harharyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harharyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadhaadhyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraaryo
(Haraarya-da)
Hiraanhir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraaryo
m.dh Neef-tuur xooluhu samee-yaan wakhtiga kulaylaha markay qooraxdu qabato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraaryo
f. n., [abstract] breathlessness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haraaryo
-haraaryaha / da: (n) gasp or breathlessness caused by sun's heat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraaryo
-da: (magac, dhedig, keli) hiraanhirid; neeftuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraaryo
de: breathlessness
lx: haraaryo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: haraaryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraaryoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Haraaryo samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraaryoo
(fal) eeg hadhaadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafaryo
(Hafarya-da)
Qof wax aan la siin, la yiraahdo waa la siiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafaryo
m.dh la-mid: hafrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hafaryo
vl. n. pretense; tantalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafaryo
-da: (magac, dhedig, keli) qof, wax aan la siin ama aanu qabin dusha laga saaro. Dh: nabis, masabidid.
hafaryo -da: (magac, dhedig, keli) denbi qof aan samayn dusha laga saaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hafaryo
bw: hafriin
de: pretense; tantalization
lx: hafaryo
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: hafar
key: hafaryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqaryo
(Qarqarya-da)
Dhaxan weyn oo lala gariiro; diilalyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaryo
m.dh Gariirid ay dhaxan ama jirro keento.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarqaryo
m.dh Gariirid ay dhaxan ama jirro keento.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarqaryo
vl. n. shivering, trembling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarqaryo
-qarqaryada: (n) freezing cold; feeling uncomfortably cold; shivering (shivering)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqaryo
-da: (magac, dhedig, keli) garriir ama dubaaxin ilkaha iyo bawdooyinka la isla dhaco kolka dhaxan, naxdin ama xummadi jirto. Hu'aad Jahani kuma qarqaryo tiro. Dh: qadhqadhyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarqaryo
de: shivering, trembling
lx: qarqaryo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qarqaryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraaryood
m.f.l eeg haraaryoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraaryood
-ka: (magac, lab, keli) kulaylka aawadii iyo harraadka la ruxmid oo hadhgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakaaryo
m.dh Garaacidda qof dhakaarka laga garaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarso
f.mg3 (-saday, -satay) Subax meel in muddo ah ku daahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqariyo
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: qarqariye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqaryoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qarqaryo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarqaryoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Qarqaryo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqaryoo
(fal) qadhqadhyo dareen oo aad u gariir. Dhaxanta ad aragtide bal inyar qarqaryoo. Dh: qadhqadhyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarqaryow
v. shiver, tremble (with fear ~ from the cold)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarqaryow
cf: dhaxamow
de: shiver, tremble (with fear ~ from the cold)
lx: qarqaryow
pd: (qarqaryooday)
ps: v3a=intr
key: qarqaryow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareeryo
-da: (magac, dhedig, keli) urta kaadida orgiyada qoodha ah ka soo kankanta. Shareeryo orgi baa uraysa. Dh: shadeedyo, shunuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araro
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
araro
v. begin, introduce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
araro
-arartay / araratay: (v) make an introduction or preface
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araro
(fal) arar jeedi; hadalkaaga ama qoraalkaaga hordhac u yeel. Dh: araaro.
araro -ha: (magac, lab, keli) hareeraha dooxada, ama halka la degan yahay meelaha u dhowdhow. Araraha intaan marahayey igu arkaayeene. Dh: hareeraha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
araro
de: begin, introduce
lx: araro
pd: (arartay)
ps: v3b=
key: araro
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haaro
Escarpment
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harar
harar¹: m.l la-mid: harrar¹.
harar²: m.dh la-mid: harrar².
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HARAR
Terminalia spinosa 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harar
-ka: (magac, lab, keli) gogosha jaad ka mid ah oo cawska laga tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaryo
(Caarya-da)
Wax cad oo dhogor la moodo oo sida likaha uga soo kor fufa alaabada, kd., siiba wixii ku sugan meelaha qoyan ama dheelku ku dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaryo
m.dh Uskag caddaan xigeen ah oo weel, dhar iyo wixi lamida yeeshaan marka ay muddo meel ku huursanaadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caaryo
m.dh Uskag caddaan xigeen ah oo weel, dhar iyo wixi lamida yeeshaan marka ay muddo meel ku huursanaadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaryo
f. n., [collective] mold, mildew, algae; mud, dirt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaryo
-caaryada: (n) fungus (fangas); smut (ismaat); mold (mooldh); mildew (mil-duu)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaryo
-da: (magac, dhedig, keli) qaajeer cad oo uu uskaggu jidhka ku reebo kolka uu qofku dhidido ama qoyaan taabto.
