hardamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardamid
(Hardamid-da)
Hardi isla dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardamid
m.f.dh eeg hardan². la-mid: hardan¹, hertamid, hertan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid. Dagaalka wananku waa haradamid. Dh: hirdamid, herdamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardafid
(Hardafid-da)
Orod hardaf ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardafid
m.f.dh eeg hardaf². la-mid: hardaf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardafid
-da: (magac, dhedig, keli) orod hardaf ah ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirdamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hardamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurdamid
(Hurdamid-da)
Hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdamid
m.f.dh eeg hurdan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa ku dagaallamid.
hurdamid -da: (magac, dhedig, keli) hurdan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardan
hardan¹: m.l Isku dhufashada laba nafley madaxa isku dhuftaan. la-mid: hardamid.
hardan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba nafley madaxa ku dagaalamid. la-mid: hertan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hertan
hertan¹: m.l la-mid: hardamid.
hertan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: hardan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hardan
hardan¹: m.l Isku dhufashada laba nafley madaxa isku dhuftaan.
hardan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba nafley madaxa ku dagaalamid. m.f.dh, hardamid. la-mid: hertan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardaamid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saaritaan. Waa la soo miisay subagga bardaamid uma baahna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarmid
m.f.dh eeg dardaran¹. la-mid: berbermid, derdermid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dardaran oo maanka wax ka gaadheen ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaraamid
(Haaraamid-da)
Wax sidii la rabey si aan ahayn u dhacay, dad kale ku eedayn, ku dagaalid, wax kaga sheegid; hiilid; canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaraamid
m.f.dh eeg haaraan². la-mid: haa-raan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo foolxagad tiro badan oo hiif ah cid kale u geysasho. Meel balaayo heeryaha dhigtoo, la isku haaraamey. Dh: guulguulid, hiifid, haaramid, eedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamid
m.f.dh eeg harqaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydalmid
m.f.dh eeg haydalan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharqamid
(Sharqamid-da)
Shanqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqamid
m.dh la-mid: sanqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharqamid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqadh samayn. Dh: sanqadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamid
-da: (magac, dhedig, keli) feker iyo talo laabta ku hayn.
haamid -da: (magac, dhedig, keli) caleen ama caws majo ama haame ku jarjarid. Haamiddii beertu weli way socotaa. Dh: goyn, jarid, haamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arxamid
(Arxamid-da)
Jimic u gelid; u turid; u naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arxamid
m.f.dh eeg arxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arxamid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, jimic u gelid; u tudhid oo u naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardafi
f.g2 (-iyay, -isay) Si hardaf ah faras u ordisiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hardafi
v. make (a horse) trot; speed up; make ~ do in a hurry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardafi
(fal) orod hardaf ah socodsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hardafi
de: make (a horse) trot; [ext.] speed up; make ~ do in a hurry
lx: hardafi
pd: (hardafiyey)
ps: v2a=tr
key: hardafi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddamid
m.dh la-mid: aadaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bardadid
(Bardadid-da)
Sasid; argaggixid; (ama berdedid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardadid
m.f.dh eeg bardad². la-mid: barkadid, barkagid, berdedid, berkegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardadid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi iyo naxdin darteed la wareerid. Bardadid bay la kici wayday markii wiilkeedii lagu hor gawracay. Dh: argaggixid, sassid, berdedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barxamid
m.f.dh eeg barxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxamid
-da: (magac, dhedig, keli) caano iyo biyo la isku daray noqosho. Dh: badhxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cartamid
(Cartamid-da)
Kulayl la rogrogmasho; karkarid; dhirfid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartamid
m.f.dh eeg cartan². la-mid: cartan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartamid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho iyo wax la mid ah dartood, la kirtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dardarid
m.f.dh eeg dardar³. la-mid: barbarid, berberid, dardar¹, derder¹, derderid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dardarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) biirbiirin.
