hanbabarid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbabarid
-da: (magac, dhedig, keli) naxdin iyo sas daraadeed hurdada ka soo boodid. Dh: sasid, salelid, boodis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambabarid
m.f.dh eeg hambabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarid
m.f.dh eeg habaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax xun iyo dhib Alle uga baryid. Habaaridda laguma degdego. Li: ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbabaxid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaal u dhaqaaqid oo u tabaabushaysad. Dh: ambabixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaarid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku dhirfid; ku jaahwareerid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tababarid
to coach, to train
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaarid
(Xanbaarid-da)
1. Ilmo yar dhabarka ku qaadid.
2. Kor u qaadid, u sidid, u bilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar ama wax kale dhabarka ku qaadid. Dh: xanbaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaabirid
m.f.dh eeg hambaabir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambaaburid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku kicid; ku baraarugid; ku toosid.
hambaaburid -da: (magac, dhedig, keli) si argagax ku jiro, hurdo uga toosid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangagaarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel lagu hungoobay, socod quusi ka muuqato kaga dhaqaaqid. Dh: cagajiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqabtirid
m.dh eeg haqabtir². la-mid: haqabtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqabtirid
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo baahi ka bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaarid
(Abbaarid-da)
Leexleexad la'aan iyo toos u aadid; (ku abbaarid): ku toosin; ku duwid; ku aaddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaarid
m.f.dh eeg abbaar³. la-mid: abbaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) toos u beegsashada wax ama meel la wada og yahay. Doonnida la waayay waxay seegtay abbaaridda jihadii ay u socotay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabid
(Habaabid-da)
Iska socosho, iyadoo aan dhulka la mara hayo, la kala garanayn; lumid; anbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabid
m.f.dh eeg habow². la-mid: habow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabid
-da: (magac, dhedig, keli) lumid meeshii habboonayd meel aan ahayn la maro. Dh: lumid, ambasho, dayow, asqoobid, hallaabid, habaabis, lumitaan, hallaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, Ilaahay wax xun uga baryid. Dh: habaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambabar
f.mg1 (-ray, -rtay) Hurdo si degdeg ah uga soo boodid naxdin darteed; baraarugid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hambabar
f.mg1 (-ray, -rtay) Hurdo si degdeg ah uga soo boodid naxdin darteed; baraarugid. m.f.dh, hambabarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hambabar
v. leap up, jump, get a start (from fright ~ surprise)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambabar
-ka: (magac, lab, keli) baraarug sas ku jiro oo hurdada laga soo boodo. Dh: ambabar.
hambabar -ka: (magac, lab, keli) naxdin soo booddo ah. Dh: anbabar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hambabar
de: leap up, jump, get a start (from fright ~ surprise)
lx: hambabar
pd: (hambabaray)
ps: v1=intr
key: hambabar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbaber
-ka: (magac, lab, keli) baraarug naxdin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanjabid
(Hanjabid-da)
Hadallo hanjabaad ah qof ku dhihid; (ama hanjamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjabid
m.f.dh eeg hanjab. la-mid: hanjabaad, hanjabo, hanjamaad, hanjamid, hanjamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqarid
m.f.dh eeg hanqar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaarid
(Hawaarid-da)
Fadhi ballaaran oo kala daadsan fadhiyid; barraaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarid
m.f.dh eeg hawaar³. la-mid: hawaar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ballaadhan oo kala daadsan fadhiyid; si hawaar ah u fadhiyid. Dh: hawaarsasho, bahardaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaari
f.mg3 (-iyay, -isay) Baadi xogteed cid weyddiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambabaxid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaal u qabbabaalid; socdaal billaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anbabixid
-da: (magac, dhedig, keli) socdaal u tabaabushaysad. Dh: ambabixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barbaarid
(Barbaarid-da)
Barbaar noqosho; korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaarid
m.f.dh eeg barbaar³. la-mid: barbaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) gaashaanqaad noqosho; barbaar noqosho. Dh: hanaqaadid, korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbaarid
m.f.dh eeg cabbaar³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakarid
m.f.dh eeg dabakar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fansaarid
(Fansaarid-da)
Fangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fansaarid
m.dh la-mid: fangelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xagga danbe ee muurka aad wadato, korsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ugub ah laylyid. Dh: jarabarid, agabarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarmid
m.f.dh eeg habaaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof habaar ku dhacay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaarid
-da: (magac, dhedig keli) hadhuudh iyo wax la mid ah, biyo u galid oo dhadhan iyo urba isbeddelid.
