hambalyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambalyee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) Cid hambalyo u jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hambalyee
f.mg2 (-yeeyay, -yaysay) Cid hambalyo u jeedin. m.f.dh, hambalyayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hambalyee
v. congratulate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hambalyee
-yey / hambalyeysay: (v) [with preposition u] congratulate (kongaraajuleeyt) ~ u tahniyadee, hanbalyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambalyee
(fal) eeg hambalyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hambalyee
a: hanbalyee
de: congratulate
lx: hambalyee
pd: (hambalyeeyey)
ps: v2b=
key: hambalyee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanbalyee
v. congratulate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanbalyee
-yey / hanbalyeysay: (v) [with preposition u] congratulate (kongaraajuleeyt) ~ u tahniyadee, hambalyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbalyee
(fal) eeg hanbalyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanbalyee
a: hambalyee
de: congratulate
lx: hanbalyee
pd: (hanbalyeeyey)
ps: v2b=
key: hanbalyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Farriin farxad leh oo cid loogu hambalyeeyo. 2. Warqad rasmi ah oo dawlado, hay'ado iyo wixi lamida isu diraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhambaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Farriin farxad leh oo cid loogu hambalyeeyo. 2. Warqad rasmi ah oo dawlado, hay'ado iyo wixi lamida isu diraan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
u tahniyee
-yey / tahniyeysay: (v) congratulate (kon-garaa-ju-leeyt) ~ u hambalyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogaadi
(fal) ruux wax wanaagsan sameeyey ama ku guulaystay ku ammaan, ku dhiirrigeli. Oroyahankii guusha soo hooyey madaxweynuhu wuu bogaadiyey. Dh: hambalyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobaadi
(fal) hambalyee sida dad is guursaday oo kale. Dh: bogaadi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
félicité
félicité, n.f. - hambalyeenta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambalyo
m.dh Hadal xambaarsan shucuur farxad leh oo loo jeediyo cid heshay ama soo hoyisay wax lagu farxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hambalyo
m.dh Hadal xambaarsan shucuur farxad leh oo loo jeediyo cid heshay ama soo hoyisay wax lagu farxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hambalyo
f. n. congratulations
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hambalyo
-hambalyada: (n) congratulation (kon garaaju-leey shen) ~ hanbalyo, tahniyad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hambalyo
Congratulazioni
Congratulations bet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambalyo
-da: (magac, dhedig, keli) ereyo dhiirrigelin ah oo lagu yidhaa qof wax loo bogay sameeyey ama helay. Hambalyada isdaba yací iyo waa hebele siida. Dh: bogaadin, tahniyad, kadabaa. Li: cambaarayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hambalyo
bw: hanbalyo
de: congratulations
lx: hambalyo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: tahniyad
key: hambalyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambalyay
(fal) cid kale, bogaadi, tahniyadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Nafley canaanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalyee
(fal) eeg dhabaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambalyayn
m.f.dh eeg hambalyee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hambalyayn
-ta: (n) the act of congratulating: congratulation (kongaraajuleeyshen) ~ tahniyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambalyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hambalyo gaadhsiin oo bogaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humbaallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Humbaalle samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humbaallee
v. creep around with camouflage (to frighten ~ attack), assume a menacing position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbaallee
(fal) eeg humbullay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humbaallee
a: hunbaallee
de: creep around with camouflage (to frighten ~ attack), assume a menacing position
lx: humbaallee
pd: (humbaalleeyey)
ps: v2b=intr
key: humbaallee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambay
(fal) wax la cunayo, hambo reeb; wax ka tag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cunto la cunayo qaar reebid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hambee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cunto la cunayo qaar reebid. m.f.dh, hambayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hambee
v. leave something on the plate; have (some food) left over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hambee
-yey / hambeysay: (v) not empty the dish; leave some food on the dish [plate] ~ hanbee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambee
(fal) cunto iyo wixii la mid ah, ha dhammayne wax iska reeb. Dh: reeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hambee
a: hanbee
de: leave s.t. on the plate; have (some food) left over
lx: hambee
pd: (hambeeyey)
ps: v2b=tr
key: hambee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damalee
(fal) cod farxad leh ku mashxarad adoo carrabkaaga lulaya. Dh: mashxard, dalamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haalhee
f.mg2 (-heeyay, -haysay) Wax isu xilsaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haalhee
v. take responsibility (for), organize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haalhee
(fal) arrin ama wax kale, xilkiisa qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haalhee
de: take responsibility (for), organize (with preposition u)
lx: haalhee
pd: (haalheeyey)
ps: v2b=
key: haalhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambayn
m.f.dh eeg hambee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hambo reebid; wax ka tegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hambayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalyee
(fal) qaali ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Ramal dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balbalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax, balbalo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balbalee
