hanaqgo'id
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) aad u ordid oo hiinraagid. Dh: hiinraagid, beerfadhaqoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqgo'
(fal) daal ama naxdin daraaddeed, wadnago'; aad u hiinraag.
hanaqgo' -a: (magac, lab, keli) hiinraagista orodka xoogga ah ee qofku dhaqaaqi kari waayo; aad u xiiqid; aad u daalid. Dh: beerfadhaqaw, hiinis, hiinraag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabago'id
-da: (magac, dhedig, keli) dhammaasho oo wax dabar go'ay noqosho. Dagaalladu waxay keenaan nabaadguur iyo dabago'idda duurjoogta. Dh: dabarag'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabargo'id
m.f.dh eeg dabargo'².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanaqaadid
m.f.dh eeg hanaqaad². la-mid: hanaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) korid oo xilli masuuliyad la qaadi karo gaadhid. Dh: xilqaadid, hanaqaadis, mudakarid, taabbagalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarango'id
-da: (magac, dhedig, keli) taarbeelid iyo tafiirgo'. Dh: baabi'id, taargo'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhago'id
-da: (magac, dhedig, keli) caanabeelid; xoolaha oo dabargo'a ama abaar iyo aafo dhacda.
candhago'id-da: (magac, dhedig, keli) candhada xoolaha irmaan, barwaaqo ama lisid la'aan dartood, la go'id oo hoos u raaricid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaloocid
m.dh la-mid: hanqaloocsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagagid
(Hagagid-da)
Hadal hadal ka hor keenid, ku gudbid; murmid; asaraarid, ogaaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagagid
m.f.dh eeg hagag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagagid
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon la is maqlayn mormid. Dh: mormid, doodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangood
-ka: (magac, lab, keli) hungurayn iyo damac. Gosha naaska yara muuqday buu yara hangoodaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadgo'id
(Cadgo'id-da)
Hilibgo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadgo'id
m.f.dh eeg cadgo'².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadgo'id
vl. n. act of straining a muscle ~ getting a sprain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac muruqyada xubnaha soo gaadha oo xanuun badan leh. Cadgo'iddu jabka kama xanuun yara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadgo'id
de: act of straining a muscle ~ getting a sprain
lx: cadgo'id
pd: (-da)
ps: vn2-f
key: cadgo'id
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaagid
(Hagaagid-da)
1. Qallooc la'aan u socosho; si toosan u dhaqaaqid.
2. Sidii la rabey noqosho; wanaagsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagid
m.f.dh eeg hagaag². la-mid: hagaag¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) qallooc la'aan u socosho; si toosan ah u dhaqaaqid.
hagaagid -da: (magac, dhedig, keli) wax markii hore qaldanaa wanaagsanaan oo fiicnaan; sidii la rabey noqosho. Dh: wanaagsanaasho, hagaagis, hagaagsami fiicnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaagid
(Halaagid-da)
Baabbi'in; layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaagid
m.f.dh eeg halaag². la-mid: halaag¹ (2), halaajin, halaajis, hallig¹, hallig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagid
-da: (magac, dhedig, keli) baabi'in oo dabargoyn. Dh: halaagis, dabargoyn. Li: badbaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanaqaad
(Hanaqaad-ka)
Filka wax lagu hanan karo gaarey; tabargal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanaqaad
hanaqaad¹: m.l 1. H. ah: qof filka mas'uu-liyad lagu hanan karo gaaray; tabargal. 2. Diric, geesi. 3. la-mid: hanaqaadid.
hanaqaad²: f.mg1 (-day, -dday) Qof fil uu mas'uuliyad ku hana karo gaari; tabargalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanaqaad
hanaqaad¹: m.l 1. H. ah: qof filka mas'uuliyad lagu hanan karo gaaray; tabargal. 2. Diric, geesi. 3. la-mid: hanaqaadid.
hanaqaad²: f.mg1 (-day, -dday) Qof fil uu mas'uuliyad ku hana karo gaari; tabargalid. m.f.dh, hanaqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanaqaad
m. n. age of maturity
hanaqaad v., [compound] grow up, reach maturity, become responsible; be raised ~ reared
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanaqaad
-ah: (adj) grown-up or grownup person; a fully grown or mature person; adult (adhalt) ~ qaangaar. Ex: wiil hanaqaa ah buu dhalay; he has a grown-up son
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqaad
(fal) waynow oo nin xilqaada noqo. Dh: xilqaad.
hanaqaad -ka: (magac, lab, keli) da'da wax lagu hanan karo gaadhid, qaangaadh. Dh: tabargal, taabbagal, mudakar, qaangaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqarid
m.f.dh eeg hanqar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargo'id
m.f.dh eeg sargo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanqooqid
(Fanqooqid-da)
Meeshii lagu dhegsanaa kor uga soo fuqid; fowliilid.
