hawlyar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlyar
Dhib yar; fudud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Dhib yar; fudud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlyar
f.mg4 (-raa, -rayd) Dhib yar; fudud. m.f.dh, hawlyaraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlyar
Comp. adj., (ie. n., adj.): easy, no bother
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlyar
(n) light work; easy work
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyar
(tilmaame) wax dhib yar oo fudud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlyar
de: easy, no bother
lx: hawlyar
ps: adj-cmp
syn: fudud
key: hawlyar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlyari
(Hawlyari-da)
Dhibyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyari
m.dh Si aan dhib lahayn oo lagu suganyahay. la-mid: hawlyaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlyari
m.dh Si aan dhib lahayn oo lagu suganyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlyari
f. n., [compound] light ~ easy work, small task
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyari
-da: (magac, dhedig, keli) hawlyaraanta wax la qabanayo iyo dhibyaridiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlyari
de: light ~ easy work, small task
lx: hawlyari
pd: (-da)
ps: n-f-cmp
key: hawlyari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlkar
(Hawlkar-ka)
Hawl badan oo adag, qabashadeed, karti u leh, u dhabar adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlkar
m.l.kh H. ah: qof hawsha qabashadeeda karti dheeraad ah u leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlkar
m.l.kh H. ah: qof hawsha qabashadeeda karti dheeraad ah u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlkar
m. n., [compound] (adj.): hard-working ~ capable person; able, efficient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlkar
-ah: (adj) hard-working. Ex: nin hawlkar ah; a hard-working man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlkar
-ka: (magac, lab, keli) karti iyo waxqabad wanaag.
hawlkar -ka: (magac, lab, keli) qof firfircoon oo shaqada loo dhiibo si wanaagsan uga soo baxa. Li: mashaqayste.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlkar
cf: hargaanti, karti
de: hard-working ~ capable person; [atr.] able, efficient
lx: hawlkar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: hawlkar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaraansho
m.l/dh la-mid: hawlyaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaraysad
m.l la-mid: hawlyaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaraysasho
m.f.dh eeg hawlyarayso. la-mid: hawlyaraysad, hawlyaraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaraysi
m.l la-mid: hawlyaraysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlyarayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ka h.: hawl wax ka qabashadeeda sahlasho. 2. Ka h.: arrin ka welwelid la'aan. m.f.dh, hawlyaraysasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
disimpegno
s.m. ballan la'aan, hawlyaraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalin
-ta: (magac, dhedig, keli) «is caasha dhiibid si hawlyari loogu gawroco; isdhiibid si dagaalla'aan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibyari
-da: (magac, dhedig, keli) hawlyaraan iyo dhibla'aan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bobine
bobine, n.f. - Aalad lagu duubo dunta iwm si ay u hawlyaraato isticmaalkeedu.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
graisser
graisser, V. - xaydheynta iya saliidaynta qaybaha mishiinka si uu hawlyari ugu shaqeeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
lubrifier
lubrifier, V. - Xaydheynta iyo saliidaynta qaybaha mishiinka si uu hawlyari ugu shaqeeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
moulinet
moulinet, n.m. - aalad lagu duubo dunta iwm si ay u hawlyaraato isticmaalkeedu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fudud
cf: hawlyar
de: easy, simple; relaxed; light, not heavy Opp: culus
lx: fudud
pd: (fududaa)
ps: adj
key: fudud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) U h.: wax qabashadooda cid u fududeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlyaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) U h.: wax qabashadooda cid u fududeyn. m.f.dh, hawlyarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halrar
f.mg1 (-ray, -rtay) Qof ama wax, wax lagu salladay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halrar
(fal) ceeb uu nin leeyahay, ku kale dusha uga tuur oo ka sin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halyay
(tilmaame) qof geesi ah oo hoggaamiye ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaar
(Hawaar-ta)
1. (summad) jiitin; xarriq jiifta.
2. Fadhi ballaaran; barraaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaar
hawaar¹: m.l 1. Si bahardaad ah oo geelu u fariisto. 2. la-mid: hawaarid.
hawaar²: m.dh (-ro, m.l) Jiitin weyn oo geela dheegga looga sunto.
hawaar³: f.mg1 (-ray, -rtay) Si barraaq ah u fariisasho (neef geel ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawaar
v. sit untidily, sprawl (out)
hawaar [feminine] n. special cattle-brand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaar
(fal) si kala daadsan u fadhiiso. Dh: barraahso, barraaqso.
hawaar -ka: (magac, lab, keli) summad jiitin ah oo xoolaha lagu sameeyo.
hawaar -ka: (magac, lab, keli) fadhi bahardaad ah oon macna lahayn. Dh: bahardaad, barraaqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawkar
(Hawkar-ka)
Dhul joogiddiisa ama dhexmarkiisu dhib badan tahay; oomasoore; xadaafiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawkar
m.l.kh Dhibaato, daal, cabsi iyo wixi lamida oo lagala kulmo socdaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawkar
m.l.kh Dhibaato, daal, cabsi iyo wixi lamida oo lagala kulmo socdaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawkar
m. n., [collective] inhospitable terrain, uninhabitable country
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawkar
-ka: (magac, lab, keli) dhul ku noolaanshihiisa ama dhex mariddiisu ay dhib badan tahay. Dh: oomasoore, xadaafiir. Li: barwaaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawkar
de: inhospitable terrain, uninhabitable country
lx: hawkar
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: hawkar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawsar
-ka: (magac, keli) qori madaafiicda goobta ka mid ah oo tiiro toosan iyo mid qalloocan ba loo rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgab
hawlgab¹: m.l (-byo, m.dh) H. ah: qof gabow awgii shaqo uga fariistay. la-mid: hawlgeb¹.