v. build ~ construct a hut of branches and leaves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalee
(fal) meel ama wax kale, hadhee. Daaradda balbalee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balbalee
de: build ~ construct a hut of branches and leaves
lx: balbalee
pd: (balbaleeyey)
ps: v2b=tr
key: balbalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambasee
f.g2 (-seeyay, -seysay) la-mid: dambasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambasee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Wax dambas marin. la-mid: bambasee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambasee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Wax dambas marin. m.f.dh, dambasayn. la-mid: bambasee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambasee
v. cover something with ashes; dirty something with ashes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambasee
(fal) buuri iyo wax la mid ah, dambas ku dar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambasee
de: cover s.t. with ashes; dirty s.t. with ashes
lx: dambasee
pd: (dambaseeyey)
ps: v2b=tr
key: dambasee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Gabbalo yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbalee
v. stain, spot, leave a stain ~ spot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbalee
(fal) gabalgabal ama cadcad u qaybi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbalee
de: stain, spot, leave a stain ~ spot
lx: gabbalee
pd: (gabbaleeyey)
ps: v2b=tr
key: gabbalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si habaqle ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlee
(fal) eeg habaqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalhee
f.g2 (-heeyay, -haysay) 1. Wax muhimad gaar ah la siiyo wax ku saabsan sheeggiddiisa ku celcelin. 2. Qof maqan wax ku saabsan sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadalhee
f.g2 (-heeyay, -haysay) 1. Wax muhimad gaar ah la siiyo wax ku saabsan sheeggiddiisa ku celcelin. 2. Qof maqan wax ku saabsan sheegid. m.f.dh, hadalhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalhee
-ga: (magac, lab, keli) Wax muhimad gaar ah la siiyo wax ku saabsan sheeggiddiisa ku celcelin.
hadalhee-ga: (magac, lab, keli) qof maqan wax ku saabsan sheegid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAMBOOYE
(Hamboie) N Aerva ruspolii Lopri Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanbalyo
(Hanbalya-da)
1. Qof wax loo bogey sameeyey ama helay oo hadallo diirran oo dhiirriggelis ah lagu yiraahdo; bogaadis.
2. Cid faraxsan oo hadal lagu tuso in faraxooda lala wadaagayo ama lagala qaybgelayo.
3. baga! ama kadabaa! cid ku dhihid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanbalyo
f. n. congratulations
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanbalyo
-hanbalyada: (n) congratulations (kon garaajuleey-shinis); good wishes ~ tahniyad, hambalyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbalyo
-da: (magac, dhedig, keli) tahniyad iyo bogaadinta qof guul u soo hoyatay oo reeyay. Dh: bogaadin, bogaadis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanbalyo
a: hambalyo
de: congratulations
lx: hanbalyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hanbalyo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hanbalyo
مَبْرُوكَ مُبَارَكَةٍ، تَهْنِئَةً
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalee
(fal) cid kale, wax lugooyo ah kula kac; luggoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lambaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: lambari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lambaree
v. number, enumerate, put a number on something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lambaree
-yey/lambareysay: (v) give or assign a number to; number (nam bar) lambari, nambari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lambaree
(fal) lambar u yeel. Dh: nambaree, lanbaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lambaree
a: lambari, nambari
de: number, enumerate, put a number on s.t.
lx: lambaree
pd: (lambareeyey)
ps: v2b=tr
key: lambaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nambaree
f.g2 (-reeyay, -reysay) la-mid: lambari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nambaree
(fal) alaab mid walba nambar gaar ahu yeel. Alaabta ii wada nambaree. Dh: lambaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Cambaar u yeelid. 2. Cid ceeb iyo dhaliil ka faafin; dhaleecayn, ceebayn. m.f.dh, cambaarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambaaree
v. blame, reprove, condemn
cambaaree v. infect with eczema
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambaaree
-yey / cambaaraysay: (v) condemn (kon-deem); denounce (di-nownsi); criticize (kiriti-zaays) ~ canbaaree. —Syn: blame, reprehend, censure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaaree
(fal) cid kale, wax xun ku dhaleecee. Dh: eedee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gambaleel
-ka: (n) bell (beel) ~ ganbaleel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaleel
-ka: (magac, lab, keli) dawan ama jaras. Gambaleel ayaa dugsiga loo sameeyey.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hambal-ga
félicitation.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambalaal
m.l Kalluunku meesha uu ka neefsado oo dhegaha ka hooseysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hambalaal
m.l Kalluunku meesha uu ka neefsado oo dhegaha ka hooseysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambalaal
-ka: (magac, lab, keli) seebabka iyo qaabka uu kalluunku u neefsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamhamlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hadal hamham ah dhihid. la-mid: xamxamlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamhamlee
(fal) cod ama shanqar qaylo iyo sarwaxan ah ku hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbalyay
(fal) «u ~» cid kale, bogaadi; hanbalyo u dir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hangalle samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaayee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Nafley sumayn. 2. Waran, fallaar iyo wixi lamida waabaayo marin.