hanjeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeel
f.g1 (-eelay, -eeshay) Da'yaraan ku dhimasho (dad iyo xoolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeeli
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley da' yar ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canjeel
(Canjeel-ka)
Geed geedaha waaweyn kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canjeel
m.l (-canjeel, m.dh) Geed weyn, miro la cuno leh, koox koox u baxa oo u eg deegaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canjeel
m. n., [collective] large tree species, with edible fruit
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CANJEEL
(Angel) N Mimusops angel Chiov. Sapotaceae.
N Mimusops kummel A.DC. Sapotaceae.
N Mimusops laurifolia (Forsk.)Friis. Sapotaceae.
N Sideroxylon inerme L. Sapotaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjeel
-ka: (magac, lab, keli) geed geedaha ka mid ah oo la cuno midhihiisa lana hadhsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canjeel
de: large tree sp., with edible fruit
lx: canjeel
pd: (-ka)
ps: n5-m-col
key: canjeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganjeel
-ka: (magac, lab, keli) albaab weyn.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HANJALEEL
Cassia longiracemosa 11
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelid
m.f.dh eeg hanjeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelin
m.f.dh eeg hanjeeli. la-mid: hanjeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjeelis
m.l la-mid: hanjeelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canjeelo
(Canjeela-da)
Laxoox ballaaran oo xalleefsan oo dubiddu ilo u yeesho oo badarka laga sameeyo; canbaabbur; (ama canjeero).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canjeelo
m.dh Cunto jilicsan, taawo lagu dubo, ka samaysan badar riqdan oo bur lagu cajiimay; cambaabur; canjeero. la-mid: canjeero.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canjeelo
m.dh Cunto jilicsan, taawo lagu dubo, ka samaysan badar riqdan oo bur lagu cajiimay; cambaabur; canjeero. la-mid: canjeero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canjeelo
f. n. Somali flat bread ~ fritter, Ethiopian-style pancake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canjeelo
-canjeelada: (n) Somali style pancake; thin baked pancake usually serve as breakfast ~ loxoox, canjeero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjeelo
-da: (magac, dhedig, keli) budo la qooshay. dabadeed na lagu dubay daawe ama wax la mid ah oo laga sameeyay laxoox balballaadhan oo xalleefsan. Waxa laga sameeyaa, badarka, daafiga iyo wixii la mid ah. Dh: canjeero, laxoox, kimis, buddeeno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canjeelo
bw: canjeero {C & S}
de: Somali flat bread ~ fritter, Ethiopian-style pancake
lx: canjeelo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: laxoox
key: canjeelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haleel
(Haleel-ka)
Wax lala kulmo, kansho loo helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleel
haleel¹: m.l la-mid: haleelid.
haleel²: f.g1 (-eelay, -eeshay) 1. Wax la kulmid. 2. Wax helitaankoodu muhiim yahay la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haleel
f.g1 (-eelay, -eeshay) 1. Wax la kulmid. 2. Wax helitaankoodu muhiim yahay la kulmid. m.f.dh, haleelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haleel
v. make it in time, barely make; not miss; have some time for
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haleel
-ay / hakeeshay: (v) make it before a time limit expires or before it is too late; make it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleel
(fal) wakhti aad hawl hayn hel.
haleel -ka: (magac, lab, keli) haysashada wakhti ku habboon inaad hawl qabato; wax kansho loo helo. Dh: firaaqo, jaanis, fursad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haleel
bw: halhaleel
de: make it in time, barely make; not miss; have some time for
lx: haleel
nt: haleel (ka) [vn2-m]
pd: (haleelay)
ps: v1=
key: haleel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanbee
v. leave (some food) on one's plate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanbee
-yey / hanbeysay: (v) to not empty the dish; leave some food on the dish [plate] ~ hambee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbee
(fal) eeg hanbay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanbee
a: hambee
de: leave (some food) on one's plate
lx: hanbee
pd: (hanbeeyey)
ps: v2b=tr
key: hanbee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjeb
(fal) «u ~» u gooddi ama u cagajuglay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannee
(fal) nafta ama hanti aad haysato cid kale, u quudh oo iska hur. Dh: hur, quudh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qajeel
In badan; badanaa; aalaa; dhaaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qajeel
qajeel¹: m.dh (-lyo, m.l) 1. Rajo. 2. Sida badan, marar badan, badanaa. Tusaale: “Qajeel buu yimaadaa”.
qajeel²: f.g1 (-eelay, -eeshay) Wax rajo ka qabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qajeel
adv., time: often
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qajeel
souvent.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qajeel
-sha: (magac, dhedig, keli) inta badan. Qajeel ayaan ninkan arkaa. Dh: badanaa, aalaa, dhaaxa. Li: naadir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qajeel
de: often
lx: qajeel
ps: adv-time
syn: aalaa, badanaa, dhaaxa
key: qajeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanteel
m.dh.kh F. ah: dallaal (meel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanteel
magac loo baxsho wiil abuur ahaan muuq yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfeef
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hafeef.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjebo
-da: (magac, dhedig, keli) hadallo ad adag oo loola jeedo inay qof lagu cabsi geliyo. Dh: gooddi, cagajugle, hanjemo, hanjemaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjemo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hanjebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janbeel
m.l Bahal dabacadeeyaha la eg oo ku nool dhulka buuraleyda ah oo cuna sagaarada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janbeel
-ka: (magac, lab, keli) guduudanaha kiisa yar. Janbeel xumi sagaarada hadduu jeexa ka waraabsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeer
janjeer¹: m.l Wax gees u iilan. la-mid: janjeedh.
janjeer²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax gees u qalloocsamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janjeer
janjeer¹: m.l Wax gees u iilan. la-mid: janjeedh.
