hang
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hang
laalaadin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hang
/haang/ (v) 1. surid, laalaadin (v) 2. dal-dalid. (v) 3. ku-dhejin, siiba derbiga oo lugu dhejiyo waraaqo, sawiro iwm.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hang
v.tr., deldel, calaq; v.i., (be suspended) laalaad, ka laalaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asay
(Asay-da)
Dhar cad ama madow oo afadu qaadato kolka saygu ka dhinto; hangal; weer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibqallooc
(Dibqallooc-a)
Bahal caarada la bah ah oo ku nool dalalka kulul oo engegan; wuxuu lee yahay lix lugood iyo labo ciddiyood oo sida birqaabka wax u qabta iyo dabo dheer oo xubno leh oo kor u qaroofan oo ku dhammaata caarad daloosha oo wax mudda oo uu waabaayadiisa ka dhiijiyo; qaniinyadiisu waa xanuun badan tahay, kolkolna waa loo dhintaa; hangaralle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galool
1. (Galool-ka) Geed qodax leh oo sarmaanta u eg; wuxuu lee yahay laamo toostoosan oo qalab badan laga jaro (udbo, dhigo, hangoollo, ulo, ...) mayrax laga sameeyo kebdo, xargo; asal wax lagu aslo sida shaahana loo cabbo.
2. (Galoo-sha) Mindhicirka qaarki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangaggurreyn
(Hangaggurreyn-ta)
Aad wax u canaanasho; hanqajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangaggurro
(Hangaggurra-da)
Canaan daran; hanqajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangaraarac
(Hangaraarac-a)
Cayayaan yar oo lugo badan leh; oogadiisu waxay leedahay girgirro (xubno); midabkiisu waa madow yahay, kolkuu wax dareemona waa is galoolaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangaralle
(Hangaralla-ha)
Dibqallooc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangool
(Hangool-ka)
Qalab qori ah oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reer-miyigu xoolaha ku ootaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hengel
(Henge-sha)
Hangal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaabbe
m.l (-bayaal, m.l/dh) 1. Xarig si isweydar ah lug iyo jeeni loogu xiro geela; weydaar. 2. Xarig la iskula xiro qoorta iyo xabadka faraska si uusan aad ugu ordin. 3. Hangool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farraar
m.l/dh (-rro, m.dh) Labada ganood ee ul, hangool, iyo wixi lamida hal cirif ku leeyahay midkood. la-mid: faraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangaaguryo
m.dh Canaan kulul. la-mid: hangaaggurro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangaggurreyn
m.f.dh eeg hangaggurree. la-mid: hangaggurro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangaggurro
m.dh 1. Canaan kulul oo cid loo jeediyo. 2. Si qarsoodi ah oo cid loo waxyeelleeyo. la-mid: hangaggurreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hangalle samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangalleyn
m.f.dh eeg hangallee. la-mid: hangalleys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangalleys
m.l la-mid: hangalleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hankool
m.l (-llo, m.dh) la-mid: hangool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hag
e.d Cod lagu isticmaalo in dameer socodsiiyo; yalla!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hąg
f.g1 (-gay, -gtay) Qof indho la' hoggaamin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hag
hąg: f.g1 (-gay, -gtay) Qof indho la' hoggaamin. m.f.dh, hagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hag
v. guide a blind person, lead the blind
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hag
/haag/ (n) naag qumanyo ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hag
-ay / tay: (v) show the way by leading, directing, or advising; guide (gaaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hag
(ereydhawaaq) lagu joojiyo dameeraha soconaya. Li: kir.
hag: (fal) qof indhala' usha u qabo oo horkac. Dh: hoggaami.
hag: (fal) cid meel aanay garanayn horsoco oo tus. Dadka dalxiiska ah hag. Dh: horsoco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hag
de: guide a blind person, lead the blind
lx: hag
pd: (hagay)
ps: v1=
key: hag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Han
(Han-ka)
Qab; niyo; islaweyni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
han
m.l Isla weynaan aan kibir ku jirin; qab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
han
m.l Isla weynaan aan kibir ku jirin; qab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
han
m. n., [abstract] ambition, pride
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
han
-ka: (n) 1. pride (pareeydh); self-esteem (salafistiim); reputation (repyoteeyshen); self-respect ~ qab, sumcad. 2. ambition (aam bi shen), —hanwayn: (adj) ambitious (aambishas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
han
(falkaabe) xagga hore ka raaca hadle ama wadar wax is amraysa. Han cunno xeraadka. Han socdo. Dh: aan, an.
han -ka: (magac, lab, keli) doonista qofka iyo rabitaankiisa. Qof han wayn haani ma dhergiso. Dh: cir, rabitaanka.
han -ka: (magac, keli) qab iyo islaweyni.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
han
han! onomatopée - ha!
