hannaansami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannaansami
-da: (magac, dhedig, keli) hannaan iyo qaab wanaagsan yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannaansan
(tilmaame) qaab suubban leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsanaan
-ta: (magac, lab, keli) mid wanaagsanaan ahaan. Dh: hannaansami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hannaani
f.g2 (-iyay, -isay) Wax hannaan wanaagsan u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hannaani
v. set in order, organize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannaani
(fal) qaab wanaagsan u yeel. Dh: habay, qaabee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hannaani
de: set in order, organize
lx: hannaani
pd: (hannaaniyey)
ps: v2a=tr
key: hannaani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hannaansho
(Hannaansha-ha)
Hab; hannaan; qaabsami; qorraansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hannaansho
m. n. order, organization
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hannaansho
de: order, organization
lx: hannaansho
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: hannaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaansamid
m.f.dh eeg hoggaansan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hoggaansan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
annaanaw
(fal) ku lumi wakhtiga wax lagu maararroobo. Dh: maararraw, annaanow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bannaani
f. n., [collective] openness, emptiness; freedom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bannaani
-da: (n) emptiness (emp ti nes); the state of being empty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bannaani
de: openness, emptiness; [fig.] freedom
lx: bannaani
pd: (-da)
ps: n0-f-col
key: bannaani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dannaani
-ga: (magac, lab, keli) qof sara jooga, madaxwareerid oo dhacid. Dannaani ayuu axmed la dhacay. Dh: ciirid.
dannaani-ga: (magac, lab, keli) ci'da dameeraha. Dannaani dameeraad baan maqlayaa. Dh: madaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamaansi
(Hamaansi-ga)
Hamaansasho; hamaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaansi
m.l la-mid: hamaansasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hamaansi
-ga: (n) the act of yawning; yawn (yoon) ~ halaaqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hamaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaani
(fal) daranyada ka dhaw oo dhif iyo dheef wuxu u baahdaba sii. Xannaani ubadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaanadi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1.(f.g) Qof nafley kale legdid. Tusaale: “Cali baa Xasan dibir ku banaanadiyey”. 2. (f.mg) Leegleegsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
banaanadi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1.(f.g) Qof nafley kale legdid. Tusaale: Cali baa Xasan dibir ku banaanadiyey. 2. (f.mg) Leegleegsasho. m.f.dh, banaanadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaanadi
(fal) yaryaree oo kolba in yar bixi. Alaabtu waa gabaabsiye innoo banaanadi. Dh: tashiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannaanni
dannaanni¹: m.l la-mid: dąnaani¹.
dannaanni²: f.mg1 (-nyay, -niday; -nyi) la-mid: danaani².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fannaanad
m.dh (-do, m.l) 1. Haweeney masrax ka heesta. 2. Haweeney fanka ku xeel dheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fannaanad
m.dh (-do, m.l) 1. Haweeney masrax ka heesta. 2. Haweeney fanka ku xeel dheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fannaanad
f. n. female artist, entertainer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fannaanad
-da: (n) a female public performer or entertainer, especially a singer or dancer; artist (aar tiist)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fannaanad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo fanka wax ka taqaan.
fannaanad -da: (magac, dhedig, keli) dhar laga xidho dhaxanta oo badanaa suuf ka samaysan. Dh: funnaanad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fannaanad
bw: Arabic
de: female artist, entertainer
lx: fannaanad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fannaanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamaansad
(Hamaansad-ka)
Hamaansasho; hamaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaansad
m.l la-mid: Hamaansasho; hamaa-nid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaansad
-ka: (magac, lab, keli) afka kala waaxis iska timaadda oo neef badan afka laga keeno, kolka la iska dareemo daal ama hurdo ama wax la mid ah. Dh: hamaansi, hamaansasho, hamaahsad, hamaahsi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hamaansad
تُؤَبَاء
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaabsi
-ga: (magac, lab, keli) sii tiigsiga wax kaa durugsan oo laacdin lagu soo qaato; wax kaa durugsan gacanta la laacid. Dh: laacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hannaanin
(Hannaanin-ta)
Hannaan iyo qaab wanaagsan u yeelid: habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hannaanin
m.f.dh eeg hannaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab fiican oo wanaagsan wax u samayn. Dh: qaabayn, habayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannaanis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hannaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaansan
(tilmaame) cid kaynaansan ama hayaan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wannaanni
(fal) xarrago darteed isla rux o madaxa kolba dhan u qallooci.
