harimaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harimaysasho
m.f.dh eeg harimayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harimaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qadayn; harimaysad; harimaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharaarasho
(Dharaarasha-da)
1. Dharaar cunno cunid; harimaysasho.
2. (ku dharaarasho) Maalin meel joogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxumaysasho
m.f.dh eeg darxumayso. la-mid: darxumaysad, darxumaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) darxumo iyo dhib qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarumaysasho
(Faarumaysasha-da)
(geel) faarumaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumaysasho
m.f.dh eeg faarumayso. la-mid: faarugsasho, faarugsi, faarumaysad, faarumaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) geel, kolka la lisayo, si fiican isku taagid oo lugaha kala baxsasho. Dh: faadhumaysasho.
faarumaysasho -da: (magac, dhedig, keli) meel aad fadhiday, firkisasho oo lugaha kala bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) hanti iyo xoolo yeelasho. Dh: hantiyaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaroomaysasho
m.f.dh eeg qaroomayso. la-mid: qaroomaysad, qaroomaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harimayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qado cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysasho
(Garaysasha-da)
In arrini gar tahay ama gar ku dhacday u qaadasho; garaysad; garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysasho
m.f.dh eeg garayso. la-mid: garaysad, garaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaysasho
vl. n. acceptance of a verdict
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) inay wax sidaa yihiin, aqoonsasho. Dh: garaysad, garaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaysasho
a: garaysad (ka) [vn2-m], garaysi (ga) [vn2a-m]
de: acceptance of a verdict
lx: garaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: garaysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harawsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, been u sheegid oo ku khiyaamayn. Dh: harawsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraysasho
(Jaraysasha-da)
1. Fardo la leeyahay jarabbarid.
2. Shaxda, jare yeelasho, samaysasho; jaraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysasho
m.f.dh la-mid: jaraysad, jaraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigaysasho
m.f.dh eeg rigayso. la-mid: rigaysad, rigaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumaysasho
(Rumaysasha-da)
Run moodid, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumaysasho
m.f.dh eeg rumayso. la-mid: rumaysad, rumaysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rumaysasho
-rumaysashada: (n) 1. the act of believing (biliiv-ing) or trusting (tarasting). 2. realization (ri-yal-seey-shin) ~ xaqiiqsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) run u qaadasho. Dh: aamminid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samaysasho
(Samaysasha-da)
(qof) iski ama darti wax u samayn; waxaysasho; suubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysasho
m.f.dh eeg samayso. la-mid: samaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxaysasho; suubsasho; samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraysasho
(Waraysasha-da)
Cid wax weydweyddiin, si war looga helo; war ka doonid, ka raadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraysasho
m.f.dh eeg warayso. la-mid: waraysad, waraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid wax weyddiin; su'aalo xog lagu raadinayo cid la yeelasho. Dh: waraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaraysasho
(Yaraysasha-da)
Wax yar ka dhigasho; waxyar moodid ama u qaadasho; saluugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaraysasho
m.f.dh eeg yarayso. la-mid: yaraysad, yaraysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaraysasho
vl. n. belittling, contempt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
yaraysasho
-yaraysashada: (n) 1. underestimation (ander-esta-meey-shin); undervaluation (ander-vaalu-weey-shin) ~ yasid. 2. the act of taking little a small amount; belittlement (bi-li-tel-ment); diminution (di-ma-nuu-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan in yar ka qaadasho. Cuntadu yaraysasho ayay ku fiican tahay. Dh: yaraysi.
yaraysasho -da: (magac, dhedig, keli) cid kale yasid oo xaqirid. Rag yaraysasho ma leh. Dh: quudhsasho. Li: qaddarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaraysasho
a: yaraysad
de: belittling, contempt
initial: y
lx: yaraysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: yaraysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qabashada wax wanaagsan oo ajar laga helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaysasho
m.f.dh eeg baryayso. la-mid: baryaysad, baryaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baryaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg carraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darraysasho
(Darraysasha-da)
Timaha darro marsasho; darraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraysasho
m.f.dh eeg darrayso. la-mid: darraysad, darraysi, tarraysad, tarraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciid cad oo timaha lagu nadiifiyo sida xinnaha madax ugu dhaboolaqid. Dh: darraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmaysasho
m.f.dh eeg fahmayso. la-mid: fahmaysad, fahmaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, waalid oo duufsasho.
