hase_yeeshee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hase_yeeshee
de: but, however, nevertheless
lx: hase yeeshee
ps: conj-phrase
xe: Today the weather is nice, however, tomorrow nobody knows.
xv: Maanta hawadu wey fiicantahay, hase yeeshee berri lama oga.
key: hase_yeeshee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haseyeeshee
Hayeeshee; ha ahaatee: laakiin; -se.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haseyeeshee
xi. la-mid: hayeeshee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haseyeeshee
(xidhiidhiye) eeg ha'ahaatee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hase yeeshee
conj-phr. but, however, nevertheless
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alji
m.l.u (-iyo, m.dh) (baayoloji) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox ablaablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bakteeriya
m.dh (-ayaal, m.l/dh) (baayoloji) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foolwaa
m.l (xisaab) Xaddi leh laxaad, hase yeeshee aan lahayn jiho. Barbar dhig leeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illowse
xi. Laakiinse, hase yeeshee. Tusaale: “Beerta ayaan galay, illowse miro kama guran”. la-mid: illayse.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isu'eg
m.l (-gyo, m.dh) (xisaab) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laakiin
xi. (naxwe) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tusaale: “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. la-mid: walaakiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddi-foolwaa
m.l (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Xaddi sida: cuf, dherer, waqti, cufnaan ama tamar oo leh baaxad ama laxaad; hase yeeshee aan lahayn jiho. Xisaab ahaan xaddiyadan oo kale waxaa la yiraahdaa xaddi foolwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xisaab
xisaab¹: m.dh 1. Wax inta tiradoodu la egtahay. 2. Garsoorka uu Eebbe aakhiro mariyo addoomadiisa. 3. Cilmiga tirooyinka iyo joometeriga.
xisaab²: m.dh (xisaab)1. Waxa jira siyaabo badan oo loo qeexi karo xisaabta, hase yeeshee, qeexidyadaasi ma aha kuwa loo qaadan karo qeexidda ereyga. 2. Barashada sida ratibaadyo iyo xiriiro loo bandhigo la isuna gaarsiiyo. 3. Barashada tirooyinka, shaxannda iyo qaybo kale oo lojik ahaan. 4. Barashada tirooyinka, shaxannada iyo qaybo kale oo lojik ahaan loo adeegsado. Waxaa loo qaybiyaa xisaab saafid iyo dabaqaad. Inkastoo qaybintu aan ahayn mid go'an misna labada qaybood waa ay isku xiranyihiin.
xisaab³: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax tirin. 2. Garsoor samayn (Ilaah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xunguruf
m.dh 1. Bahal ka mid ah bahalaha sheekooyinka lagu tebiyo hase yeeshee ayan cidi weli arag oo leh ciddiyo dhaadheer oo ay wejiga kaga xagato dadka. 2. Dafo. 3. Cadaawadnimo yar oo dad ka dhexeysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuub-badh-habe
m.l (-bayaal, m.l/dh) (baayoloji) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeel
yeel¹: m.l (-lal, m.l) Qeeb ceel biyo looga cabbo sida wadaan, dawli iyo wixi lamida.
yeel²: m.l Y.-kay, y.-kaa: arrintay, arrintaa iyo wixi lamida.
yeel³: m.dh (-lo, m.l) 1. Xarig dheer oo loo isticmaalo awrta rariddeeda oo isaga gudba awrka dhinacyadiisa, dabagelisna leh. 2. Inta xarig ah ee ka samaysan harag.
yeel⁴: xi. (naxwe) Ha yeeshee (hayeeshee) ama hase yeeshee (haseyeeshee): ha ahaatee, laakiin.
