hawtulhamag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawtulhamag
(Hawtulhamag-ga)
1. Cayayaanka duulduula oo habeenkii dabka iftiinkiisa soo raaca oo ku gubta.
2. Qofka aan kala aqoon waxa u roon iyo waxa u daran; xagga waxgarashada ka indhala'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawtulhamag
m.l 1. Cayayaan duulduula, habeenkii dabka ifkiisa soo raaca oo ku gubta. 2. Qof aan kala aqoon wax u roon iyo waxa u daran. 3. H. ah: meel aad mugdi u ah ama aad gudcur u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawtulhamag
m. n., [collective] night-flying insect species (attracted to light ~ fire); person of no judgement, [atr.] silly, foolish, stupid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawtulhamag
-ga: (n) ignorant, unaware, or uninformed person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawtulhamag
-ga: (magacwadareed) cayayaan yar yar oo duul duula oo habeenkii meesha dab ka baxayo ku soo urura. Sida hawtulhamaggaa, habaaq iiga baxayaa. Dh: hawtulhamaj, xaydhaweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawtulhamag
de: night-flying insect sp. (attracted to light ~ fire); [fig.] person of no judgement, [atr.] silly, foolish, stupid
lx: hawtulhamag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: hawtulhamag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawtulhamaj
-ka: (magac, lab, keli) eeg hawtulhamag.
hawtulhamaj -ka: (magac, lab, keli) qofka aan kala aqoon waxa u roon iyo waxa u daran.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HAWL ADAG
Lavoro duro
Hard work

Hawl adag
Lavoro duro
Hard work
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awrlama'
-da: (magac, dhedig, keli) firxumaanta baarqabka. Awrlama'diisa lama ogayn baarqabkan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'adag
(tilmaame) qof arrintiisa ku adkaysta oo kartidiisa ku meel marin kara. Li: ilnugul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgamaa
-ga: (magac, lab, keli) dagaalyahan geesi ah oo la yagaan. Dh: geesi, dagaalyahan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqaman
-ka: (magac, lab, keli) daboolka daawaha laxooxda lagu dubo. Dh: halqaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlqaad
m.l.kh Qof shaqayn awood leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlqaad
m. n., [compound] endurance, withstanding fatigue; ability to work
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlqaad
-ka: (magac, lab, keli) qof kas oo bixi kara inuu qabto shaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlqaad
de: endurance, withstanding fatigue; ability to work
lx: hawlqaad
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: hawlqaad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlqaran
m. n., [compound] duty, civic obligation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlqaran
-ka: (n) civil duty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlqaran
de: duty, civic obligation
lx: hawlqaran
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: hawlqaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baatulnaan
m.f.dh eeg baatulan². la-mid: baatulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) israafid iyo tashilic la'uan. Ninka xooiihiisa baatulaan ku bidyaa berri ayuu gartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaltaag
hanqaltaag¹: m.l 1. Si wax fog loo arko hanqalka oo kor loo taago. 2. Wax aan helitaankoodu sahlanayn oo la higsado.
hanqaltaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) U h.: Wax aan helitaankoodu sahlanayn higsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanqaltaag
hanqaltaag¹: m.l 1. Si wax fog loo arko hanqalka oo kor loo taago. 2. Wax aan helitaankoodu sahlanayn oo la higsado.
hanqaltaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) U h.: Wax aan helitaankoodu sahlanayn higsasho. m.f.dh, hanqaltaagid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanqaltaag
-ay / tay: (v) [with preposition u] try to achieve or get something difficult
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaltaag
(fal) wax maqan oo la filayo, rajo iyo sugid u lahaw.
hanqaltaag-ga: (magac, lab, keli) rajo iyo sugid wax aad loogu hanweyn yahay la sugo. Dh: hiyikac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlwadaag
(Hawlwadaag-ga)
Ishtiraakiya; hantiwadaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlwadaag
m.l Ishtiraakiya; hantiwadaag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlwadaag
m.l Ishtiraakiya; hantiwadaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlwadaag
m. n., [compound] work-sharing, splitting up of work; socialism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlwadaag
-ga: (magac, lab, keli) shaqawadaag wax la wada qabto. Dh: iskaashato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlwadaag
cf: hantiwadaag
de: work-sharing, splitting up of work; [ext.] socialism
lx: hawlwadaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: hawlwadaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqulhadal
-ka: (magac, lab, keli) hadalxumo; afxumo. Dh: qadaf, aflagaaddo, deelqaaf, afxumo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdulsamad
name-m servant of the Eternal