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bang
/baang/bangs, banging, banged; (n) 1. cod ama shanqar weyn oo kadis ah. e.g. I heard a bang. (v) 2. qaylo ama garaac sameyn. e.g. Can you stop banging the door?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bang
/baang/ (n) 1. qayly jug amy bug wiing leh. (v) 2. bugdhowow (jugdhowow).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bang
v.tr., (thump, beat) tantoon, tumujay.
bang, n., tantoomo, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fang
/faang/ (n) micida-xayawaanka ee halista ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fang
n., (tusk) mici, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gang
/gaang/ (n) 1. burcad, qawleysato, gaangeystaro (n) 2. baando, koox saaxiibo ah, siiba wada-shaqayn leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haag
f.mg1 (-gay, -gtay) Ka h.: Wax aad uga dhergid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haag
(fal) (ka ~) aad wax u cun oo dhereg: dhab u cun. Ka haag cuntada jid dheer baad maraysaaye. Dh: dhereg.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hana
name-f happiness, peace of mind, bliss
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
hand
(n) (m) the end of the human arm below the wrist, consisting of the palm, four fingers, and a thumb.
gacan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hand
/haandh/ (n) 1. gacan. (n) 2. kabaalka saacadda sida kan tilmaama saacadda, daqiqadda. (n) 3. shaqaale. e.g. a factory hand (v) 4. siin, gacanta ugu dhiibid. e.g. Hand me that book.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hand
n., gacan, -ti; the right hand, midigta; the left hand, bidixda; he has a hand in it, gacan buu kula jiraa; my hand is in, gacan baan kula jiraa; my hand is out, gacan kula ma jiro; he is my right hand, waa gacantayda midig; the two men go hand in hand, labada nin waa isku gacan; handwriting, far, -ti.
hand: v.tr., (give) u dhiib; you handle the oar well, sebka aad baad u waddaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hani
Valve
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hano
(Hana-da)
1. Cudur ku dhaca haragga madaxa oo timuhu la hoolmaan.
2. Booli: Xaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hano
hano¹: m.dh 1. Finan madaxa ka soo baxa oo timaha hoolhoola. 2. Booli; xaaraan.
hano²: f.g3 (-ntay, -natay) 1. Wax mas'uuliyaddooda ku filnaasho. 2. Wax hantiyid ama qabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hano
f.g3 (-ntay, -natay) 1. Wax mas'uuliyaddooda ku filnaasho. 2. Wax hantiyid ama qabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hano
v. take for one's own; possess; defraud, get by fraud
hano [feminine] n., [collective] disease of the scalp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hano
-hantay / hanatay: (v) handle well or conduct responsibility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hano
(fal) gacanta ku dhig oo yeelo. Dh: hanti, qabso, hel, taab. Li: waa.
hano -da: (magac, dhedig, keli) cudur keena finan madaxa ku dhaca oo timaha daadiya. Timihii hano ayaa ka xoodhiyay. Dh: tufe, tufo.
hano-da: (magac, dhedig, keli) xoolo aanad lahayn oo si sharci darro ah lagu cuno. Hano nin cunay haybad beel. Dh: boolli, xaaraan. Li: xalaal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hung
/hang/ (v) hang, oo fal tagay ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pang
/paang/ (n) xanuun daran oo kedis ah (ama dareen xanuun badan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rang
rang, nam. - derejo; derejeyn; tixid; taxan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sang
/saang/ (v) heesay (sing, oo fal tagay ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sang
sang, n.m. - dhiig
être du même sang - iska reer ah
donner son sang pour la patrie - naftiisa u hura dalkiisa
avoir du sang dans les veines - firfircoon; nool
avoir le sang chaud - kulul; firfircoon nolol leh
liens du sang - xidhiidh qoys.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
change
/jeynji/ (n) (v) 1. beddelaad; beddelid (n) 2. baaqi(baaqiga lacag aad bixiso kaaga soo noqota).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
change
/jeynj/ (v) 1. dooriyow (beddelow), sarifow. 2. isdooriyow (isbedelow). 3. Heraay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
change
change, n.m. - Sarrif; Sanuud
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
change
n., (alteration, novelty) bedalaad, -di; change of money, sarrif, -ki.
