halakayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halakayn
(Halakayn-ta)
Nabarro xunxun gaarsiin; aad wax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halakayn
m.f.dh eeg halakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaawacyo culculus gaadhsiin. Dh: dhibaatayn, waxyeelayn, halukayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halakan
Halka kan; kobtaan; meeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halakan
adv-loc: here, in this place
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halakan
a: halkan
de: here, in this place
lx: halakan
ps: adv-loc
key: halakan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakay
(fal) nabarro gaadhsii; aad u waxyeellee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) figaynta iyo fuudhafuudhaynta qof la kadeedayo. Dh: falakays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo, wax halabaysan oo dheeraaday ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg halakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halakaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax halako ku dhacday ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dheer ka bidhaamid. Halaclaynta xareedda meeldheerbaa laga arkaa. Dh: walacwalaclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haltagayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaato iyo waxyaallo gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkayn
m.l (-no, m.dh) (kiimika) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alkayn
m.l (-no, m.dh) (kiim.) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkan
n. phr., loc. here, at this place
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Halkan
ici.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkan
(adv) at or in this place: here (hiyer); hither (hith er) ~ meeshaan. Ex: halkan waan nimcahay inaan joogo; I hate staying here
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkan
(falkaabe) lagu tilmaamo meel hadlaha u dhow. Dh: kobtan, meeshan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkan
de: here, at this place
lx: halkan
pd: (halkani)
ps: np-loc
xe: Give me two kilos of this [lit: from here].
xv: halkaan
key: halkan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkay
conj., vl. pron. where she / it [fem.] ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkay
de: where she / it [fem] ... = hal (ka) + ay
lx: halkay
ps: conj + vpro
key: halkay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakay
(fal) figay ama fuudhafuudhay; cid kale, u xidh si adag oo ciqaab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarayn
(Haarayn-ta)
Haar u yeelid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarayn
m.f.dh eeg haaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haar iyo nabar ku dhufasho; haar gaadhsiin. Edbi gabadha laakiin haaraynta ka ilaali. Dh: qoomid, dakhrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halagan
(fal) dhimo ama le'o oo baabba'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halhayn
m.f.dh eeg halhee. la-mid: halhays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadalhayn joogto ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkaan
Halkakan; meeshatan; meeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkaan
n. phr., loc. here, at this place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halkaan
(adv) at or in this place; here (hiyer); hither (hith er) ~ meeshaan. Ex: halkaan kaalay; come hither. 2. hereby (hiyer-baay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkaan
(falkaabe) lagu tilmaamo meesha dhow. Dh: halkan, meeshan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkaan
de: here, at this place
lx: halkaan
ps: np-loc
xe: Stay here and wait for me!
xv: halkan
key: halkaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hallayn
(Hallayn-ta)
1. Cid ama wax kale wax yeelid, wax u dhimid.
2. (isku hallayn, ku hallayn) kalsooni buuxda cid u qabid; u talasaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallayn
m.f.dh eeg hallee. la-mid: hallays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hallayn
vl. n. losing; ruining
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hallayn
-ta: (n) defect; damage (dhaamij); imperfection ~ kharibid-da
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti baadiyayn oo daryeeliwaayid. Dh: baadiyayn, lumin, dhumin Li: helid.
hallayn -ta: (magac, dhedig, keli) aalad ama wax kale, xumayn oo kaharribid. Dh: kharribid, xumayn. Li: hagaajin.
hallayn -ta: (magac, dhedig, keli) «isku kalsooni buuxda cid ku qabid oo ku tashad
hallayn-ta: (magac, dhedig, keli) «ku » hawl, qof kale, ku ogaad oo kaga seexad; ku hallays.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hallayn
a: halleyn
de: losing; ruining
lx: hallayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hallayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax la cabbirayo oo taako lagu qiyaasay ka dhigid; taako ku cabbirida. Taakayntu yaanay kaa khaldamin.
taakayn -ta: (magac, dhedig, keli) taako u dhigid oo joojin. Taakaynta waa lagu ilko beelaa. Dh: taakays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab kala duwan oo waxtar leh dhigid. Meel berriba aad ka guuraysaayi aaladayn uma baahna. Dh: hubayn.
aaladayn-ta: (magac, dhedig, keli) qalab millateri iyo awood u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakayn
(Barakayn-ta)
1. Barako u yeelid.
2. (Cunno, kd.) wax yar ka taabasho, ka cunid; sunnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakayn
m.f.dh eeg barakee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barakayn
vl. n. act of blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka mid barakaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barakayn
de: act of blessing
lx: barakayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: barakayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calalayn
(Calalayn-ta)
Calal ka dhigid; duug ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalayn
m.f.dh eeg calalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) calal ka dhigid; duug ka dhigid; duugayn; calalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qurxin oodheehid ama jalayn. Dh: dalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg falakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hala'kan
(falkaabe) halkan; kobtan; meeshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haramayn
(Haramayn-ta)
Beerta haramaha ka limid, ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haramayn
m.f.dh eeg haramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) beer haramaha ka gurid; beerta haramaha ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalacayn
-ka: (magac, lab, keli) waxyaabo kala duwan; kala jaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalakaan
m.l (kiim.) Wax la xidhiidha in ka badan hal weji. Iskujir kala kaan ah, tusaale ahaan, wuxuu ka koobanyahay laba ama dhowr weji oo kala muuqda.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalakaan
Heterogeneous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalakaan
-ka: (magacwadareed) walxo labo iyo in ka badan ah oo kala midab iyo qaab duwan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) malab samayn. Kolka ubuxu dillaaco ayay shinnidu malabaynta bilawdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalabayn
(Qalabayn-ta)
Qalab siin, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalabayn
m.f.dh eeg qalabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalabka oo dhan diyaarin oo u dhammaystirid. Dawladda ayaa iska xilsaartay qalabaynta goobaha waxbarasho. Dh: qalabays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salabayn
m.f.dh eeg salabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qalab u dhammayn; qalabayn; salabays.
salabayn -ta: (magac, dhedig, keli) meel mafiiq marin oo nadiifin. Dh: xaaqid, xaadhid, fiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarakayn
(Xarakayn-ta)
Xarako ama shaqal u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarakayn
m.f.dh eeg xarakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xiiso iyo soo jiidasho gelin oo qurxin. Dh: xarakadayn.
xarakayn -ta: (magac, dhedig, keli) xarako u yeelid oo kordhabid, hoosdhabid ama godid. Dh: xarakays.
xarakayn -ta: (magac, dhedig, keli) farshaxan qurxoon u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakaysan
(tilmaame) qof la fuudhfuudheeyay ama figaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'adkaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ra'yigiisa ku dheggan ahaan; hal'adayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hal-adkaan
m.dh la-mid: hal-adayg, hal-adkaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hal-adkaan
f. n. firmness, tenacity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walaandeynta wax qof qudh ah lagu qaadi karin. Dh: handaafin, walaandeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabaysan
(tilmaame) timo miiq miiq iskugu tidcan ama iskugu soohan. Dh: xamran, tidcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlyarayn
m.f.dh eeg hawlyaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlyarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylaamayn
m.dh la-mid: haylid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haylaamayn
vl. n. brand, branding marks on cattle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haylaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aqal daso ah, haylaan dusha ka saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haylaamayn
de: brand, branding marks on cattle (consisting of a cut in the ear from which a part is left hanging)
lx: haylaamayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: haylaamayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalakaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo is dagaalaayey midba dhinac u jiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax samayntiisa laga maagayo oo dadka hortii la falo si inta kale ay ugu dhiirrato. Dh: balaalaxayn, biimayn. balaambal -ka: (magac, lab, keli) carcaraaf iyo saxaariir dhib badan. Dh: balanbal, balambal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaslayn
m.f.dh eeg balaslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod kadlayn ah oo joogsi la'aan ah socosho. Nin balaayo waddo balaslayn ma daayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balbalayn
m.f.dh eeg balbalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel hadhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylahayn
m.dh la-mid: baylihin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylahayn
(tilmaame) wax dayacan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaamayn
(Calaamayn-ta)
Calaamo u yeelid; astayn; calaamadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamayn
m.dh la-mid: calaamadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falanqayn
(Falanqayn-ta)
(hadal, arrin) caddayn; kala saarsaarid; kala dhigdhigid; ka faallayn; gelid; gorfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falanqayn
m.f.dh eeg falanqee. la-mid: falanqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falanqayn
f. n. explanation, analysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falanqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faaqidaadda xog la helay. Dh: faallayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaclayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walaclayn oo buuxid darteed la dhaqdhaqaaqid. Kolka roobku da'o galaclaynta dhijaamaha ayaa meel dheer laga arkaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladayn
m.f.dh la-mid: galladid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, guulayn oo mahad iyo wanaag gaadhsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socdaal dheer oo xidhiidhsan marid; socod aan kala go' lahayn samayn. Laba habeen oo habaqlayn ah ayaan ku soo gaadhnay magaalada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalhayn
m.f.dh eeg hadalhee.