hanweyni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanweyni
m.dh Dareen qof ku dhaliya in uusan qaadan, waxyaabaha uu u qabo in aanay u qalmin; qab weyn leh. la-mid: hanweynaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanweyni
m.dh Dareen qof ku dhaliya in uusan qaadan, waxyaabaha uu u qabo in aanay u qalmin; qab weyn leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanweyni
f. n., [abstract] pride, boastfulness; ambition; greediness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanweyni
-da: (n) ambitiousness (aambishasnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanweyni
-da: (magac, dhedig, keli) mar walba meel sare iyo wax wayn doonid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanweyni
de: pride, boastfulness; ambition; greediness
lx: hanweyni
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: hanweyni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanweyn
Qab weyn leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) U h.: qab weyn lahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) U h.: qab weyn lahaansho. m.dh, hanweynaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanweyn
Comp. adj., (ie. n., adj.): proud, arrogant; ambitious, having high hopes (for)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanweyn
-aa: (adj) ambitious (aambishas); eager (iiger); full of ambition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanweyn
(tilmaame) wax weyn inuu helo jecel; qof hankiisu weyn yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanweyn
de: proud, arrogant; ambitious, having high hopes (for) (with preposition u)
lx: hanweyn
pd: (hanweynaa)
ps: adj-cmp
key: hanweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanweynaansho
m.l/dh 1. eeg hanweynow. 2. la-mid: hanweyni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanweynow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Qof hanweyni qaba noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanweynow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Qof hanweyni qaba noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanweynow
inch. v. become ~ remain proud; expect (too) much
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanweynow
(fal) wax weyn ama sarreeya doon oo ku naalloo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanweynow
de: become ~ remain proud; expect (too) much
lx: hanweynow
pd: (hanweynaaday)
ps: v3a=inch
key: hanweynow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haweyn
m.f.dh eeg hawee. la-mid: haweys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawo gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanneyn
-ta: (magac, dhedig, keli) naf ama hanti aad haysato oo aad jeceshahay cid kale u quudhid oo siin. Hanneynta maalkaaga magac wanaagbaa laga dhaxlaa. Dh: hurid, siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haweysi
(Haweysi-ga)
Haweysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haweysi
m.l la-mid: haweysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haweysi
-ga: (n) an effort or a try; attempt (a-tempt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haweysi
-ga: (magac, lab, keli) tiigsiga wax meel dheer jira oo gaadhiddiisa la hammiyo. Haweysiga waxqabad raaci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax jurmi weyn leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qanweyn
der. [adjective] thick, dense; sturdy, strong, robust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanweyn
-ta: (magac, dheddig, keli) mid jurmi weyn leh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qanweyn
de: thick, dense; sturdy, strong, robust
lx: qanweyn
pd: (qanweynaa)
ps: adj-der
key: qanweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'weyni
m.dh la-mid: da'weynaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'weyni
-da: (magac, dhedig, keli) in badan jirid; cimri dheer soo jirid. Dh: gaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facweyni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg facweynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabweyni
m.dh Dabeecad isla weyni kibir leh oo qof yeesho. la-mid: qabweynaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabweyni
m.dh Dabeecad isla weyni kibir leh oo qof yeesho. la-mid: qabweynaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabweyni
f. n., [abstract] arrogance, conceit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabweyni
-da: (n) proudness (paraawdh-nes)-, arrogance (aara-gonsi); overbearing pride ~ isla-weyni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabweyni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qabwayni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabweyni
de: arrogance, conceit
lx: qabweyni
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: qabweyni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanweyni
-da: (magac, dhedig, keli) wax weyn bixin iyo faxalnimo. Dh: faxalnimo, deeqsinimo. Li: gacanyari, bakhaylnimo, gacan'adayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanweynaan
m.dh eeg hanweyn. la-mid: hanweynaansho, hanweyni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanweynaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mar walba wax badan iyo meel sarraysa jeclaan; qof qab weyn leh ahaansho; mid hanweyn ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amarweyni
m.dh la-mid: amarweynaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarweyni
-da: (magac, dhedig, keli) islaweynida iyo yaraysiga dadka kale.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daanweyne
nickname-m the one with a protruded jaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhweyni
-da: (magac, dhedig, keli) timaha gadhka oo fara bata ama tuqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weyni
adj., subject case: big (one)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weyni
-da: (n) greatness (gareeyt-nes); largeness (laarji-nes enormity (inoor-mati), immensity (imen-siti) ~ weynan, weynaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weyni
-da: (magac, dhedig, keli) wax weyn oo dherer iyo dhumuc leh ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weyni
de: big (one)
initial: w
lx: weyni
ps: adj-subj
key: weyni
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aneyn
a: =-aneynin
de: is ~ was / are ~ were not doing (X)
lx: -aneyn
ps: v3-neg-prog
key: -aneyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afweyn
(Afweyn-ta)
Riciraha tunka tan ugu korraysa oo afka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afweyn
m.dh Riciraha tunka tan ugu sareysa ee madaxa ku fadhiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afweyn
m.dh Riciraha tunka tan ugu sareysa ee madaxa ku fadhiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afweyn
f. n., [collective], [compound] first cervical vertebra
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) lafta qoorta ee taxan inta ugu korraysa; riciraha tunka tan ugu korraysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afweyn
de: first cervical vertebra
lx: afweyn
pd: (-ta)
ps: n2-f-col-cmp
key: afweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aweyti
(Aweyti-da)
Habaar gaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aweyti
aweyti¹: m.dh Habaar, cid Eebbe looga baryo in uu dhaqso u dhinto.
