hargaamay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamay
(fal) hagardaamo ku samee oo dhagar. Dh: luggooy.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si cadaawad iyo nac ah cid wax u yeelid. Dh: dibindaabyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hargaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargaameyn
(Hargaameyn-ta)
Si hargaamo ku jirto cid wax u yeelid; dhibid; dibindaabyeyn; silicdilyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargaameyn
m.f.dh eeg hargaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramay
fal) beer, haramaha ka gur; ka jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargaamo
(Hargaama-da)
Si nac qarsooni ku jiro, oo cid wax loo yeelo; dhib; dibindaabyo; silicdilyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargaamo
m.dh Si nacabnimo ah oo qof loo waxyeelleeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargaamo
f. n. trouble, harm, damage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamo
-da: (magac, dhedig, keli) waxyeelo nacayb wadata oo si hoose la isku gaadhsiiyo. Dh: dibindaabyo, dhib, silicdilyo, hagardaamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargaamo
de: trouble, harm, damage
lx: hargaamo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hargaamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Si nac ku jiro qof wax u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargaamee
v. injure, inflict damage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamee
(fal) dhib oo dibindaabyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargaamee
de: injure, inflict damage
lx: hargaamee
pd: (hargaameeyey)
ps: v2b=
key: hargaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaaman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax tolan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harqaaman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax tolan ahaansho. m.f.dh, harqaamaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garmaamayn
(Garmaamayn-ta)
Garmaame cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmaamayn
m.f.dh eeg garmaamee. la-mid: garmaame (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamaan
m.f.dh eeg harqaaman. la-mid: harqaamaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylaamayn
m.dh la-mid: haylid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haylaamayn
vl. n. brand, branding marks on cattle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haylaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aqal daso ah, haylaan dusha ka saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haylaamayn
de: brand, branding marks on cattle (consisting of a cut in the ear from which a part is left hanging)
lx: haylaamayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: haylaamayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargam
-ka: (magac, lab, keli) eeg hargab.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Karaama
name-m blessing, divine favor, charisma, supernatural power; miracle Arb)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaama
ama Karaamo magac loo baxsho gabadh in ay xagga Alle ka barakaysan tahay la filayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramay
(fal) qaran engegan oo caleen ah kat dhig. Caleenta qaramay oo xoolaha u dhig. Dh: qaramee.
qaramay: (fal) hanti cidi gaar u leedahay wax dawladeed oo dadka ka dhexeeya ka dhig. Shirkadda qaramay Dh: qaramee.
qaramay -ga: (magac, lab, keli) xoog iyo qaro weyn oo qof haween ahi ay leedahay. Dh: kabaabul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astaamay
(fal) calaamad lagu garto u yeel. Dh: summadee, astaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamay
(fal) si farsamo leh u samay; si tab iyo xeelad leh u suubbi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gargaara
name-f helper; generous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gargaara
magac loo baxsho gabadh wiilal badan la dhalatay oo ay hooyadeed bilisnimo ka dareentay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgamaa
-ga: (magac, lab, keli) dagaalyahan geesi ah oo la yagaan. Dh: geesi, dagaalyahan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haramayn
(Haramayn-ta)
Beerta haramaha ka limid, ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haramayn
m.f.dh eeg haramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) beer haramaha ka gurid; beerta haramaha ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haramayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargalmo
m.dh la-mid: hargal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamo
f.mg3 (-aantay, -aamatay) Maro iyo wixi lamida tolasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqay
(fal) horay u harbi ama u riix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamaw
(fal) mid karaamaysan noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalay
(fal) suuq iyo meherado u samee oo magaalo ka dhig. Hayjadda magaalay oo tukaanno ka fur. Dh: magaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabay
(fal) dheeldheelli oo mawjadaha badda dartood kolba dhinac u dullaan. Dh: maraabee, leegleego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraamar
-ka: (magac, lab, keli) waydiimo badan oo qof in macluumaad laga soo saaro la doonayo la weydiiyo oo dhinacyo badan taabta. Maraamarka nabad sugiddu wuu adag yahay. Dh: imtixaan, ankeed, maraanmar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardamay
(fal) dhibaato gaadhsii; waxyeello u geyso. Ninka ku qardameeya adna gardamay. Dh: qardamee, luggoo, dibindaabyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabay
(fal) sida waraabaha u ci'; sida waraabaha samee. Dh: waraabee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barnaamaj
-ka: (magac, lab, keli) qorshe sugan oo waqtigiisa bilowga iyo dhammaadkiisu qoral ku qeexanyahay. Dh: ajende, barnaamij, barmaamij, borogaraam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqay
(fal) ka dhig barwaaqo, bashbash iyo aaran. Dh: barwaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haasaaway
(fal) cid kale, u sheekay oo haasaawi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaanay
conj., vl. pron., neg. if she / it [fem.] ... not
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddaanay
de: if she / it [fem] ... not = hadda + aan + ay
lx: haddaanay
pd: (haddaaney)
ps: conj + neg + vpro
key: haddaanay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaambay
(fal) wax aanu qof qudh ihi qaadi karin, qof kale la qaad; qof kale la wandaafi. Dh: wandaafi. walaandey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallay
(fal) lukowley ama lug keliya ku soco. Toban mitir hangallay. Dh: hangoollee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargaanti
(Hargaanti-da)
