hangallay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallay
(fal) lukowley ama lug keliya ku soco. Toban mitir hangallay. Dh: hangoollee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lug keli ah ku boodboodis. Dh: hangallays, hangoollayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hangallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangallay
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh yar oo aan weli kintirkii laga jarin. Dh: dhoorrey, foodley. sangalley, doorasaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallaysi
-ga: (magac, lab, keli) kolba hal lug ah ku boodboodis. Hangallaysigu wuxu ka mid yahay waariga carruurta. Dh: hangoollaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallayso
(fal) lug keli ah ku boodbood. Dh: hangoollayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangalleyn
m.f.dh eeg hangallee. la-mid: hangalleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangalleys
m.l la-mid: hangalleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hangallaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangoollee
(fal) lug keli ah ku soco. Dh: hangallay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalan
(tilmaame) mid aan qoorta waxba ku xidhnayn. Dhaqanka Soomaalida gabadh hangalan waa gabadh geeriyaysan.
hangalan: (tilmaame) qof dumar ah oo asay sidda; haweenay agashii dhimashada sidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangalle
m.l (-layaal, m.l/dh) Orod hal lug lagu ordo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallo
-da: (magac, dhedig, keli) lug ku boodboodid. Dh: hangoollo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbalyay
(fal) «u ~» cid kale, bogaadi; hanbalyo u dir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hangalle samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangalley
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sangallay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallaysad
-ka: (magac, lab, keli) lug keli ah ku socod ama ku boodboodid. Dh: hangallaysasho, hangallaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangoollayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lug keli ah ku socod. Dh: hangallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanqallal
-ka: (magac, lab, keli) cudur xididdada maskaxda dadka ku dhaca oo labada dhinac ee jidhka midkood uu shaqayn waayo. Dh: faalij.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanbalyayn
(Hanbalyayn-ta)
Hanbalyo gaarsiin; qof hanbalyo ku dhihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbalyayn
-ta: (magac, keli) cid kale, hanbalyo iyo bogaadin u gudbin. Dh: hambalyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hangalan ahaan. Dh: hengelnaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aallay
de: I was (in a place) {N}
lx: aallay
ps: v4c-1sg-ind-past
key: aallay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gallay
f. n., [collective] maize, corn
gallay v., pl., simple past tense: we went in
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gallay
-da: (n) maize (meeys)', corn (koon) ~ galley, gelley, arab-bikhi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gallay
ذُرَةٌ شامِيَّة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallay
(fal) xoolo ama hanti kale lumi oo baadiyee.
hallay: (fal) xumee oo kharrib. Dh: caddil.
hallay: (fal) (isku ~) ku tasho oo kalsooni buuxda ku qab.
hallay: (fal) «ku ~» hawl iyo wixii la mid ah, qof kale inuu qabto, ku ogow oo kaga seexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangal
(Hanga-sha)
Dhar gaar ah oo dumarka laga dhintaa qaato (kan Soomaalidu waa cad yahay), asay, (ama hengel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangal
hangal¹: m.l la-mid: hanqal¹.
hangal²: m.dh (-llo, m.dh) Maro cad oo ay in muddo ah xirato haweeney ninkeedii dhintay; asay. la-mid: hengel².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hangal
m.dh (-llo, m.dh) Maro cad oo ay in muddo ah xirato haweeney ninkeedii dhintay; asay. la-mid: hengel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hangal
f. n. mourning clothing worn by women
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangal
-sha: (magac, dhedig, keli) astaamaha iyo dharka ay haweenku gashadaan kolka ay geeri ku dhacdo.
hangal: (fal) qoorta wixii ay ku sidatay ee qurxinayay, ka goo. Dh: hengel.
hangal: (fal) gabadh, ninkeegii ka dil oo sabab u noqo in ay asay xidhato. Dh: hengel.
hangal -sha: (magac, dhedig, keli) madhnaanta qoorta dumarka
hangal -sha: (magac, dhedig, keli) dharka cad ee dumarka laga dhintaa xidhaan muddada afarta bilood ah. Dh: asay, agal, hengel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hangal
a: hengel
cf: asay
de: mourning clothing worn by women
lx: hangal
pd: (/sha)
ps: n2-f
key: hangal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faallay
(fal) arrin ama xaajo iyo wixii la mid ah falanqay oo faaqid; arrin wax ka sheeg.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hagarla
name-f one who tries her utmost or who makes every effort; great effort, sincerity, negligenceless
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naallay
v., pl., -ind, simple past tense: we were (in a place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naallay
de: we were (in a place) {N}
lx: naallay
ps: v4c-1pl-ind-past
key: naallay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaallay
(fal) dhalanrog oo siday ahayd si ka duwan ka dhig. Wax walba qaallay ha is odhan Dh: sarguuri; salguuri.
qaallay: (fal) qalalaase iyo buuq geli. Meesha qaal- lay si laguu ogaado Dh: qalalaasay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taallay
v., -ind, simple past tense: it [fem.] was (situated) there
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taallay
de: it [fem] was (situated) there
initial: t
lx: taallay
ps: v4c-3f-ind-past
key: taallay
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaallay
v.-ind, simple past tense: it [masc.] was (situated) there
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yaallay
de: it [masc] was (situated) there
initial: y
lx: yaallay
ps: v4c-3m-ind-past
key: yaallay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Bangaala
de: Bangladesh
lx: Bangaala
pd: \pd-Dheesh
ps: n0-loc-f
key: Bangaala
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantalay
m.l la-mid: cantalyaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cantalay
m.l la-mid: cantalyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlay
(fal) socod aan kala go' lahayn samee. Dh: habaqlee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadalhay
v. talk about, mention, name someone ~ something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhay
(fal) war ama sheeko hore loo ogaa, sii wadwad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadalhay
a: hadalhee (hadalheeyey) [v2b=tr]
de: talk about, mention, name s.o. ~ s.t.
