hataaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hataaqo
(Hataaqa-da)
Hanboorri; harbis; turaanturro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqo
m.dh la-mid: hantaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hataaqo
f. n. push forward, shove
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqo
-da: (magac, dhedig, keli) hanboorriga wax xagga hore loo riixo. Dh: turraanturro, harbis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hataaqo
cf: hantaaqo
de: push forward, shove
lx: hataaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hataaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantaaqo
(Hantaaqa-da)
1. Nabar daran oo ka yimaada kufidda ama qalab gamuuxan; jug.
2. Luggooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqo
m.dh 1. Turaanturro. 2. Wax lagu turaanturroodo. 3. Dhibaato. la-mid: hataaqo, hintaaqo, nitaaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaaqo
m.dh 1. Turaanturro. 2. Wax lagu turaanturroodo. 3. Dhibaato. la-mid: hataaqo, hintaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantaaqo
f. n. injury ~ hurt caused by a forward fall; shove, forward push; undermining someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) riixis ama gujo aan weynayn. Dh: hanboorri, harbis.
hantaaqo -da: (magac, dhedig, keli) jug ay sababto kufid si miisaan darro ah dhulka loogu dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantaaqo
a: nitaaqo
cf: hataaqo
de: injury ~ hurt caused by a forward fall; shove, forward push; [fig.] undermining s.o.
lx: hantaaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hantaaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: hantaaqoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqoo
(fal) hanboorriyoo; turaanturroo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Kala qaadidda qof kala qaado afka hurdo ama daal awgiis; hamaansasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halaaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Kala qaadidda qof kala qaado afka hurdo ama daal awgiis; hamaansasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halaaqo
-halaaqada: (n) the act of yawning; yawn (yoon) ~ hamaansi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) afkalaqaadka hurdada ama caajiska iyo wixii la mid ahi keenaan. Dh: hamaahsi, hamaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Hantaaqo la kulmid. la-mid: hataaqoo, hintaaqoo, nitaaqoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Hantaaqo la kulmid. m.f.dh, hantaaqood. la-mid: hataaqoo, hintaaqoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqoo
(fal) turunturroo; hanboor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantaaqow
inch. v. lose one's balance by stumbling; be ~ get hurt
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantaaqow
cf: nitaaqow
de: lose one's balance by stumbling; be ~ get hurt
lx: hantaaqow
pd: (hantaaqooday)
ps: v3a=inch
key: hantaaqow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqood
m.l la-mid: hantaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqood
-ka: (magac, lab, keli) turaanturrood; hanboorriyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Hurdo ama daal awgood af la kala qaadid; hamaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaqoo
(fal) hamaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqay
(fal) horay u harbi ama u riix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqee
f.g2 (-qeeyay, -qeysay) la-mid: hantaaqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hataaqee
v. shove, push forward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqee
(fal) hanboorriyee; turaanturree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hataaqee
de: shove, push forward
lx: hataaqee
pd: (hataaqeeyey)
ps: v2b=tr
key: hataaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintaaqo
m.dh la-mid: hantaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hintaaqo
f. n. forward fall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hintaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) kadeed iyo dhib, cid kale oo tag daran lagula kaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hintaaqo
de: forward fall
lx: hintaaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: hantaaqo
key: hintaaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaaqo
m.dh Rabsho; buuq; shil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqaaqo
m.dh Rabsho; buuq; shil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) khaakhuul mashaqo; khuukhaal; dhibaato. Dh: dhibaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hataq
(Hataq-a)
Bohol yar; waraar; hog: haadaan; jar; booraan; gebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataq
m.l la-mid: hantaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hataq
m. n. ditch, hole in the ground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataq
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhulka intiisa kale ka yar hoosaysa oo qofka socdaayi ismoogaan uu ku dhaco. Dh: hog, waraar, haadaan, booraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hataq
cf: bohol, haadaan, hog
de: ditch, hole in the ground
lx: hataq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: hataq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taaqo
m.dh Tabar; awood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaaq
(Hadaaq-a)
Carruurta hadal-baradka ah hadalkooda; hadal-carruureed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaaq
hadaaq¹: m.l 1. Hadal aan la garanayn oo carruurta aan hadalbaran ku dhawaaqdo marka ay ciyaarayaan. 2. Hadal aan micno lahayn. 3. la-mid: hadaaqid.
hadaaq²: f.mg1 (-qay, -qday) 1. Carruur hadal barad ah hadal aan la garanayn ku dhawaaqid. 2. Hadal aan micno lahayn dhihid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadaaq
m. n. baby-talk, prattle, babble
hadaaq v. talk baby-talk, babble, prattle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadaaq
-a: (n) baby's babble; baby talk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaaq
(fal) sida carruurta u had-hadal.
hadaaq-a: (magac, lab, keli) ereyada iyo weedhaha ka soo baxa carruurta hadal baradka ah; hadalcaruureed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaaq
(Halaaq-a)
(xoolo) doonashada iyo ruugista lafaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaaq
halaaq¹: m.l 1. Ruugista xooluhu ruugaan lafaha. 2. la-mid: halaaqid.
halaaq²: f.g1 (-qay, -qday) Xoolo lafo ruugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaaq
v. search for bones ~ something else to eat (of animals ~ livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaq
(fal) soco guryaha dhexdooda oo munuus. Dh: suunsuun, ununuuf.
