halmaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halmaan
(Halmaan-ka)
1. Erey aan la rabin in la yiraahdo oo gef carrabku u boobo; gefka carrabka; gefka hadalka; kamma.
2. Illow; xusuusanwaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaan
halmaan¹: m.l 1. Xusuus la'aanta la xusuusan waayo wax hore loo soo maray. 2. la-mid: halmaamid.
halmaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Wax illoobid. la-mid: hilmaan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halmaan
halmaan¹: m.l 1. Xusuus la'aanta la xusuusan waayo wax hore loo soo maray.
halmaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Wax illoobid. m.f.dh, halmaamid. la-mid: hilmaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halmaan
v. forget
halmaan vl. n. forgetting, forgetfulness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halmaan
-ka: (n) the act of forgetting; forgetfulness (forget-fuul-nes) ~ hilmaan, helmaan
halmaan -halmaamay I halmaantay: (v) forget (feer-get)-, be unable to remember
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaan
(fal) illaw oo ha xusuusan. Dh: hilmaan.
halmaan -ka: (magac, lab, keli) xasuusla'aan iyo illaw. Kolka la gaboobo halmaan kaa dadka ku bata. Dh: illow, hilmaan.
halmaan -ka: (magac, lab, keli) carrabka oo xada wixii in la yidhaa la doonayo wax ka duwan. Halmaan hadal kuma jiro. Dh: gef, kama'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shalmaan
(Shalmaan-ka)
1. Qoryo heeraabka afka ku wada haya oo doonyaha fero u ah.
2. Doonyo xoogag badan oo maraakiibta wax ka soo roga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalmaan
m.l (-nno, m.dh) Qoryo heeraabka afka ku wada haya oo doonyaha feero u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shalmaan
m. n. planks of a boat; lighters (boats)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalmaan
-ka: (magac, lab, keli) qoryo heeraabka afka ku haya oo doonyaha feedho u ah; shilmaan. shalmaan -ka: (magac, lab, keli) doonyo xoog badan oo wax lagaga soo rogo maraakiibta iyo doonyaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shalmaan
de: planks of a boat; lighters (boats)
initial: s
lx: shalmaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: shalmaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaan
hamaan¹: m.l.kh Nin naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid tahay. la-mid: haamaan.
hamaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) Mushkilo xallinteeda kari waayid. la-mid: hamaanso (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hamaan
m.l.kh Nin naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid tahay. la-mid: haamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamaan
m. n. (adj.): cunning ~ sly person; astute; ruthless, fearful (to be feared), of fiendish cleverness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hamaan
(n) see [eeg] haamaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaan
(fal) caajis iyo daal iska dareen.
hamaan -ka: (magac, lab, keli) eeg haamaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamaan
a: haamaan
de: cunning ~ sly person; [atr.] astute; ruthless, fearful (to be feared), of fiendish cleverness
lx: hamaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hamaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haamaan
m.l la-mid: hamaan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haamaan
m. n. (adj.): cunning ~ sly person; astute; ruthless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haamaan
-ah: (adj) wily (waayli); sly (islaay); tricky (tiriki) ~ nahaab. —Syn: cunning, crafty, foxy, artful, guileful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamaan
(tilmaame) qof hunguri xun oo aan waxba dhawran. Haamaan hanti guud looma dhiibo. Dh: iimaanlaawe. Wa: haamaanno
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haamaan
de: cunning ~ sly person; [atr.] astute; ruthless
lx: haamaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: hamaan
key: haamaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkaan
Halkakan; meeshatan; meeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkaan
n. phr., loc. here, at this place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkaan
(adv) at or in this place; here (hiyer); hither (hith er) ~ meeshaan. Ex: halkaan kaalay; come hither. 2. hereby (hiyer-baay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkaan
(falkaabe) lagu tilmaamo meesha dhow. Dh: halkan, meeshan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkaan
de: here, at this place
lx: halkaan
ps: np-loc
xe: Stay here and wait for me!
xv: halkan
key: halkaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaal
f.mg1 (-aalay, -aashay) Wixii la halmaala: wixii la xariira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halmaal
f.mg1 (-aalay, -aashay) Wixii la halmaala: wixii la xariira. m.f.dh, halmaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaal
(fal) (la ~) cid kale, wax la wadaag ama kala mid ahaw; wax kala sinnaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
helmaan
v. forget
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
helmaan
-ka: (n) the act of forgeting; forgetfulness (feer-get-fuulnes) ~ hilmaan, helmaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helmaan
(fal) wax illow oo halmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
helmaan
a: hilmaan
de: forget
lx: helmaan
pd: (helmaanay)
ps: v1=
see: halmaan
key: helmaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaan
hilmaan¹: m.l la-mid: halmaamid.
hilmaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) la-mid: halmaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilmaan
v. forget; lapse into error, make an inadvertant mistake in speaking; be out of tune
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilmaan
-hilmaamay / hilmaantay: (v) be unable to remember; forget (feerget)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaan
(fal) illaw oo ha xusuusan. Dh: halmaan.
hilmaan -ka: (magac, lab, keli) wax ama dhacdo, illaawid oo halmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilmaan
bw: halmaan
de: forget; lapse into error, make an inadvertant mistake in speaking; [ext.] be out of tune
lx: hilmaan
nt: hilmaan (ka) [vn-m]
pd: (hilmaamay)
ps: v1=
key: hilmaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hilmaan
نسیان
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalmaan
m.dh.w eeg qalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalmaan
f. n., pl. pens
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qalmaan
-ta: (n) [plural ofqalin] pens (peenis) ~qalimo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalmaan
bw: Arabic
de: pens Sg: qalin
lx: qalmaan
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: qalmaan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Salmaan
name-m peaceful, safe, secure, healthy, wholesome (name of the first Persian to embrace Islam)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrabbaab
(Carrabbaab-ka)
Gefka carrabka; halmaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halmaamid
(Halmaamid-da)
1. Erey halmaan ah, ku tiraabid; kammi'id.
2. Illaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrabbaab
carrabbaab¹: m.l Gefka carrabka; halmaan. la-mid: carrabbow¹.