aweyti²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid inay dhaqso u dhimato Eebbe uga baryid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aweyti
m. n. curse
aweyti v. curse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aweyti
-da: (n) words believed to have magic power; spell (ispeel) ~ asmo -da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aweyti
(fal) hadal habaar ah oo si gaar ah loo aqriyo dheh. Dh: awayti.
aweyti -da: (magac, dhedig, keli) habaar gaar ah oo wax lagu habaaro. Dh: habaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caweyn
(Caweyn-ta)
Fiid soo jeedid; habeen gelinkiisa hore, sheeko ama wax kale, ku soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweyn
m.f.dh eeg cawee. la-mid: caweys (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caweyn
vl. n. spending the evening, socializing in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caweyn
-ta: (n) sociable conversation in the evening; social gathering in the evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) fiid soo jeedid ama habeen gelinkiisa hore waaryid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caweyn
de: spending the evening, socializing in the evening
lx: caweyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: caweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daweyn
(Daweyn-ta)
Dawo ku samayn; cudur biskoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweyn
m.dh la-mid: daaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid jirran dawo u qorid ama siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faweyn
m.f.dh eeg fawee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawey
(Haawey-da)
Haadun; hoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawey
m.dh Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawey
f. n., [collective] the poor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawey
-da: (magacwadareed) dad sabool ah oo fara madhan; dad aan hanti lahayn. Dh: haadun, hoomo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haawey
de: the poor
lx: haawey
pd: (-da)
ps: n0-f-col
syn: haadun
key: haawey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeyn
-ka: (n) night (naayt) ~ habeen,cawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadeyn
m.f.dh eeg hadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haween
(Haween-ka)
Naagaha guud ahaan; dumar: dheddigood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haween
m.l.u Dheddigga dadka guud ahaan; dumar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haween
m.l.u Dheddigga dadka guud ahaan; dumar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haween
m. n., [collective] women, womankind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haween
-ka: (n) [Plural] women (wamen) ~ naago, dumar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haween
-ka: (magacwadareed) dadka intiisa aan ragga ahayn ee dhedig. Dh: dumar. Li: rag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haween
de: women, womankind
lx: haween
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
syn: bilis, dumar
key: haween
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haweys
m.l la-mid: haweyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afweyne
m. n., [compound] big-mouth; thick-lipped person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Afweyne
nickname-m mighty-mouth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afweyne
-afweynaha: (n) person with large mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Afweyne
naanays loo baxsho qof afkiisu weyn yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afweyne
de: big-mouth; thick-lipped person
lx: afweyne
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: afweyne
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badweyn
(Badweyn-ta)
1. Bad weyn oo xeebta ka fog.
2. Badda qaybaheeda waaweyn oo shanta ah, mid ka mid ah (Badweynta Atlaantik, Badweynta Deggan, Dadweynta Hindi, Badweyn-Barafta Woqooyi iyo Badweyn-Barafta Koofure).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badweyn
badweyn¹: m.dh 1. Biyo badeed badan, dhul aad u ballaaran ku fadhiya oo adduunka u kala qeybiya qaarado, sida Atlaantigga, Hindiya iyo wixi lamida. 2. Meel badda dhexdeeda ah oo xeebta ka fog.
badweyn²: m.dh (-nno, m.dh) (juqraafi) Gogol biyo cusbo leh ah oo ku wareegsan dhul weyneyaasha dunida. Biyahaas iyaga ah waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo waaweyn, dhammaantood waxay dabboolaan 71% ee dusha dunida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badweyn
badweyn¹: m.dh 1. Biyo badeed badan, dhul aad u ballaaran ku fadhiya oo adduunka u kala qeybiya qaarado, sida Atlaantigga, Hindiya iyo wixi lamida. 2. Meel badda dhexdeeda ah oo xeebta ka fog.
badweyn²: m.dh (-nno, m.dh) (juqraafi) Gogol biyo cusbo leh ah oo ku wareegsan dhul weyneyaasha dunida. Biyahaas iyaga ah waxaa loo qaybiyaa dhawr qaybood oo waaweyn, dhammaantood waxay dabboolaan 71% ee dusha dunida.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badweyn
Ocean
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badweyn
f. n., [compound] ocean
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badweyn
-ta: (n) ocean (oow shin); sea (sii); high seas bad