halaqjaflee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqjaflee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Halaqjafle cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaqjafle
(Halaqjafla-ha)
Cunnada yaryar oo qadada iyo cashada hortooda la sii cuno oo lagu sii sugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqjafle
m.l Cunto yar oo saddexda goor ee wax la cuno maalinta, ka hor la cuno oo cuntada lagu sugo .
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaqjafle
m. n. appetizer, first course; hors d'oeuvres; snack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halaqjafle
-halaqjaflaha: (n) food eaten between meals; snack (isnaak)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaqjafle
-ha: (magac, lab, keli) cunnada yaryar oo xeraadka, afurka ama hadhimada hortooda la sii cuncuno oo lagu sii sugo. Salaadda casar ka dib ayaan halaqjafle cunay. Dh: cuwaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaqjafle
de: appetizer, first course; hors d'oeuvres; snack
lx: halaqjafle
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: hanfaafuryo
key: halaqjafle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqjalaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqjaflayn
m.f.dh eeg halaqjaflee. la-mid: halaqjaflays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqjaflays
m.l la-mid: halaqjaflayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haljafle
m.l la-mid: haljalafle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halalaclee
(fal) eeg halalaclay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaqgaleen
-ka: (magac, lab, keli) meelaha maska halaqa ahi galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaqjaflaysi
(Halaqjaflaysi-ga)
(cunno) halaqjafle ka dhigasho, cunnada weyn ku sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqjaflaysi
m.l la-mid: halaqjaflaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaqjaflaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg halaqjaflaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqjaflayso
f.mg3 (-stay, -satay) Saddexda goor ee wax la cuno ka hor halaqjafle cunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaqjaflayso
v. eat an appetizer ~ hors d'oeuvres; have a snack
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaqjaflayso
(fal) cunno yaryar oo qadada iyo cashada ka horraysa, sii cuncun oo ku sug. Dh: cuwaafo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaqjaflayso
de: eat an appetizer ~ hors d'oeuvres; have a snack
lx: halaqjaflayso
nt: halaqjaflaysi (ga) [vn-m]
pd: (halaqjaflaystay)
ps: v3b=
key: halaqjaflayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halafjaqafle
-ha: (magac, lab, keli) midho hadba mid soo goosasho. Dh: haldhable.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqjaflaysad
m.l la-mid: halaqjaflaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si habaqle ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlee
(fal) eeg habaqlay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaclee
(fal) eeg halaclay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salaqlee
v. wander around, walk about aimlessly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salaqlee
de: wander around, walk about aimlessly
initial: s
lx: salaqlee
pd: (salaqleeyey)
ps: v2b=
key: salaqlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Walaalo ka dhigid (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Walaalo ka dhigid (cid). m.f.dh, walaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaalee
v. make (two ~ more people) into brothers ~ sisters
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalee
(fal) wax walaalo ah ka dhig. Labada beelood walaalee oo heshiisii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaalee
de: make (two ~ more people) into brothers ~ sisters (as a sign of friendship or warmth)
initial: w
lx: walaalee
pd: (walaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: walaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax xalaal ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax xalaal ka dhigid. m.f.dh, xalaalayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xalaalee
v. render religiously permissible; purify; circumcise; slaughter according to Muslim ritual
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalee
(fal) neef dhimanaya gawrac si aanu u duufin. Dh: xalaalay, gawrac, bireo. Li: duufi.
xalaalee: (fal) ilmo yar baarada ka goo. Dh: gud. xalaaley.
xalaalee: (fal) ammaano ciddii lahayd illawsii oo iska yeelo. Dh: xalaaley.
xalaalee: (fal) shay inuu bannaan yahay bannee oo ku fatwoo. Dh: xalaaley, bannee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xalaalee
de: render religiously permissible; purify; circumcise; slaughter according to Muslim ritual
initial: x
lx: xalaalee
pd: (xalaaleeyey)
ps: v2b=tr
key: xalaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habjaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si habjaq ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habjaqlee
(fal) si habjaq ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaambee
(fal) eeg halaabey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaqdile
(Halaqdila-ha)
Bahaldile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqdile
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Nooc ka mid ah shimbiraha ugaarsada. 2. Geesi, halyeey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaqdile
m. n., [compound] champion, leading warrior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaqdile
-ha: (magac, lab, keli) nooc-ka mid ah shimbiraha ugaadhsada.
halaqdile -ha: (magac, lab, keli) geesi; halyeey.
