hantidhawris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantidhawris
-ta: (magac, dhedig, keli) ilaalin iyo dhawris hanti la leeyahay. Dh: hantidhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantidhawr
*(Hantidhawr-ka)
Qaybaha maamulka Dowladda mid kamid ah oo hantida iyo lacagta Qaranka ilaalisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantidhawr
m.l 1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iyo wixi lamida u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantidhawr
m.l 1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iyo wixi lamida u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantidhawr
m. n., [compound] accounts department; treasury
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hantidhawr
-ka: (n) examination of records or financial accounts; audit (oodhit)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hantidhawr
Magistrato ai conti
Magistrate of accounts
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantidhawr
-ka: (magac, lab, keli) waaxda dadka ama dawlada u qaabilsan in ay dabagasho halka lagu bixiyey kharashka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantidhawr
de: accounts department; treasury
lx: hantidhawr
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: hantidhawr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawris
-ta: (magac, dhedig, keli) nooli aad u liita, qarka u saaran dhimasho nafkadhawris. Rajo lagama qabo bukaankan ee waa bakhtidhawris. Dh: baqtidhawris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawris

baqtidhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Naf kuma hadhine waa bakhtidhawrid. Dh: baqti-dhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux buka oo sakaraadku hayo dhimashadiisa ka dhursugid. Dh: baqtidhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawr
(fal) si xil, dhaxal iyo wixii la mid ah looga helo awgeed qof geeridiisa ka dhursug. Bakhtidhawr dhaxal laguma helee orda guryihiinna ku dheelmada. Dh: baqtidhawr.
baqtidhawr -ka: (magac, lab, keli) dakhsi waayen oo bakhtiga ku lala oo cuna, daaruqena ku dhala. Dh: doorshaan, dooryaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantihurid
(Hantihurid-da)
Wax qof kale lee yahay oo uusan bixin, hanti ka dhigasho, isku hallayn darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantihurid
m.f.dh eeg hantihur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantihurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qof kale leeyahay oo uusan bixin, hanti ka dhigasho, isku hallayn darteed.
hantihurid -da: (magac, dhedig, keli) hantidaada ku deeqid oo cid siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaatidhawr
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wax u dhibyarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawritaan
-ka: (magac, lab, keli) noole sii dhimanaaya nafkadhawritaankii. Dh: baqtidhawritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baridhawr
(Baridhawr-ka)
Barkimo xalleef ah ama wax kaloo aad loo jilciyey oo kooraha ama kursiga ama wixii kaloo adag oo lagu fariisana hayo layska xijiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baridhawr
m.l (-rro, m.dh) Barkin xalleefsan oo koore, kursi iyo wixi lamida layska xajiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baridhawr
m. n., [compound] cushion used on a saddle ~ chair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baridhawr
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhidhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baridhawr
de: cushion used on a saddle or chair
lx: baridhawr
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: baridhawr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fandharid
(Fandharid-da)
Nabar oogada ku yaal aayar af ugu yeelid ama mid furan gudihiisa, hawl lagu raago miyir iyo aayar aayar, uga qabasho; farafarayn; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fandharid
m.f.dh eeg fandhar. la-mid: findhirid, findhirin, findhiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fandharid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar oogada ku yaal aayar af ugu yeelid ama mid furan ka dhigid. Dh: farafarayn, qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhamis
m.l la-mid: haldhamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqadhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hanqadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku dhirfid; ku jaahwareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wandharid
(Wandharid-da)
Wax wandharan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wandharid
m.f.dh eeg wandhar². la-mid: wandhar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandharid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib wadhid; saafid; kala dhigdhigid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
antichrist
n., antikristos.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
antithesis
/aantithesis/antitheses; (n) lid ku ah; si toos ah uga soo hor jeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhidhawr
-ka: (magac, lab, keli) barkin jilicsan iyo wixii la mid ah oo kooraha fardaha ama wax kale oo adag sida kursiga la isaga dhigo. Senge buuran badhidhawr casoo, bulushku laadlaado. Dh: baridhawr, baridhowr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhamis
m.l la-mid: dhadhamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanti gaar
n. phr. private property
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanti_gaar
de: private property
lx: hanti gaar
ps: np
key: hanti_gaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hantiyaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naftihawir
m.l (-rro, m.dh) Qof naftiisa meel halis ah geliya; naftihalig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqdhawrid
(Xaqdhawrid-da)
Qof xaqdhawr ku wadid, ku dhiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqdhawrid
m.f.dh eeg xaqdhawr².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqdhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ilaalinta iyo ixtiraamka xuquuqda qofka kale. Dh: ixtiraamid, xushmayn.
xaqdhawrid-da: (magac, dhedig, keli) ixtiraamid oo si ay xurmo ku jirto u qaddarin cid aanad xumaan u quudhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawr
(fal) si dhaxal looga helo awgeed qof geeridiisa ka dhursug. Bakhtidhawr dhaxal laguma helee orda guryihiinna ku dheelmada. Dh: baqtidhawr.
bakhtidhawr -ka: (magac, lab, keli) dakhsi waayen oo bakhtiga ku lala oo cuna, daaruqena ku dhala. Dh: doorshaan, dooryaan.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
candidiasis
(n) a specific fungus infection.
jirooyin gaarah keeno fangasku
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaaris
m.l la-mid: maradhaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maradhaaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg maradhaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naftiihawir
-ka: (magac, lab, keli) eeg naftihafar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafkadhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo nafbax ka sugid; dhimasho qarka u saarnaan Ninkan xaalkiisu waa nafkadhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtigawracis
-ta: (magac, dhedig, keli) dad colaadi idin ka dhaxayso fal aad u foolxun kula kicis. Dh: baqtigawracis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalays
-ka: (magac, lab, keli) hadallo sarbeeb ah isku xidhid oo ku tartamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanti'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanti-abuurid
m.dh la-mid: hanti-abuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjidhtaymas
-ka: (magac, lab, keli) qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiwadaagnimo
m.dh Hantiwadaag ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiwadaagnimo
-da: (magac, dhedig, keli) hantiwadaag ahaansho.