hamro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamro
f.mg3 (-raday, -ratay) Cid waxtarkeeda u hagar bixid la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamro
(fal) «u ~» cid kale, si meel ka dilan ah ula dhaqan oo u tudh. Dh: alaalabaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamro
(Khamra-da)
1. Wax la cabbo oo aalkol ku jirto oo laga sameeyo miraha canabka lis laga miiro oo la khamiiriyo.
2. Wax kastoo la cabbo oo aalkol ku jirto oo la macaansho, dhir udgoonna lagu daro; (ama khamri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamro
m.dh Wax kasta oo la cabbo oo aalkol ku jirto oo lagu sakhraamo. la-mid: khamri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khamro
f. n., (mass n.): alcoholic beverage, liquor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khamro
-khamrada: (n) alcoholic liquor, beer or wine ~ khamri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg khamri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khamro
bw: khamri
de: alcoholic beverage, liquor
lx: khamro
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
syn: dhiinto
key: khamro
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
khamro
حَمْرَةَ، شَرَابٍ مُسْكِرٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haro
(Hara-da)
Biyo badan oo fadhiya oo aalaa macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsan yahay; balli weyn; kal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn. 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Biyo badan oo fadhiya oo aala macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsanyahay; balli weyn. 2. Hungowga ku dhaca herinta marka ugaar la soo waayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haro
Lake
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haro
f. n. lake, pond
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haro
-haraha: (n) lake (leeyk); lagoon (laguun); pond (paandh) ~ war
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haro
(fal) meel qushaash leh oo aad u baahan tahay, nadiifso oo hagaajiso.
haro -da: (magac, dhedig, keli) biyo fadhiya oo aalaa macaan oo dhinac walba dhul kaga wareegsan yahay. Dh: balli, kal, har, war.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
haro
haro, n.m. - ku qaylin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haro
de: lake, pond
lx: haro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: haro
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haaro
Escarpment
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habro
f.g3 (-raday, -ratay) Cid si wanaagsan oo aan hagrasho lahayn wax ugu qabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habro
v. hesitate out of fear
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habro
de: hesitate out of fear
lx: habro
nt: habrasho (/da) [vn-f]
pd: (habraday)
ps: v3a=
key: habro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafro
-da: (magac, dhedig, keli) xanuunka oo ku biira socsodka hawada darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagro
f.g3 (-raday, -ratay) Si aan daacad ahayn wax u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hagro
f.g3 (-raday, -ratay) Si aan daacad ahayn wax u qabasho. m.f.dh, hagrasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagro
v. act half-heartedly ~ insincerely
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagro
-hagraday / hagratay: (v) don't make an earnest effort to help someone, [opposite of u hagarbax]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagro
de: act half-heartedly ~ insincerely
lx: hagro
nt: hagrad (ka) [vn-m], hagrasho (/da) [vn-f]
pd: (hagraday)
ps: v3a=
key: hagro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambo
hambo¹: m.dh Cunto la cunay inta weelka lagu reebo.
hambo²: f.g3 (-baday, -batay) Xantoobo cunto ah af ku shubasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hambo
m.dh Cunto la cunay inta weelka lagu reebo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hambo
f. n., [collective] remainder, something left over; scrap; left-overs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hambo
-da: (n) leftover (left over), remnant (rem nant)-, remainder (ri-meeyn-dher)-, usually leftover food ~ hanbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambo
(fal) sonkor, qadhiidh iyo wixii la mid ah, calaacasha ku jirta, mar keliya afka ku wada shub oo liq.
hambo -da: (magac, dhedig, keli) cuntada inta laga dhergo ee la reebo. Hambada ma cunee wax hagaagsan i sii.
hambo -da: (magac, dhedig, keli) wax kasta inta laga tago ama hadha. Dh: baaqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hambo
de: remainder, s.t. left over; scrap; left-overs
lx: hambo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
see: hanbo
key: hambo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamso
m.dh la-mid: hamsa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hamsa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamro
(fal) dhammaan wada iibso. Jamro waxa meesha yaal oo dhan. Dh: jilmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemo
(fal) haad, degitaan isku diyaari; soo hoobo.
heemo: (fal) wax farabadan, soo gawriirso; meel ku soo shumuum.
