hal-abuure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hal-abuure
-hal-abuuraha: (n) composer (kom powzer)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hal-abuur
hal-abuur¹: m.l (-rro, m.dh) Curinta maansada.
hal-abuur²: f.g1 (-ray, -rtay) Maanso curin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hal-abuur
hal-abuur¹: m.l (-rro, m.dh) Curinta maansada.
hal-abuur²: f.g1 (-ray, -rtay) Maanso curin. m.f.dh, hal-abuurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hal-abuur
m. n. poetic creation, literary composition; poet, lyricist
hal-abuur: v. compose ~ create (as a poetic composition)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hal-abuur
-ka: (n) the act of composing or creating [a literary or musical piece]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'abuure
-ha: (magac, lab, keli) qof riwaayadaha iyo heesaha iyo wixii la mid ah, allifa ama curiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hal-abuurid
m.f.dh eeg hal-abuur². la-mid: hal-abuuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hal-abuuris
m.dh la-mid: hal-abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'abuur
-ka: (magac, lab, keli) kartida iyo awoodda ay maskaxdu u leedahay in ay wax curiso oo sannifaad suugaaneed iyo mid kalaba ay samayso. Dh: curin, halcurin.
hal'abuur -ka: (magac, lab, keli) qof leh karti iyo mawhibo uu wax ku curiyo. Dh: abwaan. Wa: hal'abuurro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawl-abuur
m.l Hawl abuurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawl-abuur
m. n. creation of jobs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mu'allif
-ka: (n) creator (kiriyeeytar); producer (poro-dhuuser); writer (raaytar); composer (kompowzer); author (ao 'ther) ~ hal-abuure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax curin oo wax cusub keenid. Dh: hal'abuuris, curin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawl'abuur
-ka: (magac, lab, keli) hawl la sameeyo abuurid ama samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanti-abuur
m.l Aruurin hanti ah. la-mid: hanti-abuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'abuurnimo
-da: (magac, dhedig, keli) kartida ay maskaxda aadamuhu u leedahay wax cusub inay curiso oo ay suugaan ama wax kalaba sannifto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanti-abuurad
m.l Aruursashada hanti ah. la-mid: hanti-abuursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanti-abuurid
m.dh la-mid: hanti-abuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabuur
(Baabuur-ka)
1. Gaadiid badanaaba afar garangarood leh oo ku socda qalab dhaqaajiya (motoor) oo gudaha ugu jira; dadka iyo alaabada buu qaadaa; gaari.
2. Qalab jiko oo inta dab lagu kor shido, wixii wax lagu karsana hayo, la kor saaro; girgire, birjiko; marakab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabuur
m.l (-rro, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baabuur
m.l (-rro, m.dh) Gaadiid dhuleed matoor leh oo dadka iyo xamuulkaba qaada; gaari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baabuur
m. n. car, automobile, truck
baabuur m. n. tin cooking stove, steamer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baabuur
-ka: (n) car (kaar); auto (oo tow), automobile (ooto moobiil); vehicle (viikal); truck (taraak) gaari, fatuurad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabuur
-ka: (magac, lab, keli) gaadiid ku socda afar walxood ama in ka badan oo ka samaysan bir iyo cinjir neef lagu afuufay kuna shaqeeyaa shidaal. Dh: gaadhi, gaari, tamaamuul.
baabuur: -ka: (magac, lab, keli) qalab jikada loo adeegsado. Dhagax si farshaxannimo loo qoray ama ka samaysan ama walax bir ah oo inta dhuxul lagu shido wax lagu dul kariyo. Distida baabuurka dul saar oo xeraadka innoo kari. Dh: birjiko, girgire, marakab, burjiko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabuur
-ka: (magac, lab, keli) barxadda ay leeyihiin goobaha dad badani wax ku bartaan, sida dugsiyada iyo wixii la mid ah oo dadka goobta oo dhan la isugu keeno intii safsaf loo joojiyo. Ardadu waxay taagan yihiin daabuurka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
palabre
palabre, n.f. - sheeko; hadal badan oo aan qiimo iyo macno aan lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadabuur
-ka: (magac, lab, keli) laboodka dadka. Dh: rag. Li: haween.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halkable
(Halkabla-ha)
1. Qofka aan maanso fiican oo badan tirin aqoone, hadba hal soo rita.
2. Gabarey-maanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halkable
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof aan gabay fiican aqoon oo hadba hal soo rida. 2. Gabarey-maanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halkable
m. n. bad poet, bad reciter of poetry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halkable
-ha: (magac, lab, keli) qof aan gabay fiican oo badan tirin karin balse kolba hal soo tuura. Dh: tixgaab, beydgaab.