wannaanni -ga: (magac, lab, keli) socod la is wadhaamiyo oo xarrago darteed madaxa lala ruxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xannaanad
f. n. care, nurture
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xannaanad
de: care, nurture
initial: x
lx: xannaanad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: xannaano
key: xannaanad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanay
(fal) wax itaal yar wuxuu u baahan yahay si naxariisle kolba u sii sii. Dh: dhaqaalee xannaanee. Li: baylihi, dayac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannaanaan
m.f.dh eeg bannaan². la-mid: bannaanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bannaanayn
m.f.dh la-mid: bannayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bannaan oo sharcigu oggol yahay ka dhigid. Wax Ilaahay xarrimay cidi ma bannaanayn karto. Dh: bannayn, xalaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bannaanbax
(Bannaanbax-a)
Dad badan oo wadajir dibadda ugu baxa, ismuujin siyaasadeed ama roobdoon ama sabab kale darteed; banbax, dibadbax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bannaanbax
v., [compound] congregate outside, rally, demonstrate
bannaanbax: vl. n., [compound] rally, demonstration; outing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bannaanbax
-a: (n) public demonstration (demenis tareey- shin); a public rally or march mudaharaad
bannaanbax: -ay/ day: (v) demonstrate (dhe- menistareeyt); rally (raali); take part in a demonstration; rally against
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanbax
-a: (magac, lab, keli) isu soo baxitaan ballaadhan; dad badan oo cabasho ama tageero isugu soo baxa. Dh: muddaharaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaansad
m.l la-mid: dandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gannaansho
m.l/dh la-mid: gannaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gannaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la ganay ahaansho. Dh: tuuryeysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hagaagsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagnaansho
m.l/dh la-mid: hagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaanhali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Hawl si degdeg ah u qabasho.2.Halaanhal tirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halmaansan
der. [adjective] forgotten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halmaansan
-aa: (adj) forgotten (feer-geten); not remembered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaansan
(tilmaame) qof gefsan oo siduu u yidhi aanay wax ahayn. Dh: hilmaansan.
halmaansan: (tilmaame) qof illawsan oo aan xusuusnayn. Dh: hilmaansan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halmaansan
a: helmaansan, hilmaansan
de: forgotten
lx: halmaansan
pd: (halmaansanaa)
ps: adj-der
key: halmaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax illoowsiin. la-mid: hilmaansii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halmaansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax illoowsiin. m.f.dh, halmaansiin. la-mid: hilmaansii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halmaansii
ditransitive v. cause someone to forget something, make someone not remember something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaansii
(fal) cid kale, xusuusta u diid; illowsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halmaansii
a: hilmaansii
de: cause s.o. to forget s.t., make s.o. not remember s.t.
lx: halmaansii
pd: (halmaansiiyey)
ps: v2a=ditr
key: halmaansii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaabsad
-ka: (magac, lab, keli) gacanta wax kaa durugsan ku soo qaadasho. Dh: gacantogaalayn, hankaabsasho, hankaabsi, laacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hankaagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hankaag la kulmay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaarsan
(tilmaame) qof jaahwareersan, qof dhirifsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hanuunsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mannaanakh
-a: (magac, lab, keli) eeg manaanakh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaagsani
-da: (magac, dhedig, keli) mid fiican ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xannaanayn
(Xannaanayn-ta)
Xannaano u gelid, u samayn; dhaqaalayn; hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xannaanayn
m.f.dh eeg xannaanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) daranyo dhabid; wax itaal yar daryeel iyo waxsiin la qarab joogid. Dh: dhaqaalayn, hayn, xanaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanays
-ta: (magac, dhedig, keli) daranyada ka dhabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxaansani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg farxaansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawraarsame
-ha: (magac, lab, keli) hadal wanaagsane.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansani
-da: (magac, dhedig, keli) hoggaan qaayibidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yaryarayn si la isugu fillaysiiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bannaanbax_1
de: congregate outside, rally, demonstrate
hm: 1
lx: bannaanbax
pd: (bannaanbaxay)
ps: v1=cmp
key: bannaanbax_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bannaanbax_2
a: banbax
de: rally, demonstration; outing
hm: 2
lx: bannaanbax
pd: (-a)
ps: vn2a-m-cmp
key: bannaanbax_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bannaanbixid
(Bannaanbixid-da)
Bannaanbax samayn; banbixid; dibadbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) isu soo bixid ballaadhan; cabasho ama taageero isugu soo bixid. Dh: muddaharaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dandaansasho
m.f.dh eeg dandaanso. la-mid: daddaansad, daddaansasho, dandaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dandaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gardarraysasho. Dh: daandaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannaanniyid
m.dh la-mid: danaanyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dannaanniyid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u ciirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhannaanayso
(fal) dhandhanka milixda oo kale u yeelo. Dh: dhanaanayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hankaabsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannahaybsan
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaaar ragga iyo haweenku midba gaar u ciyaaraan oo ulo baakoorado ah kor loo taago, sacab na aan lahayn oo jiib iyo jaan keliya leh. Waxay caan ku tahay gobollada Sanaag, Togdheer, Sool iyo Bari ee Soomaaliya iyo qaybo badan oo dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanaysan
(tilmaame) la dhaqaaleeyey ah: la xannaaneeyey oo daranyada laga dhabay ah. Dh: dhaqaalaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaansi
m.l la-mid: abbaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaansi
-ga: (magac, lab, keli) qof kale wakiil ka yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaansi
m.l la-mid: ammaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaansi
-ga: (magac, lab, keli) ammaano ama ergiso ahaan u qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
annaanow
(fal) ku lumi wakhtiga waxaan qiimo lahayn; naftaada ku maaweeli wax ay waqtiga isku dhaafiso. Dh: maararrow.
annaanow-ga: (magac, lab, keli) eeg annaanoobid. annaga: (magac'uyaal) dadka hadlaya ama wax qoraya oo qofka lala hadlayaa aanu ku jirin. Annagaa maanta qadada bixinnay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aragsami
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhan waliba ka suubban; muuqaal wanaagsani. Gabadhu aragsami iyo garaad bay isku darsatay Dh: quruxbadni, muuqaalfiicni. Li: foolxumo.