hawlmoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlmoog
-ga: (magac, lab, keli) qof shaqo neceb ama xoolo daayac ah. Dh: xoolaseeg, xoolo hunno, caajis, mashaqayste.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlloon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: hawllan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlloon
(tilmaame) eeg hawllan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloog
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Rabsho, dagaal iyo wixi lamida abuurid. 2. Wax kor u qadiid, taagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloog
-ga: (magac, lab, keli) arrin ama talo aloosid ama abaabulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haloo
inter. hello
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haloo
(interjection) hello (helow), also hullo ~ hallaw, marxaba, ahlan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haloo
de: hello Used when answering a telephone
lx: haloo
ps: intj
key: haloo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax damcid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax damcid. hawood m.f.l eeg hawoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawoo
(fal) wax iska doon oo ku hammi.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
baloog
to block
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U g.: nin, naag u tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galmoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U g.: nin, naag u tegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmoo
(fal) «u ~» cid kale, u tag oo galmood la samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagoog
(Hagoog-ta)
1. Si marada loo huwado, oo cad madaxa ka soo laallaada oo wejiga qaarki qarsha, hoosna u yeela, loo yeelo.
2. Koofiyadaha qaarkood, cad soo baxsan oo wejiga hoosiya oo loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoog
hagoog¹: m.dh (-go, m.l) 1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa.
hagoog²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax dedid. 2. Meel har u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hagoog
hagoog¹: m.dh (-go, m.l) 1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa.
hagoog²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax dedid. 2. Meel har u yeelid. m.f.dh, hagoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagoog
f. n. cloth draped around the head; visor-hat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagoog
-ta: (n) a piece of cloth worn over the head, shoulders; veil (veel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoog
(fal) dusha wax ka saar; cadceedda iyo roobka ka qari.
hagoog-ta: (magac, dhedig, keli) wax madaxa iyo wajiga badhkii lagu qariyo. Dh: hillaab.
hagoog-ta: (magac, dhedig, keli) aqal baabuur iyo wax la mid ah cirka iyo cadceedda lagaga qariyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagoog
de: cloth draped around the head; visor-hat
lx: hagoog
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: hagoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkoo
Meeshoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkoo
n. phr., loc. there (far), yonder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkoo
(adv) over there, usually within sight. Ex: halkoo fariiso; sit over there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkoo
(falkaabe) meel aan fogeyn. Dh: halkeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkoo
de: there (far), yonder
lx: halkoo
ps: np-loc
key: halkoo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
halloo
int., car! car! war! war hoy!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamood
-ka: (magac, lab, keli) meel cidla' ah geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawood
m.f.l eeg hawoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawood
m. n., [abstract] enthusiasm, passion, desire
hawood v. desire
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAMOOG
(Mamoc) S Talinum portulacifolium (Forsk) Asch&Schweinf. Portulacaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloog
(Saloog-ga)
Wax turmaagan; wax dhereen; aan laamo lahayn ama qaawan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloog
saloog¹: m.l 1. Wax dheer oo taagan. 2. Geed dheer oo aan laamo iyo caleen midna lahayn. 3. la-mid: saloogid.
saloog²: f.g1 (-gay, -gtay) Xarig iyo wixi lamida isku soohid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saloog
f.g1 (-gay, -gtay) Xarig iyo wixi lamida isku soohid. m.f.dh, saloogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saloog
m. n., [abstract] straightness and smoothness (of tree without branches)
saloog v. make (twine, thread ~ yarn) straight and smooth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloog
(fal) saloolo; meel ka saraysa laac.
saloog-ga: (magac, lab, keli) taagnaan; qotansanaan. Li: fadhi.
saloog-ga: (magac, lab, keli) wax turmaagan; wax diiran oo aan laamo lahayn; dhar xirnayn oo mudh ah. Ha ku bixin saloognaanta. Dh: qaawanaan.
saloog-ga: (magac, lab, keli) wax, wax saloolanaya; saloolad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colmoog
-ta: (magacwadareed) cid aan waxbal ogayn oo dhallaannimo ama maangaabnimo wax socda aan war ka hayn. Carruuri waa colmoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danmoog
-ga: (magac, lab, keli) qof danta loo xilsaaro baylihiya oo aan dan guud iyo mid gaar midna ka warhayn. Li: danjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamoog
dhamoog¹: m.l la-mid: dhamaajo.
dhamoog²: f.g1 (-gay, -gtay) la-mid: dhamooq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamoog
-ga: (magac, lab, keli) qof maqan oon maankiisu joogin. Dh: dhammaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galmood
(Galmood-ka)
U tegidda dumarka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galmood
m.f.l eeg galmoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galmood
m.f.l eeg galmoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmood
-ka: (magac, lab, keli) isu tagga labka iyo dhedigga aadanaha; isku xilasho. Goggoldhaafku waa galmood xaaraan ah. Dh: galmo, kudmo, wasmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldoor
-ka: (magac, lab, keli) nin wanaagsan oo dadku u arkaan inuu yahay ninka kolba meesha la joogo ku habboon. Dh: ninkarmeed, geesi, halyay, hanad. Li: habac, maangaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkoor
(falkaabe) eeg halkeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halloob
inch. v. be lost; get ruined
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halloob
-ay / hallowday: (v) see [eeg] hallaab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halloob
de: be lost; get ruined
lx: halloob
pd: (halloobay)
ps: v1=inch
key: halloob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halqooq
(Halqooq-a)
1. Qanaanta (dabada) fardaha.
2. Wax walba kan ugu wanaagsan oo u qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halqooq
m.l (-qyo, m.dh) 1. Dabada (qanaanta) fardaha. 2. Wax walba kan ugu wanaagasan oo ugu qurux badan. 3. (u) Kalluunka biyaha iskiis uga soo booda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halqooq
m. n. horse's tail
halqooq m. n., [collective] the best, the cream of the crop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqooq
-a: (magac, lab, keli) dibka ama xagga dambe ee gammaanka gaar ahaan fardaha qanaantooda. Halqooqeediyo jooga, hanaankeeda wanaagsan. Dh: qanaan.
