harreed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harreed
(Harreed-ka)
Timaha yar oo isu haya kuwa dhafoorka iyo kuwa garka; (ama hareed).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harreed
m.l la-mid: hareed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harreed
m. n. hair at the side of the face, side-burns; whiskers (of an animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
harreed
-ka: (n) sidebums (saaydh-buurnis)-, whiskers (wis keris) ~ hareed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harreed
-ka: (magac, lab, keli) timaha yar oo isu haya kuwa dhafoorka iyo kuwa gadhka.
harreed -ka: (magac, lab, keli) summad geela lagaga dhigo dhegta iyo isha inta u dhaxaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harreed
a: hareed
de: hair at the side of the face, side-burns; whiskers (of an animal)
lx: harreed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: harreed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareed
m.l Timo ka soo baxa labada dhaban ee ragga. la-mid: harreed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hareed
m.l Timo ka soo baxa labada dhaban ee ragga. la-mid: harreed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hareed
m. n. side-burns; whiskers (of an animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hareed
-ka: (n) sideburns (saaydhbuurnis)-, whiskers (wiskeris) ~ harreed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareed
-ka: (magac, lab, keli) timaha isku xidha gadhka iyo kuwa dhafoorka ee madaxa ka yimaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hareed
de: side-burns; whiskers (of an animal)
lx: hareed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
see: harreed
key: hareed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harreef
(Harreef-ta)
Hiirtaayo; dhib
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harreef
f. n. trouble, difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harreef
-ka: (magac, lab, keli) caws aqal oo idlaadey.
harreef -ta: (magac, dhedig, keli) wax aan la jeclaysan oo qofka soo gaadha. Dh: dhibaato, waxyeello, hiirtaanyo, dhib.
harreef -ta: (magac, dhedig, keli) laan qodax leh oo geed waddada u dhaw ka baxday, oo dadka jidka maraya xagata.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harreef
de: trouble, difficulty
lx: harreef
pd: (-ta)
ps: n2a-f
syn: dhib, hiir ~ hiirtaayo
key: harreef
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harreemi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid baahan hanti yar ku taakulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharbeed
(Sharbeed-ka)
Biyo iyo sonkor laysku karsho oo inta dhir kala jaad ah lagu daro, midabyo iyo dhadhan kala duwan loo yeelo oo la cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharbeed
m.l Hoore layiig ah, macaan, midabbo kala duwan oo inta biyo lagu qaso la cabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharbeed
m.l Hoore layiig ah, macaan, midabbo kala duwan oo inta biyo lagu qaso la cabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharbeed
m. n. sherbet, drink crystals, beverage syrup (cordial, kool-aid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharbeed
-ka: (magac, lab, keli) biyo iyo sonkor laysku karsho oo inta la dhireeyo oo midabyo iyo dhadhan kala du'duwan loo yeelo oo la cabbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharbeed
de: sherbet, drink crystals, beverage syrup (cordial, kool-aid)
initial: s
lx: sharbeed
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: sharbeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haree
f.g2 (-eeyay, -eeysay) 1. Wax har u yeelid. 2. Wax iftiin ka qarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haree
f.g2 (-eeyay, -eeysay) 1. Wax har u yeelid. 2. Wax iftiin ka qarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haree
v. shade, take ~ put in the shade
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haree
-yey / hareysay: (v) overshadow (oovarshaadhow), shade (sheeydh) ~ hoos u yeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haree
(fal) har ama hoos u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haree
a: hari
de: shade, take ~ put in the shade
lx: haree
pd: (hareeyey)
ps: v2b=tr
key: haree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harre
-ha: (magac, lab, keli) xayawaan barribiyood ah oo ku nool haraha jiilaalkiina dhoobada isku aasa. Dh: rah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
agreed
a.; it is agreed, lagu heshii.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
ARYEED
Asparagus africanus 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax ciid ku shubid. 2. Geel cusbo siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Wax ciid ku shubid. 2. Geel cusbo siin. m.f.dh, carrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carree
v. cover with soil, put soil on ~ into something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carree
de: cover with soil, put soil on ~ into s.t.
