hargeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargeli
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo meel hoos leh oo ay qorraxda ka galaan geyn. la-mid: hergeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargelid
(Hargelid-da)
1. Harkii soo gelid; harkii noqosho.
2. Harkii meel ku sugnaan, joogid, harsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargelid
m.f.dh eeg hargal². la-mid: hargal¹, hergelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargelid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadhgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargelin
m.f.dh eeg hargeli. la-mid: hargelis, hergelin, hergelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargelis
m.l la-mid: hargelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergeli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: hargali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Hawl, shaqo iyo wixi lamida sidii loogu talaggalay u fulin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hirgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Hawl, shaqo iyo wixi lamida sidii loogu talaggalay u fulin. m.f.dh, hirgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hirgeli
v. apply, adopt, establish, accomplish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hirgeli
-yey I say: (v) carry out; fulfill also fulfil. Ex: ballantoodii way hirgaliyeen; they fulfilled their promises
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirgeli
(fal) taabbageli oo go'aan ama hawl dhaqangeli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirgeli
de: apply, adopt, establish, accomplish
lx: hirgeli
pd: (hirgeliyey)
ps: v2a=tr
key: hirgeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargeli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid war aysan horay u hayn gaarsiin ama u sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wargeli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid war aysan horay u hayn gaarsiin ama u sheegid. m.f.dh, wargelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wargeli
v. inform, give notice to someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wargeli
-yey I say: (v) relay information; inform (in-foorm), notify (now-ti-faay); advise (adh-vaayz); report (ri-poort)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargeli
(fal) war aad hayso cid aan ka warqabin u sheeg. Wargeli dadweynaha in berri talaal jiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wargeli
de: inform, give notice to s.o.
initial: w
lx: wargeli
pd: (wargeliyey)
ps: v2a=tr
key: wargeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabgeli
f.lg2 (-iyay, -isay) Isu dh.: waxyaabo meel wada gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabgeli
(fal) isku daba geli oo aad ugu kululee. Shaqaalah u dhabgeli oo aad ha u shaqeeyaan. Dh: dabgeli.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farageli
-yey / say: (v) intervene or intrude in the affairs of others; interfere (interfiir)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farageli
(fal) arrin aanad shuqul ku lahayn faraha la gal; qof, umuurihiisa u gaarka ah faraha la gal. Wax aanad lahayn farageli ha is odhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhgeli
(fal) cid kale, hadh soo geli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Shaqo gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Shaqo gelin. m.f.dh, hawlgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawlgeli
v., [compound] put into effect, carry out; assign a task to someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlgeli
(fal) shaqo gal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawlgeli
de: put into effect, carry out; assign a task to s.o.
lx: hawlgeli
pd: (hawlgeliyey)
ps: v2a=cmp
key: hawlgeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergelin
m.dh la-mid: hargelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergelis
m.dh la-mid: hargelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirgelid
(Hirgelid-da)
Dhaqan gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirgelid
m.f.dh eeg hirgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirgelin
(Hirgelin-ta)
Dhaqan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirgelin
m.f.dh eeg hirgeli.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hirgelin
Implementation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hirgelin
-ta: (v) the act of carrying out; fulfillment or fulfilment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqangelinta go'aan la qaatay ama hawl loo dhaqaaqay. Dh: hirgelis, hawlgelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirgelis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hirgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wargelin
(Wargelin-ta)
Cid war ayan hor u hayn siin, gaarsiin, u sheegid, la socodsiin, uga digid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargelin
m.f.dh eeg wargeli.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
WARGELIN
Informazioni
Information
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargelin
-ta: (magac, dhedig, keli) warramid oo cid war ayna horay u hayn u sheegid. Dh: warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargal
(Hargal-ka)
1. Harka soo geliddiisa.
2. Harkii oo meel la joogo ama la harsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargal
hargal¹: m.l 1. Waqtiga u dhexeeya duhurkii iyo casirkii. 2. la-mid: hargelid. la-mid: hargalmo, hergel¹, hergalmo.
hargal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) 1. Qorrax hoos ka gelid. 2. U h.: cid waqti duhur ah u martiyid. la-mid: hergel².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hargal
hargal¹: m.l 1. Waqtiga u dhexeeya duhurkii iyo casirkii. 2. la-mid: hargalmo, hergel.
