hansabood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansabood
-ka: (magac, lab, keli) badhaadhe iyo barwaaqo. Hantidii la ragaayiyo, hansaboodkii ma waayay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shankabood
-ka: (magac, lab, keli) tuugta wax xadda ee is gedgediya hadba si iska dhiga. Waa tuug shankabood le ah. Dh: raadgadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dankabood
-ka: (magac, lab, keli) qof dantiisa aan aqoon ama dayaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood, nitaaqood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqood
-ka: (magac, lab, keli) turunturrood; hanboorrood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanfarood
m.l Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yar-yar iyo miro la cuno oo ka baxa cadduun-ka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanfarood
m.l Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban, caleemo yaryar iyo miro la cuno oo ka baxa cadduunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hansad
m.dh (-do, m.dh) Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iyo wixi lamida ku dhacay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hansad
m.dh (-do, m.dh) Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iyo wixi lamida ku dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansad
-ka: (magac, lab, keli) sugashada ay kalsoonida iyo rajuhu ku jiraan. Saddex lagama kaco, hansad gabadheed habaar waalid iyo hadimo xoolaad. Dh: hasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anafood
m.f.l eeg anafoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anafood
-ka: (magac, lab, keli) godob iyo gef, kibir dartii u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handabo
m.l/dh Xaalad nafsaani ah oo qofka ku qasabta waxa uu jecelyahay in uu falo. Tusaale: “Cali naaguhuu handabo ku qabaa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
handabo
m.l/dh Xaalad nafsaani ah oo qofka ku qasabta waxa uu jecelyahay in uu falo. Tusaale: Cali naaguhuu handabo ku qabaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangood
-ka: (magac, lab, keli) hungurayn iyo damac. Gosha naaska yara muuqday buu yara hangoodaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanjabo
(Hanjaba-da)
Hadallo ad'adag oo loola jeedo inay qofka lala hadla hayo cabsi geliyaan; u dhaarasho; gooddi; cagajugleyn; (ama hanjamo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjabo
m.dh la-mid: hanjabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanjabo
f. n. threat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjabo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal kulul oo qof laga itaal roonyahay ama la jabsanyo lagu cabsi galiyo. Dh: cagajuglayn, guhaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanjabo
de: threat
lx: hanjabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hanjabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
andacood
m.f.l eeg andacoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
andacood
m.f.l eeg andacoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
andacood
-ay / tay: (v) make a claim without proof; allege (aleej)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
andacood
-ka: (magac, lab, keli) garsheegadka iyo ashkatada. Dh: garsheegad, ashkato, garsheegad, dacwad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
basaboor
m. n. passport
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
basaboor
a: baasaboor {Eng}
de: passport
lx: basaboor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: basaboor
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
handbook
/haandh-buuk/ (n) gacan-qabsi (tilmaan-bixiye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanjabid
(Hanjabid-da)
Hadallo hanjabaad ah qof ku dhihid; (ama hanjamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjabid
m.f.dh eeg hanjab. la-mid: hanjabaad, hanjabo, hanjamaad, hanjamid, hanjamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawshood
(Hawshood-ka)
Hawl adag qabasho: shaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawshood
m.f.l eeg hawshoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawshood
m.f.l eeg hawshoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawshood
v. work hard, be occupied ~ very busy
hawshood vl. n. state of being busy; difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawshood
-ka: (magac, lab, keli) hawl badan qabasho. Dh: shaqayn.
hawshood -ka: (magac, lab, keli) shiddaysan ama dhibi soo gaadhay. Dh: dhibban
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAJABOOD
(Jajabod) N Cometes abyssinica (R.Br.) Wall. Caryophyllaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jajabood
-ka: (magac, lab, keli) caleen iyo man dhir ka dhaca; dhir qabdhac iyo xaabkeed xoolo, siiba riyo aad u cunaan. Jajabood iyo, jimbac deegaay, joohar baad tahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalabood
m. n., [compound] contrast; disagreement, discord
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabood
-ka: (magac, lab, keli) arrin isku fahmi waayid; kala xanaaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalabood
de: contrast; disagreement, discord
lx: kalabood
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: kalabood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baasaboor
* (Baasaboor-ka)
Dalkummar (ama baasaboorto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasaboor
m.l (-rro, m.dh) Dokumeenti sharciyeysan oo dalalka adduunka loogu kala gudbo; dalkumar. la-mid: baasaboorto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baasaboor
m.l (-rro, m.dh) Dokumeenti sharciyeysan oo dalalka adduunka loogu kala gudbo; dalkumar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baasaboor
m. n. passport
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baasaboor
-ka (n) passport (paas poort)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasaboor
-ka: (magac, lab, keli) waraaqadda aqoonsiga ee dalkumarka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baasaboor
a: basaboor
de: passport
lx: baasaboor
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dalkummar
key: baasaboor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabood
