hanfaafurrayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfaafurrayso
f.g3 (-stay, -satay) Cunto yar qadada ama cashada ka hor sii cunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfaafurrayso
(fal) cuntada horteed, sii cuwaafo; hanfaafuryo samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfaafurraysi
m.l la-mid: hanfaafurraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfaafurraysad
m.l la-mid: hanfafurraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfaafurraysad
-ka: (magac, lab, keli) cuntada horteed, sii cuwaafasho; hanfaafuryo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfaafurraysasho
m.f.dh eeg hanfaafurray-so. la-mid: hanfaafurraysad, hanfaafuraaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfaafurro
m.dh la-mid: hanfaafuryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanfaafuryo
(Hanfaafurya-da)
Inta aan cunnada weyn (qado, casho) ama cayaarta dhabta ah la gaarin, kuwa lagu sii sugo; halaqjaflaha cunnada; dheeldheelka hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfaafuryo
m.dh (-ooyin, m.l) Cunto yar oo qadada ama cashada ka hor la cuno. la-mid: hanfaafurro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanfaafuryo
f. n. first course, starter, hors d'oeuvres, appetizer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfaafuryo
-da: (magac, dhedig, keli) inta aan cuntada la bilaabin waxa lagu sii sugo. Dh: cuwaaf, darsiimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanfaafuryo
de: first course, starter, hors d'oeuvres, appetizer
lx: hanfaafuryo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: halaqjafle
key: hanfaafuryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangaaguryo
m.dh Canaan kulul. la-mid: hangaaggurro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangagurray
(fal) cid kale, canaano oo guhaadi. Dh: guhaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantaaturro
(Hantaaturra-da)
Horay u harbin; turaanturro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaturro
m.dh 1. Wax soconaya ama ordaya waxa horay u rida. 2. Dhibaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaaturro
m.dh 1. Wax soconaya ama ordaya waxa horay u rida. 2. Dhibaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantaaturro
vl. n. forward fall, falling forwards (on one's face)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaturro
-da: (magac, dhedig, keli) horay u hurbin; hore u turaanturrood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantaaturro
de: forward fall, falling forwards (on one's face)
lx: hantaaturro
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hantaaturro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangagurrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanqajin iyo canaanasho iyo aad ugu hanjabid. Dh: guhaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaturreyn
m.f.dh eeg hantaaturree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbaaburro
-da: (magac, dhedig, keli) dhinbiilaha yaryar ee ka baxa dabka marka uu shidmayo oo horey u bakhtiya. Dh: danbaabudho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardarrayso
f.g3 (-stay, -satay) Cid gardarro ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gardarrayso
f.g3 (-stay, -satay) Cid gardarro ku samayn. m.f.dh, gardarraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gardarrayso
v. wrong, do wrong to someone, intimidate, provoke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gardarrayso
-gardarraystay / gardarraysatay: (v) initiate a fight, an attack or a quarrel; attack (a-taak)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gardarrayso
(fal) cid kale, sabab la'aan ku doondoono oo ku xadgudub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gardarrayso
de: wrong, do wrong to s.o., intimidate, provoke
lx: gardarrayso
pd: (gardarraystay)
ps: v3b=
key: gardarrayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haljaflayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: haljalaflayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangaggurro
(Hangaggurra-da)
Canaan daran; hanqajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangaggurro
m.dh 1. Canaan kulul oo cid loo jeediyo. 2. Si qarsoodi ah oo cid loo waxyeelleeyo. la-mid: hangaggurreyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hangaggurro
f. n. scolding, blame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangaggurro
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad u canaan daran, hanjabaad. Dh: guhaad, hanqajis, canaan, hanqaji, xaarxaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hangaggurro
cf: canaan
de: scolding, blame
lx: hangaggurro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hangaggurro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallayso
(fal) lug keli ah ku boodbood. Dh: hangoollayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyarayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ka h.: hawl wax ka qabashadeeda sahlasho. 2. Ka h.: arrin ka welwelid la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawlyarayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ka h.: hawl wax ka qabashadeeda sahlasho. 2. Ka h.: arrin ka welwelid la'aan. m.f.dh, hawlyaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafalafayso
(fal) waxaad haleeshaba qaad oo waxbaa ha ka yaqyaqsoonin. Dh: agagaas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sangaagurro
-da: (magac, dhedig, keli) cunno aan kugu filleyn oo lagu siiyo. Sangaagurro ayaa ka muuqata carruurta.
sangaagurro-da: (magac, dhedig, keli) biyo yar oo aan harraad bi'in; biyo suququl ah; sangaagurro biyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhannaanayso
(fal) dhandhanka milixda oo kale u yeelo. Dh: dhanaanayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaturree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Wax ordaya ama soconaya turaanturro u dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantaaturree
v. give a big shove ~ push forward to make someone stumble ~ fall
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hantaaturree
-yey / hantaaturreysay: (v) push or shove someome roughly: shove (showv); hustle (hasel); jog (jaag) ~ hantaataqee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaturree
(fal) turunturree; hanboorree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantaaturree
de: give a big shove ~ push forward to make s.o. stumble ~ fall
lx: hantaaturree
pd: (hantaaturreeyey)
ps: v2b=tr
key: hantaaturree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaammacayso
f.g3 (-stay, -satay) Hilib halaammaco ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haljalaflayso
f.mg3 (-stay, -satay) Neef waddo ku socda siiba geela geedaha jidka dhinacyadiisa ku yaal hadba laan ka goosasho. la-mid: haljaflayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangaggurreyn
(Hangaggurreyn-ta)
Aad wax u canaanasho; hanqajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangaggurreyn
m.f.dh eeg hangaggurree. la-mid: hangaggurro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manaafacaadso
f.g/mg3 (-saday, -satay) Wax waxtarkiisa ka faa'iidaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
manaafacaadso
-manafacaadsaday / -tay: (v) derive benefit; benefit (ban e-fit); utilize (yuutilaayz); capitalize (kapita-laayz); take advantage ~ ka faa'iidayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manaafacaadso
(fal) waxtarkiisa ku intifaac oo ka faa'iidayso. Baabuurkaygaa qaado oo ku manaafacaadso inta aad wax helayso. Dh: faa'iidayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabushayso
(fal) u hawl isku diyaari oo qorsheega dhigo. Wuu u tabaabushaystay hawsha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaariiqayso
(fal) tafaariiq ku gado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashaambuurayso
f.g3 (-stay, -satay) Cid gaashaambuur la noqosho. la-mid: gaashaambuurso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaashaambuurayso
f.g3 (-stay, -satay) Cid gaashaambuur la noqosho. m.f.dh, gaashaambuuraysasho. la-mid: gaashaambuurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanti-abuurasho
m.dh la-mid: hanti-abuursad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaaqfurulayso
(fal) dembidhaaf Eebbe weydiiso. Dh: istayfurulayso, astaafurulayso.