carrabbaab²: f.g/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Wax xusid ama sheegid. 2. (f.mg) Si qalad in yar oo tibix ah ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaamid
m.f.dh eeg halmaan². la-mid: halmaan¹, hilmaamid, hilmaan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaansiin
m.f.dh eeg halmaansii. la-mid: halmaansiis, hilmaansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaansiis
m.l la-mid: halmaansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: halmaansii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilmaansiin
m.dh la-mid: halmaansiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halmaansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax illoowsiin. m.f.dh, halmaansiin. la-mid: hilmaansii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaansan
(tilmaame) qof gefsan oo siduu u yidhi aanay wax ahayn. Dh: hilmaansan.
halmaansan: (tilmaame) qof illawsan oo aan xusuusnayn. Dh: hilmaansan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax laguu sheegay illawsanaan.
halmaansanaan -ta: (magac, dhedig, keli) carrab sibiqsanaan. Dh: hilmaansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaansan
(tilmaame) mid wax illowsan; halmaansan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilmaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) illowsanaan; halmaansanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moogganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ogaal la'aan; warqab la'aan. Dh: halmaansanaan. Li: ogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafil
-ka: (magac, lab, keli) qof halmaansan oo wax garashadiisu dhantaalan tahay oo aan waxba kala oggeyn; qof maskaxdiisu maqan tahay. Wiilku waa qaafil oo kasmadiisu way kooban tahay. Dh: oodan, maahays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halmaan_1
a: helmaan ~ hilmaan
de: forget
hm: 1
lx: halmaan
pd: (halmaamay)
ps: v1=
key: halmaan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halmaan_2
a: halmaanid ~ helmaanid (da) [vn-f]
de: forgetting, forgetfulness
hm: 2
lx: halmaan
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: halmaan_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhallaan
(Dhallaan-ka)
Carruur yaryar; dhal; ubad; ilmo; gurbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallaan
m.l Carruur yaryar; ilmo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhallaan
m.l Carruur yaryar; ilmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhallaan
m. n. baby, infant; small children
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhallaan
-ka: (n) children (jil-dhareen); juvenile (juu-va-naayl) ~ ubad, carruur ama ilmo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhallaan
-ka: (magac, lab, keli) carruurta ama ubadka yaryar ee aan waynaan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhallaan
وَلِيدٍ، مَوْلُودٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhammaan
(Dhammaan-ta)
Aan wax ka maqnayn, dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaan
m.f.dh eeg dhan³. la-mid: dhammaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhammaan
m.f.dh eeg dhan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhammaan
f. n., (mass n.) (adj.): entirety, the whole; all, entire, complete
dhammaan [feminine] n. end, conclusion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhammaan
(adj) all (ool); whole (hool); entire (en-taayer) ~ dhan. Ex: buugga dhammaantiis waan akhriyey; I read the entire hook. Ex: dhammaan adduunka: the whole world
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhammaan
Tutto
All
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaan
(tilmaame) inta kolkaa la sheegayo oo dhan. Dh: giddi, idil, gebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaagan
halaagan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax baaba'ay noqosho. la-mid: halligan¹.
halaagan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax baaba'ay ahaansho. la-mid: halligan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halaagan
f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax baaba'ay noqosho. m.f.dh, halaagmid. la-mid: halligan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaagan
der. [adjective] annihilated, defeated; extinguished; extinct, dead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halaagan
(adj) destroyed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagan
(tilmaame) wax baaba'san oo rafaad iyo dhibaato qaba. Dh: halaagsan, baaba'san.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaagan
de: annihilated, defeated; extinguished; extinct, dead
lx: halaagan
pd: (halaagnaa)
ps: adj-der
key: halaagan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halqaban
(Halqaban-ka)
Daboolka birlaxooxeedda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halqaban
m.l (-nno, m.dh) Daboolka birta canjeerada ama laxooxda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halqaban
m. n. lid for a frying pan ~ griddle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqaban
-ka: (magac, lab, keli) daboolka daawaha laxooxda lagu dubo. Dh: dabool, hanqabal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halqaban
cf: dabool; birlaxooxeed, daawe
de: lid for a frying pan ~ griddle
lx: halqaban
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: halqaban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqaman
-ka: (magac, lab, keli) daboolka daawaha laxooxda lagu dubo. Dh: halqaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylnaan
m.f.dh eeg haylan. la-mid: haylnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilmaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg shalmaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Amaan
name-unisex trust; praised, admired. cf: Ammaanle
Carabi: name-m trust, safe, peace, security
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaan
-ka: (magac, lab, keli) cad kuruska ku dhex jira oo jilicsan aadna loo jecel yahay. Amaan kurusa awrtii la qalay alamsan maayaane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alfaan
m.dh.w eeg alif (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
alfaan
f. n., pl. stripes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alfaan
-ta: (n) [plural of alif] stripes (istraaypis); a strip of cloth worn on a uniform to indicate ranks
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alfaan
-ta: (magacwadareed) derejooyinka ciidanka kuwooda alifka wata sida alifle, laba'alifle iyo saddex'alifle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
alfaan
de: stripes
lx: alfaan
pd: (-ta Sg: alif)
ps: n8-f-pl
key: alfaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
almaas
m.l Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah. la-mid: dheeman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
almaas
m.l Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah; dheeman.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Almaas
name-unisex diamond