hantaaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Qof hantaarurrayn. 2. Wax dhibaato gaarsiin. la-mid: hataaqee, hintaaqee, nitaaqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantaaqee
v. make someone stumble; trip up; hurt, put in difficulty ~ a difficult spot
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantaaqee
a: hintaaqee
de: make s.o. stumble; trip up; [ext.] hurt, put in difficulty ~ a difficult spot
lx: hantaaqee
pd: (hantaaqeeyey)
ps: v2b=tr
key: hantaaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqee
f.g2 (-qeeyay, -qeysay) la-mid: hantaaqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hataaqee
v. shove, push forward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqee
(fal) hanboorriyee; turaanturree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hataaqee
de: shove, push forward
lx: hataaqee
pd: (hataaqeeyey)
ps: v2b=tr
key: hataaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintaaqee
f.g2 (-qeeyay, -qeysay) la-mid: hantaaqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hintaaqee
v. make someone stumble; put someone in difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hintaaqee
(fal) dhib iyo hagardaamo gaadhsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hintaaqee
de: make s.o. stumble; [fig.] put s.o. in difficulty
lx: hintaaqee
pd: (hintaaqeeyey)
ps: v2b=tr
see: hantaaqee
key: hintaaqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaq
m.dh meel cidla ah oo halis ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaq
(fal) wax nugul riix oo rid. Tiirku wuu dhacayaaye ha hantaaqin. Dh: guji, riix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantaaqo
(Hantaaqa-da)
1. Nabar daran oo ka yimaada kufidda ama qalab gamuuxan; jug.
2. Luggooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqo
m.dh 1. Turaanturro. 2. Wax lagu turaanturroodo. 3. Dhibaato. la-mid: hataaqo, hintaaqo, nitaaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaaqo
m.dh 1. Turaanturro. 2. Wax lagu turaanturroodo. 3. Dhibaato. la-mid: hataaqo, hintaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantaaqo
f. n. injury ~ hurt caused by a forward fall; shove, forward push; undermining someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) riixis ama gujo aan weynayn. Dh: hanboorri, harbis.
hantaaqo -da: (magac, dhedig, keli) jug ay sababto kufid si miisaan darro ah dhulka loogu dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantaaqo
a: nitaaqo
cf: hataaqo
de: injury ~ hurt caused by a forward fall; shove, forward push; [fig.] undermining s.o.
lx: hantaaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hantaaqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nugul riixid oo ridid. Dh: hantaaqis.
hantaaqid-da: (magac, dhedig, keli) qof culus soo luggayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Hantaaqo la kulmid. la-mid: hataaqoo, hintaaqoo, nitaaqoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Hantaaqo la kulmid. m.f.dh, hantaaqood. la-mid: hataaqoo, hintaaqoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqoo
(fal) turunturroo; hanboor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantaaqow
inch. v. lose one's balance by stumbling; be ~ get hurt
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantaaqow
cf: nitaaqow
de: lose one's balance by stumbling; be ~ get hurt
lx: hantaaqow
pd: (hantaaqooday)
ps: v3a=inch
key: hantaaqow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqayn
m.f.dh eeg hantaaqee. la-mid: hataaqayn, hintaaqayn, nitaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqayn
-ta: (magac, dheidg, keli) qof weyn ama daallan, dhibaato gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood, nitaaqood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqood
-ka: (magac, lab, keli) turunturrood; hanboorrood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaq
m.l (-qyo, m.dh) Meel dhulka ka hoosaysa oo yara godan. la-mid: hataq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaq
-da: (magac, dhedig, keli) bohol ama booraan laga dhaco. Dh: hataq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaar
(fal) (ku ~) wax ku dhirif; ku jaahwareer.
