halambey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halambey
(fal) hawl, qof kale la wandaafi. Dh: halaambay.
halambey -ga: (magac, lab, keli) handaafinta walax dhinacyada la qabto oo la wada qaado. Dh: handaafin, wandaafin.
halambey -ga: (magac, lab, keli) kulaylka halasa ah. Dh: halase, holac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaambay
(fal) wax aanu qof qudh ihi qaadi karin, qof kale la qaad; qof kale la wandaafi. Dh: wandaafi. walaandey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaambee
(fal) eeg halaabey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagarbey
m.l (-yo, m.dh) Hanti la siiyo cid wax dhexdhexaadisey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagarbey
m. n. compensation for a reconciliation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagarbey
-ga: (magac, lab, keli) xoolo dadka garta qaadaya la siiyo oo ay bixiyaab dadka garta loo qaadayaayi. Dh: hawl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagarbey
de: compensation for a reconciliation (given to the peace-makers)
lx: hagarbey
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hagarbey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halacley
(Halacley-da)
Dhuurcaso yaryar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halacley
f. n. insect species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halacley
-da: (magac, dhedig, keli) qudhaanjada jaadadkeeda mid ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halacley
de: insect sp.
lx: halacley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: halacley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walaandeynta wax qof qudh ah lagu qaadi karin. Dh: handaafin, walaandeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaambays
-ka: (magac, lab, keli) eeg walaandayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Halakeeya
name-f severe harm, damage, grievous wound (difficult delivery condition); or she may serve you right
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Halakeeye
name-m severe harm, damage, grievous wound (difficult delivery condition); or he may serve you right
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haame
-ha: (magac, lab, keli) qalab qodaalka loo adeegsado oo beerta lagu gooyo. Haame ayaa la mariyay wixii beerta harame ka dhex baxay. Dh: xagaafe. Wa: haameyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halab
(Halab-ta)
Timo dheer oo badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halab
m.dh Timo rag, jilicsan oo dheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halab
f. n., [collective] braids (of teenage girl); long hair (of a man)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halab
-ta: (magac, dhedig, keli) timo dheer oo badan oo ilaa garbaha gaadhaya. Dh: sayn, bulbul, hollob, raamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halab
bw: Arabic
de: braids (of teenage girl); long hair (of a man)
lx: halab
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: halab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadey
Haadey!
Erey, qof dhibaato weyni gaartey, inti is celin waayo, ku dhawaaqo; duulay! hoogey! jabay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadey
e.d Erey dareen tilmaama, taah naag murugaysan la qayliso. la-mid: hoohey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haadey
inter. Woe is me!, Alas!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haadey
(expression) used to express sorrow or regret of danger; alas (a-laas) ~ hoogey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadey
haadey! (ereydhawaaq) erey qof dhibaato weyni gaadhay uu ku tayaaqsado. Haadayey maxaa ilmahaygii helay! Dh: hoogay, ba'ay, balanbalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haadey
de: Woe is me!, Alas! Exclamation of great distress
lx: haadey
ps: intj
key: haadey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haahey
Haa; haaheeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haahey
qr. la-mid: haa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haahey
inter. yes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haahey
(tilmaame) waa sidaa; waa runtaa. Dh: haa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haahey
de: yes Also: 'I'm here' (response when called)
lx: haahey
ps: intj
key: haahey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawey
(Haawey-da)
Haadun; hoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawey
m.dh Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawey
f. n., [collective] the poor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawey
-da: (magacwadareed) dad sabool ah oo fara madhan; dad aan hanti lahayn. Dh: haadun, hoomo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haawey
de: the poor
lx: haawey
pd: (-da)
ps: n0-f-col
syn: haadun
key: haawey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabo
(Halaba-da)
1. Xoolaha nool oo ama la soo helay ama la soo dhacay oo la qasho; dannabe.
2. Hanti, maal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabo
m.dh 1. Hawl la qabtay wax ka soo baxa. 2. H. ah: Hilibka laga qasho xoolo la soo dhacay. 3. Hanti xoolaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halabo
f. n., [collective] stolen ~ stray animals of which one takes possession; wealth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabo
-da: (magac, dhedig, keli) timaha oo inta inyar inyar la iskugu tidco la sii daayo iyaga oo aan dubka madaxa lagu nabin. Timuhu halabada way ku tarmaan. Li: furfur.
halabo -da: (magac, dhedig, keli) xoolaha nool ee la soo helay ama la soo dhacay oo la qasho. Dh: dannabe, dannabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halabo
de: stolen ~ stray animals of which one takes possession; wealth
lx: halabo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: halabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halase
(Halasa-ha)
Dab hoos ka nool, korna ka danbasoobey; dhuxul danbas huwan; digo gubatey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halase
m.l Dab korka dambas ka saaran-yahay hoosna ka nool. la-mid: halas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halase
m. n., [collective] embers still burning underneath ash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halase
-ha: (magac, lab, keli) kulayl iyo uumi badan. Nimba himiladii buu halase ugu dhacaa. Dh: holac, halambey.
halase -ha: (magac, lab, keli) dhuxul danbas huwan; dab hoos ka nool, korna ka danbasoobey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halase
a: halas (ka)
de: embers still burning underneath ash
lx: halase
pd: (/ha)
ps: n-m-col
key: halase
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halyey
(Halyey-ga)
1. Uubatada (yeyda) keeda lab.
2. Geesi; wabar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halyey
m.l (-yo, m.dh) 1. Uubatada keeda lab. 2. Geesi, wabar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halyey
m.l (-yo, m.dh) 1. Uubatada keeda lab. 2. Geesi, wabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halyey
m. n. male wolf; hero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halyey
-ga: (magac, lab, keli) qof geesi ah. Dh: hanad, haldoor, geesi. Li: fulay. Wa: halyeeyo.
halyey -ga: (magac, keli) uubatada 'yeyda' keeda lab.
halyey-ga: (magac, lab, keli) yeyda midka ugu adag ee had iyo jeer ugu horreeya waxna u laaya. Yeyda halyeygaa laga dilaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halyey
cf: uubato; geesi
de: male wolf; [fig.] hero
lx: halyey
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: halyey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambay
(fal) wax la cunayo, hambo reeb; wax ka tag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cunto la cunayo qaar reebid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hambee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cunto la cunayo qaar reebid. m.f.dh, hambayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hambee
v. leave something on the plate; have (some food) left over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hambee
-yey / hambeysay: (v) not empty the dish; leave some food on the dish [plate] ~ hanbee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambee
(fal) cunto iyo wixii la mid ah, ha dhammayne wax iska reeb. Dh: reeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hambee
a: hanbee
de: leave s.t. on the plate; have (some food) left over
lx: hambee
pd: (hambeeyey)
ps: v2b=tr
key: hambee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harame
(Harama-ha)
Cawska iyo nagaarka iskood u baxa oo beerta abuuran laga limo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harame
m.l Caws iyo nagaar iskood uga baxa beeraha. la-mid: harammo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Harame
Weeds
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harame
m. n.; [vn.]: weed, undergrowth; act of weeding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harame
-ha: (magac, lab, keli) magac guud oo cawska iyo nagaadhka iskooda beerta abuuran uga dhex baxa ah oo laga jaro si ay beertu u neefsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harame
de: weed, undergrowth; [vn] act of weeding
lx: harame
pd: (/ha)
ps: n-m
key: harame
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAMBEY
Megalochlamys linifolia 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAMBEY
(Jambei) C Megalochlamys linifolia (Linau) Lindau. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaambe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay iyo toban lugood, lana cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaambe
-ha: (magac, lab, keli) nafley badda ku nool oo leh qolof adag oo ku dahaadhan iyo toban lugood, lana cuno. Dh: aargoosto, iskaambe, kaambo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabe
-ha: (magac, lab, keli) laamo yaryar oo dhuudhuuban oo kuwa cawda ah ama wax la mid ah oo la isku xidho oo guryaha lagu fiiqo oo lagu nadiifsho. Salabaha qaado oo ku soo xaadh aqalka. Dh: mafiiq, minfiiq, manfiiq, xaaqin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
salame
s.m. hilib doofaar (cusbaysan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabey
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waambe
-ha: ((magac, lab, keli) uunsi umuleed ay dumarku shitaan xilliga umusha ay yihiin. Waambo waa shaasho diid. Dh: qaye.
waambe -ha: (magac, lab, keli) nooe badarka ka mid ah oo ay iniinyihiisu aad u yar yar yihiin. Waambe ha la beero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Guri, xafiis iyo wixi lamida alaabo dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alaabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Guri, xafiis iyo wixi lamida alaabo dhigid. m.f.dh, alaabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabee
(fal) xafiis iyo wax la mid ah, qalabee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baanbey
m.dh (-nan, m.l) Koox ciidamada ka tirsan oo tunta muusikada gaardiska.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaley
m. n. grasshopper
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
clamber
/klaambar/ (v) tafid (fuulid adag).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
flamber
flamber, v. - gubid; ulolin; khasaarin.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GAGABEY
Iphiona rotundifolia 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarrey
-da: (magac, dhedig, keli) bahalhoosaad inta uu geedaha fuulo noolaha kale kor kaga soo booda kolka ay hoos socdaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarey
(fal) gabadh yar gabooji oo habar ka dhig. Dh: habaree, gabooji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habarey
a: geelmaanyo
de: dugong, manatee
lx: habarey
pd: (/da)
ps: n6-f
key: habarey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabsi
(Halabsi-ga)
Halabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabsi
m.l la-mid: halabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabsi
-ga: (magac, lab, keli) faras iyo wixii la mid ah, rakaab la'aan fuul.
halabsi-ga: (magac, lab, keli) wax kaa cararaya tiigsi oo gaadhitaankiisa isku dayid. Safarka halabsi ku gaadhi maysid. Dh: tiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax ordaya fuulid. 2. Faras fuulid iyadoo aan rakaabka cagta la saarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halabso
v. mount bareback
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halabso
-halabsaday / halabsatay: (v) get up on; place yourself upon; climb (kalaaym); mount (mawnt) ~ fuul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabso
(fal) faraska adigoon rakaabka ku joogsan fuulidiisa halabso oo halabta qabso. Farasku intaanu dhaqaaqin halabso.
halabso: (fal) wax kaa cararaya hiigso si aad u gaadho. Dh: tiigso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halabso
de: mount bareback
lx: halabso
nt: halabsad (ka) [vn-m], halabsasho (/da) [vn-f], halabsi (ga) [vn-m]
pd: (halabsaday)
ps: v3a=
key: halabso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakay
(fal) nabarro gaadhsii; aad u waxyeellee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halakee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) Nafley dhaawac culus gaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halakee
v. wound severely, harm grievously
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakee
(fal) cid kale, dhibaato gaadhsii oo wax yeellee. Dh: waxyeellee, halukee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halakee
de: wound severely, harm grievously
lx: halakee
pd: (halakeeyey)
ps: v2b=
key: halakee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halgame
m.l (-mayaal, m.l/dh) Madaxa herinta, xagga toogta iyo ilaalinta habdhaqankooda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halgame
m. n. champion (of a cause)