halkudheg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkudheg
(Halkudheg-ga)
Hadal badan ama gabay, kd., ereyga ama tixda murtidiisu ku jirto; halka dulucdu ku uruursan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halkudheg
m.l (-gyo, m.dh) 1. Dulucda hadalka ku jirta. 2. Hadal kooban oo murti xambaarsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkudheg
m. n., [compound] theme word of a song ~ speech; slogan, motto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkudheg
-ga: (n) slogan (slowgan); motto (maatow); catchword (kaj woordh) ~ oraah, halhays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkudheg
-ga: (magac, lab, keli) eray ama weedh uu qof mar walba ku halqabsado. Awawgay wuxu halkudheg u lahaa: haddii Eebbe idmo. Dh: halkudhig.
halkudheg-ga: (magac, lab, keli) hadal badan ama gabay iyo wixii la mid ah, erayga ama tixda murtidiisu ku jirto; halka dulucdu ku urursan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkudheg
cf: halhays
de: theme word of a song ~ speech; slogan, motto
lx: halkudheg
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: halkudheg
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hal ku dheg
-ga: (n) slogan (slow-gan), motto (maatow) ~ oraah, halhays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isloogan
m.l (-nno, m.dh) Halkudhegyo qeexaya ujeeddo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
catch-word
/kaj-wordh/ (n) halkudheg.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
motto
/motow/ (n) halkudheg (hadal gaaban oo dulucda iyo dantu ku kooban tahay, oo qof, urur, shirkad iwm adeegsadaan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareenjiite
-ha: (magac, lab, keli) halkudhegga ku dhexjira maanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marakudheg
(Marakudheg-ta)
Geed nagaar ah; marabboob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marakudheg
m.dh Nooc cawska ka mid ah oo mirihiisu dharka ku dhegaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marakudheg
f. n., [compound] weed species that sticks to one's clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marakudheg
-ga: (magac, lab, keli) geed nagaadha ka mid ah oo ganka midhihiisu ay wax qabsadaan. Dh: maraboob, marabi'is.
marakudheg -ga: (magac, lab, keli) ku adkaysiga afkaarta iyo waxa la damco oo ra'yiga laga debci waayo. Dh: hal'adayg
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marakudheg
de: weed sp. that sticks to one's clothes
lx: marakudheg
pd: (-ta)
ps: n2a-f-cmp
syn: marabboob
key: marakudheg
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MARA-KUDHEG
(Maragudeg) N Kissenia arabica Chiov. Loasaceae.
N, S, C Pupalia lappacea (L)A. Juss Amaranthaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farakudhig
-ga: (magac, lab, keli) wax kaa maqnaa, taabid.
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
Hakad-heeg
;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkume
m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. Abuure ah, wax uuma. 2. Iilaah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alkume
-ha: (magac, lab, keli) Eebbaha awoodda u leh in uu wax walba la'aan ka jirsiiyo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
allude
/alluudh/alludes, alluding, alluded; (v) hadal maldihid ama sarbeebid; dul marid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
allude
/aluudh/ (v) serbeebow amy hathyl qariyow. The newsman alluded the news.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhee
(fal) arrin ama wax kale saamayn ku yeelo. Dh: hadhay.
hadhee: (fal) hadh u samee ama hoos u yeel. U hadhee magasha dhulku waa kulayle. Dh: hadhay, haree, haray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halhee
f.g2 (-heeyay, -haysay) Mar kasta wax ama qof ka hadlid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halhee
f.g2 (-heeyay, -haysay) Mar kasta wax ama qof ka hadlid. m.f.dh, halhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halked
(Halked-da)
Kalluun (ama halkid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halked
m.dh (-dyo, m.l) Nooc libaax-badeedka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halked
f. n., [collective] ocean fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halked
-ka: (magac, lab, keli) jaad kalluunka ka mid ah oo ku nool Badda Cas. Dh: halkid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halked
a: halkid
de: ocean fish sp.
lx: halked
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: halked
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkee
loc. question word: where?
