haltoddobaadyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haltoddobaadyo
(Haltoddobaadya-da)
Labo cuntub oo xiddigo ah oo midkiiba toddoba xiddigood (aragga isha) ka kooban yahay. Waa isu dhow yihiin, waxayna ku yaalliin cirka docdiisa woqooyi; waxaa lagu kala magacaabaa haltoddobaadyada weyn iyo haltoddobaadyada yar. Kuwa danbe xiddigohooda waxaa kamid ah Xiddigga Woqooyi (Qudub ama Udubka Woqooyi) (ama haltoddobaaddo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haltoddobaadyo
m.dh Cutubyo xiddigo ah oo midkiiba ka koobanyahay toddoba xiddigood oo la kala yiraahdo haltoddobaadyo weyn iyo haltoddobaadyo yar. la-mid: haltoddobaaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haltoddobaaddo
m.l la-mid: haltoddabaadyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haltoddobaaddo
f. n., pl. constellation composed of seven stars, Ursa Major and Ursa Minor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haltoddobaaddo
-da: (magacwadareed) labo cutub oo xiddigo ah oo midkiiba toddoba xiddigood (aragga isha) ka kooban yahay. Waa isu dhow yihiin, waxayna ku yaalliin cirka docdiisa waqooyi; waxaa lagu kala magacaabaa 'haltoddobaadyada weyn' iyo 'haltoddobaadyada yar' kuwa ah xiddigga waqooyi 'qudub' ama 'udub woqooyi' ama 'haltoddobaaddo'. Dh: urur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haltoddobaaddo
a: haltoddobaadyo (/da) [n2a-f-pl]
de: constellation composed of seven stars, Ursa Major and Ursa Minor
lx: haltoddobaaddo
pd: (/da)
ps: n2-f-pl
key: haltoddobaaddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baltodobaadle
-ha: (magac, lab, keli) ballan toddoba cisho la isku qabto. Markhaatigaaga baltoddobaadle ku keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toddobaad_1
de: seventh
hm: 1
initial: t
lx: toddobaad
pd: (-ka)
ps: num-ord
key: toddobaad_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toddobaad_2
de: week
hm: 2
initial: t
lx: toddobaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-time
xe: The week is seven days. The month is four weeks.
xv: Toddobaadkii waa toddoba maalmood. Bishii waa afar toddobaad.
key: toddobaad_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobaadle
m.l (-layaal, m.l/dh) Joornaal, wargeys iyo wixi lamida oo toddobadii beri mar soo baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toddobaadle
m.l (-layaal, m.l/dh) Joornaal, wargeys iyo wixi lamida oo toddobadii beri mar soo baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toddobaadle
m. n. weekly (magazine, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toddobaadle
-toddobaadlaha: (n) weekly (wiikli) ~ usbuucle. Ex: wargeys toddobaadle ah; a weekly newspaper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddobaadle
-ha: (magac, lab, keli) wargays toddobaadkii hal mar soo baxa; asbuucle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toddobaadle
de: weekly (magazine, etc.)
initial: t
lx: toddobaadle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: toddobaadle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toddobaatan
(Toddobaatan-ka)
Tiro ka kooban toddoba tobnaad; (70).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toddobaatan
m.l.t. Tiro ka kooban toddoba meelood oo min toban ah; “70”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toddobaatan
m.l.t. Tiro ka kooban toddoba meelood oo min toban ah; 70.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toddobaatan
num: seventy
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Toddobaatan
soixante-dix.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toddobaatan
-ka: (n) seventy (savan-ti); the number [70]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toddobaatan
-ka: (magacwadareed) tirro ka kooban toddoba tobnaad una qoranta 70.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toddobaatan
de: seventy
initial: t
lx: toddobaatan
pd: (-ka)
ps: num-m
key: toddobaatan
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Toddobaad-ka
semaine.