hamuuntiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuuntiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Hamuun iska bi'in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamuuntiro
v., [compound] eat ~ have breakfast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuuntiro
(fal) wax hamuunta kaa tira cun; qandhuufta bi'i. Intaanad kallihin hamuuntiro. Dh: afur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamuuntiro
de: eat ~ have breakfast
lx: hamuuntiro
nt: hamuuntirad (ka) [vn-m], hamuuntirasho (/da) [vn-f]
pd: (hamuuntirtay)
ps: v3b=cmp
key: hamuuntiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamuuntir
(Hamuuntir-ka)
Cunnada waxa subaxdii la cuno ugu horraysa; quraac; afbilaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuuntir
hamuuntir¹: m.l Cunto yar oo hamuunta la isaga bi'iyo.
hamuuntir²: f.g1 (-ray, -rtay) Qof cunto yar oo hamuun lagu bi'iyo siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hamuuntir
m.l Cunto yar oo hamuunta la isaga bi'iyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamuuntir
m. n., [compound] breakfast
hamuuntir v., [compound] assuage someone's hunger, give someone breakfast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuuntir
-ka: (magac, lab, keli) cunnada wax subaxdii la cuno ugu horreysa. Dh: afbilow, quraac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamuuntir_1
de: breakfast
hm: 1
lx: hamuuntir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: afbilaw, quraac
key: hamuuntir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamuuntir_2
de: assuage s.o.'s hunger, give s.o. breakfast
hm: 2
lx: hamuuntir
pd: (hamuuntiray)
ps: v1=cmp
key: hamuuntir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamuuntirad
(Hamuuntirad-ka)
Hamuuntirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuuntirad
m.l la-mid: hamuuntirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuuntirad
-ka: (magac, lab, keli) hamuuntir cunid; quraacasho; afbilaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamuuntirid
(Hamuuntirid-da)
Hamuunta ka bi'in; quraac siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuuntirid
m.f.dh eeg hamuuntir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuuntirid
-da: (magac, dhedig, keli) hamuun ka bi'in; afur siin. Dh: qandhuufbi'in, qureecin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hammuuntir
-ka: (n) first meal of the day; breakfast (bareekfast) ~ quraac, afbilow, hamuuntiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamuuntirasho
(Hamuuntirasha-da)
Hamuuntir cunid; hamuunta iska bi'in; quraacasho; afbilaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuuntirasho
m.f.dh eeg hamuuntiro. la-mid: hamuuntirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuuntirasho
-da: (magac, dhedig, keli) hamuunta iska bi'in ama quraacasho; hamuuntir cunid. Dh: qandhuufbi'in, hamuuntir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuungorayo
m.dh la-mid: hamuungorgor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuungorayo
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo olol ah oo aan cuntada lala sugi karin. Dh: hamuun, jiniinto.
hamuungorayo -da: (magac, dhedig, keli) qofka jecel inuu degdeg wax u cuno hamuumtiisuna ay badan tahay. Dh: haliilyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamuungorgor
(Hamuungorgor-ka)
Hamuun daran oo aan cunnada lala dhawri karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuungorgor
m.l Sugid la'aanta la sugi waayo cunto dab saaran ama bisil hamuun awgeed. la-mid: hamuungorayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamuungorgor
m. n., [compound] insatiable hunger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuungorgor
-ta: (magac, dhedig, keli) hamuun daran oo cunnada lala wadaagi karin. Dh: qalbi-qaatan, saluug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamuungorgor
de: insatiable hunger
lx: hamuungorgor
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: hamuungorgor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqantiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Si aan sharqan loo dhalin aayar u socosho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAMUUDI
(Hamudi) May Grewia cerasifera (Chiov.) Cuf. Tiliaceae.
C Allophylus rubifolius (A.Rich) Engl. Sapindaceae.
C Sida ternata L.F. Malvaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuudo
m.dh (-ooyin, m.l) Nagaar dhulka ku faalala oo miro yaryar, dhannaan oo la cuno leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuuni
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid dawga san ku toosin. 2. Dhaqan, figrad, ama aragti cid ku barbaarin. 3. Cid meel aanay garanayn tusid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanuuni
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid dawga san ku toosin. 2. Dhaqan, figrad, ama aragti cid ku barbaarin. 3. Cid meel aanay garanayn tusid. m.f.dh, hanuunin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuuni
v. counsel, advise, orient, guide
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanuuni
-yey / say: (v) show someone the way by leading, directing, or advising; guide (gaaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuuni
(fal) cid kale waxa wanaagsan u tilmaan oo ku du'. Dh: hanooni, toosi. Li: hallee, baadiyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanuuni
de: counsel, advise, orient, guide
lx: hanuuni
pd: (hanuuniyey)
ps: v2a=tr
key: hanuuni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Namuuno
(Namuuna-ha)
Jaad; cayn; midab, (ama namuun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
namuuno
m.dh la-mid: namuun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
namuuno
-da: (magac, dhedig, keli) eeg namuunad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuumid
m.dh eeg hamuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hamuuni hayso ahaansho, baahi sigaar, qaad, cunto ama wax kale qab. Dh: xaraaro, baahi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuunan
(tilmaame) aan weli hammuuntiran; aan weli quraacan; hamuuntii qaba; kamiintii qaba oo gaajaysan.