heemo: (fal) «u ~» u xagaldaac; u hamro.
heemo -da: (magac, dhedig, keli) dheecaan aad u qoyan oo indhaha dadka ka yimaad. Dh: himish, dhalxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku dh.: dhaar marid. m.f.dh, dhaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaro
v. swear, take an oath
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaaro
-dhaartay / dhaaratay: (v) swear an oath; take one's oath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaro
(fal) magac Eebbe mar si aan kuu aamino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaro
de: swear, take an oath
lx: dhaaro
pd: (dhaartay)
ps: v3b=
key: dhaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabro
m.dh Cudur dhabarka xoolaha ku dhaca oo iin u yeela.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabro
-da: (magac, dhedig, keli) soo godasho dhabarku soo goto oo tuur la yeesho. Guuleed dhabro ayuu yeeshay. Dh: godasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhammo
name-f full; done, complete; finished. Syn: Ebyan, Ebyoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafroo
-ga: (magac, lab, keli) timaha oo inta la daayo kor loo feedho. Dh: buuko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafrow
(fal) xanuun ku hayay ha kugu xumaado oo ha kugu sii biiro.
hafrow -ga: (magac, lab, keli) xanuun cid hore u hayay oo ku xumaada kuna sii biira.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hairdo
/heerduu/ (n) hab timo-qurxineed (moodo-timeed). e.g. That hairdo costs a lot of money.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamood
-ka: (magac, lab, keli) meel cidla' ah geyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamrad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale u tudhid oo u dulqaadasho, sabab darteed.
hamrad -ka: (magac, lab, keli) «u» cid kale, u xagaldaacin; si dilan oo cabsiyi ku jirto ula dhaqmid. Dh: hamrasho, alaalabaqid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khadro
name-f holy man, saint; fortune, luck. Cf: Khadar, Khadaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamri
m.l la-mid: khamro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khamri
m. n., (mass n.): alcoholic beverage, liquor, wine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khamri
-ga: (n) alcoholic liquor, beer or wine ~ khamro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamri
-ga: (magac, lab, keli) dareere la cabbo oo alkool ku jiro. Waxa laga sameeyaa midhaha canabka laga miiro oo la khamiiriyo, doorisa maanka iyo maskaxda qofka oo xumaan iyo wanaag kala garan waayo. Dh: qamri, farsho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khamri
a: khamro
bw: Arabic
de: alcoholic beverage, liquor, wine
lx: khamri
pd: (-ga)
ps: n2-m-mass
key: khamri
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khayro
name-f goodness, good fortune, welfare, blessing. Syn: Khayrre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Khayro
magac loo baxsho gabadh xilli barwaaqo ah dhalatay ama la rajaynayo in ay reerka wanaag u horseeddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Shamso
pr. n., [feminine] Shamso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shamso
f. n. sunlight, shining like the sun
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shamso
name-f the sun
name-f sun, sunlight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shamso
magac loo baxsho gabadh qorraxda loogu magacdaray qurux aawadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shawro
(Shawra-da)
Geed weynaada oo xeebaha ka baxa; xoolahaa daaqa, qoryo adagna waa lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawro
shąwro: m.l la-mid: shąwr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shawro
f. n., [collective] large coastal tree species, with hard timber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawro
-da: (magac, dhedig, keli) geed weynaada oo xeebaha ka baxa: xoolaha ayaa daaga qoryo adagna wuu leeyahay. Dh: sarriig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shawro
a: shawri (ga) [n2a-m-col]
de: large coastal tree sp., with hard timber
initial: s
lx: shawro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: shawro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tamaro
(Tamara-da)
Tabaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamaro
m.dh la-mid: tabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamaro
f. n., (mass n.): strength, capability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tabaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamaro
a: tabaro
de: strength, capability
initial: t
lx: tamaro
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
see: tabar
key: tamaro
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xamaro
name-f chestnut ~ dark red color
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamrasho
m.f.dh eeg hamro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamrasho
-da: (magac, dhedig, keli) «u» cid kale, si dilan oo cabsiyi ku jirto ula dhaqmid. Arrinta hamrashada ka daaya oo si dhiirran u gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ham
m.dh.sh.r H. dheh/ h. siin: cod lagu muujiyo cantuugo aad u weyn samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ham
vl. n. putting (food) in the mouth all at once when eating
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ham
/haam/ (n) 1. hilib-doofaar. (n) 2. jilaa heer-hoose ah. e.g. He is not a good actor, he is just a ham. (n) 3. wariye raadye oo bar-barad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ham
(ereycodeed) lagu tilmaansado jabaqda cunto afka mar keli ah lagu wada riday. Dh: jam.