hantaar -ka: (magac, lab, keli) jaahwareer iyo wajaqe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hataaqo
(Hataaqa-da)
Hanboorri; harbis; turaanturro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqo
m.dh la-mid: hantaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hataaqo
f. n. push forward, shove
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqo
-da: (magac, dhedig, keli) hanboorriga wax xagga hore loo riixo. Dh: turraanturro, harbis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hataaqo
cf: hantaaqo
de: push forward, shove
lx: hataaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hataaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astaamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax astaan u yeelid. la-mid: astee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
astaamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax astaan u yeelid. m.f.dh, astaamayn. la-mid: astee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
astaamee
v. mark, put a mark on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
astaamee
-yey / astaamaysay: (v) 1. mark (maark) ~ calaamadee. 2. punctuate (pangkjuweeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astaamee
(fal) eeg astaamay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
astaamee
a: astee
de: mark, put a mark on
lx: astaamee
pd: (astaameeyey)
ps: v2b=
key: astaamee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haltagee
(fal) dhibaatee oo waxyeello gaadhsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalee
(fal) cid kale, wax lugooyo ah kula kac; luggoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaare
m.l 1. Xiiqid. 2. Qalbijab. 3. Wax si aan habboonayn loo qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaare
-ha: (magac, lab, keli) meel aad aaday wax ka soo waayid; lugooyo; luggo'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanraawe
-ha: (magac, lab, keli) waraabaha kiisa weerara adhiga cidlada ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqay
(fal) horay u harbi ama u riix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: hantaaqoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqoo
(fal) hanboorriyoo; turaanturroo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintaaqo
m.dh la-mid: hantaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hintaaqo
f. n. forward fall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hintaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) kadeed iyo dhib, cid kale oo tag daran lagula kaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hintaaqo
de: forward fall
lx: hintaaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: hantaaqo
key: hintaaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mataanee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Mataano dhalid (nafley). 2. Labo walxood hal magac ka dhexaysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mataanee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Mataano dhalid (nafley). 2. Labo walxood hal magac ka dhexaysiin. m.f.dh, mataanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mataanee
v. give birth to twins
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mataanee
-yey/mataaneysay: (v) 1. twin (tuwiin); bear as twins. 2. make a match or counterpart to.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mataanee
(fal) eeg mataanay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mataanee
de: give birth to twins
lx: mataanee
pd: (mataaneeyey)
ps: v2b=tr
key: mataanee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nitaaqee
f.g2 (-qeeyay, -qeysay) la-mid: hantaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nitaaqee
(fal) dhib fudud gaadhsii. Dh: hantaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wantafee
(fal) wanqal ka gawrac ilmo dhashay. U wantafee ilmahaaga curad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaanee
(fal) wax itaal yar wuxuu u baahan yahay si naxariisle kolba u sii sii. Xanaanee adeer geeliinnu wuu inaga dhexeeyaaye. Dh: dhaqaalee, xannaanay. Li: baylihi, dayac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) la-mid: bannee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bannaanee
v. clear (away), empty; permit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanee
(fal) sharciyee oo in la samayn karo oggolow. Dh: oggolow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bannaanee
de: clear (away), empty; permit
lx: bannaanee
pd: (bannaaneeyey)
ps: v2b=tr
see: bannee
key: bannaanee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Wax barwaaqo ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barwaaqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Wax barwaaqo ka dhigid. m.f.dh, barwaaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqee
(fal) eeg barwaaqay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbaaree
-yey / cambaareysay: (v) condemn (kon-deem)-, denounce (di-nownsi); criticize (kiriti-zaays)-, stigmatize (stig-matayz) ~ dhaleecee, cambaaree. — Syn: blame, reprehend, censure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataalee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: faataadhuglee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haasaawee
f.g2 (-weeyay, -waysay) 1. Cid sheeko maaweelo leh u sheegid. 2. Nin iyo naag sheeko xodxodasho leh isweydaarsasho. la-mid: haasaawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgaadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Ul weyn wax la dhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanbalyee
v. congratulate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanbalyee
-yey / hanbalyeysay: (v) [with preposition u] congratulate (kongaraajuleeyt) ~ u tahniyadee, hambalyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbalyee
(fal) eeg hanbalyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanbalyee
a: hambalyee
de: congratulate
lx: hanbalyee
pd: (hanbalyeeyey)
ps: v2b=
key: hanbalyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hangalle samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku dhirfid; ku jaahwareerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantaatac
(Hantaatac-a)
Hadal aan milgo lahayn, si wanaagsanna u taxnayn; cantar; (ama hantatac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaatac
hantaatac¹: m.l Hadal aan milgo lahayn. la-mid: hantatac¹.
hantaatac²: f.mg1 (-cay, -cday; -tici) Hadal aan milgo lahayn sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaatac
m.l Hadal aan milgo lahayn. la-mid: hantatac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantaatac
m. n. vague, senseless ~ rambling talk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hantaatac
-a: (n) 1. senility (siniliti); dotage (dow-tayj); old age senility ~ catatab, cantatab. 2. talk foolishly or idly; chatter (cAatter); babble (baabal).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaatac
(fal) hadal aan milgo lahayn, ku hadal. Dh: hantatac.
hantaatac -a: (magac, lab, keli) hadal aan si wanaagsan u taxnaynaan oo aan milgo lahayn. Dh: calaacal, nuunaas, wataatac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantaatac
de: vague, senseless ~ rambling talk
lx: hantaatac
pd: (-a)
ps: n2a-m
syn: mataatac
key: hantaatac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Si nac ku jiro qof wax u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargaamee
v. injure, inflict damage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamee
(fal) dhib oo dibindaabyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargaamee
de: injure, inflict damage
lx: hargaamee
pd: (hargaameeyey)
ps: v2b=
key: hargaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaaree
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid haydaaro u gaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) la-mid: hąyl².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haylaamee
v. make a branding mark on cattle; make a perpendicular cut in something (from the center up to the edge)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haylaamee
-ha: (magac, lab, keli) aqal dusha haylaan ka saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haylaamee
de: make a branding mark on cattle; make a perpendicular cut in s.t. (from the center up to the edge)
lx: haylaamee
pd: (haylaameeyey)
ps: v2b=tr
key: haylaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintaaqoo