hantaarid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku dhirfid; ku jaahwareerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nugul riixid oo ridid. Dh: hantaaqis.
hantaaqid-da: (magac, dhedig, keli) qof culus soo luggayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhantaalid
(Dhantaalid-'da)
Wax u dhimid ama ka dhimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalid
m.f.dh eeg dhantaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax u dhimid; dhib iin u yeesha gaadhsiin. Kala dhantaalidduu cadwgaagu kaaga dhawrsadaa. Dh: waxyeellayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbabarid
-da: (magac, dhedig, keli) naxdin iyo sas daraadeed hurdada ka soo boodid. Dh: sasid, salelid, boodis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanqaarmid
(Hanqaarmid-da)
Meel wax loo doontay ama lagu malayna hayey, wax ka soo waayid, ku soo hungoobid; ku luggo'id; (ama hanqarmid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaarmid
m.f.dh eeg hanqaaran². la-mid: hanqaaran¹, hanqaran¹, hanqarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax loo doontay ama lagu malaynayey wax ka soo waayid; ku soo hungoobid; ku hankaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaar
(fal) (ku ~) wax ku dhirif; ku jaahwareer.
hantaar -ka: (magac, lab, keli) jaahwareer iyo wajaqe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bantarid
m.f.dh eeg bantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bantarid
-da: (magac, dhedig, keli) caatoobid oo wax hilib weyd ah leh noqosho. Gaajada ayaa neefka bantaridda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantarid
m.f.dh eeg cantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantarid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarid
m.f.dh eeg habaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax xun iyo dhib Alle uga baryid. Habaaridda laguma degdego. Li: ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqarid
m.f.dh eeg hanqar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaarid
(Hawaarid-da)
Fadhi ballaaran oo kala daadsan fadhiyid; barraaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarid
m.f.dh eeg hawaar³. la-mid: hawaar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ballaadhan oo kala daadsan fadhiyid; si hawaar ah u fadhiyid. Dh: hawaarsasho, bahardaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qataarid
(Qataarid-da)
1. Qataar ku xirid; qufulid.
2. Sixrid; falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qataarid
m.f.dh eeg qataar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qataarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qafilid.
qataarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale baad u samayn oo wax sixran ka dhigid. Saaxir qataaridda yaqaan lama soo dhawaysto. Dh: sixrid, baabid, falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fansaarid
(Fansaarid-da)
Fangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fansaarid
m.dh la-mid: fangelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xagga danbe ee muurka aad wadato, korsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gantaalid
(Gantaalid-da)
Gantaal ku ridid, ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gantaal ku ridid ama ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaarid
-da: (magac, dhedig keli) hadhuudh iyo wax la mid ah, biyo u galid oo dhadhan iyo urba isbeddelid.
haddaarid -da: (magac, dhedig keli) caajis iyo daal dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hankaagid
(Hankaagid-da)
Meel ku hungoobid, wax ka waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hankaagid
m.f.dh eeg hankaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaagid
-da: (magac, dhedig, keli)meel aad wax u doonatay ka soo waayid; meel ku hungoobid. Dh: hongoobid, luggo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaarid
m.f.dh eeg sannaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sannaar ku dabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santaagid
m.f.dh eeg santaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
santaagid
-da: (magac, dhedig, keli) santaag samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shataarid
(Shataarid-da)
Shataarad cid kale wax kaga qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shataarid
m.f.dh eeg shataar². la-mid: shitaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataarid
-da: (magac, dhedig, keli) shataarad, cid kale wax kaga qaadid, xarfad iyo hab cid kale wax kaga qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaarid
(Xanbaarid-da)