2. Fadhiyid iyadoo dhulka kor laysa hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanqooqid
m.f.dh eeg fanqooq². la-mid: fanqooq¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanqooqid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi cidhbaha lagu fadhiyo oo dhulka sare laysaga hayo.
fanqooqid-da: (magac, dhedig, keli) wax meeshii uu ku dhegganaa ka soo yare fuqay. Dh: fowliilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday noqosho. Dh: dabargo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hankaagid
(Hankaagid-da)
Meel ku hungoobid, wax ka waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hankaagid
m.f.dh eeg hankaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaagid
-da: (magac, dhedig, keli)meel aad wax u doonatay ka soo waayid; meel ku hungoobid. Dh: hongoobid, luggo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqarmid
m.dh la-mid: hanqaarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
honono'id
m.f.dh eeg honono'³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanadoonid
-da: (magac, dhedig, keli) raadinta aargudashada xumaan hore loo geystay. Dh: aargudasho, xumaandoonid. Dh: samadoonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqoobid
m.f.dh eeg balaqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhego balbalaqsan leh noqosho. Dhegta rida xanuun ayaa balaqoobidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaboobid
m.f.dh eeg danabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) danab yeelasho. Isliska walaxaha danaboobid ayaa ka dhalata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaroobid
m.f.dh eeg habarow². la-mid: habarow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) habar weyn ahaansho; islaan duqawday noqosho. Dh: duqoobid, gaboobid, cajuusadoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) filka wax lagu hanan karo gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqoobid
m.f.dh eeg maraqow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaqorid
m.dh Shaqo siinta qof shaqo la siiyo. la-mid: shaqaqoris.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqaqorid
m.dh Shaqo siinta qof shaqo la siiyo. la-mid: shaqaqoris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgo'id
m.f.dh eeg caloolgo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) nicid oo niyadda ka jarid; niyadda ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhago'is
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg candhago'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabsoocid
m.dh (kiim.) Maxsuulka falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabsoocid
-da: (magac, dhedig, keli) midhaha falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dankaboodid
-da: (magac, dhedig, keli) si aanay naftaada dani ugu jirin u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqtirid
m.f.dh eeg dhabaqtir². la-mid: dhabaqtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqtirid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dubbaridid oo wax dhabaq ama badhaq ah u diidid. Dh: badhaqtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalanrogid
(Dhalanrogid-da)
Dhalanrog ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalanrogid
m.f.dh eeg dhalanrog². la-mid: dhalanrog¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalanrogid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhalandoorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqangelid
m.f.dh eeg dhaqangal². la-mid: dhaqangal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqangelid
-da: (magac, dhedig, keli) hirgalidda wax kolkiisii hore talo uun ahaa. Maanta ayay dhaqangelidda dhegeleydaasi bilaabaysaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqayoobid
(Dhaqayoobid-da)
Dhaqayo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayoobid
m.f.dh eeg dhaqayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, jani caana yaraysay noqosho. Hashu dhaqayoobid ayay ku dhawdahay. Dh: janiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaboobid
m.f.dh eeg dharabow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharasoobid
m.f.dh eeg dharasow². la-mid: dharasow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxalgelid
m.f.dh eeg dhaxalgal². la-mid: dhaxalgal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handaraabid
m.f.dh eeg handaraab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfariirid
m.f.dh eeg hanfariir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfariirid
-da: (magac, dhedig, keli) didid; sasid; argaggixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangagaarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel lagu hungoobay, socod quusi ka muuqato kaga dhaqaaqid. Dh: cagajiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqabtirid
m.dh eeg haqabtir². la-mid: haqabtir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqabtirid
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo baahi ka bi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaatacid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan milgo lahayn, ku hadlid. Dh: hantatacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaticid
m.f.dh eeg hantaatac². la-mid: hantaticid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hantigoosad
-ka: (n) capitalism (kapataliisim) ~ hantigoosi-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantigoosad
-ka: (magac, lab, keli) hannaan dhaqaale oo cid gaar ahi leedahay warshadaha iyo ilaha dhaqaalaha, dawladuna dusha uun ka ilaaliso oo aanay faragelin ku lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantiyoobid
(Hantiyoobid-da)
Hanti noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiyoobid
m.f.dh eeg hantiyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hanti ahaan loo leeyahay noqosho. Dh: hantiyaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiraggo'id
(Jiiraggo'id-da)
Muruqgo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiraggo'id
m.f.dh eeg jiiraggo'². la-mid: jiirgo'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjaroorid
-da: (magac, dhedig, keli) jiingadda dusha ka soo daadasho oo biyo soo shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mashaqoobid
(Mashaqoobid-da)
Mashaqo ku dhicid; mixnoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashaqoobid
m.f.dh eeg mashaqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashaqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mixno iyo mashaakil nimcadi keentay la kulmid. Mashagoobidda roobabka barwaagaa ka dambayn.
mashaqoobid -da: (magac, dhedig, keli) wax mashaqaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiirgo'id
m.f.dh eeg tafiirgo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) wax tafiirgo'ay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanfaloobid
m.f.dh eeg xanfalow.