handoolli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handoolli
(fal) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u soco. Dh: hamboorri.
handoolli -ga: (magac, lab, keli) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u socod. Dh: hamboorri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamboorri
(fal) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u soco. Dh: handoolli.
hamboorri-ga: (magac, lab, keli) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u socod. Dh: handoolli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamboorriyid
-da: (magac, dhedig, keli) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u socod; handoolliyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handoolliyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hamboorriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandoolli
m.dh Cayayaan caanallusha la eg isku bahna yihiin oo hargaha iyo lafahaba xagata. la-mid: dalandoolyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangoollee
(fal) lug keli ah ku soco. Dh: hangallay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doolli
(Doolli-ga)
Jiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doolli
m.l (-iyo, m.dh) Jiir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doolli
m.l (-iyo, m.dh) Jiir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doolli
m. n. mouse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doolli
-ga: (n) mouse (mows); rat (raat) ~ jiidh, jiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doolli
-da: (magac, dhedig, keli) daruurta yar ee sida goosgooska ah, kolba meel ugu hoorta. Sida doollida hoorta, ninna soo di'i maayo. Dh: roob, daruur.
doolli -ga: (magac, lab, keli) noole yar oo afar lugood iyo faro leh. Waxa kale oo uu leeyahay dhego waaweyn, ilko fiiqfiiqan iyo dabo dheer oo ka mid ah naasleyda. Dh: jiir.
doolli -ga: (magac, lab, keli) walaxda qofka dhinta lagu qaado kolka qabriga lagu sii wado ama qofka buka waadhadhka loogu gudbiyo. Doolli ma yaallaa aan nin jabay ku qaadno? Dh: dhoolli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doolli
de: mouse {C & S}
lx: doolli
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: doolli
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
doolli
فار، فَأر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asoolli
f.g1 (-iyay, -iday) Wan, lax kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangool
(Hangool-ka)
Qalab qori ah oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reer-miyigu xoolaha ku ootaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangool
m.l (-llo, m.dh) Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. la-mid: hankool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hangool
m.l (-llo, m.dh) Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. la-mid: hankool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hangool
m. n. pitchfork, herder's hooked stick; nomad's tool for constructing a livestock corral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hangool
-ka: (n) a tool made of wooden stick with two prongs one side and hooked the other side used by nomads for carrying and fencing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangool
-ka: (magac, lab, keli) ul labo farraar oo hore iyo ganto danbe leh. Waxa loo adeegsadaa qaadista, cufidda iyo jiididda oodda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hangool
de: pitchfork, herder's hooked stick; nomad's tool for constructing a livestock corral
lx: hangool
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hangool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hankool
m.l (-llo, m.dh) la-mid: hangool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanooni
(fal) waddada xaqa ah u tilmaan; jidka saxda ah tus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantool
m.l Naxash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqoolli
-ga: (magac, lab, keli) socodka foosha xoolaha lagu garto oo ay lugaha kala durkiyaan. Dh: fool.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
HANDBALL
KUBBADDA GACANTA
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
handball
kubbadda gacanta
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Handball
Kubadgacan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
handball
handball, n.m. - kubbadda gacanta.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
handbill
/haandh-bil/flier,flyer (n) qoraal warqadeed oo ogeysiin ama iidheh ah, oo gacan lugu qaybiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandoodi
(fal) wax taagan, foorari; qallooci.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QANDOOLE
(Gandole) S Rhizophora mucronata Lam. Rhizophoraceae.
S Bruguiera gymnorrhiza (L) Lam. Rhizophoraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanboorri
(Hanboorri-ga)
Horay u riixis; harbis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanboorri
v. push forward ~ forwards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanboorri
(fal) wax, horay u tuur, u riix, u harbi.
hanboorri -ga: (magac, lab, keli) wax, horay u riixis; harbis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanboorri
de: push forward ~ forwards
lx: hanboorri
nt: hanboorri (ga) [vn2a-m] 'forward push'
pd: (hamboorriyey)
ps: v2a=tr
key: hanboorri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malloolli
(Malloolli-ga)
Neef lab waxse aan rimin karin oo badanaa shilis; quble.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malloolli
m.l (-iyo/malloolli, m.dh) Nafley lab ah oo xubinta taranka aysan shaqeynayn ama wax rimin karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malloolli
m. n. sterile and fat male (of man, ram, camel, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malloolli
-ga: (magac, lab, keli) eeg mallooli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malloolli
de: sterile and fat male (of man, ram, camel, etc.)
lx: malloolli
pd: (-ga Pl: malloolli (da))
ps: n2a-m, n5-m
key: malloolli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangoollaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hangallaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangoollayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lug keli ah ku socod. Dh: hangallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadoodilid
(Hadoodilid-da)
Dhis hadoodil ah dhisid; hoosaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadoodilid
m.f.dh eeg hadoodil². la-mid: hadoodil¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadoodilid
-da: (magac,dhedig, keli) meel dalluun ama god ah, dusha ka hagoogid.
hadoodilid-da: (magac, dhedig, keli) wax liita wax dusha kaga qurxin oo muuqaal fiican u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sandoloolo
-da: (magac, dhedig, keli) wax ay khasab tahay in la yeelo. Shaqadaa in la qabtaa waa sandaloolo. Dh: sandulle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhooli
f.g2 (-iyay, -isay) Cid qorrax kulul ku socodsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asooli
(fal) sumal, laxda saaro.
