halraro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halraro
(fal) sababso wax ama eerso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halrar
f.mg1 (-ray, -rtay) Qof ama wax, wax lagu salladay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halrar
(fal) ceeb uu nin leeyahay, ku kale dusha uga tuur oo ka sin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halrarad
(Halrarad-ka)
Sababsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halrarad
-ka: (magac, lab, keli) sababsad ama eersad. Dh: sabab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halrarid
m.f.dh eeg halrar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halrarid
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb uu nin leeyahay, ku kale dusha uga tuurid oo ku midayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halrarsi
-ga: (magac, lab, keli) halrarashada iyo eersiga wax kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araro
f.mg3 (-rtay, -ratay) 1. Hadal ama qoraal gogoldhig u samaysasho. 2. Ka sii a.: wax in ay dhacayaan la filayo ka afeefsasho. 3. Xoola la waraabiyey inta aanay rakaadan daaq tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
araro
v. begin, introduce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
araro
-arartay / araratay: (v) make an introduction or preface
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araro
(fal) arar jeedi; hadalkaaga ama qoraalkaaga hordhac u yeel. Dh: araaro.
araro -ha: (magac, lab, keli) hareeraha dooxada, ama halka la degan yahay meelaha u dhowdhow. Araraha intaan marahayey igu arkaayeene. Dh: hareeraha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
araro
de: begin, introduce
lx: araro
pd: (arartay)
ps: v3b=
key: araro
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haaro
Escarpment
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harar
harar¹: m.l la-mid: harrar¹.
harar²: m.dh la-mid: harrar².
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HARAR
Terminalia spinosa 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harar
-ka: (magac, lab, keli) gogosha jaad ka mid ah oo cawska laga tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabo
(Halaba-da)
1. Xoolaha nool oo ama la soo helay ama la soo dhacay oo la qasho; dannabe.
2. Hanti, maal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabo
m.dh 1. Hawl la qabtay wax ka soo baxa. 2. H. ah: Hilibka laga qasho xoolo la soo dhacay. 3. Hanti xoolaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halabo
f. n., [collective] stolen ~ stray animals of which one takes possession; wealth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabo
-da: (magac, dhedig, keli) timaha oo inta inyar inyar la iskugu tidco la sii daayo iyaga oo aan dubka madaxa lagu nabin. Timuhu halabada way ku tarmaan. Li: furfur.
halabo -da: (magac, dhedig, keli) xoolaha nool ee la soo helay ama la soo dhacay oo la qasho. Dh: dannabe, dannabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halabo
de: stolen ~ stray animals of which one takes possession; wealth
lx: halabo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: halabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halako
(Halaka-da)
Waxyeelo daran oo qof, kd., la gaarsiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halako
m.dh (-ooyin, m.l) Dhaawac culus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halako
m.dh (-ooyin, m.l) Dhaawac culus. halamacood m.l Holac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halako
f. n. severe harm, damage, bad wound
halako inter. serves you right!
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Halako
nickname-unisex severe harm, damage, grievous wound (difficult delivery condition); or he may serve you right
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halako
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo nabarro cid la gaadhsiiyo. Dh: haluko, waxyeello. Wa: halakooyin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanrar
-ka: (magac, lab, keli) xadhig iskaga wareega labada dhinac ee awrka. Awrku yaanu dheelliyine hanrarka adkee. Dh: bayd, reryo, heryo.
hanrar -ka: (magac, lab, keli) haylaan ama alool caws buurbuuran laga sameeyo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HARAMO
(Haramo) N Flaveria trinervia (Spreng) Mohr. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harari
m.l.kh Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harari
m.l.kh Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harrar
(Harrar-ka)
Gogosha jaad kamid ah oo cawska laga sameeyo; raar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harrar
harrar¹: m.l (-rro, m.dh) Gogol caws ka samaysan oo lagu seexdo ama guriga lagu dedo. la-mid: harar¹.
harrar²: m.dh 1. Derin guryaha lagu dedo. 2. Dun dermooyinka lagu qurxiyo. la-mid: harar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harrar
m. n. grass mat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harrar
-ka: (magac, lab, keli) walax caws iyo xadhko la soohay ka samaysan oo hablaha Soomaalidu caan ku ahaayeen oo aqal Soomaaliga lagu hagoogo. Wa: harrarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harrar
de: grass mat
lx: harrar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: harrar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tararo
-ha: (magacwadareed) xubinta u dhexaysa misigta iyo jilibka. Dh: bawdyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Kala qaadidda qof kala qaado afka hurdo ama daal awgiis; hamaansasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halaaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Kala qaadidda qof kala qaado afka hurdo ama daal awgiis; hamaansasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halaaqo
-halaaqada: (n) the act of yawning; yawn (yoon) ~ hamaansi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) afkalaqaadka hurdada ama caajiska iyo wixii la mid ahi keenaan. Dh: hamaahsi, hamaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halraac
halraac¹: m.l Qaadid shax la halqaaday mid u dhow la qaado.
halraac²: f.g1 (-cay, -cday) Shax, dhagax la qaaday mid u dhow ka dab qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalyaro
(Qalyara-da)
Afka qalkiisa hoose oo sidii la arki jirey si ka yar u baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalyaro
m.dh Qalka hoose ee afka nafleyda oo ka yaraada sidii caadiga ahayd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalyaro
f. n. receding chin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalyaro
-da: (magac, dhedig, keli) afyari abuur ah oo uu afku intii la arki jirey ka yaraado. Qalyaro waa ku dhalasho ee xanuun ma'aha. Dh: afyaro.
