halmaansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaansiin
m.f.dh eeg halmaansii. la-mid: halmaansiis, hilmaansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax illoowsiin. la-mid: hilmaansii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halmaansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax illoowsiin. m.f.dh, halmaansiin. la-mid: hilmaansii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halmaansii
ditransitive v. cause someone to forget something, make someone not remember something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaansii
(fal) cid kale, xusuusta u diid; illowsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halmaansii
a: hilmaansii
de: cause s.o. to forget s.t., make s.o. not remember s.t.
lx: halmaansii
pd: (halmaansiiyey)
ps: v2a=ditr
key: halmaansii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaansiis
m.l la-mid: halmaansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaansiin
m.dh la-mid: halmaansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xusuusasho u diidid; in la garwaaqsado seejin; illowsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halmaansan
der. [adjective] forgotten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halmaansan
-aa: (adj) forgotten (feer-geten); not remembered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaansan
(tilmaame) qof gefsan oo siduu u yidhi aanay wax ahayn. Dh: hilmaansan.
halmaansan: (tilmaame) qof illawsan oo aan xusuusnayn. Dh: hilmaansan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halmaansan
a: helmaansan, hilmaansan
de: forgotten
lx: halmaansan
pd: (halmaansanaa)
ps: adj-der
key: halmaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: halmaansii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilmaansii
ditransitive v. make someone forget something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilmaansii
-yey I say: (v) cause someone to forget or be unable to remember ~ ilowsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaansii
(fal) xusuusasho u diid; illowsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilmaansii
de: make s.o. forget s.t.
lx: hilmaansii
pd: (hilmaansiiyey)
ps: v2a=ditr
see: halmaansii
key: hilmaansii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamaansi
(Hamaansi-ga)
Hamaansasho; hamaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaansi
m.l la-mid: hamaansasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hamaansi
-ga: (n) the act of yawning; yawn (yoon) ~ halaaqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hamaansad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
helmaansan
der. [adjective] forgotten
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
helmaansan
a: halmaansan, hilmaansan
de: forgotten
lx: helmaansan
pd: (helmaansanaa)
ps: adj-der
key: helmaansan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilmaansan
der. [adjective] forgotten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilmaansan
(adj) forgetful (feer-getfuly, unmindful (an-maayn-ful), oblivious (a biliiviyas) ~ ilowsan, helmaansan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaansan
(tilmaame) mid wax illowsan; halmaansan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilmaansan
a: halmaansan, helmaansan
de: forgotten
lx: hilmaansan
pd: (hilmaansanaa)
ps: adj-der
key: hilmaansan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqaansiin
m.dh la-mid: marqaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax laguu sheegay illawsanaan.
halmaansanaan -ta: (magac, dhedig, keli) carrab sibiqsanaan. Dh: hilmaansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaanaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ammaano u dhiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhallaanciil
(Dhallaanciil-ka)
Wax aan sano dhammayn oo qofka filkiisa la tirsho wehesha; maalmaha ama bilaha qofku ku lee yahay sannadda uu dhashay; (ama dhallinciil, dhalliciin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallaanciil
m.l Muddo sannad ka yar oo qof da'diisa lagu tirsho. la-mid: dhallinciil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhallaanciil
m. n., [compound] birthday within the same year
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhallaanciil
de: birthday within the same year
lx: dhallaanciil
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
see: dhallinciil
key: dhallaanciil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhansiin
m.dh la-mid: dhadhansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, cunto ama cabbitaan siin, si uu dhadhankiisa u dareemo. Dh: dhadhansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto iyo wax la mid ah, kolba in weyn dhakhso u ligid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, amar farid. Amarsiinta badani ma fiicna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaansi
m.l la-mid: ammaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaansi
-ga: (magac, lab, keli) ammaano ama ergiso ahaan u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansiin
m.l Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. la-mid: baansiino, baasiin, baasiino, bansiin, bensiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baansiin
m.l Saliidda shidaalka ee cayriin marka la sifeeyo qeybaha ka soo baxa middood oo aan midab lahayn dabkana qabsan og oo loo isticmaalo shidaal ahaan; batrool. la-mid: baasiin, bansiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baansiin
m. n., (mass n.): gas, petrol
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baansiin
-ka: (n) gasoline (gaaseliin); petrol (petrool) bansiin, baasiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad khilaaf dhex yaal wada haladsiin. Dh: garransiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baansiin
de: gas, petrol
lx: baansiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
see: bansiin
key: baansiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadniin
-ka: (magac, lab, keli) duulitaanka hawada la dhex maro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haagniin
-ka: (magac, lab, keli) cunto si fiican u cunid oo ka dhergid. Dh: haagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaasin
(Habaasin-ta)
(xoolo: lo', kd.) neef rimman, kolka candhadiisa caano ku soo gurmaan oo soo weynaanteeda la gurto; jimic noqosho; gorin; xoomis; caris.