hallaysasho -da: (magac, dhedig, keli) wax kharriban ama cilladaysan ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaysasho
m.dh la-mid: haybadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) aroorta hore meel u kicid. Dh: hiiraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormarsasho
m.f.dh eeg hormarso. la-mid: hormarsad, hormarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarraysasho
m.f.dh eeg jarrayso. la-mid: jar-raysad, jarraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karraysasho
(Karraysasha-da)
Si hore oo xun oo lagu jirey, si dhaanta oo ka wanaagsan ku sugnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) si dhaanta si hore oo xun oo lagu jiray ama lagu sugnaa. Li: darsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg marmarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardaysasho
(Qardaysasha-da)
Qardo u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardaysasho
m.f.dh eeg qardayso. la-mid: ardaysi, qardaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gardaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamaysasho
m.f.dh eeg raamayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysasho
(Sharaysasha-da)
Shar ka dhigasho; baasaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysasho
m.f.dh eeg sharayso. la-mid: sharay-sad, sharaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraysasho
m.f.dh la-mid: darraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakaysasho
m.f.dh eeg barakayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) barako iyo khayr ka raadin. Soomaalidu qabuuraha barakaysasho ayay ugu diiqi jireen. Dh: barakaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaysasho
m.f.dh eeg dhammayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax is u dhammaystirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramayrasho
-da: (magac, dhedig, keli) faraha gacmaha, maydhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabaysasho
(Halabaysasha-da)
Halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabaysasho
m.f.dh eeg halabayso. la-mid: halabaysad, halabaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) halab yeelad: halabaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalmaysasho
m.f.dh eeg kaalmayso. la-mid: kaalmaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalmaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmaysi; taageersasho; gargaarsasho; taakulaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirirtaysasho
m.f.dh eeg dhirirtayso. la-mid: dhirirtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarjaamaysasho
m.f.dh eeg qarjaamayso. la-mid: qarjaamaysad, qarjaamaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xijaabashada qof hore u noolaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caariyeysasho
(Caariyeysasha-da)
Caariyo ahaan u soo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caariyeysasho
m.f.dh eeg caariyeyso. la-mid: caariyeysad, caariyeysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caariyeysasho
vl. n. borrowing something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caariyeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qalab, kolka lagu intifaacsado la celin doono, qof ka soo qaadasho; ammanaysasho, ergisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caariyeysasho
de: borrowing s.t. for oneself
lx: caariyeysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: caariyeysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamaysasho
m.dh la-mid: calaamadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleemaysasho
m.f.dh eeg caleemayso. la-mid: caleemaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleemaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) geed, caleemo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqliyaysasho
m.f.dh eeg caqliyayso. la-mid: caqlisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) caqli yeelasho; garaadaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuumaysasho
m.f.dh eeg cayuumayso. la-mid: cayuumaysad, cayuumaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayuumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhabataysasho iyo ilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruuraysasho
m.f.dh eeg daruurayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruuraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) fad iyo daruuro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabataysasho
(Dhabataysasha-da)
Qumanyaysasho; ilayn; cawryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabataysasho
m.f.dh eeg dhabatayso. la-mid: dhabataysad, dhabataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrtaysasho
(Dhawrtaysasha-da)
1. Dhawrto dadka ka uruursasho, raadsasho; baryootan.
2. Dhawrto u baxsasho; sadaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrtaysasho
m.f.dh eeg dhawrtayso. la-mid: dhawrtaysad, dhawrtaysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawrtaysasho
-da: (n) alms-seeking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) macaash aanad hore u hayn, soo kordhiso. Dh: faa'ideysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faakihaysasho
m.f.dh eeg faakihayso. la-mid: faakihaysad, faakihaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faakihaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) raaxo iyo dhereg daraaddood, tamashlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammayrasho
m.dh la-mid: faraxalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadaysasho
m.dh la-mid: garaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurtumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) kurtun yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaniimeysasho
m.f.dh eeg qaniimeyso. la-mid: qaniimeysad, qaniimeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaraabaysasho
(Qaraabaysasha-da)
Qaraabo ka dhigasho; cashiiraysi; casabaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabaysasho
m.f.dh eeg qaraabayso. la-mid: qaraabaysad.