ham: (ereycodeed) loola jeedo codka ay bixiso ciid meel xoog loogu shubay. Godka ciid ku aas oo ham ku sii. Dh: dem.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ham
de: putting (food) in the mouth all at once when eating
lx: ham
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ham
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Har
(Har-ka)
Waxa ifku qabto, hooska uu bixiyo; hoos; hoosiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
har
har¹: m.l (-rar, m.l) 1. Wax if qabtay hooska uu bixiyo. 2. Meel dusha ka dedan, waab, guri iyo wixi lamida hooskooda qabow.
har²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Digo iyo wixi lamida meel ka xaarid. 2. (f.mg) Safar iyo wixi lamida dad u bixi lahaa mid ka mid ah ka baaqasho. 3. (f.mg) Qof dad uu la socday ka gaabin. 4. (f.mg) Wax la isticmaalay in yar ka baaqi noqosho. 5. (f.mg) U h.: qof dhintay xoolo ka dhaxlid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
har
har¹: m.l (-rar, m.l) 1. Wax if qabtay hooska uu bixiyo. 2. Meel dusha ka dedan, waab, guri iyo wixi lamida hooskooda qabow.
har²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Digo iyo wixi lamida meel ka xaarid. 2. (f.mg) Safar iyo wixi lamida dad u bixi lahaa mid ka mid ah ka baaqasho. 3. (f.mg) Qof dad uu la socday ka gaabin. 4. (f.mg) Wax la isticmaalay in yar ka baaqi noqosho. 5. (f.mg) U h.: qof dhintay xoolo ka dhaxlid. m.f.dh, harid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
har
v. stay (behind), remain, be left over
har m. n. shade, shadow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
har
-ay / tay: (v) continue to stay after others have gone or left; remain (ri meeyn); stay (isteey) ~ hadh, joog
har -ka: (n) shadow (shaadhow); shade (sheeydh) ~ har, hoos,
hadh leh: (adj) shady (sheeydhi) ~ hoos leh; shade (sheeydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
har
(fal) cid soconaysa, ka hadh.
har: (fal) salabe qaado oo meel qashin yaallo nadiifi. Aqalka hortiisa har. Dh: xaadh, fiiq, dug, salabee.
har -ka: (magac, lab keli) eeg hadh.
har-ta: (magac, dhedig, keli) meel ballaadhan oo godan oo biyuhu fadhiistaan oo Allasamee ah ama la qoday. Dh: balli Wa: haro.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
har
ظَلَّ
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afro
f. n. contagion; infection, contamination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Afro
-ga: (magac, lab, keli) dadka Afrika ku abtirsada intooda madow; Afroo na waa la yidhaa. Jasiiradaha Kaariibiyanka, waxa ku nool dad asalkoogii Afro ahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambo
ambo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Meel, jaho.
ambo²: f.mg3 (-baday, -batay) Cid waddada habboon ka lumid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ambo
f.mg3 (-baday, -batay) Cid waddada habboon ka lumid. m.f.dh, ambasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ambo
v. get ~ be lost, go astray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ambo
-ambaday / ambatay: (v) get lost; stray (istareey); you deviate from the correct course
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambo
(fal) hallaw oo jidkii iyo yoolkaagii ka lun. Ambo waan ku eegnoo, kaa waynay aayee.
ambo -da: (magac, dhedig, keli) goob biyo leh oo ay safarradu ku nastaan.
ambo-da: (magac, dhedig, keli) asalkii, meesha wax ka unkamaan. Ambaddii haddaan degay halkaan la asaraaraynin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ambo
bw: anbo
de: get ~ be lost, go astray
lx: ambo
pd: (ambaday)
ps: v3a=intr
syn: lun
key: ambo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayro
m.dh.u Hal adkaysi badan oo cad iyo caano dheeraad ah leh.