halaaq: (fal) lafo doono oo ruug.
halaaq -a: (magac, lab, keli) doonista iyo ruugidda xoolaha ee lafaha.
halaaq -a: (magac, lab, keli) munuuska xoolaha badhkood guryaha laga guuray ay lafo iwm ka raadsadaan. Dh: munuus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaaq
de: search for bones ~ s.t. else to eat (of animals ~ livestock)
lx: halaaq
nt: halaaq (a) [vn-m]
pd: (halaaqay)
ps: v1=
key: halaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraaq
-da: (magac, dhedig, keli) cad yar oo maro ah oo hawl lagu qabto. Dh: haylaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balaaqo
(Balaaqa-da)
Afmaalnimo; codkarnimo; aftahmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaaqo
m.dh Hadal murti badan huwan oo sida uu u yaal macne ka duwan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balaaqo
m.dh Hadal murti badan huwan oo sida uu u yaal macne ka duwan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaaqo
f. n. oratory, eloquence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balaaqo
-balaaqada: (n) eloquence (elak-wansi); or art of speaking; rhetoric (re-tarik); oratorship; oratory (oora-tori) ~ aftahanimo, aftahmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) kala saafidda hadalka iyo codkarnimo. Wacdigu wuxuu u baahan yahay sheekh balaaqo leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balaaqo
de: oratory, eloquence
lx: balaaqo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: balaaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bataato
(Bataata-da)
Geed la beero oo leh xididdo dhulka ku faalala oo midkiiba bixiyo burqo badan oo taxan oo la cuno; (ama baradho)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bataato
m.dh Geed qudaarta la beerto ka mid ah oo leh bari macaan oo la cuno marka la karsho. la-mid: baradho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bataato
m.dh Geed qudaarta la beerto ka mid ah oo leh bari macaan oo la cuno marka la karsho. la-mid: baradho, bataati.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bataato
f. n. potato
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BATAATO
(Batato) S, N Ipomoea batatas (L) Lam. Convolvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bataato
-da: (magac, dhedig, keli) geed la beero oo leh xididdo dhulka ku faalala oo uu kiiba bixiyo buruq ama badhi weyn oo la cuno. Bataatada saw inuu buuran garan maayo. Dh: baradho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bataato
de: potato
lx: bataato
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
syn: baradho {Eng / It}
key: bataato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Xiriirka ka dhexeeya laba qof, dowlado iyo wixi lamida. la-mid: calaaqaad, calaaqad, cilaaqaad, cilaaqad, cilaaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Xiriirka ka dhexeeya laba qof, dowlado iyo wixi lamida. la-mid: calaaqaad, cilaaqaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaaqo
f. n. rapport, relations, connections
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaaqo
-calaaqada: (n) relationship (ri-liy-shin-shiip) ~ see [eeg] calaaqaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calaaqaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaaqo
a: calaaqaad ~ cilaaqaad
bw: Arabic
de: rapport, relations, connections
lx: calaaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: calaaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaaqo
m.dh la-mid: dalaaq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanaayo
(Hanaaya-da)
Eed; utun; asaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanaayo
m.dh Cadaawad, nacayb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanaayo
f. n. accusation, blame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaayo
-da: (magac, dhedig, keli) eed ama utun la galo. Hanaayadu qofkii gala ayey sugtaa. Dh: asaaye, utun, eed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanaayo
de: accusation, blame
lx: hanaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hanaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaq
m.dh meel cidla ah oo halis ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaq
(fal) wax nugul riix oo rid. Tiirku wuu dhacayaaye ha hantaaqin. Dh: guji, riix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibco iyo baro uu yeesho neef uu aqal ku darrooshimeeyay.
hayaayo -da: (magac, dhedig, keli) siigo cas oo cirka isku shareerta oo indhaha u daran. Dh: siigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataako
-ga: (magac, lab, keli) jaad kalluunka badda ku jirta ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mataano
(Mataana-ha)
Labo ilmood oo mar hooyo wada dhashay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mataano
m. n., pl. twins
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mataano
mataanaha: (n) twins (tu-wiinis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mataano
de: twins
lx: mataano
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: mataano
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nitaaqo
(Nitaaqa-da)
Meel godan ama kala dheer oo ogaal la'aan lagu tallaabsado ama cagtu ku dhacdo; turaanturro yar; dheelli; (ama nitaakho, hintaaqo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nitaaqo
m.dh la-mid: hantaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nitaaqo
f. n. fall, stumbling (as into a hole)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nitaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) waxyeello fudud oo kuftin ama god lagu dhaco ka timaad. Dh: hantaaqo.
nitaaqo-da: (magac, dhedig, keli) luggooyo gaadha cid. Dh: hantaaqo, nitaaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nitaaqo
a: nitaakho (/da)
de: fall, stumbling (as into a hole)
lx: nitaaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: hantaaqo
key: nitaaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood, nitaaqood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqood
-ka: (magac, lab, keli) turunturrood; hanboorrood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batalaqso
(fal) biyo ku dhex boodbood oo ku dhex ciyaar. Ku batalqasada biyaha oonkii hadduu ba'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaaqood
(Halaaqood-ka)
Hamaansiga hurdadu keento.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaaqood
m.f.l eeg halaaqoo.