halkaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkaas
Meeshaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkaas
n. phr., loc. there, over there, at that place
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Halkaas
là.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkaas
(adv) at or in that place; there (theer) ~ halkaa, halkeer, meeshaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkaas
(falkaabe) lagu tilmaamo meesha kaa foge ee kuu muuqata. Dh: kobtaas, meeshaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkaas
de: there, over there, at that place
lx: halkaas
pd: (halkaasi)
ps: np-loc
key: halkaas
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkaa
n. phr., loc. there
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Halkaa
ici.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkaa
(adv) at or in that place; there (theer) ~ halkaan, meeshaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkaa
(falkaabe) lagu tilmaamo meel hadlaha ka durugsan laakiinse u muuqata. Dh: kobtaa, halkaas, meeshaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkaa
a: halkaas
de: there Lit: that place
lx: halkaa
ps: np-loc
key: halkaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkaan
Halkakan; meeshatan; meeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkaan
n. phr., loc. here, at this place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkaan
(adv) at or in this place; here (hiyer); hither (hith er) ~ meeshaan. Ex: halkaan kaalay; come hither. 2. hereby (hiyer-baay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkaan
(falkaabe) lagu tilmaamo meesha dhow. Dh: halkan, meeshan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkaan
de: here, at this place
lx: halkaan
ps: np-loc
xe: Stay here and wait for me!
xv: halkan
key: halkaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afwebi
m.l (--afwebi, m.l) (juqraafi) Halka webiga iyo baddu iska galaan, halkaas oo saamaynta mawjaddu ay ka muuqato, isla markaasna ah halka biyaha webiga ee macaan iyo biyaha baddu iskaga darsoomaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aldhihaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiimika) Qayb ka mid ah iskudhisyada oorgaanikada ah ee noocoodu yahay -C-H; halkaas oo R ay tahay koox alkayl ama arayl ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amiiba
m.dh (-booyin, m.l) (baayoloji) Duul ka tirsan borotosowa, jidhkooduna leeyahay soo baxyo aan joogto ahayn oo loo yaqaanno addimobeenaadyo. Kuwaas oo ay u isticmaalaan socodka iyo quudashada taas oo keenta in qaabka jidhkoodu si joogto ah isku beddelo. Sinjiyada amiibada badankoodu waxay si xor ah ugu dhex noolyihiin carrada, dhooqada ama biyaha halkaas oo ay ka quutaan borotosowaha yaryar iyo dhirta kale ee unugleyda ah, laakiin tiro yar ayaa dulin ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-cabirid
m.dh (kiimika) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buq
buq¹: m.dh (-qo, m.l) 1. Meesha ay biyaha ka soo burqadaan. 2. Ceel biyo badan leh. 3. Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan.
buq²: m.dh (-qo, m.l) 1. (jooloji) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqraafi) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).
buq³: f.mg1 (-qay, -qday) Biyo, neef, gaas iyo wixi lamida oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calyoceshade
m.l.u (-dayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Dir hoosaad naasleyda qoobabka leh oo ay ka midyihiin idaha, riyaha, lo'da iyo cawsha. Waxa astaan u ah calool afar lakab ah, oo qaybta ugu horaysa la yidhaahdo “ruumen” taas oo burbuisa “selilowska”. Cuntada waxa si ku meel gaadh ah loogu keydiyaa “ruumenka”, halkaas oo dib loogu burburiyo looguna calaaliyo balbka, inta aan la liqin loona gudbin qaybta kala ee caloosha iyada oo dheefshiidku halka ka sii socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeyl-kulul
m.dh (-lo ..., m.l) (juqraafi) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhaab-shileed-hoose
m.l (-dyo ..., m.dh) (jooloji) Dhadhaabo shiileed oo ku qaboobey (adkaaday) dhul aad u hooseeya, halkaas oo qaboobiddu gaabiso, macdanaha kala duwan ay waqti qaadato wirqeysigooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
embolas
m.l (-syo, m.dh) (daawo) Walax, sida: xinjir, dufan, hawo, xabka ilamaha, dhiigaa raaca ka dibna ku joogsada meel oo xididka awda; dhiiggana halkaas wareegiisa ku joojiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ka
ka¹: mu.ti.l (kuwa, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tusaale: “Ka yimid waa Cali”. la-mid: kan².
ka²: h (nax) Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa ama hortiisa : a) qurub la xiriira meesha laga dhaqaaqay ama wax laga qaaday. Tusaale: “Balcad ayuu ka yimid”, “Qalin ayuu jeebkiisa ka soo bixiyay”, “Tuulo ka tuulo ayuu nastaa”; b) qurub barbardhigid loo isticmaalo. Tusaale: “Marka waxaa ka weyn Xamar”; c) qurub la xiriira meel uu fal ka dhacay ama laga gudbayo. Tusaale: “Kooxdan buu ka cayaarayaa”, “Halkaas buu guri ka dhisay”, “Waddada buu ka tallaabay”.