lx: carree
pd: (carreeyey)
ps: v2b=
key: carree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darree
(fal) xoolo soo arooray, dar u samee.
darree: (fal) timaha darro mari. Intaad ceelka shubayso timaha darree. Dh: dhoobee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gareed
m.l Midabka fiilka iyo caddaanka u dhexeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Qof haar u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Qof haar u yeelid. m.f.dh, haarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaree
v. make a scar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaree
(fal) cid kale, haar iyo nabar u yeel. Dh: haaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaree
de: make a scar
lx: haaree
pd: (haareeyey)
ps: v2b=
key: haaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habeed
(Habeed-da)
Raadka kaadidu geela lugihiisa danbe ku reebto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habeed
m.dh Raadka kaadida geelu lugihiisa dambe ku reebto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habeed
f. n., [collective] dirt on camel's back legs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habeed
-da: (magac, dhedig, keli) raadka kaadida geelu lugaha ku reebto, gaar ahaanna xilliga uu aadka u harraadan yahay. Habeenkaa wax laga dhiijiyaa dhay habeed badane. Dh: kaadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habeed
de: dirt on camel's back legs
lx: habeed
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: habeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareef
m.dh (-fyo, m.l/dh) 1. Qof tabar daran. 2. Qof aan muuqaal wanaagsanayn. 3. Wax soo haray. 4. Derin duug ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareef
-ta: (magac, dhedig, keli) qofka muuqaalkiisa ay dhib iyo daranyo ka yaalliin. Wa: hareefyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hareer
(Hareer-ta)
Barbar; dhinac; gees; doc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareer
m.dh (-ro, m.l) Dhinac; barbar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hareer
m.dh (-ro, m.l) Dhinac; barbar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hareer
f. n., loc. edge, side; around; surroundings
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HAREER
Terminalia polycarpa/prunioides 01
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hareer
-ta: (n) [Plural hareeraha] side (saaydh)-, comer (koorner) ~ gees, daraf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareer
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama shey, inta dhinacyadiisa ah. Beledweyn Aallahoow, ka ka dhig meel barwaaqo ah, Beerlula Allahayoow; balaayada hareer mari. Dh: ag, baal, doc, dhinac, gees, barbar. Wa: hareero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hareer
de: edge, side; around; [pl] surroundings With possessive pronouns
lx: hareer
pd: (-ta)
ps: n1-f-loc
xe: around the house
xv: guriga hareerihiisa
key: hareer
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hatred
/heytridh/ (n) nacayb, cadaawo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Ka h.: wax, wax kale hortiisa jirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Ka h.: wax, wax kale hortiisa jirid. m.f.dh, horrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horree
v. be first, be in front, precede, be earlier
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horree
de: be first, be in front, precede, be earlier
lx: horree
pd: (horreeyey)
ps: v2b=
xe: This is my first time here.
xv: Waa markii iigu horreysey halka.