halaqdile-ha: (magac, lab, keli) bud yar oo xoogan oo bahalaha lagu dili karo. Dh: bahaldile. Wa: halaqdilayaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaqdile
de: champion, leading warrior
lx: halaqdile
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: halaqdile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaajaalee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Maad iyo wax lagu qoslo samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaajaalee
v. be a comedian ~ joker; clown around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaajaalee
(fal) kaftan oo ku hadal wax aan la qoonsan laguna qoslo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaajaalee
de: be a comedian ~ joker; clown around
lx: jaajaalee
pd: (jaajaaleeyey)
ps: v2b=
key: jaajaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbaslee
f.mg2 (-leeyey, -laysay) Alabbas sameyn (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haljalafle
m.l Goosashada neef waddo ku socda siiba geela, uu geedaha jidka-dhinaciisa ku yaal hadba laan ka goosto. la-mid: haljafle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haljalafle
-ha: (magac, lab, keli) goosashada neef waddo socda siiba geela, uu geedaha dhinaciisa ku yaal hadba laan ka goosto ee laaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aflee
(fal) labo hadal oo isburinaya oo iska soo hor jeeda ku hadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walalaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Roob hillaac bixin. la-mid: walaclee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walalaclee
v. twinkle, sparkle, glisten
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walalaclee
de: twinkle, sparkle, glisten
initial: w
lx: walalaclee
pd: (walalacleeyey)
ps: v2b=intr
key: walalaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calanwallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) 1. Calan ruxid. 2. Muddo barwaaqo iyo rayrayn ku noolaasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calanwallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) 1. Calan ruxid. 2. Muddo barwaaqo iyo rayrayn ku noolaasho. m.f.dh, calanwalleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calanwallee
v. hold and wave a flag; be in a period of maximum brightness ~ brilliant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanwallee
(fal) wakhti ama xilli wanaagsan ku jir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calanwallee
de: hold and wave a flag; [fig.] be in a period of maximum brightness ~ brilliant
lx: calanwallee
pd: (calanwalleeyey)
ps: v2b=tr
key: calanwallee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halamashlee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Si halamash ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halxidhaalee
(fal) cid kale, masalo furiddeedu adagtahay ku xujay; halxidhaale weydii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harwaraablee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Waqti kulul meel aan dhir lahayn madaxa isgashasho(ido).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaqjooglee
f.mg2 (-eeyay, -eysay) Dhaqaaqjoogle sameyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaaqjooglee
v. walk hesitantly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqjooglee
(fal) qaab dhaqaaqjoogle ah soco; dhaqaaq haddana joogso. Dh: dhaqaaqjoogso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaaqjooglee
de: walk hesitantly
lx: dhaqaaqjooglee
pd: (dhaqaaqjoogleeyey)
ps: v2b=
key: dhaqaaqjooglee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halagjaflaysad
-ka: (magac, lab, keli) cunno yar, tan weyn ee xeraadka, afurka ama hadhimada ku sugid. Dh: halaqjaflaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaqjalaqlayn
m.f.dh eeg halaqjalaqlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allaylee
e.d la-mid: allaylehe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Allaylee
inter. honestly speaking, in truth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
allaylee
(adv) surely (shuur li); certainly ~ runtii, wallee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaylee
eray macnihiisu yahay 'Alle ayaa i leh' oo la yidhaahdo kolka la hubinayo in waxa dhacay ay sidaa ku habboonaayeen. Dh: Allaylehe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Allaylee
de: honestly speaking, in truth
lx: Allaylee
ps: intj
xe: Honestly, I would like to come back. Lit: I belong to God
xv: Arabic
key: Allaylee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaslee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) Si aan degganeyn u socosho (haween).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaslee
v. walk in a wavering manner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaslee
(fal) socod balasbalas ah soco. Sii balaslee intaan ku soo gaadhaayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balaslee
de: walk in a wavering manner (as an animal ~ person carrying a heavy load)
lx: balaslee
pd: (balasleeyey)
ps: v2b=intr
key: balaslee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balbalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax, balbalo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balbalee
v. build ~ construct a hut of branches and leaves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalee
(fal) meel ama wax kale, hadhee. Daaradda balbalee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balbalee
de: build ~ construct a hut of branches and leaves
lx: balbalee
pd: (balbaleeyey)
ps: v2b=tr
key: balbalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) la-mid: calaamadi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) la-mid: calaamadi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaamee
v. mark, put a mark on; brand
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaamee
-yey / calaamadaysay: (v) mark (maark) ~ sumadee, calaamadee, calaamadi. —Syn: brand, label, tag or ticket
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamee
de: mark, put a mark on; brand
lx: calaamee
pd: (calaameeyey)
ps: v2b=
key: calaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadaafee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Cid gardareysasho. m.f.dh, gadaafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaafee
(fal) cid kale, gardareyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaclee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Wax iftiin badan oo indhaha dhibeya leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galaclee
v. look around with craving; direct one's eyes here and there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaclee
(fal) dhijaan ama biyo kale oo fadhiya, walaclee oo buux dartii dabayshu ha ku balfiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galaclee
de: look around with craving; direct one's eyes here and there
lx: galaclee
pd: (galacleeyey)
ps: v2b=intr
key: galaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habjaqle
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: habjaq¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaalac
(Halaalac-a)
Qurux la hilhillaac; dhaldhalaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaalac
halaalac¹: m.l.kh H. ah: dhalaal badan oo ka soo baxa wax aad u iftiimaya; dhaldhalaal.
halaalac²: f.mg1 (-cay, -cday; -lici) Wax dhalaal badan bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaalac
v. shine, sparkle, glitter, twinkle