ka³: (-ka) q.l Qodob magaca lab dib loogu qodbo si looga dhigo wax cayiman. Wuxuuna raacaa magacyada lab oo ku dhammaada b, d, f, l, n, r, s (sh). Qodobkaa waxaa ka farcama: -ga, -ha, -a oo raacaan magacyada kale ee labka ah. Tusaale: “ nin+ka- >ninka, buug+ka->buugga”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayn-badhaale
m.l (-layaal, m.l/dh) (juqraafi) Kaymaha cagaar-ma-dhigeyaasha ah ee ka baxa dhulalka badhaalaha, halkaas oo roobku uu culusyahay, Xilli oomane ahna usan jirin; meelaha qaarkood kaymahaani waxay ku sii fidsanyihiin dhulalka mansuunta dhabta ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayn-mansuun
m.l (-nno, m.dh) (juqraafi) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen-dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keeda
keeda¹: mu.lh.l (kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dhaddig) ay leedahay. Tus.”keedu wuxuu ka muuqdaa halkaas”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koox-amayno
m.l (-xo ..., m.l) (kiimika) Iskudhis leh kooxda - NH - halkaas oo atamka naytarojiin aanu ku dheggeneyn kooxo kaarbonayt ama atamyo kale oo haydarojiin ah. Ururku waa kooxda amayno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulaalayaal
m.l/dh (juqraafi) Gobolka ku yaal inta u dhexaysa kulaalaha woqooyi iyo kulaalaha koonfureed oo marmarka qaarkood loo yaqaan jiidda kulul. Jiidaas waxay qorraxdu toos isu dul taagtaa laba jeer sannadkii, iftiinka qorraxduna uguna dhaco jeenjeedh, cimilo ooreededuna waa kulaal. Eraygu wuxuu inta badan xambaarsanyahay meelo ku qabsan loolka sare, tusaale, ugu fogaan ilaa 30° w iyo k, halkaasoo xaaladda cimilada kulaalayda, tusaale, ahaan, laga helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogsidhayn
m.dh (kiimika) Habka atam, ayoon, ama molikiyuul ku lumiyo elektaroonno. Habkani waxa uu u dhici karaa si kiimikaad iyada oo la adeegsanaayo falgal uu ku jiro ogsidheeye, ama si danabeed iyada oo ogsidhayntu ka dhacayso qotinka togan. Tusaale ahaan, 2Na + Cl --> 2Na + 2Cl halkaas oo koloriin ay tahay ogsidheeye, naatriyamna la ogsidheeyay. Wejiga ogsidhaynta ee atam waxa lagu tilmaansadaa tirada elektaroonnada lumay; taas oo ah tirada ogsidhaynta. Tirada ogsidhaynta ee ayoon tabani way tabantahay. la-mid: ogsidheeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomane-u-eke
m.l (-yaal, m.l/dh) (juqraafi) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaanqulshe
m.l (cilmiga naflayda) Qaybta hore ee hunguri cadka afar addinleyda lafdhabarta leh, halkaasi oo berribiyoodka, xammaaratada, iyo naasleydu ay ku leeyihiin anduuqyada codka. la-mid: qulaanqulye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taran-tallaal
m.l (baayoloji) Qaab taran jinsila' oo ka dhaca dhirta, halkaas oo ay ka samaysmaan dhismayaal gaar ah oo unugyo badanley ah, kuwaas oo harka dambena ka go'a waalidkood. Tusaale: “Tuyuubar iyo balbka”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tax-homoologada
m.l (-xo ..., m.l) (kiimika) Tax ka kooban iskudhisyo kiimikaad oo leh naanays molikuyuulleed guud; halkaas oo molikuyuul kasta oo ka mid ah taxaha kooxdaas uu midka ka horreeya kaga duwan koox atammo ah oo madoorsoome go'an ah;sida taxa baarafiinnada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkaasoo
(conjunction), whereby (weer baay); by or through which
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg halakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halas
m.l la-mid: halase.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halas
-ka: (magac, lab, keli) dhamac shidan oo uu danbas ku hagoogan yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halka
n. phr., loc. here
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halka
(adv) here (hiyer) ~ halkaan, halkan. Ex: xaggee dhigaa? Fadlan, halka dhig! where shall I put? Please put it here!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halka
de: here Lit: the place
lx: halka
ps: np-loc
xe: We came here to talk to you.