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Halkee
quel lieu, où.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkee
(adv) to what place; where (weer) ~ meeshee, xaggee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkee
de: where?
lx: halkee
ps: qw-loc
xe: Where is he going?
xv: Halkee buu tagayaa?
key: halkee
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
halkee
أَيْنَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkid
(Halkid-da)
Kalluunka badda jaad kamid ah (ama halked).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkid
-da: (magac, dhedig, keli) kalluunka jaad ka mid ah. Dh: halked.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkuu
conj., vl. pron. where he / it [masc.] ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkuu
de: where he / it [masc] ... = hal (ka) + uu
lx: halkuu
ps: conj + vpro
xe: Ask him where hes going.
xv: Weydii halkuu tagayo.
key: halkuu
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HAMUDE
Allophylus alnifolius 10, Grewia cerasifera 001
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
palude
s.f. - dhasheeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiimika) Iskudhis uu ku jiro halojiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiim.) Iskudhis uu ku jiro halojiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halbeeg
m.l (-gyo, m.dh) Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halbeeg
m.l (-gyo, m.dh) Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halbeeg
-ga: (magac, lab, keli) xaddisaleedka cabbiraadda walxaha. Halbeegga culaysku waa 'kg'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haldhaa
(Haldhaa-ga)
Goroyada keeda lab; goray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhaa
m.l (-aayo, m.dh) Gorayada keeda lab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haldhaa
m.l (-aayo, m.dh) Gorayada keeda lab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haldhaa
m. n. male ostrich
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Haldhaa
name-f male ostrich. Lit: very beautiful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haldhaa
-ga: (n) male ostrich ~ goray, [opposite of goroyo]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Haldhaa
magac loo baxsho gabadh qurux badan oo lagu metaalayo gorayga lab oo lagu yaqaan qurux iyo xarrago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhaa
-ga: (magac, lab, keli) gorayada keega lab. Dh: goray, gorayhaldhaa, haldherre.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haldhaa
bw: goroyo, haldhurre
de: male ostrich
lx: haldhaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: goray
key: haldhaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haldhac
(Haldhac-a)
1. Erey ama hadal aan la doonayn in la yiraahdo ama la sheego oo si dagmid ah u soo dhaca.
2. Gef; deelqaaf; dhabaq; meelkadhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Eray ama hadal aan la doonayn in la sheego oo si aan loo qasdiyin u soo dhacay. 2. Deelqaaf; gaf. 3. (u) Miro bislaaday oo soo daatay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haldhac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Eray ama hadal aan la doonayn in la sheego oo si aan loo qasdiyin u soo dhacay. 2. Deelqaaf; gaf. 3. (u) Miro bislaaday oo soo daatay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haldhac
m. n., [compound] indiscretion, tactlessness; mistake, slip of the tongue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhac
-a: (magac, lab, keli) eray ama hadal meel aan ku habboonayn lagu yidhi. Dh: deelqaaf, gef, hogseeg.
haldhac-a: (magac, lab, keli) eray ama hadal aan la doonayn in la sheego oo si aan loo qasdiyin u soo dhacay.
haldhac-a: (magac, lab, keli) midho bislaaday oo soo daatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haldhac
cf: deelqaaf, dhabaq, gef
de: indiscretion, tactlessness; mistake, slip of the tongue
lx: haldhac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: haldhac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhan
m.l Badar buunshadii laga saaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haldhan
m.l Badar buunshadii laga saaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhan
-ka: (magac, lab, keli) (tilmaame) badar buunshadii laga saaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkeer
Meesheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkeer
n. phr., loc. there (in the middle distance)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkeer
(adv) at or in thatplace; there (theer) ~ halkaa, halkaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkeer
(falkaabe) lagu tilmaamo meel aan aad u fogayn. Maqashu halkeer bay daaqaysaa. Dh: meesheer, halkoor, halkoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkeer
cf: halkaas
de: there (in the middle distance)
lx: halkeer
ps: np-loc
key: halkeer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halukee
(fal) waxyaalo gaarsii; halid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldhag
-ta: (magac, dhedig, keli) sangadha ka yeedha kabaha uu qof xidhan yahay. Dh: jabaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldheb
f.g/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Si degdeg ah biyo u cabbid (xoolo). 2. (f.mg) Awr wax uu rabo in uu dilo u fara baxsasho. la-mid: qaldhex.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldheb
(fal) xoolo, si degdeg ah biyo u cab. qaldheb: (fal) awr wax uu rabo in uu dilo u fara baxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaldhex
f.g/mg1 -xey, -xday la-mid: qaldheb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saldhig
(Saldhig-ga)