hargal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) 1. Qorrax hoos ka gelid. 2. U h.: cid waqti duhur ah u martiyid. m.f.dh, hargelid. la-mid: hergel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargal
v., [compound] get into the shade; sit in the shade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargal
(fal) eeg hadhgal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargal
de: get into the shade; sit in the shade
lx: hargal
nt: hargal (ka) [vn-m]
pd: (hargalay)
ps: v1=cmp
key: hargal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangeli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: fanee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fangeli
v., [compound] take another rider up behind oneself; make someone ride pillion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangeli
(fal) cid kale, fanka danbe ee muurka aad wadato, ku qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fangeli
a: fansaar
de: take another rider up behind oneself; make s.o. ride pillion
lx: fangeli
pd: (fangeliyey)
ps: v2a=cmp
key: fangeli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgeri
-ga: (magac, lab, keli) xayawaan weyn oo qoor iyo afar lugood oo dhaadheer leh oo dhererkiisu gaadho ilaa labo midtir iyo badh. Wuu daaqaa wuuna calyanaqsadaa. Dh: geri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hareeri
(Hareeri-ga)
Geed dhirta waaweyn kamid ah oo toos u baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareeri
m.l (hareeri, m.dh) Geed aan qodax lahayn, dhirta waaweyn ka mid ah oo toos u baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hareeri
m.l (hareeri, m.dh) Geed aan qodax lahayn, dhirta waaweyn ka mid ah oo toos u baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hareeri
m. n., [collective] tall tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HAREERI
Terminalia spinosa 80
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAREERI
(Hareri) All.Som Terminalia polycarpa Engl. & Diel. Combretaceae.
S Terminalia prunioides Laws. Combretaceae.
C, May Terminalia spinosa Engl. Combretaceae.
C Terminalia basilei Chiov. Combretaceae.
N, C Terminalia orbicularis Engl. & Diel. Combretaceae.
May Terminalia parvula Pampan. Combretaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareeri
-ga: (magac, lab, keli) geed dhirta waaweyn ka mid ah oo hoos u baxa. Hareeriga ma daaqeen ka baxa, hawdka xodoyoode.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hareeri
de: tall tree sp.
lx: hareeri
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: hareeri
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
largely
/larj li/ (adv) inta badan (ugu badnaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warceli
f.mg2 (-iyay, -isay) U w.: cid u jawaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warceli
f.mg2 (-iyay, -isay) U w.: cid u jawaabid. m.f.dh, warcelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warceli
v., [compound] reply, give (in) answer; respond (to)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warceli
(fal) (u ~) cid kale xog aad maqashay u warran. Bal wixii meesha laga sheegay ii warceli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warceli
de: reply, give (in) answer; respond (to) (with preposition u ~ ku)
initial: w
lx: warceli
pd: (warceliyey)
ps: v2a=cmp
key: warceli
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khatargeli
v. endanger, expose to danger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khatargeli
-yey / say: (v) endanger (endheenjar); jeopardize (japardhaayz); imperil (impeeral); risk (risk)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khatargeli
de: endanger, expose to danger
lx: khatargeli
pd: (khatargeliyey)
ps: v2a=tr
key: khatargeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabgelin
m.f.dh eeg dhabgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) is daba gelin oo aad ugu kululayn. Dh: dabgelin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faragelin
-ta: (n) interference (interfiiransi), intervention. Ex: ha soofaragalin shaqadayda; stop interfering in my work!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragelin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin cid u gaar ah soo dhex gelid si loo xumeeyo ama loo hagaajo. Dh: dhexgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si toos ah wax uga qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si toos ah wax uga qabasho. m.f.dh, faraggelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraggeli
v., [compound] interfere, meddle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraggeli
de: interfere, meddle
lx: faraggeli
pd: (faraggeliyey)
ps: v2a=cmp
key: faraggeli
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantigeli
v., [compound] invest
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantigeli
de: invest
lx: hantigeli
pd: (hantigeliyey)
ps: v2a=cmp
key: hantigeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgelid
m.f.dh eeg hawlgal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgelin
m.f.dh eeg hawlgeli. la-mid: hawlgelis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawlgelin
-ta: (n) operations (opareeyshinis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo gelin; hawl ku qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlgelis
m.l la-mid: hawlgelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martigeli
(fal) dad marti ah sooryee oo sed iyo seexadba sii. Ninka socotada ah saddex habeen martigeli. Dh: sooryey barii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqalgeli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: aroosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraceli
f.g2 (-iyay, -isay) Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raalli gelinayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caraceli
f.g2 (-iyay, -isay) Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raalli gelinayo. m.f.dh, caracelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caroceli
f.g2 (-iyay, -isay) Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raali geliyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fangelid
(Fangelid-da)
Neef lagu joogo, qof labaad fuulid oo fanka fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangelid
m.f.dh eeg falgal². la-mid: fangal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangelid
-da: (magac, dhedig, keli) faras qof fuushan yahay, fankiisa fuulid. Dh: fansaarid, fangelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fangelin
(Fangelin-ta)
Neef lagu joogo, qof labaad saarid oo fanka fariisin; fansaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangelin
m.dh la-mid: fanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef lagu joogo, qof labaad saarid oo fanka fadhiisin. Dh: fansaarid, fanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fangelis
(Fangelis-ka)
Fangelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangelis
m.l la-mid: fanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fangelis
vl. n. act of riding pillion