hanqadhis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqadhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hanqadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) shanqadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqadhi
(fal) roob, muddo yar istaag. Dh: qadood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) onkodid. Roob hanqadhin badan baa da'aya. Dh: hanqarin.
hanqadhin -ta: (magac, dhedig, keli) muddo kooban is taagid oo qaadid; roobku muddada yar ee uu istaago, inta aanu dib u soo bilaabmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sanqadh la maglo samayn; sharqamid; sanqarid; shanqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqadh
-a: (magac, dhedig, keli) joogsi yar oo uu roobku mar uun jag u qaado. Dh: joogsi.
hanqadh -ka: (magac, lab, keli) onkodka weyn ee danabka wata. Hillaaca hanqadh baa ka danbeeya. Dh: hanqar, onkod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqajis
m.l la-mid: hanqajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hanqajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) sangadh samayn. Dh: shanqadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadh ka keenid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) filka wax lagu hanan karo gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadis
haadis¹: m.l la-mid: haadin.
haadis²: m.dh la-mid: haadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadhin.
hadhis-ta: (magac, dhegig, keli) eeg hadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anqaris
m.l la-mid: anqarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anqaris
-ka: (magac, lab, keli) eeg anqarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) baadigoobidda wax maqan oo la tebayo.
baadhis -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah xiddigaha Soomaalidu ka awaalasheegaan. Waxay isgarab yihiin ururka iyo agaallicaanoodka. Xiddigtii baadhis caaway soo baxday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel kaa sarraysa gaadhid; wax kaa horreeya ama kaa tegay gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis
m.l (-syo, m.dh) Xubno isku shaqo ah oo jirka nafleyda ka mid ah sida kuwa dheefshiidka, wareegga dhiigga iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habdhis
System
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habdhis
m. n., [compound] system, array, display, method, procedure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habdhis
-ka: (n) makeup or make up; structure (istarak jar)-, method (methadh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhis
-ka: (magac, lab, keli) qaabka guud ee samayska. Samaale waa dhakhtar ku takhasusay xanuunnada ku dhaca habdhiska kaadimareenka. Dh: qaabdhiska.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habdhis
de: system, array, display, method, procedure
lx: habdhis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: habdhis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbadh
-ka: (magac, lab, keli) shinbir fiidkii soo baxa; hughuge.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid sasin. la-mid: hanfadi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
handadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid sasin. m.f.dh, handadin. la-mid: hanfadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handadi
(fal) u cagajuglee; u hanjab; handed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfadi
f.g2 (iyay, -isay) la-mid: handadi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanfadi
v. threaten, startle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfadi
(fal) u hanjab; u gooddi; handed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanfadi
de: threaten, startle
lx: hanfadi
pd: (hanfadiyey)
ps: v2a=tr
key: hanfadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaji
f.g2 (-iyay, -isay) Qof u caga-jugleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaji
(fal) aad uga dhawaaqsii; ka hanqadhi.
hanqaji: (fal) cid kale, canaano oo la dirir. Dh: guhaadi, canaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawadis
m.l Neef xoolo ah sabaalin. la-mid: hawadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindhis
f.mg1 (-say, -stay) Hindhiso sii dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindhis
f.mg1 (-say, -stay) Hindhiso sii dayn. m.f.dh, hindhisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindhis
v. sneeze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hindhis
-ay / tay: (v) sneeze (isniiz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhis
(fal) neef, si degdeg ah sanka uga soo bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindhis
de: sneeze
lx: hindhis
pd: (hindhisay)
ps: v1=
key: hindhis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaadhid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanqadh
f. n. slight noise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanqadh
-ta: (n) noise (nooyz); sound (saawndh) ~ sanqar, shanqadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadh
-a: (magac, dhedig, keli) wax dhegi maqasho oo cod ama dhaqdhaqaaq samaynaya. Inaad saamo jiiddiyo sanqadh tirasho kala daa. Dh: shanqadh, sanqar, shanqar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanqadh
a: sanqar (ta) [n1-f] {N}
de: slight noise
initial: s
lx: sanqadh
pd: (-dha)
ps: n1-f
key: sanqadh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waqdhis
m.l Dhismo meel laga taago oo lagu xusuusanayo qofdhintay oo qabrigiisu meel kale ku yaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqaldhis
-ka: (magac, lab, keli) aqaltaagista iyo dhismaha guriga reer ku dhaqmo. Maanta waa aqaldhiskii Cali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banfadhi
m.l.kh (-iyo, m.dh) la-mid: danfadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canqaris
m.l la-mid: anqarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canqaris
-ka: (magac, lab, keli) ilmo dhashay waxa la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danfadhi
m.l.kh (-iyo, m.dh) B. ah: xoolo aan xero lahayn. la-mid: banfadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danfadhi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo aan xero lahayn. Dh: banfadhi.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HANBODHI
Aerva javanica (3B), A. lanata 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Handadid
(Handadid-da)
Si handad ah ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handadid
m.f.dh 1. la-mid: handad ¹, hanfadid. eeg handad². 2. la-mid: haddidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handadid
-da: (magac, dhedig, keli) si handad ah ku kicid; u cagajugleyn; u hanjabaad; gooddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handadin
m.l eeg handadi. la-mid: hanfadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handadin
-ta: (magac, dhedig, keli) u gooddin; handadaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanfadid
(Hanfadid-da)
Handadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfadid
m.dh la-mid: handadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfadid
-da: (magac, dhedig, keli) si cir weyni ku jirto wax u doonid. Hanfadidda waxba ku heli mayside tartiibso. Dh: hanfadis, gooddin.