janjeer²: f.mg1 (-ray, -rtay) Wax gees u qalloocsamid. m.f.dh, janjeerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janjeer
v. be crooked, bent ~ oblique
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
janjeer
-ka: (n) slope (isloop)-, slant (islaant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeer
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u qalloocid. janjeeri: (fal) dhinac u qallooci.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Janjeer
Leexo, dheelli, qallooc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjeer
de: be crooked, bent ~ oblique
lx: janjeer
nt: janjeer (ka) [vn-m]
pd: (janjeeray)
ps: v1=intr
key: janjeer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanjeer
(Xanjeer-ka)
Maro yar, oo carruurta ama wax kale, lagu xanbaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjeer
m.l (-rro, m.dh) 1. Maro yar oo carruurta lagu xambaaro. 2. Guntinta marada lagu xambaaro carruurta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanjeer
m. n. cloth used for carrying a child ~ object on the back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjeer
-ka: (magac, lab, keli) jeex maro ah oo carruurta ama wax kalaba lagu xambaaro. Dh: qayd, go'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanjeer
de: cloth used for carrying a child ~ object on the back
initial: x
lx: xanjeer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xanjeer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjaleeli
f.g2 (-iyay, -isay) Hanjaleelo ama diliq ka keenid (carrurr).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjaleelo
m.dh Matag yar oo sida badan carruurta caananuugga ah ka yimaada; diliq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanjaleelo
m.dh Matag yar oo sida badan carruurta caananuugga ah ka yimaada; diliq.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HANJALEELO
Cassia truncata 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HANJALEELO
(Anjalelo) S,C Dicraeopetalum stipulare Harms. Papilionaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganjeello
-ganjeellada: (n) gate (geeyt); portal (poortai); usually metallic gate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganjeello
-da: (magac, dhedig, keli) kadin weyn oo ay baabuurtu ka gasho oo deyrka daaraha ku meersan loo sameeyo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HANJALELO
Cassia longiracemosa 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanjeeri
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaatada ay keento da'du.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canateel
-ka: (magac, lab, keli) dadka xooladhaqatada ah ee deegaanka magaalada ka ag dhow ku nool. Dh: caanadiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canjeero
m.dh la-mid: canjeelo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canjeero
m.dh la-mid: canjeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canjeero
f. n. kind of pancake ~ bread
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canjeero
-canjeerada: (n) see [eeg] canjeelo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjeero
-da: (magac, dhedig, keli) eeg canjeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canjeero
de: kind of pancake ~ bread See canjeelo {S & C}
lx: canjeero
pd: (/da)
ps: n6-f
key: canjeero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaameel
m.l.u Abqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaameel
-ka: (magac, lab, keli) midhaha taxan ee geedaha qaarkood ka baxa sida ka qudhaca. Dh: abqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbeel
f.mg1 (-eelay, -eeshay) Qof arradid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharbeel
v. be without clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbeel
-ka: (magac, lab, keli) arrad qabid; hu' la'aan ku jirid. Dh: arrad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharbeel
de: be without clothes
lx: dharbeel
pd: (dharbeelay)
ps: v1=intr
key: dharbeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjeedi
f.mg2 (-iyay, -isay) Meel ka tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fanjeedi
v., [compound] turn ~ come back
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fanjeedi
de: turn ~ come back
lx: fanjeedi
pd: (fanjeediyey)
ps: v2a=cmp
key: fanjeedi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanteeli
f.g2 (-iyay, -isay) Meel firaaqo ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadateel
-ka: (magac, lab, keli) gilgilid qof ama wax kale. Dh: luqluqaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjebid
-da: (magac, dhedig, keli) hadallo hanjebaad ah qof ku dhihid. Dh: gooddiyid, cagajuglayn, hanjebaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeedh
m.l (-dho, m.dh) la-mid: janjeer¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Janjeedh
Oblique
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Janjeedh
Declination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
janjeedh
-ka: (magac, lab, keli) dhinac u qolloocsan kurus geel yeesho; kurus geel oo dhan u qaloocsan. Haama jilihii, janjeedhka lahaa, oo janceel qaba, yaygu jaadane, yaa darka u jila. Dh: qulul. Li: toos.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Janjeere
Oblique
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janjeeri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhan u qalloocin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
janjeeri
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhan u qalloocin. m.f.dh, janjeerin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
janjeeri
v. incline, bend, bow; put something upside down
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
janjeeri
-yey I say: (v) incline (inkalaayn); slant (islaant), lean (liiri), slope (isloop), tilt (tilt), tip ~ jalleeci
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
janjeeri
de: incline, bend, bow; put s.t. upside down
lx: janjeeri
pd: (janjeeriyey)
ps: v2a=tr
key: janjeeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kandeela
m.dh (-ooyin, m.l) (fiisikis) Summad: Cd. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee itaal iftiimeedka, ku qotoma jihada, dul madow oo ah 1/600,000 mitir laba jibbaaran, heerkulkuna le'egyahay heer barafowga balaatinam, cadaadiskuna yahay 101,325 niyuutan halkii mitir (n/m).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kandeela
m.dh (-ooyin, m.l) (fiisikis) Summad: Cd. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee itaal iftiimeedka, ku qotoma jihada, dul madow oo ah 1/600,000 mitir laba jibbaaran, heerkulkuna le'egyahay heer barafowga balaatinam, cadaadiskuna yahay 101,325 niyuutan halkii mitir (n/m).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kandeela
-da: (magac, dhedig, keli) summadda (Cd.), halbeegga caalamiga (H.C.) ee itaal iftiimeedka, ku qotoma jihada, dul madow oo ah 1/600,000 mitir laba jibbaaran, heerkulkuna le'egyahay heer barafowga balaatinam, cadaadiskuna yahay 101,325 niyuutan halkii mitir (n/m).