hamuunan: (tilmaame) baahi iyo xiiso weyn wax u qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunid
(Hanuunid-da)
Hanuun helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunid
m.f.dh eeg hanuun³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunid
-da: (magac, dhedig, keli) jidka toosan ee fiican ku toosid oo ku hagaagid. Dh: hanuunis, hagaagid. Li: hallaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunin
(Hanuunin-ta)
Waddada wanaagga, samafalka iyo Alla-ka-yaabka kuduwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunin
m.f.dh eeg hanuuni. la-mid: hanuunis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuunin
vl. n. orientation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunin
-ta: (magac, dhedig, keli) waddada wanaagga iyo samafalka ku duwid. Dh: hanuunis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanuunin
de: orientation
lx: hanuunin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: hanuunin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunis
(Hanuunis-ka)
Hanuunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunis
m.l la-mid: hanuunin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuunis
vl. n. counseling, act of advising, guiding, orienting
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HANUUNIS
Orientamento
Orientation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuunis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hanuunin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanuunis
de: counseling, act of advising, guiding, orienting
lx: hanuunis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: hanuunis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamuunyo
(Qamuunya-da)
Bushinta hoose oo ciil iyo caro darteed lala qaniino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamuunyo
m.dh Ciil iyo caro badan oo bushinta hoose lala qaniino.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qamuunyo
m.dh Ciil iyo caro badan oo bushinta hoose lala qaniino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qamuunyo
f. n. biting one's lip (from anger)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qamuunyo
-qamuunyada: (n) the act of biting one's lip for the sake of rage or anger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamuunyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qammuunyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qamuunyo
de: biting one's lip (from anger)
lx: qamuunyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qamuunyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuunsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg tamuun.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HABAANTIR
(Habantir) S Phyllanthus suffrutescens Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaltiro
(Hadaltira-da)
Hadalbadi; hadaljecli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaltiro
m.dh Hadal badan oo aan loo baahnayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadaltiro
m.dh Hadal badan oo aan loo baahnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadaltiro
f. n., [compound] loquacity, talkativeness; nonsense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaltiro
-da: (magac, dhedig, keli) hadalbadnida aan macno ku fadhiyin.
hadaltiro -da: (magac, dhedig, keli) hadalbadi; hadaljecli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadaltiro
de: loquacity, talkativeness; nonsense
lx: hadaltiro
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: hadaltiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuuniye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof wax hanuuniya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanuuniye
m. n. director, spiritual director (one who directs ~ guides from a religious ~ political point of view)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hanuuniye
nickname-m orientates, adviser, counselor, guide; spiritual director (one who guides ~ directs from a religious, political theatrical point of view)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuuniye
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka waxa wanaagsan u sheega.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanuuniye
de: director, spiritual director (one who directs ~ guides from a religious ~ political point of view)
lx: hanuuniye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hanuuniye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamuunyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil iyo caro badan darteed faruuryo la qaniinid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qamuunyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil iyo caro badan darteed faruuryo la qaniinid. m.f.l, qamuunyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamuunyoo
(fal) aad u murugoo oo isciilbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamuunsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid meel ku toosin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuunsii
(fal) gan oo xoog u tuur. Gantaalka tamuunsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadunnimo
-da: (magac, dhedig, keli) haadun ahaan; sabool diiran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamuunsiin
m.f.dh eeg tamuunsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuunsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) tuurid oo wax aad u ganan ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madluunnimo
m.dh Madluun ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madluunnimo
-da: (magac, dhedig, keli) madluun aan cidna u ciirsanayn ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malcuunnimo
(Malcuunnima-da)
Malcuun ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malcuunnimo
m.dh Malcuun ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malcuunnimo
f. n., [abstract] villainy, state of being evil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malcuunnimo
-da: (magac, dhedig, keli) malcuun ahaan. Ilaahoow malcuunnimo ha na badin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malcuunnimo
de: villainy, state of being evil
lx: malcuunnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: malcuunnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaquunnimo
m.dh 1. Haweeney aan caqli iyo waxtar lahayn ahaansho. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanqartiro
f.mg3 (shanqartirtay, shanqartiratay) Si aan shanqar loo maqlin aayar u socosho. la-mid: sharqartiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharqartiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: shanqartiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuumnaansho
m.l/dh la-mid: hamuumnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharmuutanimo
-sharmuutanimada: (n) prostitution (poros-ti-tuushin); adultery (a-dhal-teri) ~ sharmuuteysi, dhillannimo