haleelsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleelsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax kale la kulansiin. la-mid: haleeshii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haleelsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax, wax kale la kulansiin. m.f.dh, haleelsiin. la-mid: haleeshii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haleelsii
v.caus: cause someone to make something in time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelsii
(fal) kansho u sii inuu hawl qabto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haleelsii
de: cause s.o. to make s.t. in time
lx: haleelsii
pd: (haleelsiiyey)
ps: v2a=caus
key: haleelsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haleelsiin
(Haleelsiin-ta)
La kulansiin; ku duwid; kansho u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleelsiin
m.f.dh eeg haleelsii. la-mid: haleeshiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kansho u siin uu hawsha kaga bogto. Dh: haleelsiis, haleeshiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg haleelsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waafajin
(Waafajin-ta)
Wax wax kale ku kal ridid, ku abbaarid; haleelsiin; ku duwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haleelid
(Haleelid-da)
Wax la kulmid; wax la samayn lahaa kansho u helid; ku abbaarmid; seegid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleelid
m.f.dh eeg haleel². la-mid: haleel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qabashadeed wakhti u helid; wax la samayn lahaa kansho u helid. Dh: haleelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haleelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleeshii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: haleelsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleeshii
(fal) cid kale, hawl, kanshe u sii.
haleeshii: (fal) cag dambe cag hore gaadhsii. Ragga inna haleeshii. Dh: gaadhsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelarin
-ka: (magac, lab, keli) hal marka ay dhasho si dhaqso ah u rinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleeshiin
m.dh la-mid: haleelsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleeshiin
-ta: (magac, dhedig, keli) siinta kansho ay cid kaga bogato hawl ay qabanayso.
haleeshiin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kaa durugsan wax gaadhsiin ama wax tegey ka dab ageyn. Dh: gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haleel
(Haleel-ka)
Wax lala kulmo, kansho loo helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleel
haleel¹: m.l la-mid: haleelid.
haleel²: f.g1 (-eelay, -eeshay) 1. Wax la kulmid. 2. Wax helitaankoodu muhiim yahay la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haleel
f.g1 (-eelay, -eeshay) 1. Wax la kulmid. 2. Wax helitaankoodu muhiim yahay la kulmid. m.f.dh, haleelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haleel
v. make it in time, barely make; not miss; have some time for
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haleel
-ay / hakeeshay: (v) make it before a time limit expires or before it is too late; make it
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleel
(fal) wakhti aad hawl hayn hel.
haleel -ka: (magac, lab, keli) haysashada wakhti ku habboon inaad hawl qabato; wax kansho loo helo. Dh: firaaqo, jaanis, fursad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haleel
bw: halhaleel
de: make it in time, barely make; not miss; have some time for
lx: haleel
nt: haleel (ka) [vn2-m]
pd: (haleelay)
ps: v1=
key: haleel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haleelo
(Haleela-da)
1. (caano) nafley dhalmo cusayb ah, siiba geela dhalay.
2. (dhiig, kd.) wax kastoo shubma oo cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleelo
m.dh.u Geel markaa dhalay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haleelo
f. n., [collective] first milk produced by an animal that just gave birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haleelo
-haleelada: (n) first milk of a new birth mother ~ danbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleelo
-da: (magac, dhedig, keli) hal irmaan oo caano leh... innaguna haleelada dhashiyo, hilibka mooyaane, inaan beer dhulkeenna u hurnaa, way habboontahaye!
haleelo -da: (magac, dhedig, keli) caanaha neef geel ah oo dhowaan dhalay laga liso. Dh: dhalooyo, danbar. Li: jani.
haleelo -da: (magac, dhedig, keli) dhiig iyo wax kaste oo shubma oo cusub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haleelo
de: first milk produced by an animal that just gave birth
lx: haleelo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: haleelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huleeli
f.g2 (-iyay, -isay) Ka h.: cid wax ay lahayd ka dhaqaajin iyadoo xoog lagu muquuninayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leedsii
(fal) cid kale, inay wax leed ku dhifato ku qaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leefsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid in ay carrabka wax mariso gayeysiin. la-mid: leefi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefsii
(fal) wax la leefo sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelsii
f.g/lg2 (-iiyay, -iisay) Cid arrin ama wax kale oggolaysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yeelsii
f.g/lg2 (-iiyay, -iisay) Cid arrin ama wax kale oggolaysiin. m.f.dh, yeelsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yeelsii
v.caus: convince, persuade to do; compel, force
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelsii
(fal) qof, cid ama wax kale, wax aanu doonayn inuu falo xoog ama xeelad ku oggolaysii. Fiinyee oo saca weysha yeelsii. Dh: ogolaysii, marsil. Li: diidsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yeelsii
de: convince, persuade to do; compel, force
initial: y
lx: yeelsii
pd: (yeelsiiyey)
ps: v2a=caus
key: yeelsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleensi
m.l la-mid: caleensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daleensi
-ga: (magac, lab, keli) ood gabsasho si looga dhaco. Oodda daleensiga ka daa. Dh: gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Qof ku cayaarid ama dhagrid. 2. la-mid: dheeli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheelsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Qof ku cayaarid ama dhagrid. 2. la-mid: dheeli. m.f.dh, dheelsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheelsii
v.caus: make someone play ~ dance; play with, entertain, amuse; cheat, trick, swindle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dheelsii
-yey / say: (v) entertain (en-ter-teyn); amuse (amyuus) ~ ciyaarsii