hanfadid-da: (magac, dhedig, keli) u cagajuglayn iyo u hanjebid. Dh: handedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanfadin
(Hanfadin-ta)
Handad ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfadin
m.dh la-mid: handadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfadin
-ta: (magac, dhedig, keli) handad ku ridid; kula kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqajin
m.f.dh eeg hanqaji. la-mid: hanqajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqajin
-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabada iyo guulguulka canaantu ku jirto. Dh: hangagurrayn, hanqajis, canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqarid
m.f.dh eeg hanqar².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanqadh
-ta: (n) noise (nooyz); sound (saawndh) ~ shanqar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanqadh
(fal) sanqadh samay, sangar.
shanqadh -a: (magac, lab, keli) wax dhegtu maqasho oo aan ahayn codka dadka iyo duunyada iyo yeerta oo dhawaaq sameeya; sangar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg tanaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannaanis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hannaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqarmid
m.dh la-mid: hanqaarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarradhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarradhin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sanqadh-a
bruit.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqoobid oo liibaanid. Dh: badhaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaadhis
-ka: (magac, lab, keli) wax kala baxsan ka dhigid. Dh: ballaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwaadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) bahardaad u fadhiisi. Balwaadhis baad u fadhidaa sarakacoo kaalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danqaqamis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqdha- qaaq ay gaabin iyo tabaryari ku jirto sida kan carruurta iyo duqayda. Dh: daqaqamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhangadhax
-a: (magac, lab, keli) eeg dhabxanag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhannaanis
-ka: (magac, lab, keli) caano la gadhoodhinayo dhanaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanqalcid
m.dh la-mid: dhanqalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanqalmid
m.f.dh eeg dhanqalan². la-mid: dhankalmid, dhanqalcid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanaqaadid
m.f.dh eeg hanaqaad². la-mid: hanaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) korid oo xilli masuuliyad la qaadi karo gaadhid. Dh: xilqaadid, hanaqaadis, mudakarid, taabbagalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbaadhso
(fal) si barraahda u fadhiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanqaarmid
(Hanqaarmid-da)
Meel wax loo doontay ama lagu malayna hayey, wax ka soo waayid, ku soo hungoobid; ku luggo'id; (ama hanqarmid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaarmid
m.f.dh eeg hanqaaran². la-mid: hanqaaran¹, hanqaran¹, hanqarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax loo doontay ama lagu malaynayey wax ka soo waayid; ku soo hungoobid; ku hankaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax is haystay ama isku yaallay, labo u kala badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalamadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku jiray kala saarid. Dh: kalasaaris, kalasoocis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maanqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqnaadiis
-ka: (magac, lab, keli) cufjiidadka birlabta. Dh: cufisjiidad.
maqnaadiis -ta: (magac, dhedig, keli) birlab macdan ah oo karti u leh jiidashada macdanaha kale ee danabka ay xambaarsan tahi uu ka geddisan yahay keeda. Maqnaadiisku masaabiirta way soo jiidataa. Dh: birlab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadhqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) qabaw ama xummad darteed la gariirid. Dh: jarayn, jarcayn, burunjiyeyn, qarqarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qanjiidhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qanjidhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqadhla'
-da: (magac, dhedig, keli) aan inaba shanqar ahayn; juuqla la' ah.
sanqadhla' -da: (magac, dhedig, keli) meel cidla ah oo aanay dad iyo duunya ba joogin. Dh: waaqla, juuqla'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xandhadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) idlayn oo wixii yaalba wada qaadid.