hawlyaraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaraan
m.f.dh eeg hawlyar. la-mid: hawlyaraansho, hawlyari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhibyar oo aan hawl badan lahayn. Dh: dhibyraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyarayn
m.f.dh eeg hawlyaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo yarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof hawl haya ahaan; mashquulnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlqaran
m. n., [compound] duty, civic obligation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlqaran
-ka: (n) civil duty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlqaran
de: duty, civic obligation
lx: hawlqaran
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: hawlqaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlla'aan
m.f.dh eeg hawlla'. la-mid: hawl-la'aansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo la'aan; hawlli'i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawllanaan
m.dh eeg hawllan. la-mid: hawllanaansho, hawlloonaan, hawlloonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawllanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof hawl haya ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibyari
-da: (magac, dhedig, keli) hawlyaraan iyo dhibla'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaraansho
m.l/dh la-mid: hawlyaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyaraansho
-ha: (magac, lab, keli) dhibyaraanta iyo fududida hawl la qabanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaraysad
m.l la-mid: hawlyaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalyaqaan
m.l.kh H. ah: qof cod kar ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadalyaqaan
m.l.kh H. ah: qof cod kar ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadalyaqaan
m. n., [compound] orator, good speaker, just, upright person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof hadal, si wanaagsan u jeedin kara oo dadka kale qancin kara. Dh: fasiix.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadalyaqaan
de: orator, good speaker, just, upright person
lx: hadalyaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: hadalyaqaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawl-la'aan
-ta: (n) idleness (eey-dhelnes), inactivity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlaysnaan
m.f.dh eeg hawlaysan. la-mid: hawlaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaraysi
m.l la-mid: hawlyaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyaraysi
-ga: (magac, lab, keli) cagajiid iyo fudaydsi hawlaha, iyada oo aan culays badan la saarin. Dh: fududaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyarayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ka h.: hawl wax ka qabashadeeda sahlasho. 2. Ka h.: arrin ka welwelid la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlyarayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ka h.: hawl wax ka qabashadeeda sahlasho. 2. Ka h.: arrin ka welwelid la'aan. m.f.dh, hawlyaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqoyaraan
f. n., [abstract] under-employment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqoyaraan
de: under-employment
initial: s
lx: shaqoyaraan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: shaqoyaraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaraan
(Haaraan-ka)
Wax sidii la rabey si aan ahayn u dhacay ama noqday oo la isku eedeeyo, laysku dagaalo, wax laysaga sheego; hiif; canaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaraan
haaraan¹: m.l 1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. la-mid: haaraamid.
haaraan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haaraan
haaraan¹: m.l 1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo.
haaraan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn. m.f.dh, haaraamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaraan
v. blame, reprove
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haaraan
-ka: (n) censure (sensher); reproof (ripruuf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraan
(fal) wax xumaaday, ciddii ka masuulka ahayd, ku eedee. Dh: hiif, canaano.
haaraan -ka: (magac, lab, keli) canaan hiif leh. Dh: foolxagad, eed, canaan, hiifid, haaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaraan
de: blame, reprove
lx: haaraan
nt: haaraan (ka) [vn-m] 'reproof, blaming'
pd: (haaraamay)
ps: v1=
key: haaraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlyar
Dhib yar; fudud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Dhib yar; fudud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Dhib yar; fudud. m.f.dh, hawlyaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlyar
Comp. adj., (ie. n., adj.): easy, no bother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlyar
(n) light work; easy work
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyar
(tilmaame) wax dhib yar oo fudud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlyar
de: easy, no bother
lx: hawlyar
ps: adj-cmp
syn: fudud
key: hawlyar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Neef geel ah wax hawaar leh ahaansho. 2. la-mid: hawaarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaaran
(tilmaame) mid khasban; la khasbay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaraac
-a: (magac, lab, keli) socod ama wax qabad aan qurshaysnayn oo cid uun lagu daydo. Dh: dameeridhaanraacday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlyari
(Hawlyari-da)
Dhibyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyari
m.dh Si aan dhib lahayn oo lagu suganyahay. la-mid: hawlyaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlyari
m.dh Si aan dhib lahayn oo lagu suganyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlyari
f. n., [compound] light ~ easy work, small task
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyari
-da: (magac, dhedig, keli) hawlyaraanta wax la qabanayo iyo dhibyaridiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlyari
de: light ~ easy work, small task
lx: hawlyari
pd: (-da)
ps: n-f-cmp
key: hawlyari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) qurjad xumaan. Dh: sinyaraan, lafyaraan, jidhyaraan, saryaraan.