hawlgab²: f.mg1 (-bay, -btay) Gabow awgii shaqo uga fariisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlgab
m.l (-byo, m.dh) H. ah: qof gabow awgii shaqo uga fariistay. la-mid: hawlgeb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlgab
m. n., [compound] retirement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlgab
-ka: (n) 1. inability to perform any duty. 2. old age retirement
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HAWLGAB
Disabilitato; invalido
Disabled, invalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlgab
-ka: (magac, lab, keli) qof dhamaystay da'diisii shaqo oo ka fadhiistay. Dh: aayomaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlgab
de: retirement
lx: hawlgab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: hawlgab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgal
hawlgal¹: m.l 1. Gaashaanqaad. 2. Si hawsha loo qabto. 3. Waqtiga shaqada la billaabo.
hawlgal²: f.mg1 (-alay, -ashay) 1. Shaqo bilaabid. 2. U h.: wax helitaankooda ku dedaalid
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlgal
hawlgal¹: m.l 1. Gaashaanqaad. 2. Si hawsha loo qabto. 3. Waqtiga shaqada la billaabo.
hawlgal²: f.mg1 (-alay, -ashay) 1. Shaqo bilaabid. 2. U h.: wax helitaankooda ku dedaalid m.f.dh, hawlgelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlgal
m. n., [compound] (adj.): ability to work, efficiency, activity; efficient, active
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlgal
-ka: (magac, lab, keli) shaqo qabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlgal
de: ability to work, efficiency, activity; [atr.] efficient, active
lx: hawlgal
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: hawlgal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlla'
Aan hawl hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlla'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof aan hawl hayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlla'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Qof aan hawl hayn ahaansho. m.f.dh, hawlla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlla'
adj., [expression] unemployed, jobless; idle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlla'
(tilmaame) aan hawl lahayn. Dh: dhibla'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlla'
de: unemployed, jobless; idle
lx: hawlla'
pd: (hawlla'aa)
ps: adj-expr
key: hawlla'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawllan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof wax hawl haya ahaansho. la-mid: hawlloon, hawshoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawllan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof wax hawl haya ahaansho. m.dh, hawllanaan. la-mid: hawlloon, hawshoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawllan
(tilmaame) mid hawl ku dhex jira oo ku mashquulsan. Dh: hawlloon, mashquulsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawraar
(Hawraar-ta)
Tix hadal ah oo ulajeeddo leh; weer; oroh; hadal; dood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawraar
m.dh Hadal; oraah; weer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawraar
m.dh Hadal; oraah; weer.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hawraar
Proposition
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawraar
f. n. sentence, utterance, remark
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawraar
-ta: (n) eloquent expression; powerful discourse; eloquence (elakwensi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawraar
-ta: (magac, dhedig, keli) tix hadal ah oo ulajjeeddo leh; Dh: weedh, odhaah, hadal, dood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawraar
de: sentence, utterance, remark
lx: hawraar
pd: (-ta)
ps: n-f
key: hawraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyaraan
m.f.dh eeg hawlyar. la-mid: hawlyaraansho, hawlyari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhibyar oo aan hawl badan lahayn. Dh: dhibyraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyarayn
m.f.dh eeg hawlyaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlaysan
f.mg4 (-snaa, snayd) Qof shaqo haya ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlaysan
f.mg4 (-snaa, snayd) Qof shaqo haya ahaansho. m.f.dh, hawlaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlaysan
der. [adjective] busy, occupied
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlaysan
-aa: (adj) preoccupied (pri-oko-paaydh) with work; busy (biisi)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlaysan
de: busy, occupied
lx: hawlaysan
pd: (hawlaysnaa)
ps: adj-der
key: hawlaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawldabre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Qof ama wax shaqo curyaamiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawldabre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Qof ama wax shaqo curyaamiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawldabre
-ha: (magac, lab, keli) wax hawl aad haysay iska kaa hortaaga ama kaa shila.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hawlkarti
Abilità nel lavoro
Working ability
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlqaran
m. n., [compound] duty, civic obligation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlqaran
-ka: (n) civil duty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlqaran
de: duty, civic obligation
lx: hawlqaran
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: hawlqaran
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHAGAYAR
[DEGAYAR] Boscia coriacea 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaryar
(Habaryar-ta)
Hooyada walaasheed ama abtiga walaashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaryar
m.dh (-ro, m.l) Hooyada walaasheed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaryar
m.dh (-ro, m.l) Hooyada walaasheed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaryar
f. n., [compound] maternal aunt, mother's sister
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaryar
-ta: (n) the sister of one's mother; aunt (aunt)