harowsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harowsi
m.l la-mid: harowsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harowsi
vl. n. idle threats; idle boasting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harowsi
-ga: (magac, lab, keli) qof waxaanu aqoon lagu jabsaday. Dh: jabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harowsi
de: idle threats; idle boasting
lx: harowsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: harowsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsi
m.l la-mid: garowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harawsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg harawsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harowso
f.g3 (-saday, -satay) Hadal been iyo khiyaamo ku jirto qof ka dhaadhicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harowso
f.g3 (-saday, -satay) Hadal been iyo khiyaamo ku jirto qof ka dhaadhicin. m.f.dh, harowsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harowso
v. make idle threats to someone, make a fool of; boast idly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harowso
(fal) been aad ku qiyaamaynaysid, qof kale u sheeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harowso
de: make idle threats to s.o., make a fool of; boast idly {C & S}
lx: harowso
pd: (harowsaday)
ps: v3a=tr
key: harowso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harowsad
m.l la-mid: harowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harowsad
-ka: (magac, lab, keli) been aad ku qiyaamaynaysid, qof kale u sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harsi
(Harsi-ga)
Harsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsi
m.l la-mid: harsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsi
-ga: (magac, lab, keli) harsasho; hadhsi; har gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroosi
f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: qof guurkiisa tabaabusheyn. la-mid: aqalgeli, aroosgeli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroosi
f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: qof guurkiisa tabaabusheyn; aqalgeli; aroosgeli. m.f.dh, aroosin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aroosi
v. cause someone to marry, induce ~ help someone to get married
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aroosi
-yey / say: (n) [ with preposition u] help someone to marry ~ u guuri
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aroosi
de: cause s.o. to marry, induce ~ help s.o. to get married
lx: aroosi
pd: (aroosiyey)
ps: v2a=tr
key: aroosi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badowsi
-ga: (magac, lab keli) cid kale, badawnimadiisa ku khatal oo khiyaamee. Dh: badawsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowso
f.g3 (-stay, -satay) Wax inuu daw yahay aqoonsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garowso
f.g3 (-stay, -satay) Wax inuu daw yahay aqoonsasho. m.f.dh, garowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowso
(fal) qiro oo dambiga qaado; in arrini gar tahay ama gar ku dhacday u qaado; oggolow gardarradaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haloosi
(Haloosi-ga)
Waddo weyni iyo ballaar isku darsatay (ama halloodi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haloosi
haloosi¹: m.l.kh H. ah: jid weyn oo aan lahayn dhagxan, geedo, godad iyo wixi lamida. la-mid: haloodi.
haloosi²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Dad badan hees wada qaadid. 2. Ku h.: wax jid weyn, toosan oo aan dhib lahayn marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haloosi
m.l.kh H. ah: jid weyn oo aan lahayn dhagxan, geedo, godad iyo wixi lamida. la-mid: haloodi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haloosi
m. n. broad road, avenue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haloosi
-da: (magac, dhedig, keli) waddo ballaadh iyo wayni is ku darsatay oo la maro. Dh: dariiq, waddo, daw, jid, haloodi.
haloosi-ga: (magac, lab, keli) malamalayn iyo ku taamid arrimo iman doona. Haloosiga hal baa nahay midiyo hoos ka dhagarawga. Dh: feker, male'awaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haloosi
cf: waddo
de: broad road, avenue
lx: haloosi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: haloosi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harawso
(fal) cid kale, been aad ku khiyaamaynaysid u sheeg ama ku dhagar. Dh: badawso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hororsi
-ga: (magac, lab, keli) boob iyo degdegsi. Hadal nin kaa leeyahay iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado. Dh: boob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargoosi
m.l la-mid: aargoosasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aargoosi
vl. n.,[adverb] revenge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargoosi
-ga: (magac, lab, keli) aano colaadeed, goosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorsi
m.l la-mid: baroorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barroosi
m.l la-mid: barroosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharabsi
m.l la-mid: dharabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaqsi
m.l la-mid: dharaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsi
m.l la-mid: dhararsasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fardowsa
name-f a level of paradise mentioned in the Q'uran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabowsii
(fal) duq ka dhig oo cimridegdeg ku rid Dh: gabooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsad
m.l la-mid: garowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garowsad
-ka: (magac, lab, keli) in arrini gar tahay ama gar ku dhacday u qaadasho. Dh: garaysasho, garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garowsho
m.l la-mid: garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haloosin
m.dh la-mid: haloosiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halrarsi
-ga: (magac, lab, keli) halrarashada iyo eersiga wax kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harawsad
-ka: (magac, lab, keli) been u sheegid oo ku khiyaamayn. Dh: harawsasho, harawsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggowsi
m.l la-mid: maggowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggowsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maggowsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroogsi
m.l la-mid: marooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marooqsi
(Marooqsi-ga)
Marooqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marooqsi
m.l la-mid: marooqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg maroorsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawrawsi
-ga: (magac, lab, keli) dedaal hanti raadis ah. Rawrawsi ayay kabihii kaga dhammaadeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysi
(Sharaysi-ga)
Sharaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysi
m.l la-mid: sharaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaysi
-ga: (magac, lab, keli) sharaysasho: sharaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harowsasho
m.f.dh eeg harowso. la-mid: harowsad, harowsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel hoos ah gayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hari
v. shade, put ~ carry into the shade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hari
(fal) dad kale, cunto hadhimo sii.