change (a thing), v.tr.; (barter, exchange) dhaafi, is dhaafi, dhaafso, doori, doorso; change money, sarrif; chenge your shirt, qamiiskaaga iska dhig oo mid kale gasho or huwo; change your hat with mine, koofiyadaada tayda i dhaafi or igu doori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangaf
-ta: (magac, dhedig, keli) asayda gabadha laga dhintayi qaaddo. Dh: asay, agal, weer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangal
(Hanga-sha)
Dhar gaar ah oo dumarka laga dhintaa qaato (kan Soomaalidu waa cad yahay), asay, (ama hengel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangal
hangal¹: m.l la-mid: hanqal¹.
hangal²: m.dh (-llo, m.dh) Maro cad oo ay in muddo ah xirato haweeney ninkeedii dhintay; asay. la-mid: hengel².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hangal
m.dh (-llo, m.dh) Maro cad oo ay in muddo ah xirato haweeney ninkeedii dhintay; asay. la-mid: hengel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hangal
f. n. mourning clothing worn by women
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangal
-sha: (magac, dhedig, keli) astaamaha iyo dharka ay haweenku gashadaan kolka ay geeri ku dhacdo.
hangal: (fal) qoorta wixii ay ku sidatay ee qurxinayay, ka goo. Dh: hengel.
hangal: (fal) gabadh, ninkeegii ka dil oo sabab u noqo in ay asay xidhato. Dh: hengel.
hangal -sha: (magac, dhedig, keli) madhnaanta qoorta dumarka
hangal -sha: (magac, dhedig, keli) dharka cad ee dumarka laga dhintaa xidhaan muddada afarta bilood ah. Dh: asay, agal, hengel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hangal
a: hengel
cf: asay
de: mourning clothing worn by women
lx: hangal
pd: (/sha)
ps: n2-f
key: hangal
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hangar
hangar, n.m. - dhismaha dayaaradaha lagu hagaajiyo; dhismo yar oo dhismaha weyn ku dheggan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hanger
/haangar/ (n) 1. katabaan (n) 2. hoosada ama rugta diyaaradaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bangi
m.l (-iyo, m.dh) la-mid: banki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bangi
m. n. bank
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bangi
-ga: (n) bank (baangk) ~ banki
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bangi
-ga: (magac, lab, keli) dhisme leh maamul iyo xafiisyo lacagta lagu kaydsado lagana qaato. Dh: baan. Wa: bangiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bangi
a: banki
de: bank
lx: bangi
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
key: bangi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canug
-ga: (magac, lab, keli) ilmo yar oo aan weli adkaan. Dh: dhallaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chant
/jaanti/ (v) 1. ku luugayn (ku heesid) (n) 2. luuq (cod lugu dheeraysto oo lugu celceliyo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
chant
/jaant/ (n) 1. ed amy hees lyky nannaghaw. 2. dikry (nashiiddy).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
chant
chant, n.m. - Hees.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
chant
n., (vocal music) hees, -ti.
chant, v.tr. and v.i., (sing) hees.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
clang
/kalang/ (n) dhawaq shangari keento, sida laba birood oo isku-dhaca.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
clang
n., (a sharp noise) bikel or bigil, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danag
-ga: (magac, lab, keli) weel ka samaysan bir khafiif ah oo wax lagu shuban karo. Dh: deneg, teneg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dango
m.dh Garabsiin waayidda cid hiillo u baahnayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaag
f.g1 (-gay, -gtay) la-mid: dhaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhane
m.l la-mid: dhano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhane
-ha: (magac, lab, keli) meel carro dhanaan leh. Adhigu wuu jeelee dhanaha geeya.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANI
(Dani) NFD,S Boscia tomentella Chiov. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhano
(Dhana-da)
1. Biyaha dhanaan oo fariista ama kor qulqula dhul ciiddiisu cusbo u badan tahay.
2. Dhulka jaadkaas ah laftiisa; jaan.
3. Cusbo; (ama dhane).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhano
m.dh 1. Biyo aad u dhanaan. 2. Dhul cusboole ah. la-mid: dhane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhano
f. n., (mass n.): bitter water; salt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhano
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhano
de: bitter water; salt
lx: dhano
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: dhano
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
étang
étang, n.m. - jidhaan (biyo fariistaan); dhiijaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangi
m.l.u (-iyo, m.dh) (baayoloji) Koox ka tirsan dhirta yar yar oo aan lahayn cagaariye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fangi
m.l.u (-iyo, m.dh) (baay.) Koox ka tirsan dhirta yar yar oo aan lahayn cagaariye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangi
-ga: (magac, lab, keli) koox ka tirsan dhirta yaryar oo aan lahayn cagaariye.