halqooq-a: (magac, lab, keli) wax walba kan ugu wanaagsan oo ugu quruxda badan. Samaale waa halqooqa reerkooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawshoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Hawl ku mashquulid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawshoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Hawl ku mashquulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawshoo
(fal) hawl qabo; hawl adag qabo. Dh: shaqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalmoon
m.dh Miro yicibeed oo dhilan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taaloog
taaloog¹: m.l Hab timaha ragga loo xiiro oo diillin ballaaran oo qurxoon laga muujiyo jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda.
taaloog²: f.g1 (-gay, -gtay) Diillin ballaaran oo qurxoon, jeegada hoose ilaa labada dhegood dushooda ka muujin iyadoo timaha la xiirayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warmoog
Comp. adj., (ie. n., adj.): uninformed, unaware, without information
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Warmoog
name-f; nickname-f uninformed, unaware, innocent. Syn: Warmooge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Warmoog
magac loo bixiyo gabadh aabeheed oo dhintay dhalatay ama hooyadeed madqo kaga hadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warmoog
-ga: (magac, lab, keli) eeg warmaqabto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warmoog
de: uninformed, unaware, without information
initial: w
lx: warmoog
pd: (warmoogaa)
ps: adj-cmp
key: warmoog
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaljoog
m. n., [compound] winger (in football)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaljoog
de: winger (in football)
lx: baaljoog
pd: (-ga)
ps: n2-m-cmp
key: baaljoog
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciilmoog
name-funtouched by anger, peaceful of mind, innocent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ciilmoog
magac loo baxsho gabadh madqo ku hadhay oo ay hooyadeed umul ku dhimatay. Waxa kale oo loo baxshaa gabadha kolkii ay dhalatay labadeeda waalid kala tegeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawshood
(Hawshood-ka)
Hawl adag qabasho: shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawshood
m.f.l eeg hawshoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawshood
m.f.l eeg hawshoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawshood
v. work hard, be occupied ~ very busy
hawshood vl. n. state of being busy; difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawshood
-ka: (magac, lab, keli) hawl badan qabasho. Dh: shaqayn.
hawshood -ka: (magac, lab, keli) shiddaysan ama dhibi soo gaadhay. Dh: dhibban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawshoon
Hawl haya; shiidaadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawshoon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: hawllan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawshoon
der. [adjective] busy; overworked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawshoon
(tilmaame) shiidaadsan oo dhibban. Dh: hawlaysan.
hawshoon: (tilmaame) mashquulsan oo hawl faraha ku haya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawshoon
bw: hawllan
cf: shiidaadsan
de: busy; overworked
lx: hawshoon
pd: (hawshoonaa)
ps: adj-der
key: hawshoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walomoog
-ta: (magac, dhedig, keli) neef curad ah oo si fudud ilmaha looga sidki karo maadaama aanay horay u dhali jirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mahayamoog
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaanka aan weli garaad buuran yeelan iyo dadka maangaabka ah. Inta mahayamoogtaan ha magleen is leeyahay. Dh: warmoog, colmoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalmorogo
(fal) kolba dhan qallinka iskugu rog. Kolkaad jimicsiga ciyaarayso qaalmorogo. Dh: qalaamarogo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciilmooge
name-m untouched by anger, of peaceful nature
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ciilmooge
magac loo baxsho wiil, kolkii uu dhashay, labadiisa waalid midkood dhintay ama ay kala tegeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dantimoog
-ga: (magac, lab, keli) qofka dantiisa dayaca ama aan garan meesha ay ku jirto. Dh: dantiimooge.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaxamood
(Dhaxamood-ka)
Dhaxan dareemid, iska garasho, qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxamood
m.f.l eeg dhaxamoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaxamood
m.f.l eeg dhaxamoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaxamood
inch. v. feel cold, be chilled, freeze
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaxamood
de: feel cold, be chilled, freeze
lx: dhaxamood
pd: (dhaxamooday)
ps: v3a=inch
xe: I am feeling cold.
xv: Waan dhaxamoonayaa.
key: dhaxamood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawilood
(Haawilood-ka)
Uurjiifka libaax-badeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawilood
m.l (-dyo, m.dh) Uurjiifka libaax badeedka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawilood
m. n. shark fetus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawilood
-ka: (magac, lab, keli) uurjiifta libaaxbadeedka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haawilood
cf: uurjiif
de: shark fetus
lx: haawilood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: haawilood
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HAWL ADAG
Lavoro duro
Hard work

Hawl adag
Lavoro duro
Hard work
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlla'ow
f.mg3 (-'aaday, -'aatay) Wax aan shaqo lahayn noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawllanow
f.mg1 (-way, -wday) Wax hawl ku mashquulsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalmooti
f.mg2 (-iyay, -isay) Neef irmaan oo caano yareeyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalmooti
-ga: (magac, lab, keli) neef irmaan oo caano yareeyey ahaansho.