halkable -ha: (magac, lab, keli) eeg gabadhey-maanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halkable
de: bad poet, bad reciter of poetry
lx: halkable
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: halkable
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalaguur
Transition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaguur
-ka: (magac, lab, keli) cudur caruurta ku dhaca oo madax weyneeya.
kalaguur-ka: (magac, lab, keli) heerka saddexaad ee qaybsanka unugga.
kalaguur -ka: (magac, lab, keli) xilli sannadka nayruusku dhammaado ka kalana soo galaayo.
kalaguur -ka: (magac, lab, keli) goor xaaladdii horana laga yimid ta soo fool lehna la gaadhin. Dh: kalawareeg.
kalaguur -ka: (magac, lab, keli) dad ku kala guura gurigii ay degganaayeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaabuuq
-a: (magac, lab, keli) dhiciska riyaha ee aan shinkiisu dhamaan. Dh: qaarbuucle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haldhurre
(Haldhurra-ha)
Goroyada teeda dheddig; booso; goroyacawl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhurre
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Haldhaa gooni daaq ah. 2. Cunug gorayo kali ku ah. 3. H. ah: miro sooc ah ama qof ama neef xoolo ah oo door ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haldhurre
m. n. female ostrich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhurre
-da: (magac, dhedig, keli) gorayada teeda dhediga ah. Dh: gorayacowl, booso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haldhurre
cf: haldhaa
de: female ostrich
lx: haldhurre
pd: (/ha)
ps: n-7m
syn: booso
key: haldhurre
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Haqabtire
name-m satisfier, appeaser, provider
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawldabre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Qof ama wax shaqo curyaamiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawldabre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Qof ama wax shaqo curyaamiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawldabre
-ha: (magac, lab, keli) wax hawl aad haysay iska kaa hortaaga ama kaa shila.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilib-ure
m.l (-rayaal, m.l/dh) Hilib ku yaal sarcanyaha iyo kilkilooyinka xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaabuud
m.dh Magacyada derejooyinka daraawiishitii Sayid Max'd Cabdulle Xasan mid ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalaabuud
-ka: (magac, lab, keli) shir sarajoog iyo tubnaan lagu galo oo aan loo fadhiisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalabbute
(Jalabbuta-ha)
1. Shir aan la fadhiyin ee la yoobsan yahay.
2. Manqax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalabbute
m.l 1. Shir aan la fadhin ee dadku yoobsanyihiin. 2. Socod raaxaysi iyo majabaxsi looga jeedo oo hadba meel la habshahabsheeyo. 3. Ciyaar socod iyo boodbood leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jalabbute
m.l 1. Shir aan la fadhin ee dadku yoobsanyihiin. 2. Socod raaxaysi iyo majabaxsi looga jeedo oo hadba meel la habshahabsheeyo. 3. Ciyaar socod iyo boodbood leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalabbute
m. n. assembly, informal meeting held standing up; amusement, diversion, joking around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalabbute
-ha: (magac, lab, keli) marka cidi farxad iyo dharag la ciyaarayso.
jalabbute-ha: (magac, lab, keli) shir aan la fadhiyin oo la yoolsan yahay oo sarajoog la tubanyahay. Dh: tubnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalabbute
cf: shir; manqax
de: assembly, informal meeting held standing up; amusement, diversion, joking around
lx: jalabbute
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: jalabbute
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
palmature
palmature, n.f. - gacmaha qofka gaar ahaana marka ay doorsoomaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashabuureed
-da: (magac, dhedig, keli) bisad duurjood ah. Dh: dinnaddibadeed, bashadibadeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haro buureed
Tarn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaale
-ha: (magac, lab, keli) shey kolba hal u qaadasho. Dh: halhalaysi, haldhable.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangagurree
(fal) eeg hangaguray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalinduurre
(Qalinduurra-ha)
Fiqidduur; kitaabgaablow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalinduurre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Nin kutubta wax yar ka yaqaan oo haddana wax ka sheegsheega oo wadaad iska dhiga; kitaabgaab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalinduurre
m. n. sorcerer, wizard, doer of witchcraft; witch doctor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalinduurre
-ha: (magac, lab, keli) wadaad kitaab gaab ah oo cilmi badan lahayn. Qalinduurre yaanu caalim kuu noqon. Dh: fiqiduurre.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalinduurre
cf: fiqidduur, kitaabgaab(low)
de: sorcerer, wizard, doer of witchcraft; witch doctor
lx: qalinduurre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qalinduurre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xalaalquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xalaalquute
m.l (-tayaal, m.l/dh) 1. Nin hanti xalaal ah ku nool. 2. Nin dhawrsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xalaalquute
-ha: (magac, lab, keli) qof xalaal inuu cuno ku dadaala oo xaaraanta iska ilaaliya. Dh: xalaalmiirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanti'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dhaqid.