qalyaro -da: (magac, dhedig, keli) eeg qalayari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalyaro
de: receding chin
lx: qalyaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qalyaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halrarasho
(Halrarasha-da)
Sabab u noqosho; eersasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halrarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhacdo sabab u noqosho. Dh: eersasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku halraro
v. cause, be the cause of
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_halraro
de: cause, be the cause of
lx: ku halraro
nt: halrarasho (/da) [vn-f]
pd: (halrartay)
ps: v3b=expr
key: ku_halraro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Wax ballaaran noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Wax ballaaran noqosho. m.f.dh, ballaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballaaro
v. become wide, get enlarged
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaaro
(fal) wax kala fidsan oo ballaadhan noqo. Ballaaro oo buuro ha lagaa baqee. Dh: ballaadho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballaaro
de: become wide, get enlarged Contrast: ballaarso
lx: ballaaro
pd: (ballaartay)
ps: v3b=intr
key: ballaaro
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carrarog
- ay / tay: (v) prepare [land], as by plowing for raising crops; till (tiil); cultivate (kol-ti-veyt) ~
carrorog —carrarog -ga: (n) cultivation (kol-ti-veyshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrarog
-ga: (magac, lab, keli) diyaarinta dhulbeereed; rogista carro loo diyaarinayo in wax lagu beero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalaalo
(Dhalaala-da)
1. Caano iyo subag laysku daro oo carruurta yaryar la siiyo.
2. Ilkaxanuun ka yimaada kulayl ama qabow aad u daran; (ama dhalalo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaalo
m.dh 1. Caano iyo subag la isku daro oo carruurta yaryar la siiyo. 2. la-mid: dhalaalyo, dhalalyo. Xanuun ilkaha laga dareemo marka ay la kulmaan wax qabow, macaan iyo wixi lamida. la-mid: dhalalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalaalo
m.dh 1. Caano iyo subag la isku daro oo carruurta yaryar la siiyo. 2. la-mid: dhalaalyo, dhalalyo. Xanuun ilkaha laga dareemo marka ay la kulmaan wax qabow, macaan iyo wixi lamida. la-mid: dhalalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalaalo
f. n., (mass n.): mixture of ghee and milk (given to children)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalaalo
de: mixture of ghee and milk (given to children)
lx: dhalaalo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: dhalaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Waqti dharaar ah wax cunid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dharaaro
magac loo baxsho gabadh milay dharaar ah dhalatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax la sugayey raagsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhararso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax la sugayey raagsasho. m.f.dh, dhararsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhararto
-da: (magac, dhedig, keli) wax sacab ka baxsan muggii.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
falsario
s.m. been qoraal abuure (dokumento, lacag, tikid iwm.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaararro
(Gaararra-da)
Kalluun badeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaararro
m.dh 1. Nooc kalluunka ka mid ah. 2. Dabada raha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaararro
f. n., [collective] ocean fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaararro
-da: (magac, dhedig, keli) nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaararro
de: ocean fish sp.
lx: gaararro
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: gaararro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabraaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Ugaar laysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabraaro
v. hunt for oneself, go hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabraaro
-tay I gabraaratay: (v) hunt for food by hunting wild animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabraaro
(fal) soo ugaadhso; ugaadh soo dabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabraaro
de: hunt for oneself, go hunting
lx: gabraaro
pd: (gabraartay)
ps: v3b=
key: gabraaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garraaro
f.g3 (garraartay, garraaratay) Garraar xirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habdarro
(Habdarra-da)
Si xun u habaysan; agaasin xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdarro
m.dh Nidaamdarro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdarro
m.dh Nidaamdarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habdarro
f. n. disorder, untidiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdarro
-da: (magac, dhedig, keli) qaab xumo, si xun u samaysnaan. Dh: agaasinxumo, nidaam-xumo, maamulxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habdarro
de: disorder, untidiness
lx: habdarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: habdarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habrasho
(Habrasha-da)
1. Meel ka dilan oo wax ka baqa haya; alaalabbiqid.
2. (is-habrasho) iskufillaan; is qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habrasho
m.f.dh eeg habro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habrasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka maagista cid la ixtiraamayo ama laga baqayo. Waa hadal wax badan baan habraye, uurku hayn karine.
habrasho -da: (magac, dhedig, keli) «u» cid kale, dhawrid oo u tudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagrasho
(Hagrasha-da)
Si hagari ku jirto wax u qabasho: xoogdhabiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagrasho
m.f.dh eeg hagro. la-mid: hagrad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagrasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hagrad. hagro: (fal) wax aad samayntiisa karayso canaag iyo daacad la'aan u qabo oo ha u hagarbixin. Dh: dhibiil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaaqoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Hurdo ama daal awgood af la kala qaadid; hamaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaqoo
(fal) hamaanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halalaco
m.dh Cudur geedka digirta ku dhaca oo caleenta ka daadiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halalaco
-da: (magac, hedig, keli) cudur geedka digirta ku dhaca oo caleenta ka daadiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halcasho
m.f.dh eeg halco. la-mid: halcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halcasho
-da: (magac, dhedig, keli) hillaaca iyo nuurka ka baxa bir iftiin qabtay sida cadceedda oo kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgarac
-a: (magacwadareed) dhasha gorayada.