-ka: (magac, lab, keli) geedgaab dhanaan oo bannaanada ka baxa, xooluhuna aad u daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaaqood
(Halaaqood-ka)
Hamaansiga hurdadu keento.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaaqood
m.f.l eeg halaaqoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaaqood
v.pat: yawn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halaaqood
-ay I tay: (v) yawn (yoon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaqood
-ka: (magac, lab, keli) hurdo, caajis iyo wixii la mid ah, darteed af kala qaadid. Dh: hahamaasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaaqood
a: halaaqow
de: yawn
lx: halaaqood
nt: halaaqood (ka) [vn2a-m]
pd: (halaaqooday)
ps: v1=pat
key: halaaqood
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanbaboro
f. n. dolphin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanbaboro
a: hobbobboro
de: dolphin
lx: hanbaboro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hanbaboro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanjabaad
(Hanjabaad-da)
Hanjabo; gooddi; (amaa hanjamaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjabaad
m.dh Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo. la-mid: hanjabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanjabaad
m.dh Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanjabaad
f. n. threatening speech, threat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanjabaad
-da: (n) intimidation (in tmi dheey shen); bullying (buul ling) ~ handadaad, tahdiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjabaad
-da: (magac, dhedig, keli) gooddi iyo cagajuglayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanjabaad
a: hanjamaad (da) [n1-f]
de: threatening speech, threat
lx: hanjabaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hanjabaad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hanjabaad
تهْدِيد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqalooc
hanqalooc¹: m.l 1. Qaadidda qaarka sare kor loo qaado, iyadoo caloosha gadaal loo riixayo, meel hoosana la eegayo. 2. la-mid: hanqalooqsasho.
hanqalooc²: f.mg1 la-mid: hanqaloocso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqood
m.l la-mid: hantaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqood
-ka: (magac, lab, keli) turaanturrood; hanboorriyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraabood
m.l Habeenka qaybtiisa dambe intaysan qorraxdu soo bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiraabood
m.l Habeenka qaybtiisa dambe intaysan qorraxdu soo bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabjabood
-ka: (magac, lab, keli) jabjab yaryar ah sida xaabada burburtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarkabood
(tilmaame) qof yaqaan khiyaamada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabood
m.f.l eeg lallaboo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lallabood
m.f.l eeg lallaboo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabood
-ka: (magac, lab, keli) lallabo dareen; yaqyaqsood; laqanyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantarboodh
-ka: (magac, lab, keli) hilibka xoolaha kaga yaalla luqunta oo aanu raggu cunin. Dh: tun, raqabad, afweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dankaboodid
-da: (magac, dhedig, keli) si aanay naftaada dani ugu jirin u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaloocid
m.dh la-mid: hanqaloocsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maansabooli
maansabooli¹: m.l 1. Qof sheegta maanso uusan curinin. 2. la-mid: maansabooliyid.
maansabooli²: f.g1 (-iyay, -iday) Qof maanso aanu curin sheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maansabooli
m. n. plagiarist, one who secretly mixes another's poetry verses with his own
maansabooli v. plagiarize, secretly mix in ~ use another's poetic verses
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansabooli
-da: (magac, dhedig, keli) sheegashada la sheegto maanso uu qof kale leeyahay. Waayahan waxa batay dadka maansaboolida ku faana.
maansabooli -ga: (magac, lab, keli) qof maanso uuna lahayn sheegta. Maansabooli baa batoo tu walba sheegta. Dh: maansadhace.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHAN-FAROOD
(Scianfarod) S, May Garcinia livingstonei ? Guttiferae.
S Gardenia volkensii K.Schum. Rubiaceae.
May Steganotaenia araliacea Hochst. Umbelliferae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanyood
m.l la-mid: cadanyood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaanyood
m.l la-mid: cadanyood.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaanyood
-ay / canaanyootay: (v) have a skin itching or skin rashes ~ cadanyood, xajiimood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanyood
-ka: (magac, lab, keli) xajiimood; xajiin dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daltabyood
(Daltabyood-ka)
Daltabyo qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daltabyood
m.f.l eeg daltabyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daltabyood
m.l eeg daltabyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daltabyood
v.pat: feel homesick, suffer from homesickness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daltabyood
-ay / daltabyootay: (v) feel homesick. Ex: waan daltabyooday; Ifeel homesick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daltabyood
-ka: (magac, lab, keli) dareenka xiisaba dalkii hooyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daltabyood
de: feel homesick, suffer from homesickness
lx: daltabyood
pd: (daltabyooday)
ps: v1=pat
key: daltabyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaboobid
m.f.dh eeg danabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) danab yeelasho. Isliska walaxaha danaboobid ayaa ka dhalata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaqood
m.f.l eeg dhabbaqoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbaqood
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhabbaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhaqbood
(fal) si sahlan oo degdeg ku jiro arrin uga bax. Dh: faraqbood.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HABLA-BOOR
(Hablabor) N Striga gesnerioide (Willd) Vatke. Srophulariaceae.
N Cistanche phelipaea (L) Cont. Orobanchaceae.
N Orobanche cernua Loefl. Orobanchaceae.