hargabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargabsan
Hargab hayo; dureysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hargab hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hargabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hargab hayo ahaansho. m.f.dh, hargabsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargabsan
der. [adjective] having a cold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hargabsan
-aa: (adj) having caught a head cold; catching cold ~ dureysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargabsan
(tilmaame) hargab qaba; duri leh. Anoo hargabsan bay xumadi iigu biirtay. Dh: duraysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargabsan
de: having a cold
lx: hargabsan
pd: (hargabsanaa)
ps: adj-der
key: hargabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaabsan
Kharaab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ahaansho wax kharaabay. la-mid: kharraabsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kharaabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ahaansho wax kharaabay. m.f.dh, kharaabsanaan. la-mid: kharraabsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharaabsan
der. [adjective] spoiled, worn-out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kharaabsan
-aa: (adj) broken down; out of order ~ kharriban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabsan
(tilmaame) mid kharaab ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharaabsan
de: spoiled, worn-out
lx: kharaabsan
pd: (kharaabsanaa)
ps: adj-der
key: kharaabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dureysan
Durey hayo; hargabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargabsanaansho
m.l/dh la-mid: hargabsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergebsanaan
m.dh la-mid: hargabsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergebsanaansho
m.l la-mid: hargabsanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dureysan
-aa: (adj) having a cold; having caught a head cold; having catch a cold ~ hargabsan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
raffreddato
agg. - hargabsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
refroidissement
refroidissement, n.m. - hargabsanahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: irkigsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsad
m.l la-mid: hagabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabsad
-ka: (magac, lab, keli) socosho, iyadoon si wanaagsan wax loo arkayn. Dh: hagabsasho, handallafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Meel hoos leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraysan
der. [adjective] shaded, shady; in the shade
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haraysan
-aa: (adj) shadowy (shaa-dhowi); shady (sheeydhi) ~ hoos leh, harac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraysan
(fal) meel hadh loo yeelay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraysan
de: shaded, shady; in the shade
lx: haraysan
pd: (haraysnaa)
ps: adj-der
key: haraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qoyaan yar gaaray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharabsan
der. [adjective] wet, covered with dew
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharabsan
(tilmaame) meel dharab qoyan leh. Doogga oo dharabsan ayaan dhex maray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharabsan
de: wet, covered with dew
lx: dharabsan
pd: (dharabsanaa)
ps: adj-der
key: dharabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la gaggabiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaggabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la gaggabiyey ahaansho. m.f.dh, gaggabsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaggabsan
der. [adjective] wavering, disoriented, stunned; unconscious, fainted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaggabsan
-aa: (adj) shocked (shaakidh)-, dazed (dheeyzidh)-, stunned (istanidh)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaggabsan
de: wavering, disoriented, stunned; unconscious, fainted
lx: gaggabsan
pd: (gaggabsanaa)
ps: adj-der
key: gaggabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harjacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax si u kala laalaada ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harjacsan
der. [adjective] feeble, lacking physical strength; neglected, slovenly, shabby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harjacsan
(tilmaame) wax si u kala laallaada ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harjacsan
de: feeble, lacking physical strength; neglected, slovenly, shabby
lx: harjacsan
pd: (harjacsanaa)
ps: adj-der
key: harjacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergebsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: har-gabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
margaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax margaday ahaansho (nafley). la-mid: mergaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Nafley wax la waraabiyey ahaansho. 2. Beer wax biyo lagu sii daayey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waraabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Nafley wax la waraabiyey ahaansho. 2. Beer wax biyo lagu sii daayey ahaansho. m.f.dh, waraabsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waraabsan
der. [adjective] watered, irrigated; quenched (of thirst)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabsan
(tilmaame) biyo cabbay oo harraad beelay ah. Beertu way waraabsan tahaye xoolaha ka celiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waraabsan
de: watered, irrigated; quenched (of thirst)
initial: w
lx: waraabsan
pd: (waraabsanaa)
ps: adj-der
key: waraabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xargagsan
f.mg4 (-sanaa, -sanayd) Wax xargagay ahaansho. la-mid: hargagsan, xarkagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargabsanaan
m.f.dh eeg hargabsan. hargabsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharraabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: kharaabsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaygagsan
(tilmaame) yaabban oo fajac iyo anfariir qaadsan. Dh: fajacsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramaysan
(tilmaame) beer la harameeyay; beer la limay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si cadaawad iyo nac ah cid wax u yeelid. Dh: dibindaabyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadsan
Harraad qaba; harraad hayo; harraadan; oomman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: harraadan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harraadsan
der. [adjective] thirsty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadsan
(tilmaame) mid harraad qaba; harraad hayo. Dh: harraadan, ooman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harraadsan
de: thirsty
lx: harraadsan
pd: (harraadsanaa)
ps: adj-der
key: harraadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawraarsan
(Waa hadal wanaagsan!) hallayeelo; waa tahay; haye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawraarsan
inter. all right!, hear hear! quite so! yes sir! will do!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hawraarsan
(interjection) used to express approval or agreement; yes (yees)-, Ex: waa hawraarsan; that is OK
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawraarsan
(tilmaame) erey lagaga jawaabo hadal wuxuu farayo la oggolaaday. Dh: haye, waatahay. waayahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawraarsan
de: all right!, hear hear! quite so! yes sir! will do!