1. Ilmo yar dhabarka ku qaadid.
2. Kor u qaadid, u sidid, u bilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar ama wax kale dhabarka ku qaadid. Dh: xanbaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalmid
m.f.dh eeg dhantaalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid kala dhiman oo ay wax u dhimanyihiin ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangagaarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel lagu hungoobay, socod quusi ka muuqato kaga dhaqaaqid. Dh: cagajiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaatacid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan milgo lahayn, ku hadlid. Dh: hantatacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaticid
m.f.dh eeg hantaatac². la-mid: hantaticid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baritaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageerid oo dhanka danbe ka riixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantatabid
(Cantatabid-da)
Hadal cantatab ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantatabid
m.f.dh eeg cantatab². la-mid: catatabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantatabid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cantatab ah ku hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayntaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) xoog u ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhaarid
m.dh la-mid: dhardhaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cunta dabka saarid oo karinteeda bilaabid. Xilligii dhadhaaridda qadada ayaa gaadhay. Dh: bilaabid
dhadhaarid -da: (magac, dhedig, keli) is maqiiqid oo yool saaniya isku sii dayn. Is dhadhaaridda maalinba qof aad isku dhadhaarayso iska daa oo shagayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haashaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xarragood iyo socosho hannaan quruxsani ka muuqdo. Dh: taxtaxaashid, mardaaddiyid, shoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambabarid
m.f.dh eeg hambabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanaqaadid
m.f.dh eeg hanaqaad². la-mid: hanaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) korid oo xilli masuuliyad la qaadi karo gaadhid. Dh: xilqaadid, hanaqaadis, mudakarid, taabbagalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood, nitaaqood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqood
-ka: (magac, lab, keli) turunturrood; hanboorrood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaarsan
(tilmaame) qof jaahwareersan, qof dhirifsan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hantaatiqi
-yey I say: (v) push or shove someome roughly: shove (showv); hustle (hasel); jog (jaag) ~ hantaaturree, harbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaticid
m.dh la-mid: hantaaticid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantihurid
(Hantihurid-da)
Wax qof kale lee yahay oo uusan bixin, hanti ka dhigasho, isku hallayn darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantihurid
m.f.dh eeg hantihur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantihurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qof kale leeyahay oo uusan bixin, hanti ka dhigasho, isku hallayn darteed.
hantihurid -da: (magac, dhedig, keli) hantidaada ku deeqid oo cid siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinqaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo fadhiya ama jiifa, laabta la sara kicid oo hingad.
hinqaarmid-da: (magac, dhedig, keli) yalaalugood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaansaarid
(Jaansaarid-da)
Wax duugoobey oo karid u baahan, jaan cusub ku tolid, ku dhejin; karkarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaansaarid
m.f.dh eeg jaansaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaansaarid
-da: (magac, dhedig, kali) habka kabta loo saaro sar lagu hagaajinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khammaarid
(Khammaarid-da)
Khammaar cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khammaarid
m.dh la-mid: khamaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaangaarid
(Qaangaarid-da)
Qaangaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaangaarid
m.f.dh eeg qaangaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xilligi baaluga gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarid
(Haarid-da)
Dhuldhac diidid; werfid; harjadid; madaxdhulladhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarid
m.f.dh eeg hąar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarid
-da: (magac, dhedig, keli) calaamad wejiga ama dhabarka lagaga dhigo ilmaha dhashay ama wanka adhiga lagu darayo ee sumalka.
haarid -da: (magac, dhedig, keli) dhuldhac ama welfid maanka la iska qaado. Dh: harjadid, welfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naarid
(Naarid-da)
Naar gelin; cadaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naarid
m.f.dh eeg naar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naarid
-da: (magar, dhedig, keli) fogayn oo Shaydaan iyo dhibtiisa Eebbe ka magangalid. Shaydaan iska naariddu way fiican tahay.
naarid-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, cadaabid holac ku tuurid. Naarid Ilaahbaa laga baryaa. Dh: cadaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taarid
(Taarid-da)
Meel dheer ama sare wax soo surid, ka soo laallaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taarid
m.f.dh eeg taar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel kore soo sudhid, ka soo laadlaadin. Taarida alaabta dedeji gaadhigu wuu baxayaaye. Dh: taaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaarid
-da: (magac, dhedig, keli) geela goojintiisa. Amaaridda geelu waa calaamadda lagu garto in uu rimay.
amaarid -da: (magac, dhedig, keli) dareenka lulo iyo caajiska kaa xoog badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
angarid
m.f.dh eeg angar². la-mid: angar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
angarid
-da: (magac, dhedig, keli) ka tegitaan; ka dhaqaaqitaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ansaari
name-m my helper
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
antacid
(n) a substance that counteracts or neutralizes acidity, usually of the stomach.
daawadda laab dilaaca
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BANAARI
(Banari) S Gloriosa superba L. Liliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarrid
-da: (magac, dhedig, keli) tegid caalwaa ah oon lagu faraxsanayn. Dh: tegid, hulluugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax aanay samayn dusha ka saarid. Dh: masabidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hannaad
m.l la-mid: hanna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanraar
m.l (-rro, m.dh) la-mid: harraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaq
m.dh meel cidla ah oo halis ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaq
(fal) wax nugul riix oo rid. Tiirku wuu dhacayaaye ha hantaaqin. Dh: guji, riix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaari
f.g2 (-iyay, -isay) Neef geel ah hawaar u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawaari
v. brand (cattle) with a special ~ particular mark
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaari
(fal) fadhi ballaadhan oo fool xun fadhiiso; barraarso.