1. Qof ugaarashada iyo gabraarashada ku xoogsada oo aad u yaqaan.
2. Hawlkar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargaanti
m.l/dh (-iyo, m.l) 1. Qof ugaarsashada aad u yaqaan. 2. Qof hawlkar ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hargaanti
m.l/dh (-iyo, m.l) 1. Qof ugaarsashada aad u yaqaan. 2. Qof hawlkar ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargaanti
f. n. hunter; strong hard-working old man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hargaanti
-ga: (n) hunter (han ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaanti
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad u yaqaan ugaadhsashada oo ku shaqaysta gabraarashada. Dh: baydari, ugaadhsade, hadame.
hargaanti-da: (magac, dhedig, keli) qof hawlkar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargaanti
bw: hawlkar
de: hunter; [fig.] strong hard-working old man
lx: hargaanti
pd: (-da)
ps: n2a-f
syn: baydari, ugaarsade, yahan
key: hargaanti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargabsan
Hargab hayo; dureysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hargab hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hargabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hargab hayo ahaansho. m.f.dh, hargabsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargabsan
der. [adjective] having a cold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hargabsan
-aa: (adj) having caught a head cold; catching cold ~ dureysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargabsan
(tilmaame) hargab qaba; duri leh. Anoo hargabsan bay xumadi iigu biirtay. Dh: duraysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargabsan
de: having a cold
lx: hargabsan
pd: (hargabsanaa)
ps: adj-der
key: hargabsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hargawaac
magac loo bixiyo inanka dhasha waqti abaar ah ama hooyadii oo bugta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargawaax
-a: (magac, lab, keli) dhedig gudhay oo hadana ilmihi jaqayo. Dh: jani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamid
m.f.dh eeg harqaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadan
Harraadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax harraad hayo ahaansho. 2. U h.: Wax, wax aad u jecel ahaansho. la-mid: harraadsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harraadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax harraad hayo ahaansho. 2. U h.: Wax, wax aad u jecel ahaansho. m.f.dh, harraadnaan. la-mid: harraadsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harraadan
der. [adjective] thirsty, 'dry'; desirous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
harraadan
-aa: (adj) desiring to drink; thirsty (theresti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadan
(tilmaame) qof ama cid kale oo oomman; cid biyo u baahan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harraadan
a: harraadsan
de: thirsty, 'dry'; [ext.] desirous
lx: harraadan
pd: (harraadnaa)
ps: adj-der
key: harraadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaamayn
m.f.dh eeg karaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ixtiraam iyo xaqdhawr u muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraamayn
m.dh la-mid: maraabayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
markaasay
conj., vl. pron. so then she ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
markaasay
de: so then she ...
lx: markaasay
ps: conj + vpro
key: markaasay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraamay
(fal) wax mamnuuc ah oo xaaraan ah ka dhig. Sigaarka xaaraamay. Dh: xaaraamee, mamnuuc. Li: xalaalay, xalaalee, bannee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagardaamayn
m.f.dh eeg hagardaamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallaamayn
m.f.dh eeg dhallaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhallaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaan ka dhigid; da' yarayn oo wax ciyaal ah ka dhigid. Dh: ciyaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxayn
m.dh la-mid: dharbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo la dhicid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harawaajayn
-ta: (magac, dhedig, keli) harawaaje Allebari ah samayn. Dh: Allabaryid.
harawaajayn-ta: (magac, dhedig, keli) jaad iyo barjo doonis si loo barjeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamasho
m.f.dh eeg harqaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylyaamayn
m.dh la-mid: haylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nirgasamays
(Nirgasamays-ka)
Nirgadhoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nirgasamays
m.l la-mid: nirgadhoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarjaamaysi
m.l la-mid: qarjaamaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarjaamayso
f.g3 (-stay, -satay) Xoolo meel xaaluf ah jooga, dhul xaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarjaamayso
(fal) xoolo meel xaaluf ah jooga, dhul xaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqayn
m.f.dh eeg barwaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samalaho ka dhigid; heersare gaarsiin sida dhaqaalaha iyo waxii la mid ah. Dh: bashbashayn, aaranayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqays
-ka: (magac, lab, keli) eeg barwaaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargaagtan
cargaagtan¹: m.l la-mid: cargaagtamid.
cargaagtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Dhawaaq, geedo burburin iyo wixi lamida uu ku kaco libaaxa marka uu caroodo. 2. Muran aan go'aan lahayn ku hadlid.