dardarid -da: (magac, dhedig, keli) dareere ama wax kale oo weel ku jira, kolba in yar ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsamid
m.f.dh la-mid: darmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsamid
-da: (magac, dhedig, keli) biirid oo isku mid noqosho. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farcamid
(Farcamid-da)
Dhal badan dhalid; tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farcamid
m.f.dh eeg farcan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farcamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhal badan. dhalid. Dh: tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxamid
m.f.dh eeg farxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faydamid
-da: (magac, dhedig, keli) xaydmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garramid
(Garramid-da)
Gar isu sheegasho: dacwiyid; doodid; eedaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garramid
m.f.dh eeg garran². la-mid: garran¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garramid
-da: (magac, dhedig, keli) baane iyo dood dacwadeed; gar isu sheegasho. Dh: baanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdamid
(Gurdamid-da)
Gurdan la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdamid
m.f.dh eeg gurdan². la-mid: gurdan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurdamid
-da: (magac, dhedig, keli) fardo, u ordid si xooggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habqamid
(Habqamid-da)
(yeer: xabbad, kd.) dadaal isaga dabadhicid; isdabajoog; xiriir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habqamid
m.f.dh eeg habqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habqamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macno iyo milgo lahayn oo badan ku sheekayn; si aan caddayn u yeedhyeedhid. Dh: hadaaqid. Li: murtiyayn
habqamid -da: (magac, dhedig, keli) si aan habaysnayn u socosho ama u cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halgamid
(Halgamid-da)
Hawl ama wax kale qabashadood u tartamid, u dagaallamid; loollamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgamid
m.f.dh eeg halgan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halgamid
vl. n. struggle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halgamid
-da: (n) the act of struggling or campaigning (kaampeeyning) ~ halgan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl ama wax kale qabashadooda u dagaallamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halgamid
de: struggle
lx: halgamid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: halgamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Handadid
(Handadid-da)
Si handad ah ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handadid
m.f.dh 1. la-mid: handad ¹, hanfadid. eeg handad². 2. la-mid: haddidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handadid
-da: (magac, dhedig, keli) si handad ah ku kicid; u cagajugleyn; u hanjabaad; gooddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjamid
m.dh la-mid: hanjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardafin
m.f.dh eeg hardafi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardiyid
(Hardiyid-da)
Hardi ku dhufasho; madaxa xoog wax ugu dhufasho; cid madaxa wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardiyid
m.f.dh eeg hardi. la-mid: haratin, hardin, hertin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale madax ku jiidid. Hardiyidda naga daa oo saani u ciyaar. Dh: herdiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargabid
(Hargabid-da)
Hargab ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargabid
m.f.dh eeg hargab³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargabid
-da: (magac, dhedig, keli) duri qaadid; hargab yeelasho. Dh: duryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargagid
m.dh la-mid: xargagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harjadid
(Harjadid-da)
Werfid; mintidid; dadaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harjadid
m.f.dh eeg harjad². la-mid: harjad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harjadid
-da: (magac, dhedig, keli) mintidid oo dadaalid. Dh: mintidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamid
(Hayaamid-da)
Meel fog oo abaari ka sokayso u guurid; kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamid
m.f.dh eeg hayaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u fog oo nabad ama naq leh u rarid. Dh: dalandoolid, qayaadid, kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydalid
m.f.dh eeg haydal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
herdemid
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa isku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hertamid
m.dh la-mid: hardamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huddamid
(Huddamid-da)
Socod tabar yar socosho; luudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huddamid
m.f.dh eeg huddan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huddamid
-da: (magac, dhedig, keli) socod tabar yar socosho. Dh: tukubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la karshay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldamid
m.f.dh eeg qaldan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldamid
-da: (magac, dhedig, keli) gef iyo wax aan sax ahayn samayn. Qaldamiddu waa dabeecadda Aadanaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) qaaraan ururin. Qaraamidda qof uun ha lagu ogaado. Dh baahayn, dhawrtayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabid
m.dh la-mid: qartabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddamid
m.f.dh eeg saddan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartamid
(Tartamid-da)
Tartan cayaarid, isugu bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartamid
m.f.dh eeg tartan³.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartamid
-da: (n) competition (kom-piti-shin)-, contest (kon-test); tournament (tor-na-ment) ~ baratan, tartan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar, orod ama wax kale, isugu bixid lagu kala badiyo. Dh: baratamid, orotamid.
tartamid -da: (magac, dhedig, keli) loollamid, in lakala khibrad badan yahay habka lagu soo saaro. Shaqada aan qabtay dad ayaan kula tartamay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warramid
(Warramid-da)
War sheegid.