hari: (fal) cid kale, meel hadh leh gee.
hari: (fal) adigu, meel hadh leh iska fadhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hari
a: haree
de: shade, put ~ carry into the shade
lx: hari
pd: (hariyey)
ps: v2a=tr
key: hari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haro
(Hara-da)
Biyo badan oo fadhiya oo aalaa macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsan yahay; balli weyn; kal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn. 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn. 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haro
Lake
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haro
f. n. lake, pond
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haro
-haraha: (n) lake (leeyk); lagoon (laguun); pond (paandh) ~ war
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haro
(fal) meel qushaash leh oo aad u baahan tahay, nadiifso oo hagaajiso.
haro -da: (magac, dhedig, keli) biyo fadhiya oo aalaa macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsan yahay. Dh: balli, kal, har, war.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
haro
haro, n.m. - ku qaylin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haro
de: lake, pond
lx: haro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: haro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawi
(fal) hu' dul saar, Dh: huwi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haws
-ka: (magac, lab, keli) islahadal iyo qaraw. Dh: hadar, hadur, qaraw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsi
(Aarsi-ga)
Aargudad; aarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsi
m.l la-mid: aarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsi
m. n. revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsi
-ga: (n) retaliation {ritaali-yeeyshin); revenge (ri veenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsi
-ga: (magac, lab, keli) «ka~ eeg aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsi
de: revenge
lx: aarsi
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: aarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aroos
(Aroos-ka)
Guur cusub iyo cayaaraha iyo dheelaaska loo sameeyo; guur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroos
aroos¹: m.l (-syo, m.dh) 1. la-mid: aroosid. Ciyaaro iyo damaashaad loo sameeyo laba qof oo isguursaday. 2. Toddabada beri ee ugu horreysa aqal-galka. 3. A. ah: qof ku jira toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkiisa.
aroos²: f.g/mg1 (-say, -stay) 1. (f.g) Laba qof oo isguursaday xaflad iyo damaashaad samayn. 2. (f.mg) Nin, naag guursasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroos
aroos¹: m.l (-syo, m.dh) 1. Ciyaaro iyo damaashaad loo sameeyo laba qof oo isguursaday. 2. Toddabada beri ee ugu horreysa aqal-galka. 3. A. ah: qof ku jira toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkiisa.
aroos²: f.g/mg1 (-say, -stay) 1. (f.g) Laba qof oo isguursaday xaflad iyo damaashaad samayn. 2. (f.mg) Nin, naag guursasho. m.f.dh, aroosid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aroos
m. n. marriage, wedding; groom, bridegroom
aroos v. marry, wed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aroos
-ka: (n) 1. wedding (weding)-, the ceremony or celebration of a marriage. 2. bridegroom (baraaydh-guruurn); groom (guruum)
aroos-ay / tay: (v) wed (wedh); take as a spouse; marry (meeri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroos
(fal) guurso; gabadh la aqalgal.
aroos-ka: (magac, lab, keli) nin ku jira maalmihii aqalgalka. Dh: caruus, caroos.
aroos-ka: (magac, lab, keli) xaflad wiil iyo gabadh isguursaday ay ku aqalgelaan; xaflad yagleelka reer cusub logu dabbaaldegayo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arose
/arows/ eeg arise.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
arose
/arows/ (v) arise oo fal laha moothy eh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawsi
-ga: (magac, lab, keli) barashada qof ama wax kale.
bawsi -ga: (magac, lab, keli) eeg bawsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bowsi
(Bowsi-ga)
Aqoon aan dugsi layska barin ee dibadda iyo dadka afkiisa laga qaato; cilmidhegood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowsi
m.l Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macalin toos ah laga baran. la-mid: bowsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bowsi
m.l Aqoon kooban oo aan dugsi iyo macalin toos ah laga baran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bowsi
vl. n. picking up news, information ~ gossip; knowledge gained outside of school
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowsi
-ga: (magac, lab, keli) wax aad maqashey oo aan qoraal ahayn barashadii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bowsi
a: bowsasho [vn6-f]
de: picking up news, information ~ gossip; knowledge gained outside of school
lx: bowsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: bowsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Caano, wax car yeeshay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carow
inch. v. having a bitter taste (milk)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CAROW
Panicum pinifolium 10
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carow
de: having a bitter taste (milk)
lx: carow
pd: (caroobay)
ps: v1=inch
key: carow