haddaarid -da: (magac, dhedig keli) caajis iyo daal dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaasid
m.f.dh eeg hambaas². la-mid: hambaas¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanbaboro
f. n. dolphin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanbaboro
a: hobbobboro
de: dolphin
lx: hanbaboro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hanbaboro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanjabaad
(Hanjabaad-da)
Hanjabo; gooddi; (amaa hanjamaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjabaad
m.dh Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo. la-mid: hanjabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanjabaad
m.dh Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanjabaad
f. n. threatening speech, threat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanjabaad
-da: (n) intimidation (in tmi dheey shen); bullying (buul ling) ~ handadaad, tahdiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjabaad
-da: (magac, dhedig, keli) gooddi iyo cagajuglayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanjabaad
a: hanjamaad (da) [n1-f]
de: threatening speech, threat
lx: hanjabaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hanjabaad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hanjabaad
تهْدِيد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hankaagid
(Hankaagid-da)
Meel ku hungoobid, wax ka waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hankaagid
m.f.dh eeg hankaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaagid
-da: (magac, dhedig, keli)meel aad wax u doonatay ka soo waayid; meel ku hungoobid. Dh: hongoobid, luggo'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nugul riixid oo ridid. Dh: hantaaqis.
hantaaqid-da: (magac, dhedig, keli) qof culus soo luggayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaarin
m.f.dh eeg haybaari. la-mid: hay-baaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaaris
m.l la-mid: haybaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabarid
-da: (magac, dhedig, keli) shay labo is le'eg ka dhigid, laba gabal oo is le'eg ka dhigid. Dh: kalabadhid.
kalabarid -da: (magac, dhedig, keli) hawl aad haysid labo meelood marka loo qaybiyo meel dhammayn. Dh: kalabbadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarid
m.f.dh eeg khabaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, u warramid. Dh: akhbaarid, waramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbaarid
m.f.dh eeg sabbaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sabbaar qaadasho: jicsimasho: sahay qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbaabid
-da: (magac, dhedig, keli) afdhuubyaalayn: afdhuubyaalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannaarid
m.f.dh eeg sannaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sannaar ku dabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbaarid
m.f.dh eeg xabbaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dhicid oo xoog ku qaadid. Dh: xabbaadhid.
xabbaarid -da: (magac, dhedig, keli) geela meel baad iyo biyo leh u kaxeyen. Dh: xabaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xambaarid
m.f.dh eeg xambaar². la-mid: xambaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambaarid
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabarka wax ku qaadid. Sareedooy hooyo xambaarid waad ka weynaatee lugee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaarad
(Xanbaarad-da)
Xanbaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaarad
-ka: (magac, lab, keli) dhabarka wax ku qaadad; dusha wax saarad. Dh: xambaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanbaaris
(Xanbaaris-ta)
Xanbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararid
-da: (magac, dhedig, keli) barbarar iyo buurbuurni yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacnabarid
m.f.dh eeg gacnabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanqaarmid
(Hanqaarmid-da)
Meel wax loo doontay ama lagu malayna hayey, wax ka soo waayid, ku soo hungoobid; ku luggo'id; (ama hanqarmid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaarmid
m.f.dh eeg hanqaaran². la-mid: hanqaaran¹, hanqaran¹, hanqarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax loo doontay ama lagu malaynayey wax ka soo waayid; ku soo hungoobid; ku hankaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tababbarid
(Tababbarid-da)
Tabo aqooneed oo gaar ah barid; laylyid; carbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tababbarid
m.f.dh eeg tababbar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tababbarid
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon gaar ah barid. Dh: laylyid, carbin, tababbaris, jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhakarid
m.f.dh eeg candhakar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaabasid
m.f.dh eeg dambaabas².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhankalaxid
m.dh la-mid: dhanqalmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax curin oo wax cusub keenid. Dh: hal'abuuris, curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hal-abuurid
m.f.dh eeg hal-abuur². la-mid: hal-abuuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handaraabid
m.f.dh eeg handaraab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfariirid
m.f.dh eeg hanfariir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfariirid
-da: (magac, dhedig, keli) didid; sasid; argaggixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaatacid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan milgo lahayn, ku hadlid. Dh: hantatacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Manjasaarid
(Manjasaarid-da)
Manjasaar ku kaadshayn.