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheelsii
a: dheeli
de: make s.o. play ~ dance; play with, entertain, amuse; [ext.] cheat, trick, swindle
lx: dheelsii
pd: (dheelsiiyey)
ps: v2a=caus
key: dheelsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka h.: Qof in uu hadlo ku qasbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadalsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka h.: Qof in uu hadlo ku qasbid. m.f.dh, hadalsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadalsii
(fal) «ka hadal ka keen; inuu hadlo u horseed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huleelid
(Huleelid-da)
Socod cagajiid ah, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huleelid
m.f.dh eeg huleel². la-mid: huleel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huleelid
-da: (magac, dhedig, keli) si cagajiida ah u socosho. Huleelid bay ku yimaaddeen. Dh: cagajiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huleelin
m.f.dh eeg huleeli. la-mid: huleelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huleelis
m.l la-mid: huleelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huleelis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg huleelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareensii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid, xog ka maqnayd garansiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareensii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Cid, xog ka maqnayd garansiin. m.f.dh, dareensiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareensii
v.caus: cause to doubt; make someone feel suspicious
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dareensii
-yey / say: (v) make someone feel; invoke feeling; sensitize (sen-si-taayz); leave an impression; impress (im-parees)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareensii
(fal) wax garansii, wax si aan toos ahayn u fahansii. Dareensii muhimadda ay u leedahay aqoontu aayihiisa danbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareensii
de: cause to doubt; make s.o. feel suspicious
lx: dareensii
pd: (dareensiiyey)
ps: v2a=caus
key: dareensii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegsii
(fal) duursii oo shay mid wareegaya ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleela-rin
m.l Hal marka ay dhasho si dhaqso ah u rinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareensiin
m.f.dh eeg dareensii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareensiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid dareenkooda soo jeedin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dareensiin
Digniin, feeyignaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhensii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: dhadhansii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaleecsan
(tilmaame) ah ruux canbaaraysan oo ceebi ku habsatay. Dh: ceebaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleecsi
m.l la-mid: dhalleexsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecsi
-ga: (magac, lab, keli) weel, qalloocsi iyo janjeedhsi. Dh: janjeedhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalleexsi
(Dhalleexsi-ga)
Jalleecsi; leexad; janjeersi (ama dhalleecsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleexsi
m.l la-mid: dhalleexsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalleexsi
vl. n. turn, tilt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleexsi
-ga: (magac, lab, keli) weel iyo wax la mid ah dhalleecsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalleexsi
de: turn, tilt
lx: dhalleexsi
pd: (-ga)
ps: vn7-m, vn2a-m
key: dhalleexsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halmaansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax illoowsiin. la-mid: hilmaansii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halmaansii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Qof wax illoowsiin. m.f.dh, halmaansiin. la-mid: hilmaansii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halmaansii
ditransitive v. cause someone to forget something, make someone not remember something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halmaansii
(fal) cid kale, xusuusta u diid; illowsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halmaansii
a: hilmaansii
de: cause s.o. to forget s.t., make s.o. not remember s.t.
lx: halmaansii
pd: (halmaansiiyey)
ps: v2a=ditr
key: halmaansii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelo
-da: (magacwadareed) xaaxeeyada badda iyo meelo kale laga helo oo jaadad kala duwan leh. aleelo-da: (magac, dhedig, keli) qaalmaha yaryar ee ugubka ah. Dh: haleelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleemi
f.g2 (-iyay, -isay) Aleen ka dhawaajin (geel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daleel
(Dalee-sha)
Aan cidi joogin; cidla'; bannaan; dalleen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daleel
m.dh 1. Meel bannaan oo aan dugsi lahayn. 2. D. ah: meel cidla' ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daleel
m.dh 1. Meel bannaan oo aan dugsi lahayn. 2. D. ah: meel cidla' ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daleel
f. n. (adj.): evacuated area; empty, void
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daleel
(tilmaame) wax aan jirin ama meel madhan ah. Afdaleel ah weeyaan waxaad iigu amraysaaye.
daleel-sha: (magac, dhedig, keli) wax aan ciidan lahayn oo dayacan.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Daleel
Meel bannaan ama firaaqo leh. Daleel cidlo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daleel
de: evacuated area; [atr.] empty, void
lx: daleel
pd: (/sha)
ps: n2-f
key: daleel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Fal, arrin iyo wixi lamida ah oo cidi samaysay in ay natijijo xun kala kulanto gayeysiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eedsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Fal, arrin iyo wixi lamida ah oo cidi samaysay in ay natijijo xun kala kulanto gayeysiin. m.f.dh, eedsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eedsii
v.caus: cause to regret
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eedsii
-yey say: (v) penalize (pii nalaayz); punish (pan-nash) ~ ciqaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedsii
(fal) xumaan hore loo falay, ciddii lahayd ka aargudo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eedsii
de: cause to regret
lx: eedsii
pd: (eedsiiyey)
ps: v2a=caus
key: eedsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid kalgacayl dartii isku duubid. m.f.dh, habsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsii
v. hug, embrace