1. Wax salka la saaro oo lagu fariisto; kursi; ganbar: gogol.
2. Xasil; degganaan.
3. Wax la tarminayo, wax lagu (ama laga) bilaabo; gundhig.
4. Meel; jago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saldhig
m.l (-gyo, m.dh) 1. Aasaas. 2. Meel ciidan xarun u ah. 3. Rug ciidan ay ku leeyihiin dal aan kooda ahayn. 4. Maamul booliis oo heer degmo ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saldhig
m.l (-gyo, m.dh) 1. Aasaas. 2. Meel ciidan xarun u ah. 3. Rug ciidan ay ku leeyihiin dal aan kooda ahayn. 4. Maamul booliis oo heer degmo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saldhig
m. n., [compound] seat, chair; pause, rest; station; foundation, basis; base
saldhig: v., [compound] sit down, rest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saldhig
-ga: (n) 1. station (isteey-shiny, headquarters (heedh-kuwoor-teris) ~ xarunta dhexe. 2. base (beeys). Ex: saldhig milatari; military base
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saldhig
Sede
Head office
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saldhig
(fal) dhulka dabada saar.
saldhig: (fal) is deji oo si xasiloon u dhaqan.
saldhig: (fal) hadal iyo wixii la mid ah, deji; ka baaraandeg.
saldhig-ga: (magac, lab, keli) xarun ciidan deggen yahay; fadhi ciidan. Dh: xarun.
saldhig-ga: (magac, lab, keli) rug qof ama soo hagaago. Xaggee hadda kuu saldhig ah
saldhig -ga: (magac, lab, keli) wax salka la saaro oo lagu fadhiisto; fadhiisasho; xasilid: degid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saldhig
مَحَطَّة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'adag
(tilmaame) qof arrintiisa ku adkaysta oo kartidiisa ku meel marin kara. Li: ilnugul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldheji
m.l la-mid: dhaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkable
(Halkabla-ha)
1. Qofka aan maanso fiican oo badan tirin aqoone, hadba hal soo rita.
2. Gabarey-maanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halkable
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof aan gabay fiican aqoon oo hadba hal soo rida. 2. Gabarey-maanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkable
m. n. bad poet, bad reciter of poetry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkable
-ha: (magac, lab, keli) qof aan gabay fiican oo badan tirin karin balse kolba hal soo tuura. Dh: tixgaab, beydgaab.
halkable -ha: (magac, lab, keli) eeg gabadhey-maanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkable
de: bad poet, bad reciter of poetry
lx: halkable
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: halkable
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haro-deg
Lake dwelling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jar'udeg
(fal) xeel iyo xirrib ku dhagar oo dabin sireed u dhig; qorshe ku-talo-gal ah ku khatal, jaamac u go'ayaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladhee
(fal) midab mari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaladhig
m. n. separation {chemistry}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaladhig
de: separation {chemistry}
lx: kaladhig
pd: (-ga)
ps: n2a-m
see: dhig
key: kaladhig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Malibdhe
-ha: (magac, lab, keli) mid ka mid ah xiddigaha waaweyn ee iftiinka badan. Malibdhe iyo Mushtar waa isku mid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SARMUDHE
(Sarmude) C, N Aristolochia rigida Duch. Aristolochiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalkujoog
m.l (-gyo, m.dh) Ruqso qoraal ah oo qof loogu oggolaado in uu dal shisheeye ku deggenaado.