harame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harame
(Harama-ha)
Cawska iyo nagaarka iskood u baxa oo beerta abuuran laga limo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harame
m.l Caws iyo nagaar iskood uga baxa beeraha. la-mid: harammo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Harame
Weeds
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harame
m. n.; [vn.]: weed, undergrowth; act of weeding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harame
-ha: (magac, lab, keli) magac guud oo cawska iyo nagaadhka iskooda beerta abuuran uga dhex baxa ah oo laga jaro si ay beertu u neefsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harame
de: weed, undergrowth; [vn] act of weeding
lx: harame
pd: (/ha)
ps: n-m
key: harame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haramee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Beer caws xun ka gurid. 2. Wax nijaasayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haramee
v. weed, remove weeds ~ undergrowth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramee
(fal) beerta haramaha iyo xashiishka ka gur oo ka sifee,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haramee
de: weed, remove weeds ~ undergrowth
lx: haramee
pd: (harameeyey)
ps: v2b=tr
key: haramee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haame
-ha: (magac, lab, keli) qalab qodaalka loo adeegsado oo beerta lagu gooyo. Haame ayaa la mariyay wixii beerta harame ka dhex baxay. Dh: xagaafe. Wa: haameyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haram
m.l (-mmo, m.dh) (xisaab) Muuqaal adke ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haram
m.l (-mmo, m.dh) (xisaab) Muuqaal adke ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haram
m. n. pyramid
haram m. n., [abstract] age, elderliness; old (of man ~ male animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haram
-ka: (magac, lab, keli) dismo sal ballaadhan oo caarada sarena fiiqan oo ay dadkii hore u dhiseen si loogu aaso boqorradoodii iyo hoggaamiyayaashii caanka ahaa. Dh: xabaalmaguur.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HARAMO
(Haramo) N Flaveria trinervia (Spreng) Mohr. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maas
(Maas-ka)
1. Harag la megdeeyey.
2. (beer) a) Fil weyn oo aan harame danbe ka soo bixin. b) La falay welise aan wax lagu abuurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haramayn
m.f.dh eeg haramee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Pyramidal peak
Fiiq harameed
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weeds
Harame
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
weed
/wiidh/ (n) 1. harame (cawska ama dhirta iskood u baxa, oo beerta laga jaro) (v) cawska iyo dhirta aan la-rabin beerta ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramacadde
-ha: (magac, lab, keli) caws ka dhex baxa beeraha. Dh: harame.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramaysan
(tilmaame) beer la harameeyay; beer la limay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Barsame
nickname; name-m he whom his settlement is safe and nice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Barsame
magac loo baxsho wiil same iyo nabad loo rajaynayo isaga iyo hantidiisaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bartame
(Bartama-ha)
Meesha u dhexaysa; kalabbar; bartan; wadaage.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bartame
m.l (-mayaal, m.l/dh) Bar wax labo qeybood oo isla'eg u kala qeybisa. la-mid: bartan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bartame
m.l (-mayaal, m.l/dh) Bar wax labo qeybood oo isla'eg u kala qeybisa. la-mid: bartan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bartame
m. n., loc. center, middle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bartame
-bartamaha: (n) 1. middle (midhel); center (sentar) ~ dhexda, bartan-ka. 2. nucleus (nyuuwkliyas) ~ bu'da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bartame
-ha: (magac, lab, keli) labo meelood ama in ka badan, barta u dhexaysa; walax halka kala badha ama kala qaybisa. Dh: bartan, kalabbadh, kalabar, badhtan, wadaage, badhtame.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bartame
a: bartan
de: center, middle
lx: bartame
pd: (/ha)
ps: n7-m-loc, n6-m
key: bartame
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
caramel
/karamel/ (n) 1. nanac (n) 2. sonkor la dhalaaliyey oo cuntada lugu meceeyo ama lugu qurxiyo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
caramel
/karamel/ (n) 1. naanay. 2. miinty (sokor amy wal may oo lysky dhilaaliyi oo hung-gurighy lyky uuthujiyaw).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
caramel
caramel, n.m. - Nacnac.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
catrame
s.m. - laami, daamur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garrame
-ha: (magac, lab, keli) gartiisa akhriste; xaqiisa sheegte.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgame
m.l (-mayaal, m.l/dh) Madaxa herinta, xagga toogta iyo ilaalinta habdhaqankooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halgame
m. n. champion (of a cause)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halgame
-halgamaha: (n) [with preposition u] advocator (aadhvokeeyter); advocate (aadvokeeyt); a supporter or defender of a cause. Ex: u halgame xuuquudda shacabka; an advocate of civil rights
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgame
-ha: (magac, lab, keli) madaxaherinta, xagga toogta iyo ilaalinta habdhaqankooda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halgame
de: champion (of a cause)
lx: halgame
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: halgame
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haram_1
bw: Arabic
de: pyramid
hm: 1
lx: haram
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: haram_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haram_2
de: age, elderliness; old (of man ~ male animal)
hm: 2
lx: haram
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
xe: old men
xv: duq, shayb {S}
key: haram_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramay
fal) beer, haramaha ka gur; ka jar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harammo
m.dh Caws yaryar oo beeraha ka baxa oo dalagga guba haddii aan laga falin. la-mid: harame.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harammo
m.dh Caws yaryar oo beeraha ka baxa oo dalagga guba haddii aan laga falin. la-mid: harame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harimee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Qado bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harimee
(fal) qado cun; hadhimee.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAWRANE
(Hawrane) N Cleome brachycarpa DC. Capparidaceae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