asooli: (fal) hadhuudh iyo wax la mid ah, kala huf. Dh: asoori.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandoo
m.l la-mid: bandow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandoo
-da: (magac, dhedig, keli) xaalad amnixumo ba awgeed, dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka la joojiyo saacado go'an. Dh: xayiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boolli
-ga: (magac, lab, keli) xoolo xoog lagu qaato. Booli ha cunin balaayaa kaa raaciye. Dh: booli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coolli
m.l/dh Daruur cufan oo ay biyo ka buuxaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Coolli
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo cayilan oo sida daruurta biyaha leh buuxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coolli
-ga: (magac, lab, keli) daruur isku cufan oo biyo culus xanbaarsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doollo
m.l Dhul sare oo siman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadoof
m.l Hadal aan waxba ka jirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadoof
m.l Hadal aan waxba ka jirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadoof
m. n., [abstract] (adj.): falsehood, falseness; lie; deceitful, lying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadoof
(fal) wax aanu samayn ka sheeg oo ku masabid. Dh: masabid, beenabuur.
hadoof -ta: (magac, dhedig, keli) maro wajiga la saaro. Hadoof ii keen cadceedda aan iska saaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadoof
de: falsehood, falseness; lie; [atr.] deceitful, lying
lx: hadoof
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: hadoof
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
handle
/haandhal/ (n) 1. siddo (v) 2. gacan ku taabasho ama ku-qaadis. e.g. Fragile, please handle with care. (v) 3. xaalayn, wax ka qabasho (v) 4. isticmaalid, ka-ganacsi. e.g. We don't handle that kind of book.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
handle
n., daab, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
loolli
m.dh (-iyo, m.dh) Jar; gebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loolli
-da: (magac, dhedig, keli) dabaysha qabow oo ka dhabata buuraha dhaadhdheer dushooda.
loolli-ga: (magac, lab, keli) meel jar ah oo laga dhici karo. Dh: laalley, jar, haadaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mandoo
-ga: (magac, lab, keli) geed aan geed qodxeed ahayn laamihiisana laga sameeyo saabka haamaha yar yar. Mandoo baan haanta ka saabiyey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoolli
f.g2 (-iyay, -isay) Dhal xoolaad hooyadood qool ku nuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoolli
-ga: (magac, lab, keli) qoorta oo hoos u godanta oo u foororsata. Dh: goodaad.
qoolli -ga: (magac, lab, keli) qaab loo socdo oo uu qofku hore isku tuuro isaga oo is godaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soolli
-ga: (magac, lab, keli) maguug aan mid mid ma dhaafaankiis ka dhacda yeelan; ishin qaalmood: wax kasta oo qurux; qiimi iyo qaab-sami yeesha. Dh: xul, muquuno.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
addoomi
-yey / say: (v) enslave {inis-leeyv); make into a slave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoomi
(fal) addoon ka dhig; si xun ula dhaqan oo ciqaab iyo shaqo iskugu dar illaa uu addoon noqdo. Dh: xoree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Angoola
pr. n., loc. Angola
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Angoola
(n) Angola; Luanda is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Angoola
de: Angola
lx: Angoola
ps: n0-loc-f
key: Angoola
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badalli
m.l Rati aan weli rarka loo layliyin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badalli
-ga: (magac, lab, keli) orod iyo ciyaar kibir ku jiro. Dh: birinbirqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banooni
m. n. ball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
banooni
-ga: (n) ball (bool) ~ kubad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banooni
-ga: (magac, lab, keli) walax duuban oo wareegsan, kana samaysan balaastiik, saan ama waxyaabo kale oo la isku dardaray. Neef baa lagu afuufaa oo waxa lagu ciyaaraa cagta ama gacanta. Banooniga ii soo laag. Dh: kubbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banooni
de: ball
lx: banooni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: kubbad {S}
key: banooni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqooli
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley, duhur socodsiin. la-mid: baqoolsii, boqooli, boqoolsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dalool u yeelid. la-mid: duleeli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalooli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dalool u yeelid. m.f.dh, daloolin. la-mid: duleeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalooli
v. pierce, put a hole in(to)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalooli
-yey / say: (v) make a hole or opening in; pierce (piris); perforate (peer-fareeyi); drill (diriil) ~ duleeli, qod
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooli
(fal) walax meel daloosha u yeel. Dalooli gidaarka oo daah ku xidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalooli
a: duleeli
de: pierce, put a hole in(to)
lx: dalooli
pd: (dalooliyey)
ps: v2a=tr
key: dalooli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbool
(Ganbool-ka)
Bur weyn oo madax buuran; qaar; qool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganbool
m. n. club, cudgel; cover
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganbool
a: gambool
cf: bur, qaar
de: club, cudgel; cover
lx: ganbool
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: ganbool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoob
gandoob¹: m.l la-mid: gantoob¹.
gandoob²: f.g1 (-bay, -btay) la-mid: gantoob².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gandoob
n. partition, room divider, curtain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoob
(fal) wax soo gaabi. Dh: gantoob.
gandoob -ka: (magac, lab, keli) wax la soo gaabshay oo aan la dhammaystirin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gandoob
a: gantoob
de: partition, room divider, curtain
lx: gandoob
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
syn: qolqol
key: gandoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandood
gandood¹: m.l la-mid: qandoodid.
gandood²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: qandood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandood
(fal) meel, sidii wax ciillan u foorar.
gandood -ka: (magac, lab, keli) foorarka ciilka iyo cadhadu ka muuqdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagooji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax hagoog yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagooji
v. wrap on one's head, cover one's head with something; put something on a woman's head after the wedding (as a veil)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagooji
(fal) haweenay, u teg kolka laguu hooyo.