaano iyo dhagar badan. Dh: khiyaanoole, khayaanoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayaanalow
de: sneaky person, cheater, deceiver; [atr.] tricky
lx: khayaanalow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: khayaanalow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khiyaanadee
v. cheat, deceive, trick
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khiyaanadee
de: cheat, deceive, trick
lx: khiyaanadee
pd: (khiyaanadeeyey)
ps: v2b=
key: khiyaanadee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khiyaanadle
m. n. deceiver, cheater, trickster
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khiyaanadle
-ha: (magac, lab, keli) qof siyaasad badan oo dadka khiyaameeya. Dh: khiyaanadlow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khiyaanadle
de: deceiver, cheater, trickster
lx: khiyaanadle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: khiyaanadle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marawaxaday
(fal) marawaxad u dhig oo ku qabooji: marawaxad u samee. Dh: marawaxade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraaxadayn
m.f.dh eeg qaraaxadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraaxadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dacaayadayn oo hadal dheeldheel ah cid kale ku dhihid. Qaraaxadaynta ka jooji wiilka. Dh: dacaayadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaaxaday
(fal) sabbaaxad ku leged, ku dhufo. Ninku wuu sabbaaxadeeyey si kale ii ma legdeene.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaasadayn
(Siyaasadayn-ta)
Si siyaaso ah, cid la gelid, wax kaga qabasho; xeeladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaasadayn
m.f.dh eeg siyaasadee. la-mid: siyaasadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaasadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si siyaaso ah, cid ula dhaqmid, wax kaga qabasho, xeeladayn. Dh: xeeladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaasadays
m.l la-mid: siyaasadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaasadays
-ka: (magac, lab, keli) siyaasadayn; xeeladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanaakadayn
(Xanaakadayn-ta)
Hadal xanaakad ah, ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaakadayn
m.f.dh eeg xanaakadee. la-mid: xanaakad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal dacaayad ah ku dhihid. Dh: dacaayadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xanaakadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhaanhadhyo
-da: (magac, dhedig, keli) dareenka marka qofku bacad joogo ee uu harraado. Waaberi hadhaanhadhyo darteed ayuu hadli kari la'aa. Dh: harraad, hadhsasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hamaansanayya
bailler.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladay
(fal) qalab geli ama dhig. Geerash intaanad furin horta aaladay. Dh: qalabee, aaladee.
aaladay: (fal) hub iyo ciidan sii.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aawaday
(preposition) for my sake ~ dartay. Ex: waxay u joogeen aawaday; they stayed for my sake
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaday
m.l (-yo, m.dh) Dhaxan aad u badan oo markay timaado geedaha qalajisa. la-mid: haamadday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaanya'
-a: (magac, lab, keli) hadal cataw ah calaacal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaanad
-ka: (magac, lab, keli) tashiilid iyo yaryarayn. Waxaaga banaanad ayaad ku ilaashan kari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanad
m.l la-mid: canaanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanad
-ka: (magac, lab, keli) canaanasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
damaanad
f. n. bail, guaranty, ensuring
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
damaanad
-da: (n) guarantee (garan-tii); warranty (woo-ren-tii); collateral (ko-leeta-ral); insurance (in-shuurensi); bondsman (boon-dis-meen); bail (beel) ~ dammaanad, dammiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damaanad
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, damin ka noqosho. Soo damiinadka qofka xiran waa laguu oggol yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damaanad
de: bail, guaranty, ensuring
lx: damaanad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: damaanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaafad
m.dh la-mid: diyaafad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayaafad
f. n. banquet ~ feast offered (to the needy)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayaafad
-da: (n) hospitality (hos-pitaaliti); feast (fiist); banquet (bankuwit); entertainment (inter-teey-menf) ~ diyaafad, marti-gelis, soo-dhawayn-ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaafad
-da: (magac, dhedig, keli) martigalin, sooryo iyo bariin maamuus leh u samayn. Soomaalidu dayaafadda way ku fiican tahay. Dh: diyaafad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayaafad
bw: Arabic
de: banquet ~ feast offered (to the needy)
lx: dayaafad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: diyaafad
key: dayaafad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaarad
m.dh la-mid: dayuurad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayaarad
-da: (n) airplane (eer-paleeynn); aeroplane (eero-paleeyn); aircraft (eer-karaaft); airliner (eer-laayner) ~ dayuurad, diyaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaarad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadiidka cirka duula kan ugu caansan. Dayaaradda xiimiyeey xaawaay; xaggaa bari ma isku raacnaa. Dh: dayuurad, diyaarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayaayad
f. n., [collective] propaganda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayaayad
a: dacaayad
de: propaganda
lx: dayaayad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: dayaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaraday
(fal) looxaan, faarad mari oo ku sin. Albaabka faaraday. Dh: raanday, faaradee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataanad
m.dh Haweeney dadka isku dirta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayaarad
-da: (magac, dhedig, keli) kaabadda agalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haamanad
m.dh (-dyo, m.dh) Naag naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid yihiin. la-mid: hamaanad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haamanad
m.dh (-dyo, m.dh) Naag naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid yihiin. la-mid: hamaanad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamanad
-da: (magac, dhedig, keli) naag xun oo naxariis daran, xalaal iyo xaaraanna isugu mid yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaayad
(Hadaayad-da)
Hado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaayad
m.dh (-do, m.l) Daboolka sufriyada. la-mid: hado, hayaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadaayad
f. n. cover ~ lid (of a cooking pot)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadaayad
-da: (n) lid (liidh) ~ hayeeyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaayad
-da: (magac, dhedig, keli) hanuunka jidka toosan lagu dhaco; xaqa oo lagu toosnaado.
hadaayad-da: (magac, dhedig, keli) waxa xun iyo waxa san oo inta la kala garto, waxa san xaggooda loo bayro; dawga wanaagsan oo Ilaah loogu dhowaado oo xaggiisa loo leexdo. Dh: hanuun, hadaayo, hado.
hadaayad -da: (magac dhedig, keli) eeg hadiyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadaayad
a: hado
de: cover ~ lid (of a cooking pot)
lx: hadaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hadaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaabad
-da: (magac, dhedig, keli) dheef; faa'iido; macaash. Dh: waxtar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaanid
m.f.dh eeg hamaan². la-mid: hamaansad, hamaansasho, hamaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaanid
-da: (magac, dhedig, keli) hamaansi iyo caajis daraaddii afka la kala qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamadday
-ga: (magac, lab, keli) dhaxan aad u qabaaw oo meelaha togagga ah lagu arko xilliga dabayaaqada xagaaga ama bilawga dayrta oo hadhuudhka iyo tigaadaba engejisa. Dh: gabadano, baraf, dhaxan. Li: halase.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqay
(fal) horay u harbi ama u riix.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawaanba
(adv) in any way possible; by any means
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamid
(Hayaamid-da)
Meel fog oo abaari ka sokayso u guurid; kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamid
m.f.dh eeg hayaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u fog oo nabad ama naq leh u rarid. Dh: dalandoolid, qayaadid, kaynaanid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayaan_1
de: long journey, hard trek, migration
hm: 1
lx: hayaan
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: hayaan_1