xv: Halka waxaannu u nimid inaan kula hadallo.
key: halka
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
halka
هَهُنَا وَ هُنَا
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
almaas
m.l Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah. la-mid: dheeman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
almaas
m.l Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah; dheeman.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Almaas
name-unisex diamond
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaas
m.l 1. Nooc ka mid ah cayaaraha turubka oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo. 2. Tarmuus.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falaas
m.l 1. Nooc ka mid ah cayaaraha turubka oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo. 2. Tarmuus.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falaas
-ka: (n) porker (poo-ker)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaas
-ka: (magac, lab, keli) weel shaaha iyo biyaha lagu shubto, oo qabawga iyo kulaylka labadaba xajiya. Dh: darmuus.
falaas-ka: (magac, lab, keli) jaad cayaaraha turubka ka mid ah oo qof kasta oo cayaaraya saddex xabbo la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaas
(Galaas-ka)
Weel yar oo inta badan dhalo ah, oo wax lagu cabbo; haruub; koob; kalax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaas
m.l (-syo, m.dh) 1. Weel macdan ah oo wax lagu shubto. 2. Fasal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galaas
m.l (-syo, m.dh) 1. Weel macdan ah oo wax lagu shubto. 2. Fasal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaas
m. n. glass, tumbler; binoculars
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galaas
-ka: (n) 1. drinking vessel made of Aluminum ~ aargalaan. 2. glass (glaas) ~ quraarad. 3. eyeglass (eeygalaas) ~ ookiyaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaas
-ka: (magac, lab, keli) weel dheg la qabto leh oo galaanka ka yar oo wax lagu cabbo oo ka samaysan quruurad, caag ama wax kale. Galaas biyo ah soo dar. Dh: koob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaas
de: glass, tumbler; [ext.] binoculars
lx: galaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
xe: Have another glass! {Eng}
xv: Galaas kale cab!
key: galaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaas
(Habaas-ka)
1. Ciidda budada ah oo waddooyinka, kd., ka kacda; boor; siigo; awaare; bus.
2. (xoolo) Jimic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaas
m.l 1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaas
m.l 1. Ciid budo ah oo dabayshu kiciso. 2. H. ah: jimic (xoolo).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaas
m. n., (mass n.): dust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaas
-ka: (n) dust (dhast) ~ boor, firo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaas
-ka: (magac, lab, keli) ciid iyo boodh cawlan oo budo ah kana kaca meelaha banka iyo waddooyinka xilliyada dabayluhu dhacayaan. Carruuri habaas gashoo hooyadeed ku reebtay. Dh: boodh, siigo, awaare, bus.
habaas -ka: (magac, lab, keli) marka neefka sidkiisu dhammaado ee dhalmo qarka u saaran yahay. Habaasku si fiican buu candhada rida uga muuqdaa. Dh: jimic, dhays, caris.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaas
cf: boor, bus, siigo, sufur
de: dust
lx: habaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-mass
key: habaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaas
(Hagaas-ka)
Xumaanshaha korriimada hore oo carruurta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaas
hagaas¹: m.l.kh 1. H. ah: xumaanshaha korriimada hore ee ubadka nafleyda. 2. la-mid: hagaasid.
hagaas²: f.mg1 (-say, -stay) Nafley aan korriimo fiican helin noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagaas
m. n., [abstract] stunted growth in children, dwarfishness
hagaas v. be a dwarf ~ midget; become ~ get stunted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaas
(fal) ilmo yar, koriwaa; korsiintu ha kaa xumaato.
hagaas: (tilmaame) noole korsiintu ka xumaatay. Neef hagaas ah ayuu iga iibiyay. Dh: makorays.
hagaas -ka: (magac, lab, keli) korsiinxumo ku timaadda dhallaanka yaryar; xumaanshaha korriimada hore ee carruurta; ma korays. Dh: calaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaag
(Halaag-ga)
Ba'; baabba'; le'asho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaag
halaag¹: m.l 1. Baaba'; le'asho. 2. la-mid: halaagid.
halaag²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax baaba' ka dhigid. la-mid: halaaji, hallig².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halaag
halaag¹: m.l Baaba'; le'asho.
halaag²: f.g1 (-gay, -gtay) Wax baaba' ka dhigid. m.f.dh, halaagid. la-mid: hallig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaag
m. n. destruction, annihilation
halaag v. destroy, annihilate
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Halaag
nickname-m destruction, annihilation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halaag
-ga: (n) destruction (distrak-shin); devastation (dheves-teeyshen)-, havoc (haa-vek)
halaag -ay / tay: (n) destroy (distarooy)-, devastate (devasteeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Halaag
magac loo baxsho wiil dhashay xilli ay dhib ama colaadi jirtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaag
(fal) madhi oo wada laa oo baaba'a ka yeel. Dh: madhi, dabargoo. Li: daa, badbaadi.
