haraatiggeelle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraatiggeelle
m.l (-layaal, m.l/dh) Kobajaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraatigeelle
-ha: (magac, lab, keli) bahal yar oo jirriqaaga u eg oo geeso dhaadheer leh, oo lagu yaqaan ci aad u dheer. Dh: kabajaa, kobojaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraati-geelle
(Haraati-geella-ha)
Kobojaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraati-geelle
m. n., [compound] grasshopper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraatigeelle
-ha: (magac, lab, keli) bahal yar oo cayayaanka ka mid ah oo jirriqaaga u eg oo geeso dhaadheer iyo lugo qodaxyo leh oo cadawga ay ku harraatido leh. Dh: kobojaa, kabajaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraatikeen
(Faraatikeen-ka)
(cudur) ilmasideenka oo madaxa keena ama soo wada dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraatikeen
m.l Keenidda ilmasidka geelu foodda soo muujiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraatikeen
m. n., [compound] complication in childbirth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraatikeen
-ka: (magac, lab, keli) cudur sababa ilmasideenku inuu soo dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraatikeen
de: complication in childbirth
lx: faraatikeen
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: faraatikeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiggelin
m.dh Maalggelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantiggelin
m.dh Maalggelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiggelin
vl. n. investment (financial)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiggelin
de: investment (financial)
lx: hantiggelin
pd: (-ta)
ps: vn-f
syn: maalgelin
key: hantiggelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Martiggelin
(Martiggelin-ta)
Marti ahaan u soo dhoweyn; martiqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
martiggelin
m.f.dh eeg martiggelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhandabaggaalle
m.l Dhalaal hirar ah, biyo la moodo oo samaysma markakulka badan ee qorraxdu dhulka ku dhaco; wirwir; dhalanteed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
markhaatibeenaale
-ha: (magac, lab, keli) qof wax aanu ogayn oo been ah ku markhaati kaca. Qaadigu wuxu ogaaday in maraggu markhaatibeenaale ahaa.