2. Siigo kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaasin
m.f.dh eeg habaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) habaas ama siigo kicin; awaaro kicin. Dh: siigayn, awaarayn.
habaasin -ta: (magac, dhedig, keli) candhada weynaan oo dhalmada oo dhaw darteen u soo buurnaansho. Dh: dhaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaasin
(Hagaasin-ta)
Hagaas ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaasin
m.f.dh eeg hagaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale hagaas ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaajin
(Halaajin-ta)
Halaag ku ridid; halaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaajin
m.dh la-mid: halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) halaag ku ridid; halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaahsi
-ga: (magac, lab, keli) afka oo si xooga loo kala waaxo oo loo kala qaado hurdo, xaraaro iyo wixii la mid ah awgeed. Dh: hamaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaanid
m.f.dh eeg hamaan². la-mid: hamaansad, hamaansasho, hamaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaanid
-da: (magac, dhedig, keli) hamaansi iyo caajis daraaddii afka la kala qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. la-mid: hamaan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hamaanso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Hurdo ama caajis awgiis af la kala qaadid. 2. Naftii baa ka h. satay: wuu dhintay. 3. la-mid: hamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamaanso
v. yawn, gape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hamaanso
-hamaansaday / hamaansatay: (v) yawn (yoon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaanso
(fal) astaanta in ay hurdo ku hayso laga garto yeelo oo afka kala waax, oo neef badan ka keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamaanso
de: yawn, gape
lx: hamaanso
nt: hamaansad (ka) [vn-m], hamaansasho (/da) [vn-f], hamaansi (ga) [vn-m]
pd: (hamaansaday)
ps: v3a=
key: hamaanso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalsiin
m.f.dh eeg maalsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadsiin
m.dh la-mid: abaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax baaba'ay ka dhigid ama goofin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanjin
m.dh la-mid: calaanjiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahansiin
m.dh la-mid: fahamsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale oo wax ka daahnaayeen, garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanjin
m.f.dh eeg falaanji. la-mid: falaanjis, falaanjiyid, falaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansiin
m.dh Gargaaridda, caawinidda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacansiin
m.dh Gargaaridda, caawinidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacansiin
vl. n. helping, giving someone a hand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, gargaarid ama kaalmayn. Dh: caawin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacansiin
de: helping, giving s.o. a hand
lx: gacansiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gacansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gama'siin
m.dh eeg gama'sii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gama'siin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, seexin ama hurdo u horseedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garansiin
(Garansiin-ta)
1. Wax xusuusin: garwaaqsiin; u baaqid; u digid.
2. Barid; dhacsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garansiin
m.f.dh eeg garansii. la-mid: garansiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garansiin
vl. n. reminding, convincing, warning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax fahansiin oo ka raaridid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garansiin
de: reminding, convincing, warning
lx: garansiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: garansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalsiin
m.f.dh eeg hadalsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhansi
m.l la-mid: haldhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaalid
m.f.dh eeg halmaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaalid
-da: (magac, dhedig, keli) xirfad iyo wixii la mid ah, ku shaqaysi lagu shaqaysto oo wax lagaga dheefo.
halmaalid -da: (magac, dhedig, keli) (la ~) cid kale, wax la wadaagid ama kala mid ahaansho; wax kala sinnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halmaamid
(Halmaamid-da)
1. Erey halmaan ah, ku tiraabid; kammi'id.
2. Illaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaamid
m.f.dh eeg halmaan². la-mid: halmaan¹, hilmaamid, hilmaan¹.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Halmaamid
Dimenticanza
Forgetfulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaamid
-da: (magac, dhedig, keli) illaabid ama xusuusasho la'aan. Dh: hilmaamid, illaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halmaan_1
a: helmaan ~ hilmaan
de: forget
hm: 1
lx: halmaan
pd: (halmaamay)
ps: v1=
key: halmaan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halmaan_2
a: halmaanid ~ helmaanid (da) [vn-f]
de: forgetting, forgetfulness
hm: 2
lx: halmaan
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: halmaan_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamaansad
(Hamaansad-ka)
Hamaansasho; hamaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaansad
m.l la-mid: Hamaansasho; hamaa-nid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaansad
-ka: (magac, lab, keli) afka kala waaxis iska timaadda oo neef badan afka laga keeno, kolka la iska dareemo daal ama hurdo ama wax la mid ah. Dh: hamaansi, hamaansasho, hamaahsad, hamaahsi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hamaansad
تُؤَبَاء