halaag -ga: (magac, lab, keli) baabba'itaan', baabba', le'asho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaaq
(Halaaq-a)
(xoolo) doonashada iyo ruugista lafaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaaq
halaaq¹: m.l 1. Ruugista xooluhu ruugaan lafaha. 2. la-mid: halaaqid.
halaaq²: f.g1 (-qay, -qday) Xoolo lafo ruugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaaq
v. search for bones ~ something else to eat (of animals ~ livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaq
(fal) soco guryaha dhexdooda oo munuus. Dh: suunsuun, ununuuf.
halaaq: (fal) lafo doono oo ruug.
halaaq -a: (magac, lab, keli) doonista iyo ruugidda xoolaha ee lafaha.
halaaq -a: (magac, lab, keli) munuuska xoolaha badhkood guryaha laga guuray ay lafo iwm ka raadsadaan. Dh: munuus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaaq
de: search for bones ~ s.t. else to eat (of animals ~ livestock)
lx: halaaq
nt: halaaq (a) [vn-m]
pd: (halaaqay)
ps: v1=
key: halaaq
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkan
n. phr., loc. here, at this place
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Halkan
ici.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkan
(adv) at or in this place: here (hiyer); hither (hith er) ~ meeshaan. Ex: halkan waan nimcahay inaan joogo; I hate staying here
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkan
(falkaabe) lagu tilmaamo meel hadlaha u dhow. Dh: kobtan, meeshan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkan
de: here, at this place
lx: halkan
pd: (halkani)
ps: np-loc
xe: Give me two kilos of this [lit: from here].
xv: halkaan
key: halkan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkay
conj., vl. pron. where she / it [fem.] ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkay
de: where she / it [fem] ... = hal (ka) + ay
lx: halkay
ps: conj + vpro
key: halkay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malaas
(Malaas-ta)
Xaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaas
malaas¹: m.l Salaaxidda dhoobo, shamiito, nuurad iyo wixi lamida ee derbi lagu sameeynayo la salaaxo.
malaas²: m.dh 1. Dhoobo gaar ah oo madaxa la marsado si ay tiinta u caseeyso; xaraar; tarro. 2. Tin aad u jilicsan.
malaas³: f.g1 (-say, -stay) Wax, wax kale sida dhoobo iyo wixi lamida si wanaagsan ugu dhoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malaas
malaas¹: m.l Salaaxidda dhoobo, shamiito, nuurad iyo wixi lamida ee derbi lagu sameeynayo la salaaxo.
malaas²: m.dh 1. Dhoobo gaar ah oo madaxa la marsado si ay tiinta u caseeyso; xaraar; tarro. 2. Tin aad u jilicsan.
malaas³: f.g1 (-say, -stay) Wax, wax kale sida dhoobo iyo wixi lamida si wanaagsan ugu dhoobid. m.f.dh, malaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaas
f. n. lime dressing for the hair
malaas v. cover with a mixture of lime and clay; smooth, seal off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malaas
-ay -tay: (v) plaster (palaas ter) salaax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaas
(fal) aad u buuxi oo illaa halka ugu sarraysa gaadhsii. Odayga innoo yimid joonyad u malaas oo sii. Dh: buuxi.
malaas: (fal) dalool ama fur bannaan afka ka dabool oo wax ku xidh. Furta bannaan dhoobo ku malaas. Dh: gufee, awd.
malaas: (fal) duuduub oo wax kuusan ka dhig. Ciid ii malaas aan luxudka dhigee.
malaas -ta: (magac, dhedig, keli) dhagax nuuradeed burbura oo budadiisa reer miyigu madaxa ku nadiifiyaan. Dh: xaraar, nuurad.
malaas -ta: (magac, dhedig, keli) malqaacad af weyn leh oo dheriga lagu walaaqo laguna kala guro. Dh: malqaacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballaas
m.l (-syo, m.dh) Nooc ka mid ah noocyada ashuumada waaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falkaab
m.l (naxwe) Erey ku kordhiya faahfaahin micnaha falka, sida: “soo”, “sii”, “wada”, iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falkaab
m.l (naxwe) Erey ku kordhiya faahfaahin micnaha falka, sida: 'soo', 'sii', 'wada', iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falkaab
m. n., [compound] adverb {grammar}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
falkaab
-ka: (n) [Grammer] adverb (adhveerb) ~ falgargare