caaryo -da: (magac, dhedig, keli) wax dhogor la moodo oo cad oo wixii meel ku raaga saarma, siiba wixii qoyan ee huura ama dheelku ku dhaco. Cuntadii bakhaarka ku raagtay caaryo ayaa fuushay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaryo
de: mold, mildew, algae; mud, dirt
lx: caaryo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: caaryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garhay
f.g2 (-yay, -ysay) Awr hoggaamin; dad ama wax kale hogaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garhay
v. guide, lead, direct
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garhay
(fal) (ka ~) garta kaga joog; xeer ahaan adu garta lahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garhay
de: guide, lead, direct
lx: garhay
pd: (garhayey)
ps: v2a=tr
key: garhay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haanyo
f. n. hug, embrace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haanyo
-haanyada: (n) hug (haag); embrace (embareey) ~ habsiin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haanyo
de: hug, embrace
lx: haanyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: haanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habayo
(Habaya-da)
Weel habya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habayo
m.l 1. Weel biyood. 2. la-mid: habay¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habayo
f. n. leaky vessel; improvised baby feeder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habayo
-da: (magac, dhedig, keli) haan ama weel cusayb dartii biyaha ama dareere kale u sii deynaya. Dh: habay, hibitiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habayo
de: leaky vessel; improvised baby feeder
lx: habayo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: hab (3)
key: habayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhay
(fal) hadh u yeel. Dh: haray.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HARAMO
(Haramo) N Flaveria trinervia (Spreng) Mohr. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harari
m.l.kh Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harari
m.l.kh Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harayn
m.dh la-mid: harin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
harayn
blocking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel, hoos u samayn, hadh u eyelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harrar
(Harrar-ka)
Gogosha jaad kamid ah oo cawska laga sameeyo; raar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harrar
harrar¹: m.l (-rro, m.dh) Gogol caws ka samaysan oo lagu seexdo ama guriga lagu dedo. la-mid: harar¹.
harrar²: m.dh 1. Derin guryaha lagu dedo. 2. Dun dermooyinka lagu qurxiyo. la-mid: harar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harrar
m. n. grass mat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harrar
-ka: (magac, lab, keli) walax caws iyo xadhko la soohay ka samaysan oo hablaha Soomaalidu caan ku ahaayeen oo aqal Soomaaliga lagu hagoogo. Wa: harrarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harrar
de: grass mat
lx: harrar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: harrar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harray
m.l Orgi markaas hooyadii goysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahayo
f.g3 (-yday, -ytay) la-mid: sahayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahayo
(fal) qof kale oo aan wax ba galabsanin galaafo oo lugta ku sii qaado. Dh: sajaro, salfo.
sahayo -da: (magac, dhedig, keli) sahay ka dhigo: ka dhigo waxaad ku jid marto: jidmar ka dhige jicsin ka dhigo. Dh: jicsimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarayo
m.dh Iska hor-imaad; dagaal; cadaawad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tararo
-ha: (magacwadareed) xubinta u dhexaysa misigta iyo jilibka. Dh: bawdyaha.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
AAKHARO
(Agaro)
S Indigofera schimperii Jaub. & Spach. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarso
(fal) buug, sheeko, khudbad iyo wax la mid ah, horadhac u samayso. Sheekada ka hor wax dadka soo jiita ku araarso. Dh: araaro, afeefo, gogoldhigo.
araarso: (fal) horumar samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arhasho
m.f.dh eeg arho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arhasho
-da: (magac, dhedig, keli) socdaalka lagu qadhaab doonto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arooryo
(Aroorya-da)
Kolka waagu beryo; waabberi; (ama aroor).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arǫoryo
m.dh la-mid: aroo(ø)r.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arooryo
f. n. dawn, daybreak, morning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arooryo
-da: (n) early morning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arooryo
-da: (magac, dhedig, keli) waaga berigiisa; subaxda hore. Raad arooryo dib looma raaco. Dh: subax, waaberi, aroor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arooryo
de: dawn, daybreak, morning
lx: arooryo
pd: (/da)
ps: n6-f-time
xe: in the early morning
xv: aroor (ta)
key: arooryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaro
m.dh la-mid: baraare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaro
-ha: (magac, lab, keli) nabad iyo caano; wanaag iyo barwaaqo. Dh: wanaag, badhaadho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bàrbaro
agg. - badow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bargaro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Nafley muuqaalkeed garasho. 2. Fal eex iyo qabyaalad ka muuqato cid wax ugu samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bargaro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Nafley muuqaalkeed garasho. 2. Fal eex iyo qabyaalad ka muuqato cid wax ugu samayn. m.f.dh, bargarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bargaro
v., [compound] partially forget, remember somewhat, half remember
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bargaro
-bargartay / bargaratay: (v) recognize (rekag-naayz); identify or know something or someone from past experience or knowledge. Ex: ma i bargaran kartaa? can you recognize me?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bargaro
(fal) lexjeclo yeelo; bargaro oo waxaaga ilaasho. Dh: lexjecloo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bargaro
de: partially forget, remember somewhat, half remember
lx: bargaro
pd: (bargartay)
ps: v3b=cmp
xe: I know you from someplace (but Ive forgotten where).' {N & C}
xv: Waan ku bargaranayaa.
key: bargaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararso
f.g3 (-saday, -satay) Weel carar marsasho. la-mid: carareyso.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Casharo
name-m Koranic lesson; holy water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Casharo
magac loo baxsho gabadh loo rajaynayo in ay noqoto mid barakaysan oo Quraanka taqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraaro
-da: (magac, dhedig, keli) xeedho cunto ah oo casuumad iyo duco ahaan loo kariyo oo subag iyo caano wixii la helaba lagu daro. Dh: taraaro.