yeel⁵: f.g1 (-eelay, -eeshay) 1. Cid arrin ama wax kale ka aqbalid. 2. Kab go'day samayn. 3. Wax samayntooda ku kicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alji
m.l.u (-iyo, m.dh) (baay.) Qayb badan oo ka duwan dhirta yar yar, hase yeeshee cagaariye leh (footoosintasis) cuntadiisa ku samaysan kara, kuna nool sabo biyood iyo dhulka saxansaxada leh. Geedkani waxa uu noqon karaa hal unugley ama unugyo badane. Isaga oo yeelan kara qaababkan: miiqaq, wareegsan ama saxan u eg. Aljiga hadda looma aqoonsana koox abla-ablayneed, inkastaoo mararka qaarkood la raaciyo noolayaasha hoose ee boqortooyada borotista. Inta badan haddaba, kooxaha boqortooyadan waxa loo aqoonsanyahay qaybaha abla-ablayneed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bakteeriya
m.dh (-ayaal, m.l/dh) (baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foolwaa
m.l (xisaab) Xaddi leh laxaad, hase yeeshee aan lahayn jiho. Barbar dhig leeb.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illowse
xi. Laakiinse, hase yeeshee. Tusaale: Beerta ayaan galay, illowse miro kama guran. la-mid: illayse.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isu'eg
m.l (-gyo, m.dh) (xisaab) Laba ama dhowr shaxan oo u kala duwan iskeel ahaan, hase yeeshee qaab ahaan aan u kala duwaneyn. Laba shaxan joometeri waa ay isu egyihiin haddii midkood uu yahay kan kale oo la weyneeyay. Geesooleyaasha isu'eg waxa ay leeyihiin xaglo gudboon oo isle'eg iyo dhinacyo isku aaddan oo saamiggal isu ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laakiin
xi. (naxwe) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tusaale: Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan. la-mid: walaakiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaddi-foolwaa
m.l (-iyo ..., m.dh) (xisaab) Xaddi sida: cuf, dherer, waqti, cufnaan ama tamar oo leh baaxad ama laxaad; hase yeeshee aan lahayn jiho. Xisaab ahaan xaddiyadan oo kale waxaa la yiraahdaa xaddi foolwaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xisaab
xisaab¹: m.dh 1. Wax inta tiradoodu la egtahay. 2. Garsoorka uu Eebbe aakhiro mariyo addoomadiisa. 3. Cilmiga tirooyinka iyo joometeriga.
xisaab²: m.dh (xisaab) 1. Waxa jira siyaabo badan oo loo qeexi karo xisaabta, hase yeeshee, qeexidyadaasi ma aha kuwa loo qaadan karo qeexidda ereyga. 2. Barashada sida ratibaadyo iyo xiriiro loo bandhigo la isuna gaarsiiyo. 3. Barashada tirooyinka, shaxannda iyo qaybo kale oo lojik ahaan. 4. Barashada tirooyinka, shaxannada iyo qaybo kale oo lojik ahaan loo adeegsado. Waxaa loo qaybiyaa xisaab saafid iyo dabaqaad. Inkastoo qaybintu aan ahayn mid go'an misna labada qaybood waa ay isku xiranyihiin. m.f.dh, xisaabid.
xisaab³: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax tirin. 2. Garsoor samayn (Ilaah). m.f.l, xisaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuub-badhhabe
m.l (-bayaal, m.l/dh) (baay.) Marka la sharaxayo siimowga, xuub oggolaada inay dhexmaraan molikiyuulladda miluhu, hase yeeshee aanay dhex mari karin kuwa milmuhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayeeshee
Haseyeeshee; laakiin: -se.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayeeshee
xi. Saas ay tahay; laakiin. la-mid: ha'ahaatee, hase ahaatee, haseyeeshee, yeel4.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hayeeshee
xi. Saas ay tahay; laakiin; ha'ahaatee; yeel; hase-ahaatee ld, haseyeshee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayeeshee
conj. but, however
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayeeshee
(xidhiidhiye) haseyeeshee; laakiinse; laakiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayeeshee
a: hase yeeshee
de: but, however
lx: hayeeshee
ps: conj
syn: laakiin
key: hayeeshee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hase_ahaatee
a: ha ahaatee
de: but, however
lx: hase ahaatee
ps: conj-phrase
key: hase_ahaatee