lx: hawraarsan
ps: intj
key: hawraarsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Wax si fiican loo farsameeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habsan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Wax si fiican loo farsameeyey ahaansho. m.f.dh, habsamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsan
der. adj.; [adv.]: orderly, organized; methodically
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habsan
-ah: (adj) 1. absent (ab sent), not present. 2. having a systematic arrangement; neat (niit); orderly (oordherli)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Habsan
magac loo baxsho gabadh hannaan wanaagsan oo bilan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsan
(tilmaame) mid maqan oo aan joogin ama raagay.
habsan: (tilmaame) qaab wanaagsan oo qumman; hab cuddoon. Si habsan dirayska u xidho. Dh: nidaamsan, qurxoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habsan
de: orderly, organized; [adv.] methodically
lx: habsan
pd: (habsamaa)
ps: adj-der
key: habsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraan
(Haraan-ka)
Dhar la tolay ama la iibshey cad ka soo haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraan
m. n. leftover piece of cloth, remnant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar la iibshay ama la tolay in yar oo ka soo hadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraan
de: leftover piece of cloth, remnant
lx: haraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: haraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargab
(Hargab-ka)
Xanuun yar oo sanka iyo meelaha u dhow ku dhaca oo qufac iyo hindhiso iyo duuf leh; durey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargab
hargab¹: m.l Xanuun qufac, hindhiso iyo xummad leh oo dadka ku dhaca; duray. la-mid: hergeb.
hargab²: m.l Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo waxaana keena fiirus. Wuxuu ku dhacaa xubnaha neef mareenka.
hargab³: f.mg1 (-bay, -btay) Duray qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hargab
hargab¹: m.l Xanuun qufac, hindhiso iyo xummad leh oo dadka ku dhaca; duray. la-mid: hergeb.
hargab²: m.l (daaw) Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo waxaana keena fiirus. Wuxuu ku dhacaa xubnaha neef mareenka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargab
m. n. cold in the head; flu, influenza
hargab v. catch a cold ~ headcold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hargab
-ka: (v) common cold; flu (fuluu), influenza (in fuluu weensa); cold (kooldhi)-, coryza (koraayza) ~ ifilo, duray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargab
(fal) xanuunka durayga qaad; duray ha kugu dhaco.
hargab -ka: (magac, lab, keli) cudur xanuunnada fudfudud ee la kala qaado ka mid ah oo bacaraarka ku dhaca oo qufac iyo siin badan keena. Dh: duri, duray, ifilo, keyle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax intoodii badnayd tagtay, wax ka haray ahaansho. Tusaale: “Waqtigii wax baa inooga harsan ee hawsha wada”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax intoodii badnayd tagtay, wax ka haray ahaansho. Tusaale: Waqtigii wax baa inooga harsan ee hawsha wada. m.f.dh, harsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harsan
(tilmaame) wax in kale oo badan ka soo hadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababsan
(tilmaame) neef ababay ahaan. Dareeriya maqasha inta ababsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agabsad
m.l la-mid: agabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabsad
-ka: (magac, lab, keli) taageero iyo kaalmo codsad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
Arabian
/areybiyan/ (adj) wax carab la xiriira ama ku lug leh. e.g. the Arabian desert.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Arabian
Arabic, a.; nin Carbeed, af Carbeed, Arabic language; afka Carabta, the ...
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aragsan
name-f beautiful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aragsan
magac loo baxsho gabadh qurux badan oo ay aragtidoodu indhaha u roon tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagabsi
(Hagabsi-ga)
1. (wax) aan dhab loo aqoon; diriqsi.
2. Aan dhab wax u arag; aragtiyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsi
m.l la-mid: hagabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagabsi
m. n., [abstract] dimness, vagueness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabsi
-ga: (magac, lab, keli) iyada oo aan wax dhab loo aqoon ama loo arkayn, socod. Dh: handalafsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagabsi
de: dimness, vagueness
lx: hagabsi
pd: (-ga)
ps: n7-m, n2a-m-abs
key: hagabsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Aragti yari awgeed tartiib u socosho. 2. Wax aan la garanayn ka hadlid. la-mid: hakabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabso
(fal) adoon waxba arkayn soco. Dh: handalafso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax baaqi soo noqday oo wax kale ka soo hadhay ahaan. Dh: hadhnaan.