ereyga

handoolliyid

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

handoolliyid

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) eeg hamboorriyid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

handoolli

DHAFANDHAAF
1

(fal) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u soco. Dh: hamboorri.

2

handoolli -ga: (magac, lab, keli) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u socod. Dh: hamboorri.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

asoolliyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg asoolli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hanboorriyid

DHAFANDHAAF
1

(Hanboorriyid-da)

2

Horay u tuurid, u riixid, u harbin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hanboorriyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) horay u tuurid, u riixid, u harbin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hadoodilid

DHAFANDHAAF
1

(Hadoodilid-da)

2

Dhis hadoodil ah dhisid; hoosaasin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hadoodilid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg hadoodil². la-mid: hadoodil¹ (3).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hadoodilid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac,dhedig, keli) meel dalluun ama god ah, dusha ka hagoogid.

2

hadoodilid-da: (magac, dhedig, keli) wax liita wax dusha kaga qurxin oo muuqaal fiican u yeelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

haloosiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg haloosi². la-mid: haloosin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

haloosiyid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) waddo weyni iyo ballaar isku darsatay noqosho; haloodid.

2

haloosiyid-da: (magac, dhedig, keli) wax soo socda oo la qaban doono isku diyaarin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hangoollayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) lug keli ah ku socod. Dh: hangallayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kadaalliyid

DHAFANDHAAF
1

(Kadaalliyid-da)

2

Xasilid la'aan; joog iyo fadhi diidid; kirtamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kadaalliyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg kadaalli².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kadaalliyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xasilid la'aan; fadhi iyo joog diidid. Dh: kirtamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hamboorriyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg hamboorri².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hamboorriyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u socod; handoolliyid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hangoollaysi

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) eeg hangallaysi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Darandoorriyid

DHAFANDHAAF
1

(Darandoorriyid-da)

2

Darandoorriga samayntiisa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

darandoorriyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg darandoorri². la-mid: darandoorri¹ (3), darandoorrin, darandoorris.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

darandoorriyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) naasaha si isweydaar ah u dhiijin oo caano uga lisid. Geela darandoorriyid ayaa lagu lisaa. Dh: darandoorrin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

annilliid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) faylam ka mid ah lafdhabarla'da oo ka kooban goryaano maraaraysan. Wuxuu leeyahay jidh jilicsan oo dhulubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaryo. Dh: dirxidhuleed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dooddiyid

DHAFANDHAAF
1

(Dooddiyid-da)

2

Ordid; tartamid; bedertamid; soo dheerayn; ka soo dhexbixid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dooddiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dooddi². la-mid: doodi¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dooddiyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) baxsasho oo orod isa sii dayn; tartan ku baddin. Dh: ordid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gandoobid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: gantoobid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gandoobid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban ka dhigid. Dh: gaabin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gandoodid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: qandoodid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gandoodid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) meel kelidaa, foorarid. Hadba waxay gandooddaba markay gorodda hayn waydo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qandoodid

DHAFANDHAAF
1

(Qandoodid-da)

2

Si qandood ah, meel ugu sugnaan, u taagnaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qandoodid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg qandood². la-mid: gandood¹, gandoodid, qandood¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qandoodid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) si foorar ah u taagnaan; dhaqaaq la'aan yuururid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hangoollee

DHAFANDHAAF

(fal) lug keli ah ku soco. Dh: hangallay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Sagootiyid

DHAFANDHAAF
1

(Sagootiyid-da)

2

Qof tegaya cabbaar sii raacid; anbabbixin; (ama saagootiyid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

sagootiyid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: saagootiyid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sagootiyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qof tegeya, sii dhowayn: cabbaar sii raacid oo anbabixin. Li: soodhoweyn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tawelliyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) erey afcarbeed ka soo jeeda oo tilmaamaya madax noqosho iyo masuuliyad. Ma meel sheikh tawalleeyey buu... Taarig naag mehershaa!

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caarootiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg caarooti². la-mid: caarooti¹ (3).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caarootiyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) roob aan weli dhab u curan ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Caloolbixid

DHAFANDHAAF
1

(Caloolbixid-da)

2

Calooshoo inta dhaqaaqda baxda; shubmid; dooxmid; falmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caloolbixid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg caloolbax².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caloolbixid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg caloobax.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

qaloombiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg qaloombi². la-mid: qaloombi¹, qaloombin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaloombiyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) buuq iyo sawaxan samayn. Dh: buuqid, hugmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qaloonbiyid

DHAFANDHAAF
1

(Qaloonbiyid-da)

2

Buuqid; hugmid; dhawaaqid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaloonbiyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac. dhedig. keli) eeg qaloombiyid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

saagootiyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg saagooti². la-mid: saagooti¹, sagooti¹, sagootiyid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saagootiyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qof tegeya sii raacid oo woxoogaa sii dhoweyn. Dh: sabootiyid, saabootiyid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

carcoorriyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg carcoorri². la-mid: carcoorrin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

carcoorriyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) bawdaqaawis been ah samayn; goolaaftan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qalqaalliyid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) diyaarin; isku sii dubbaridid oo sii habayn. Qalqaalliyidda xafladda ayaan ku masquulsanahay Dh: diyaarin.

2

qalqaalliyid-da: (magac, dhedig, keli) fudfududaan aan la isku dirin samayn. oo kolba wax Qalqaalliyiddu carruurta ayay ku roon tahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

maansabooliyid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg maansabooli². la-mid: maansabooli¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

maansabooliyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) maanso cid kali leedahay fasax la'aan ku qaadasho; maanso booli ah qaadasho. Maansabooliyiddu xoolobooliyid kama dhacdo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

talantaalliyid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) si isweydaarin ah u qabad. Talantaalliyid ayey ku wadaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhalandoorsamid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dhalangeddismid oo abuurkii lagu yaqaan abuur la duwan yeelasho. Dhalandoorsamid walba ma xuma ee qaarbaa fiican. Dh: dhalanrogmid.

waa la naqliyay ✓