harjadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harjadid
(Harjadid-da)
Werfid; mintidid; dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harjadid
m.f.dh eeg harjad². la-mid: harjad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harjadid
-da: (magac, dhedig, keli) mintidid oo dadaalid. Dh: mintidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarid
(Haarid-da)
Dhuldhac diidid; werfid; harjadid; madaxdhulladhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miryaadid
(Miryaadid-da)
Wax miryaadaya noqosho; harjadid; werfid; haarid; (ama maryaadid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Werfid
(Werfid-da)
Harjadid; haarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarid
-da: (magac, dhedig, keli) calaamad wejiga ama dhabarka lagaga dhigo ilmaha dhashay ama wanka adhiga lagu darayo ee sumalka.
haarid -da: (magac, dhedig, keli) dhuldhac ama welfid maanka la iska qaado. Dh: harjadid, welfid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
werfid
-da: (magac, dhedig, keli) harjadid; haarid, wareejin lagu sameeyo shay adigoo dhinacyada u warwareejinaya. Werfid bay ku sameeyeen kii yaraa oo wixii uu caano dhamay wuu matagay. Dh: wadhfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadid
(Harraadid-da)
Biyo la cabbo u baahasho; oomid; asqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadid
m.f.dh eeg harraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadid
-da: (magac, dhedig, keli) mid oomman oo harraaday ahaan. Dh: harraadis, asqoobid, oomis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadid
(Haadid-da)
Duulid; lalid; bidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadid
m.f.dh eeg hąad³. la-mid: haadis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka kor uga duulid; hawada dhexdeeda marid sida haadka iyo diyaaradaha. Haadiddu shinbiraha qaar way ku adagtahay. Dh: haadis, biibid, lalid. Li: daadegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harjad
(Harjad-ka)
1. Haar iyo weref; madaxdhulladhac; mintid; dadaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harjad
harjad¹: m.l 1. H. ah: qof sakaraad ah oo naftu dhibayso. 2. H. ah: qof mintid ah. 3. la-mid: harjadid.
harjad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Qof sakaraad hayo rafasho. 2. Qof mintidnimo dheeraad ah muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harjad
m.l 1. H. ah: qof sakaraad ah oo naftu dhibayso. 2. H. ah: qof mintid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harjad
m. n. restless display of emotion ~ pain
harjad v. strive, try hard (to do); struggle in death throes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harjad
(fal) mintid oo dedaal dheeraad ah samee. Dh: harjed.
harjad -ka: (magac, lab, keli) madax dhul la dhac. Dh: mintid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arradid
(Arradid-da)
Dhar la qaato waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradid
m.f.dh eeg arrad². la-mid: arrad¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arradid
vl. n., [abstract] lack of proper clothes, shabbiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhar ka dhammaaday noqosho ama dhar cusub waayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arradid
de: lack of proper clothes, shabbiness
lx: arradid
pd: (-da)
ps: vn0-f-abs
key: arradid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haraadi
-ga: (n) one that falls behind among moving herd; straggler (straaglar) ~ dabaadi-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraadi
(fal) cid oonsii oo biyo u baahsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bardadid
(Bardadid-da)
Sasid; argaggixid; (ama berdedid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardadid
m.f.dh eeg bardad². la-mid: barkadid, barkagid, berdedid, berkegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardadid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi iyo naxdin darteed la wareerid. Bardadid bay la kici wayday markii wiilkeedii lagu hor gawracay. Dh: argaggixid, sassid, berdedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkadid
m.dh la-mid: bardadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjabid
(Carjabid-da)
Carjab noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjabid
m.f.dh eeg carjab². la-mid: carjab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabid
-da: (magac, dhedig, keli) duug noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habjaqid
m.f.dh eeg habjaq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Handadid
(Handadid-da)
Si handad ah ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handadid
m.f.dh 1. la-mid: handad ¹, hanfadid. eeg handad². 2. la-mid: haddidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handadid
-da: (magac, dhedig, keli) si handad ah ku kicid; u cagajugleyn; u hanjabaad; gooddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanfadid
(Hanfadid-da)
Handadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfadid
m.dh la-mid: handadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfadid
-da: (magac, dhedig, keli) si cir weyni ku jirto wax u doonid. Hanfadidda waxba ku heli mayside tartiibso. Dh: hanfadis, gooddin.