lx: hadalhay
pd: (hadalhayey)
ps: v2a=tr
key: hadalhay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hagarla'
magac ama naanays loo baxsho gabadh wax qabadka xil gaar ah iska saarta oo aan wixii dedaal ah la waakan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagarla'
(tilmaame) hawl, arrin iyo wixii la mid ah kal iyo laab kusoo dhawayn oo ku qaabilid. Adigu si hagarla' baad shaqada u waddaa. Dh: daacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaclay
(fal) iftiin sida fallaadhaha ah bixi; walacwalac samee. Warankaygu wuu halaclaynayaa. Dh: halaclee.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HANBALAC
[HAM-BELA] Solanum somalense 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HANBALAC
(Hanbal) C Solanum somalense Franch. Solanaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalee
(fal) cid kale, wax lugooyo ah kula kac; luggoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjalas
-ka: (magac, lab, keli) daruur roobka ka horaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalay
(fal) suuq iyo meherado u samee oo magaalo ka dhig. Hayjadda magaalay oo tukaanno ka fur. Dh: magaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanfalay
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin oo khiyaal ah oo wixii la waayo loo aaneeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candallaa
m.l la-mid: cantalyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantallaa
m.l la-mid: cantalyaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cantallaa
m.l la-mid: cantalyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablay
(fal) habhab u soco ama u orod. Dh: hanbulhanbullee, buldhuqbuldhuqlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghaglay
(fal) hadalka googgoo oo si xidhiidh ah ha u wada odhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambalyay
(fal) cid kale, bogaadi, tahniyadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanqalaal
(Hanqalaal-ka)
Daloolka sanka iyo afka u dhexeeya; meesha sanka iyo afku isaga furan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqalaal
m.l (-llo, m.dh) Daloolka meesha sanka iyo afku isaga furanyihiin ku yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanqalaal
m.l (-llo, m.dh) Daloolka meesha sanka iyo afku isaga furanyihiin ku yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanqalaal
m. n. base of nose, where it joins upper lip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqalaal
-ka: (magac, lab, keli) daloolka afka iyo sanka u dhexeeya ee ay isaga furan yihiin. Hangalaalku haduu ku xidhmo sanqada ayaa laga hadlaa. Dh: bacaraar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanqalaal
de: base of nose, where it joins upper lip
lx: hanqalaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hanqalaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamay
(fal) hagardaamo ku samee oo dhagar. Dh: luggooy.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingillan
(tilmaame) aad u dheregsan.Dh: dibirsan, bokhokhsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandullay
(fal) qof khasab wax ku yeelsii; khasab wax kaga dhig, ku ajbur. Dh: sandullee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangoollaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hangallaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhangalaaso
m.dh (-ooyin, m.l) Ku dhufashada gacanta oo furan si xoog leh wax loogu dhufto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhangalaaso
f. n. slap on the face; box on the ears
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhangalaaso
-dhangalaasada: (n) slap (islaap); cuff (kaf) ~ dharbaaxo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhangalaaso
-da: (magac, dhedig, keli) dharbaaxo cid kale, gacanta baabbacadeeda lagu dhufto. Dh: dhabanaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhangalaaso
de: slap on the face; box on the ears
lx: dhangalaaso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhangalaaso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handallafsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg handallafsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handallafso
(fal) dugaag iyo wax la mid ah, orod addimada isweydaar loo qaadayo samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangagurray
(fal) cid kale, canaano oo guhaadi. Dh: guhaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbaallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socod isku dhex daadsan oo qaabka iyo dharkaba la damallooliyo oo hunbulhunbul ah. Dh: humbaallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danlahelay
(tilmaame) fursad aan lagu xisaabtamayn oo loo baahnaa oo dhibyaraan lagu helo. Dh: fursad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhangadhax
-a: (magac, lab, keli) eeg dhabxanag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhantaalan
Wax u dhimman yihiin; wax ka maqan yihiin; qabyo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalan
dhantaalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la dhantaalay noqosho.
dhantaalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la dhantaalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhantaalan
dhantaalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la dhantaalay noqosho. m.f.dh, dhantaalmid.
dhantaalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la dhantaalay ahaansho. m.f.dh, dhantaalnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhantaalan
der. [adjective] ruined, defective, incompetently done, sabotaged; split, torn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhantaalan
-aa: (adj) deficient (di-fi-shent)', defective (di-fak-tiv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalan
(tilmaame) mid kala dhiman oo aan dhannayn ama naafo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhantaalan
de: ruined, defective, incompetently done, sabotaged; split, torn
lx: dhantaalan
pd: (dhantaalnaa)
ps: adj-der
key: dhantaalan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadqalalay
(fal) xisilloonidarro iyo rabash geli qof ama dad deggan; xasillooni la'aan ku rid. Dh: qas, fidnay, rabshadee. Li: xasili, deji, nabadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gar-allayn
m.f.dh eeg gar-allee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) habhab ut socosho ama u ordid. Dadka culculus orokoodu waa habhableyn. Dh: habhablays, buldhuqbuldhuqleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablays
-ka: (magac, lab, keli) eeg habhablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghaglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadalka joojoojin oo celcelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haghaglays
-ka: (magac, keli) eeg haghaglayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halalaclay
(fal) xoog u hillaac; si halalac ah u bidhaan. Dh: walacwalaclee, hillaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambalyayn
m.f.dh eeg hambalyee.