macramé
macramé, n.m. - Tidic, taraash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraame
m.l la-mid: maraabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraame
m. n. roll, rolling (of ship on the waves)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraame
a: maraabe, maraamo, maraabo
de: roll, rolling (of ship on the waves)
lx: maraame
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maraame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaramee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qaran, hanti cidi leedahay la wareegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaramee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qaran, hanti cidi leedahay la wareegid. m.f.dh, qaramayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaramee
v. nationalize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaramee
-yey / qarameysay: (v) nationalize (na-shi-naalaayz) also nationalise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaramee
cf: tolee
de: nationalize
lx: qaramee
pd: (qarameeyey)
ps: v2b=tr
key: qaramee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tartame
m. n. competitor; applicant (for a position)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartame
-tartamaha: (n) [Plural tartamayaasha] contender (konteendher); competitor (kom-peta-tar); rival (raay-val); challenger (jaalan-jer); contestant (kon-tes-tant) ~ baratame
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tartame
de: competitor; applicant (for a position)
initial: t
lx: tartame
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tartame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warrame
m.l Kitaab farguri ah oo ka hadlaayo falka iyo waxyaalihii ay dadkii hore ku dhaqmi jireen; warqabe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Warsame
name: Warsame
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Warsame
name-m good news; one who brings good news
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Warsame
magac loo bixiyo wiil aabbihii oo maqan dhashay oo loo warramay inuu wiil u dhashay ka dibna ku farxay ama la rajaynayo inuu noqdo qof wanaagsan oo sumcad fiican.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Warsame
de: Warsame Lit: one who brings good news
initial: w
lx: Warsame
ps: name-m
key: Warsame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aram
m.dh Diirdiir yar oo caleenta digirta cunta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aram
m.dh Diirdiir yar oo caleenta digirta cunta. arammi m.l/dh Xanuun ka dhasha nabar hore oo aan si dhab ah u biskoon; doog(ta).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
arme
arme, n.f. - Hub; qalabka lagu dagaal galo.
sans arme - Aan hubsidan; aan Hubaysnayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hare
/heer/ (n) bakayle.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hare
n., bakayle, -ihi; hare-lipped man, nin faruuran.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
harm
/harm/ (n) 1. wax-yeello. (v) 2. wax-yeellayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
harm
n., wax yeello, -adi; v.tr., u xumay, qoon yeel.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
rame
s.m. - maar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rame
rame, n.f. - dhawr ceel oo bansiin laga qodo oo isku meel ku taala; waagoonada tareenka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adame
m.l (-mayaal, m.l/dh) la-mid: adamaddoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adame
-ha: (magac, lab, keli) libaaxa kiisa lab. Maandhow urtaan mari sidii, adamadoonkiiye. Dh: aar, libaax.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
arabe
arabe, adj et n. - Carab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arami
(Arami-da, Arami-ga)
Lahan qarsoon oo cudur reebay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arami
m. n., [collective] suffering (from wound, sickness etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arami
-da: (n) pain or distress; suffering (safering)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arami
-da: (magac, dhedig, keli) nabar qarsoon oo ay fallaadh ama jug hore sabab u tahay; nabar waayo hore kugu dhacay oo soo kacdoomay. Dh: eelo, doog.
arami-da: (magac, dhedig, keli) lahan qarsoon oo cudur ama wax hore oo la soo maray ay reebeen; wax waxyeelladiisu dib u soo bixi karto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arami
cf: lahan
de: suffering (from wound, sickness etc.)
lx: arami
pd: (-ga ~ -da)
ps: n2-m/f, n7-m/f
key: arami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araye
m.l Maroodiga lab oo raxanta hoggaamiya; arbe.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
araye
m.l Maroodiga lab oo raxanta hoggaamiya; arbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Araye
magac loo baxsho wiil xooggiisa lagu metaalay maroodi awood badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araye
-ha: (magac, lab, keli) maroodi lab oo xoog badan. U abaabuliya geeshkoow sidii arayihii Liinin. Dh: arbe, maroodi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
drame
drame, n.m. - Riwaayad.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Frame
Idaar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
frame
/freym/ (n) 1. qaab dhismeedka kore, (qolfoofta dhismaha) (n) 2. fareemka ama meegaarka masawir iwm la galiyo (n) 3. jirka qofka (n) 4. xaalad, sida lagu sugan yahay. (v) 5. qaabayn, dhis kore u samayn (v) 6. fareem galin
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Frame
Aragaa guud
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
frame
n. the frame of a Somali tent is composed of two udub or kaballo of a dhig dhoxo, of some dhigo, and of dhig loola crossing the dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si aad ah loo jecelyahay qalbi ku hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si aad ah loo jecelyahay qalbi ku hayn. m.f.dh, haamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haami
v. desire with all one's heart; make a plan ~ decision; draw up a project; invent, cause, initiate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haami
(fal) kalka iyo laabta ku hay oo ka feker. Haami in aad mustaqbalka dhakhtar noqoto. Dh: hammi, maami, taawi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haami
cf: hindis
de: desire with all one's heart; make a plan ~ decision; draw up a project; invent, cause, initiate
lx: haami
pd: (haamiyey)
ps: v2a=tr
key: haami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaye
(qurub) erey uu ku celceliyo qof qof kale war ka guraya oo u dhigma 'gartaye, gaddana' ama 'sii wad warka'. Dh: haadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraa
(Haraa-ga)
Aan xoolaha socona haya madaxa ka raacin ee dib u hara oo gaabiya; aan caarad ahayn; dabaadi.