hanfadid-da: (magac, dhedig, keli) u cagajuglayn iyo u hanjebid. Dh: handedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanjabid
(Hanjabid-da)
Hadallo hanjabaad ah qof ku dhihid; (ama hanjamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjabid
m.f.dh eeg hanjab. la-mid: hanjabaad, hanjabo, hanjamaad, hanjamid, hanjamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjamid
m.dh la-mid: hanjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardafid
(Hardafid-da)
Orod hardaf ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardafid
m.f.dh eeg hardaf². la-mid: hardaf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardafid
-da: (magac, dhedig, keli) orod hardaf ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardamid
(Hardamid-da)
Hardi isla dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardamid
m.f.dh eeg hardan². la-mid: hardan¹, hertamid, hertan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid. Dagaalka wananku waa haradamid. Dh: hirdamid, herdamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargabid
(Hargabid-da)
Hargab ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargabid
m.f.dh eeg hargab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargabid
-da: (magac, dhedig, keli) duri qaadid; hargab yeelasho. Dh: duryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargagid
m.dh la-mid: xargagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harjad_1
de: restless display of emotion ~ pain
hm: 1
lx: harjad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: miryaad, weref
key: harjad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harjad_2
de: strive, try hard (to do); [fig.] struggle in death throes
hm: 2
lx: harjad
pd: (harjaday)
ps: v1=
key: harjad_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarjarid
(Jarjarid-da)
Googgoyn; kidfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarjarid
m.f.dh eeg jarjar². la-mid: jarjaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarjarid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama in ka badan, googoyn oo qurbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarfadid
m.f.dh eeg qarfad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carajabid
-da: (magac, dhedig, keli) cadhaburburid; cadhajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garqaadid
(Garqaadid-da)
1. Gar niqiddeed gelid oo dad ama cid kale ku kala saarid; garsoorid; garniqid.
2. Hoggaamin; wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaadid
m.f.dh eeg garqaad². la-mid: garqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) garsoorid ama dhexdhexaadin; dacwad qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaraamid
(Haaraamid-da)
Wax sidii la rabey si aan ahayn u dhacay, dad kale ku eedayn, ku dagaalid, wax kaga sheegid; hiilid; canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaraamid
m.f.dh eeg haaraan². la-mid: haa-raan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo foolxagad tiro badan oo hiif ah cid kale u geysasho. Meel balaayo heeryaha dhigtoo, la isku haaraamey. Dh: guulguulid, hiifid, haaramid, eedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halgaadid
(Halgaadid-da)
Wax gacanta ku qabasho oo meel fog ku tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgaadid
m.f.dh eeg halgaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaadid
-da: (magac, dhedig, keli) waran, dhagax iyo wixii la mid ah, ku tuurid ama ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halqaadid
m.f.dh eeg halqaad². la-mid: halqaad¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halraacid
m.f.dh eeg halraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjiidid
m.f.dh hanjiid².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamid
m.f.dh eeg harqaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadin
(Harraadin-ta)
Harraad badid; biyo la cabbo u diidid; oomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadin
m.f.dh eeg harraadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, harraad ku ridid; noole inuu harraado sabab u noqosho. Dh: oomin, harraadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg harraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjeedid
m.f.dh eeg hoorjed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdadiid
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar gabay leh oo lagu ciyaaro fadhiga oo keliya, waxayna caan ku tahay gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose. Qalabka lagu tumo waxaa ka mid ah shareero iyo daf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarjarmid
m.f.dh eeg jarjaran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarmaadid
(Jarmaadid-da)
Arooryo hore socosho; kallihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadid
m.f.dh eeg jarmaad. la-mid: jarmaadis², jermaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaadid
-da: (magac, dhedig, keli) milay aroor hore ah, socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaabid
(Kharaabid-da)
Kharaab noqosho; kharribmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaabid
m.f.dh eeg kharaab². la-mid: khar-raabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday noqosho. Dh: kharibmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marjiidid
m.f.dh eeg marjiid². la-mid: maljiid¹, maljiidid, marjiid¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryaadid
m.f.dh eeg maryaad². la-mid: maryaad¹, meryaad¹, meryaadid, miryaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarradhid
-da: (magac, dhedig, keli) dildillaacid. Ciidda roob la'aanta ayaa qarradhidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaadid
m.f.dh eeg shahaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaabid
m.f.dh eeg sharaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaabid
-da: (magac, dhedig, keli) sharaab, cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharqamid
(Sharqamid-da)
Shanqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqamid
m.dh la-mid: sanqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharqamid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqadh samayn. Dh: sanqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharraxid
m.f.dh eeg sharaax². la-mid: sharra-xaad, sharrixid.