baryaraan -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo yaraan. Dh: saboolnimo. Li: hodannimo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cawlyahan
nickname-m expert antelope hunter; hunter, skilled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cawlyahan
magac ama naanays loo baxsho wiil orod iyo bootin dheer ama looga jeedo in uu noqdo wiil ugaadhsiga aqoon u leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'yaraan
m.f.dh eeg da'yar². la-mid: da'yaraansho, da'yari, da'yaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'yaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) cimri kooban oo aan badnayn jirid. Li: da'weynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalyaqaan
(Dalyaqaan-ka)
Qof dal bartay oo aad u yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalyaqaan
m.l.kh (-nno, m.dh) D. ah: qof dal dabeecaddiisa, degaankiisa iyo wixi lamida aqoon u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalyaqaan
m. n., [compound] scout, one who knows the country
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalyaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof dalka iyo duruufihiisa aad u kala yaqaanna. Dh: dalaqoon, dhulyaqaan, dalmar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalyaqaan
de: scout, one who knows the country
lx: dalyaqaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dalyaqaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danyaraan
m.f.dh eeg danyar². la-mid: danyari, danyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo iyo hanti yaraan. Dh: danleynimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulyaraan
m.f.dh eeg dulyar. la-mid: dulyari, dulyaraansho, dulyaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dulqaad yaraan aan gefka la qaadan karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) da' yaraan; mid cad-olostost aan weyneyn ahaan. facyaraansho -ha: (magac, lab, keli) qof da' yar ahaansho. Dh: da' yaraan, facyari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaraad
-ka: (magac, lab, keli) qayb maskaxda ka mid ah. Faysal halgaraadka ayaa nabar ka gaadhay. Dh: maskaxgaraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax barraaq u fadhiya ahaansho. la-mid: hawaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarsan
(itlmaame) sumad hawaar ah loo sameeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlaysan
f.mg4 (-snaa, snayd) Qof shaqo haya ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlaysan
f.mg4 (-snaa, snayd) Qof shaqo haya ahaansho. m.f.dh, hawlaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlaysan
der. [adjective] busy, occupied
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlaysan
-aa: (adj) preoccupied (pri-oko-paaydh) with work; busy (biisi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlaysan
de: busy, occupied
lx: hawlaysan
pd: (hawlaysnaa)
ps: adj-der
key: hawlaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) U h.: wax qabashadooda cid u fududeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlyaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) U h.: wax qabashadooda cid u fududeyn. m.f.dh, hawlyarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanyaraan
m.f.dh eeg qanyar. la-mid: qanyaraansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawlanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) habaysnaan iyo toosnaan. Tiro gaaban mooyee, naxwuhu iima tawlano e.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhuubnaan oo wax jimidh yar ahaan. Gabadhu yaryaraanta way u dhalatay.
yaryaraan-ta: (magac, dhedig, keli) wax da'doodu yar tahay ahaan. Carruurtiisa yaryarnaan ayaan ku ogaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawllanaan
m.dh la-mid: cawlnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawllanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cawllan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawayaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof aqoon qotodheer u leh daawada. Dh: dawoyaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayaraan
m.f.dh eeg farayar. la-mid: farayaraansho, farayari, farayaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarnaan
m.f.dh eeg hawaaran. la-mid: hawaarsanaan, hawaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax hawaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlwadaag
(Hawlwadaag-ga)
Ishtiraakiya; hantiwadaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlwadaag
m.l Ishtiraakiya; hantiwadaag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlwadaag
m.l Ishtiraakiya; hantiwadaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlwadaag
m. n., [compound] work-sharing, splitting up of work; socialism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlwadaag
-ga: (magac, lab, keli) shaqawadaag wax la wada qabto. Dh: iskaashato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlwadaag
cf: hantiwadaag
de: work-sharing, splitting up of work; [ext.] socialism
lx: hawlwadaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: hawlwadaag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawola'aan
-ta: (n) absence of moving of air; airlessness (eerles nes), stuffiness (istaafines)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawraarsan
(Waa hadal wanaagsan!) hallayeelo; waa tahay; haye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawraarsan
inter. all right!, hear hear! quite so! yes sir! will do!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawraarsan
(interjection) used to express approval or agreement; yes (yees)-, Ex: waa hawraarsan; that is OK
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawraarsan
(tilmaame) erey lagaga jawaabo hadal wuxuu farayo la oggolaaday. Dh: haye, waatahay. waayahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawraarsan
de: all right!, hear hear! quite so! yes sir! will do!
lx: hawraarsan
ps: intj
key: hawraarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laylyanaan
m.f.dh eeg laylyan. la-mid: laylisanaan, laylisanaansho, laylyanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laylyanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la carbiyey ahaan; carbiyeysnaan.bab