key: horree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarred
-ka: (magac, lab, keli) qof had iyo goor dadka dhibaateeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarree
f.g/mg. 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Goor subax ah qof cunto doonaya reer ku waaberiisasho. 2. (f.g) Goor subax ah marti cunto siin. 3. (f.mg) Cid wax ka rajayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarree
v. expect
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jarree
de: expect
lx: jarree
pd: (jarreeyey)
ps: v2b=
key: jarree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Ka s.: wax, wax kale kor saaran ama ka derejaweyn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Ka s.: wax, wax kale kor saaran ama ka derejaweyn ahaansho. m.f.dh, sarrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarree
v. be above ~ on top; be in charge, superior, high in rank ~ commission
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarree
-yey / sarreysay: (v) be above or higher than
ka sarree -yey / sarreysay: (v) be superior in rank or position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarree
(fal) meel sare joog. Dh: korree. Li: hoosee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarree
de: be above ~ on top; be in charge, superior, high in rank ~ commission rw: sare
initial: s
lx: sarree
pd: (sarreeyey)
ps: v2b=intr
key: sarree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xareed
(Xareed-da)
Biyaha roobka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xareed
m.dh 1. Biyo roob. 2. Biyo macaan oo aan cusbo lahayn. 3. X. ah: midab casaan furan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xareed
m.dh 1. Biyo roob. 2. Biyo macaan oo aan cusbo lahayn. 3. X. ah: midab casaan furan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xareed
name: Hared
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xareed
f. n., (mass n.): rainwater
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xareed
name-m rainwater; sweet as rainwater; the one whose parents felt happiness upon his normal birth. Syn: Xareedo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xareed
-da: (n) rainwater (reeyn-wo- ter), spring water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xareed
magac loo bixiyo wiil dhasha xilli roob da'ayo ama xaareeddu ceegaagto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xareed
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha roobka con la tarrixin oo cusub. Adoo degganaa abaar; marbuu dirir kuu da'aayoo; daruuruhu kuu curtaanood; xareed ku dabbaalataa. Dh: ajo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yareed
n. phr., genetive: the little one
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yareed
de: the little one
initial: y
lx: yareed
ps: np-gen
key: yareed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Carbeed
n. phr., genetive: Arabian, Arabic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Carbeed
(adj) Arabian (a-rey-biyan) Ex: Faras Carbeed; an Arabian horse
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Carbeed
de: Arabian, Arabic
lx: Carbeed
pd: (Carabeed)
ps: np-gen
key: Carbeed
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
carried
a., (nin) la sido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darteed
np-reason: because of; for the sake of her / it [fem.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darteed
(adv) for her sake Ex: waxaan u itnid darteed; I come for her sake
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darteed
de: because of; for the sake of her / it [fem] = dar + -teeda
lx: darteed
ps: np-reason
xe: because of that
xv: sidaas darteed
key: darteed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneed
(Haaneed-ka)
1. Dhinaca geela la iska taago kolka la lisa hayo.
2. Sida la isu taago kolkaas.
3. Hab wanaagsan; habsami; qurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneed
haaneed¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Dhinaca bidixeed ee geela laga istaago marka la lisayo. 2. Hab wanaagsan, habsami.
haaneed²: f.g1 (-day, -dday) 1. Hal iyadoo bidixda laga taaganyahay haruubka jilibka lagu hayo lisid. 2. la-mid: haneedi. la-mid: haaneedi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haaneed
m.l (-dyo, m.dh) 1. Dhinaca bidixeed ee geela laga istaago marka la lisayo. 2. Hab wanaagsan, habsami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaneed
m. n. left side of a cow-camel (where one stands when milking)
haaneed m. n. good form, nice style, lovely way ~ shape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haaneed
-ka: (n) correct style; proper form
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneed
(fal) hal aad lisayso, haaneedka iska taag. Waa qaab loo joogsado kolka geela la lisayo.
haaneed-ka: (magac, lab, keli) dhinaca bidix ee marka geela la lisayo ee hadhuubka lagala galo. Haaneedka adigaa hayee gorofka hay dhaafin.
haaneed -ka: (magac, lab, keli) hab geela loo wada liso oo la joogsado. Labada nin midkood baa cagta inta uu jilibka lugta kale saaro, gorofka bawdada kor u taagan dul dhiga. Dh: miskeed.
haaneed-ka: (magac, lab, keli) quruxda iyo habka wanaagsan. Dh: habsami, qurux.
haaneed -ka: (magac, lab, keli) lisidda geela guud ahaan. Haaneedka geelu waa hab la barto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddeed
(falkaabe) hadda wixii ka danbeeya, milaygan ka dib.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HADHEED
Cordia ovalis 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraad
(Harraad-ka)
Sida la noqdo kolka biyo la cabbo la waayo; oon; surmi; asqo.